Gor gortanka Axmed Madoobe ee Maamulka Jubbooyinka iyo Sumcad-xumidda Madaxda Dowladda ka qabsatay Kismaayo.

Gor gortanka Axmed Madoobe ee Maamulka Jubbooyinka iyo Sumcad-xumidda Madaxda Dowladda ka qabsatay Kismaayo.


Hoggaamiyaha Koox-diimeedka Raas-kambooni, Sheekh Axmed Madoobe ayaa ah Shaqsiga keliya ee weli ka dhex muuqda Masraxa Madaxdii Ururkii Xisbul-islaam ee ku milmay Kooxda Alqacidada Somalia ee Alshabaab.

Sheekh Axmed Madoobe oo isagu lagu yaqaano Siyaasad Jirjiroolenimo ah ayaa waxa uu geed gaaban iyo mid sare u koray sidii uu Maqaam uga dhex baadigoobi lahaa Halgankii Dowladihii KMG iyo Ciiddamadda AMISOM iyo kuwa dalalka deriska ee ay kula jireen Kooxda Alshabaab, oo iyagu sannaddo badan gacanta ku hayey inta badan Goballadda K/galbeed ee Somalia.

Dareen Tuhun xambaarsan ayaa laga bixiyey khidada uu Ciidankiisa ugu barxay Ciiddamaddii Huwanta ee isku bahaystay Gulufkii colaadeed ee lagu qabsaday magaalladda Kismaayo iyo Deegaanadda kale ee ka tirsan Goballadda Jubbooyinka.

Madaxdii DKMG iyo Taliska Ciiddamadda AMISOM waxay ka digeen in dhibaatooyin cusub majaha lala geli doono Qabsashadda Kismaayo kadib, iyadoo ay haatan laga arko ifafaalo muujinaya inuu Axmed Madoobe shax siyaasadeed u gaar ah wato, oo uu ku maroorsanayo Awoodda Beelaha ku wada nool Jubbooyinka, kuna haybad-tirayo Awoodda Dastuuriga ee Dowladda Somalia ka saaran Maamulista Goballadda Somalia.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Axmed Madoobe taageero toosan iyo mid dadban Siyasiyiin ka tirsan Dowladaha deriska, kuwaasi oo maalgeliya Ciidankiisa Raas-koombiniyiinta iminka noqotay Ciidamada ugu tunka weyn Jubbooyinka. 

Magacaabistii Axmed Madoobe ee Maamulka KMG ee Kismaayo ka taliya ayaa waxay ku sii riixday Tijaabo-siyaasadeed iyo Loolan Awoodeed la galo Dowladda Federalka, waxayna isaga iyo Maleeshiyadiisa dhowr jeer is-hortaageen Wafuud ka socda Dowladda oo booqasho ku tegay magaalladda Kismaayo. 

Is-hortaagii ugu dambeeyey ayaa waxa la kulmay Wafdigii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka uu hoggaaminayey, kuwaasi oo shalay laga soo celiyey Madaarka Magaalada Kismaayo. 

Wafdigaasi oo ay ku jireen Siyaasiyiin, Mas'uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsanaa Taliska AMISOM ayaa waxay ujeedadoodu ahayd inay dadaal dhexdhexaadin ah ka galaan Xasaradii dagaalkii sababay dhimashads ee ka dhacday Kismaayo iyo in ay Tallooyin ka dhiibtaan Dhismaha Maamul-gobaleedka Jubbooyinka ee lagu kala qeybsan yahay.

Wafdiga Dowladda oo iyagu doonayey inay Beelaha Jubbooyinka ku casuumaan inay ka soo qeyb galaan Kulan Wada Tashi oo lagu qabanayo Muqdisho, ayeysan u suurto-gelinin inay booqashadooda ka miro-dhaliyaan. 

Wafdigu waxay weji-gabax kala kulmeen Kooxda Axmed Madoobe, oo iyagu haataan noqday Mucaaradka ugu weyn ee Dowladdu leedahay, marka laga reebo Kooxda Alshabaab.

Ma aha markii ugu horreeysay ee Hoggaamiye Axmee Madoobe ku guuleysto inuu is-hortaago Wafdi ka socda Dowladda, isla markaana uu ku khasbo inay dib uga soo huleelaan Kismaayo. 

Xeeldheerayaasha ayaa ku eedeynayo Dowladda Federalka inay sahli weyday inay Dagaalyahanada Axmed Madoobe ku biiraan Ciiddamadda Qaranka iyo in hub-ka-dhigis lagu sameeyo, waxay kaloo Dowladda ku hungowday isku-dayga ay ku doonayso inay hayinka u qabato Dhismaha Maamul-gobaleedka Jubbooyinka. 

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Goballadda Jubbooyinka ayaa humaag-geliyey Waxqabadka iyo Jiritaanka Dowladda Federalka, maadaama ay caqabaddo kala kulantay in Maamulka Dowladda lagu ballaariyo Goballadda laga xoreeyey Kooxda Alshabaab.

Odayaasha Dhaqanka ee Jubbooyinka ayaa rumeysan inay jiraan Dowladdo faragelin ku haya Maamul-u-samaynta Jubbooyinka, kuwaasi oo iyagu danaynaya inay Kooxda Raas-kambooniyiinta soo dhidbaan Maamul Gobaleed maqaar-saar ah.

Guddoomiyaha Maamulka KMG ee Kismayo, ahna Guddoomiyaha Raas-kambooni, Sheekh Axmed Islaam ayaa ka biyo diidsan Hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay inay Dowladdu mas'uul ka tahay Qorshaha Maamul-u-samaynta Goballadda Jubbooyinka iyo inay Dowladaha Urur-gobaleedka IGAD yihiin kuwa Dowladda Somalia ku taageerayo arrintaasi. 

Si kastaba ha ahaatee, Loolanka cusub ee Axmed Madoobe ee uu ku mucaaradsan yahay Dowladda Somalia ayaa u muuqda caqabad khatar badan xambaarsan oo saansaan colaado cusub ka dhex abuuri kara Ciiddamadda Dowladda iyo Maleeshiyadda Raas-kambooni iyo weliba Beelaha wada degga Jubbooyinka

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada