Daawo Sawirada Haweeneyda Ugu Naasaha Weyn Caalamka

Daawo Sawirada Haweeneyda Ugu Naasaha Weyn Caalamka




Naagta ugu naasaha weyn dunida ayaa daboolka laga qaaday ka dib markii ay ka soo muuqatay barnaamij ka baxa TV ku yaala dalka Ingiriiska.Ka soo muuqashada barnaamijka ee haweeneyda ugu naasaha weyn dunida ayaa daboolka ka qaaday dhibaatada maskaxiyan iyo muuqaal ee haysata naagtaasi.

Annie Hawkins-Turner ayaa la geliyay buuga diiwaanka dunida ee lagu magacaabo Guinness World Record iyadoo cabirka naasaheedana uu yahay 102ZZ culayskooduna yahay 51 KG.

Iyadoo ka qayb qaadaneysa barnaamijka lagu magacaabo This Morning ee ka baxa TV-ga ITV, ayaa ay Ms Hawkins-Turner sheegtay in naasaheedu koriimada bilaabeen markay jirtay sagaal sano, kuna kalifeen dhibaato maskaxeed markii ay weynaanayeen.

Waxaa kaloo ay sheegtay in ninkeedu kula taliyay in ay dunida u bandhigto dhibaatadan ka haysata naasaha isagoo markii hore ku booriyay in ay ku soo bandhigto naasaheeda mareegaha anshax xumada ee internetka taaso ay ka aqbashay.

Mr Hawkins-Turner waxaa ay intaa raacisay in ay la qabsatay culayska naasaheeda oo aysan hada dhib badan u arag.

Markasta oo aan helo dhaqtar cusub wuxuu igula taliyaa in aan qaliin galo. Waxaan lee yahay dhabar adag waligayna ima uusan xanuunin dhabarka. Waxaan qaatay dhawr farsamo oo ku sabasan sidii aan u xajin lahaa culayska oo aanan dhibaato isugu gaysan ayay u sheegtay dadweynihii ka daawanayay TV-ga.

Mararka qaar waa ay I dhibtaa marka ay dadku I weydiiyaan sidee u socotaa?รข curyaan ma ihi. Waxa kaliya ee aan lee yahay naaso waa weyn oo aan la qabsaday sidii aan u qaadi lahaa,ayaa ay raacisay.

Inta badan dumarka leh naasaha waaweyn ayaa ka cawda dhibaatooyin ay ka mid tahay raaxo la’aan, dhabar xanuun, surka oo xanuuna iyo cuncun maqaarka ah iyo waliba ragga oo mar waliba si joogta ah u dawada marka ay banaanka u baxaa,  dhar le eg oo ay ka waayaan dukaamada iyo awood daro ka haysata dhinaca jimicsiga.

Qaliinka lagu sameeyo naasaha ayaa ah kan afraad ee ka dhaca dalka Ingiriiska maadam ay dumarka dalkaasi ku mashquulaan sidii ay muuqaal ahaan isu qurxin laahyeen, sanadii 2010 waxaa dalka Ingiriiska qaliin dhinaca qurxinta jirka dumarka lagu sameeyay 4,218 dumar ah.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada