Heesaa caan ah oo xabsi loogu taxaabay kadib markuu qaadey hees uu ku dhaliilayo madaxweynaha dalkiisa.

Heesaa caan ah oo xabsi loogu taxaabay kadib markuu qaadey hees uu ku dhaliilayo madaxweynaha dalkiisa.


Heesaa u dhashay dalka Zimbaabwe ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay inuu qaaday hees lagu aflalagaadeynyo madaxweyne Robert Mugabe.

Polite Zambezi, oo 39 sano jir ah ayaa waxa uu kasoo muuqday maxkamad kutaalla magaalada Mwenezi isaga oo wajahaya eedeyma laxariira heesa wax u dhimaya sharafta madaxweynaha dalkaasi.

Ninkaan ayaa lasheegay in uu heestaani qaaday 25-kii November, ee sanadkii hore sida lagu xusay war ay soo saartay maxkamada lasoo taagay.

Zambezi oo ah eedeysanaha ayaa waxa uu dafiray dhamaan waxyaabaha lagu eedeeyay isaga oo sheegay in dowladu ay ku eedeynesypo wax uusan wax ka ogeyn.

Waxa uu intaa sii raaciyay in dowladu hadii ay wax cad hesyo uu ogolyahay in danbigiisa lagu qaado, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in heesaagaani uu heesta u qaaday dad uu lasafrayay hasa yeeshee aan wax cod ah laga qaban.

waxa uu sheegay in arin siyaasadeed ay ka danbeyso xarigiisa maadaama uu kamid yahay heesaagu taagerayaasha xisbiga MDC ee mucaaradka ku ah xisbiga talada haya.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada