”Dadkii idinka horreeyey waxaa
kamid ahaa dad la ilhaamiyo, haddiina uu umaddeyda ku jiro qof (la
ilhaamiya) waa Cumar” Sidaa waxaa yiri Rasuulka Alle (SCW).
Abuu Xafsah Cumar bin Al Khaddaab, waa mid kamid ah saxaabadii
suubaneyd ee udgoon badane xabiibkeenii Muxammed SCW. Waxuu ahaa mid
kamid ah raggii Rasuulka SCW ka ag dhawaa, waa mid kamid ah tobankii
Jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunida guudkeeda saaran, iyo weliba
amiirkii ugu horeeyay ee Mu’miniinta oo idil amiir u noqdaa. Waxuu ahaa
khaliifkii labaad ee khulufaa’u Rashidiinka, iyo qofkii ugu horeeyay ee
salaadda taraawiixda jideeyo in halmeel lagu tukado, iyo qofkii ugu
horeeyay ee amray taariikhda hijriyada in la qoro.
Inaayadiisu waxay ahayd sidan: Cumar bin Al Khaddaab bin Nufeyl bin
Cabdulcuza bin Rayaax bin Cabdillaahi bin Quraddi bin Razaax bin Caddiyi
bin Kacab bin Lu’ay bin Qaalib bin Fihir (Qureysh) bin Maalik bin Nadar
Al Qurashi Al Cadawi. Waxuu ka dhashay qoomyowga Qureeshta gaar ahaan
jilibka banii Caddiyi bin Kacab oo Qureeshta u qaabilsanaa dhanka
garsoorka iyo kala xukmidda dadka is qab qabsada. Aabahii waxuu ahaa mid
kamid ahaa saadaaddii banii Cadiyi iyo odayaashii Qureeshta ugu
caansanaa, isaguna Cumar waxuu kamid ahaaa raggii ugu muuqdat ashraafta
Qureesheed, weliba kuwii ugu caansanaa ee geesinnimada lagu yaqiinay.
Hooyadii waxaa la oran jiray Xantamah bint Hishaam bin Muqiirah bin
Cabdillaahi bin Camr bin Makhzuum Al Qurashiyah Al Makhzuumiyah. Waxay
la dhalatay Abuu Jahal bin Hishaam, sidaa darteedna Abuu Jahal waxuu
Cumar u ahaa abti. Cumar reer abtiyaashii waxay ahaayeen jilibkii
Qureeshta u qaabilsanaa arrimaha dagaalka iyo hoggaamintiisa. Sidaa
darteed waxuu Cumar ka dhashay laba jilib oo kamid ah kuwii ugu cad
caddaa Qureeshta dhexdeeda oo ugu dhex muuqday. Waxuu Cumar ahaa
waqtigii jaahiliyada mid wax waliba kusoo dhacsada xoogiisa iyo karti uu
Illaah siiyey, waxuuna ahaa mid dabci adag oo aan waxbo laga duudsan
karin laguna dhici kareyn. Waxuu ahaa geesi aan gambasho aqoon oo Makka
iyo hareeraheeduba caan ka ahaa. Oo waxuuna ahaa mid aan Islaamka iyo
waqtigii Jaahiligaba aanan laga adkaan.
Cumar bin Al Khaddaab waxuu caan ku ahaa xoog iyo geesinnimo, waxuuna
u ahaa Qureeshta safiir ay u dirsan jireen arrimaha ay ku dhici
waayaan. Mathalan markii ay isku dhacaan Qureeshta iyo qola kale oo ay
ku haggaagi waayaan inay ergay u dirsadaan iyagoo ka cabsi qabo in
ergeygaasi laga dilo, bay diri jireen Cumar bin Khaddaab oo Carab idil
ay ka haybeysan jirtay.
Waxuu dhashay Cumar kadib dhacdadii Caamul Fiil (Sanadkii maroodiga)
muddo laga jooga 13 sanadood, oo ku beegan afartan (40) sano kahor
taariikhda hijriga (kuna beegan markay taariikhda miilaadigu ahayd 584).
Markii Rasuulka SCW lasoo dirayey waxuu Cumar jiray 26 ama 27 sano.
Waxuuna islaamka la colleytamayey muddo lix sanadood ah, waxuuna
Muslimay isagoo 32 ama 33 jir iyo dhowr bilood ah. Waxuu Cumar ku
dhashay magaalada Makka oo uu ku barbaaray, waxuuna kamid ahaa raggii
ugu ad adkaanta badnaa oo ka hor yimid dacwada diinta Islaamka. Waxuu
Cumar bin Al Khaddaab aad ugu dhegnaa diintii aabayaashiis oo uu
aaminsanaa inay iyadu tahay tan ugu tubta toosan ee degtay qalbigiisa,
saaqdayna luddiisa iyo laftiisa, waxuuna Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii
qiimaha badneyd u muujiyey cadaawad aad u fog markii lasoo diray, oo
waxuu caddibi jiray qaar kamid ah dadkii Mustadcafiinta ahaa ee iyagu
Islaamka goor hore galay. Waxuu Cumar si daran u ciqaabi jiray gabadh
la oran jiray Samiirah oo markii dambe xitaa indha beeshay siduu u
ciqaabi jiray darteed si ay uga noqota diintan samawiga ah ee ay
qaadatay.
Cumar bin Al Khaddaab waxuu ahaa mid kamid ah fardooleydii iyo raggii
ugu akhyaarsanaa Qureesh iyo Carabta dhexdeeda waqtigii Jaahiliga, oo
waxuu ahaa mid laga wada cabsado.
Islaamiddiisii & Mowqifkiisii Hore
Islaamiddiisii & Mowqifkiisii Hore
Xilli Muslimiintii ciriiri iyo dulmi lagu hayo, oo xaaladdu ay
darantahay ayuu Illaahay nuur usoo saaray Muslimiintii oo waxaa Islaamay
Cumar bin Khadaab. Rasuulka SCW ayaana taa Rabbigiis ka baryey.
Cabdullaahi ibnu Mascuud waxaa laga soo weriyey inuu Rasuulka SCW yiri:
Alloow Islaamka ku adkeey labo nin midkood, Cumar bin Khaddaab ama Abuu
Jahal. Ducadaasi iyada ahina Alle waa uu aqbalay oo waxuu ku sharfay
Cumar bin Khaddaab kadib markii uu muddo 6 sanadood la colleytamayey
Islaamka iyo ehelkiisa, waxuuna taa ka hor Cumar taagnaa mowqifka
abtigiis Abuu jahal, oo maysan jirin cid is lahayd ama ku fakereysay
Cumar wuu Islaami doonaa, laakiin cidduu Alle hanuuniya cidi hor istaagi
kari meyso, iyada ayunbaana noqon ta hanuunsan, oo Alle wax waliba
isagu wuu awoodaa waana qaadir fal san.
Cumar bin Al Khaddaab waxuu ahaa mid qalbigiisu adag yahay, oo
dabeecad kulul iyo awood badanna leh, Muslimiintuna in badan bay
dhibaatooyin kala kulmi jireen. Waxuu Cumar ku fekeri jiray arrimo is
khilaafsan oo mar waxaa ku weyneed diintii aabayaashiis, marna
hawadiisii iyo macmaansigii nolasha dhalin yarannimada ee uu markaa dhex
dabaalanayey, waxuuna ahaa nin cabbo khamriga, jecelna cayaaraha iwm
ee ay markaasi bulshadii jaahiliga ku dhex jirtay, dhanka kalena waxuu
la yaabayey oo fajaciso ku ahayd ad adkaanta Muslimiinta iyo siday ugu
dul qaadanayaan dhib waliba oo ku yimaado oo aysan marna uga laabaten
nuurka iimaanka ee qalbiyadooda degay. Tanina waxay ku reebtay qalbigii
Cumar raad lama illaawaan ah.
Iyadooy sidaa tahay haddana Cumar waxuu ka fuqi waayey mowqifkii uu
abtigiis Abuu Jahal mataanka kala ahaa ee ahaa sanam caabudka iyo la
dagaallanka Islaamka. In badan kama soo wareegin markay qaar kamid ah
Muslimiintii u alaab xir xirteen inay dhulka Alle u qaxaan oo meel ay
dagaan oo Rabbigooda ku caabbudaan ka raadsadaan, kadib markii lagu
jarribay baladkoodii oo ay sokeeyahoodii iyo xulufadoodii saareen,
Cumarna waxuu kamid ahaa dadkii usababta ahaa qaxaasi iyo qaharkaas ku
yimid Muslimiinta ee ay u hijroodeen dhul aysan aqoon dadkiisa,
dabcigiisa iyo nolashiisa, dhankaa iyo dhulka Xabashida.
Umu Cabdillaahi Leyla bint Abii Xathmata iyo Seygeeda Caamir bin
Rabiica waxay xufulo la ahaayeen reer banii Cadiyi bin Kacab gaar
ahaanna qoyska reer Khaddaab bin Nufeyl Al Cadawi ee uu ka dhashay Cumar
bin Khaddaab. Waxay kamid ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee islaamay,
waxayna Cumar kala kulmi jireen ad adkaan iyo kadeed badan iyo ciqaab si
uu uga hor istaago diinta Islaamka. Maalin maalmaha kamid ayuu Cumar
jidka kula kulmay Umu Cabdillaahi bint Abii Xathmah iyagoo u haajirayo
dhulka Xabashida waqtigii hijradii Abasiinya. Markaa buu Cumar su’aalay
Umu Cabdillaahi halka ay u socdaan goor uu ninkeedii Caamir bin Rabiica
uu howla gaar ahaa ugu maqnaa, waxayna ku tiri:” Dhulka Illaahay ayaanu
meel ka raadsaneynaa, waad na dhibteen oo aad na jarribteen”.. Markaasuu
Cumar si murugo leh u eegay oo sagootiyey oo iskaaga laabtay. Markii uu
Caamir yimid ayay Leyla u sheegtay arrintii dhex martay iyada iyo
Cumar, oo misna waxay usheegtay dabacsanaantiisii iyo hadalkiisii
dhimrisanaa ee aysan horey uga baran ee ay maanta ka aragtay kana
maqashay, iyo weliba inuu aad uga murugeysnaa bixiddooda. Markaa buu
Caamir su’aalay xaaskiisii Umu Cabdillaahi Leyla bint Abii Xathmata:” Ma
waxaad damacsantahay inuu Cumar Islaamo? Markaasay tiri:” Haah!
Markaasuu yiri:” Islaami mahayo, kii (Cumarkii) aan arkay, jeer ay
Islaamaan dameeraha Khaddaab. Halkan waxaanu ka fahameynaa in aysan
jirin cid ku fakereysay inuu Cumar islaamo ad adkaantii looga bartay iyo
la colleytankii uu diinta Islaamka la colleytamayey darteed.
Habeen habeennada kamid ah ayuu Cumar kudhaxay meel aan aqalkiisu
ahayn (golo ay ku sheekeysan jireen oo ay lahaayeen reer abtiyaashiis
banii Makhzuum), dabeetana waxuu yimid kacbaddii goor mugdi ah, durtaba
waxuu arkay Nebiga SCW oo salaad u taagan, markaasuu daaha ku dhakaday
oo damcay bal inuu dhageysto waxa uu Rasuulka SCW akhrinayo. Wuxuu
markaasi Nebigu SCW akhrinayey suuradda Al Xaaqah Saa Cumar wuxuu is
yiri:- Malaha kani waa sidii ay Qureeshtu sheegeysay oo waa gabyaa?
Faadimah bint Khaddaab iyo seygeeda Saciid ibnu Zeyd, waxay Islaameen
caaraddii hore ee Islaamku, waxayna Islaannimadooda ka qarinayeen Cumar
si uusan ciqaab xanuun badan u marsiinin, sidaa si lamid ahna waxaa
Islaamay Nucaym bin Cabdillaahi Al Cadawi (Al Naxaam) oo kamid ahaa rag
karmeedyadii Qureeshta gaar ahaan banii Cadiyi, isaguna Islaamiiisu waa
uu ka qarinjiray Cumar, .
Ad adkaantii Cumar waxay gaartay heer uu maalintii dambe seefta u
siibta inuu soo dilo Rasuulkii Alle SCW, dabeeta waxaa la kulmay Nucaym
bin Cabdillaahi oo weydiiyey halka uu kusocdo? Waxuuna ku jawaabay:”
Waxaan doonayaa inaan soo dilo Muxammed (SCW), kan kala geeyay arrinkii
Qureeshta oo duray ra’ yigoodii, oo wax ka sheegay diintayadii ee caayay
Ilaahyadannada”.
Waxuu yiri:” Haddaba sideed uga nabad heli doontaa banii Haashim iyo
banii Zuhrah (Waa labada reer ee uu Nebigu SCW kadhashay), haddii aad
disho Muxammed? Markaasuu Cumar yiri:” Malaha adiguna sidaan kaa arko
diintaadii ayaad ka baxday? Waxuu yiri:” Ma ku tusiyaa Cumaroow! arrin
taa ka daran? Walaashaa Faadimah iyo seedigaa Saciid way ka baxeen
diinta aad adigu haysatid”.
Markaa buu Cumar xaggoodii aaday si bal uu marka hore iyagu meel u
saaro oo wax uga qabto, waxaana markaa qoyskaasi la joogay Khabaab bin
Arat oo Quraanka bari jirey, markay maqleen shanqadha Cumar ayuu Khabaab
dhuuntay. Faadimana waxay qarisay warqaddii Quraanka ku qornaa,
markaasuu yiri:” Waa maxay gunu’gunida aan maqlayey? Markaa bay ku
yiraahdeen: Waxbo ma jiro”. Markaasuu yiri:” Haaheey! waan maqlay inaad
diinta Muxammed raacdeen, dabeetana seedigii Saciid ayuu ka dul dhacay
oo si daran ugu istaagay. Faadimah ayaa damacday inay ka qabato iyadoo
qaylineyso, saa iyadiina waa uu kala tuuray oo dakhar buu gaarsiiyey.
Markaasay iyadoo careysan oo dhiiguna madaxeedu ka da’ayo tiri:” Waxaan
qirayaa Inuusan jirin Alle la caabbudo oo aan Allaah ka ahayn Muxammedna
SCW uu yahay Rasuulkii Alle. Markaa buu Cumar u diir naxay walaashii
markii uu arkay dhiigga ka hoorayo madaxeeda oo ka kacay seedigii,
dabeetana waxuu weydiiyey inay u dhiibto waxii ay akhrinayeen bal si uu u
eego, hase ahaatee waxay walaashii ku tiri:” Adigu waxaad tahay fadaro
najaas ah, mana taabato Quraankan cidaan daahir ahayn ee kacoo soo
maydho, markaasuu kacay oo soo mayrtay, dabeetana warqaddii ayuu ka
qaaday oo inta kala bixiyey akhriyey waxii ku qornaa. Cumar waxuu ahaa
mid wax qora waxna akhriya, taas ayaa ka haqab tirtay in loo akhriyo,
isagii ayaana akhristay, waxaana ku qornaa awaa’ilka suuradda Daha,
waxuuna akhriyey Suuraddii illaa uu ka gaaray aayaddan: Anigu waxaan
ahay Allaah, Illaah kalena majiro, oo aan anigu ka ahayn ee i caabbudo
aniga oo kaliya, salaadduna u ooga xusiddeyda.
Markaasuu yiri:” Oo maxaa ka wanaag badan oo ka sharaf badan
hadalkan? Bal Muxammed itusiya. Dabeeto Khabaab oo dacal aqalka kamid ah
isku qarinayey ayaa soo booday oo banaanka yimid, waxuuna yiri:” Abshir
Cumaroow! waxaan ku rajo weynahay inuu Allaah aqbalay ducadii
Rasuulkiisa SCW, waxaan maqlay isagoo oranaya:” Alloow! diinta ku adkeey
Cumar bin Khaddaab ama Abuu jahal. Kadib Cumar waxuu soo aaday dhankii
daarta Arqam bin Abul Arqam oo ay usoo tilmaameen inuu Rasuulka SCW
jooga, si uu ula kulmo. Saxaabadii qaar kamid ah ayaa ka arkay doc yar
isagoo seeftiisa sito oo usoo socda dhanka daarta, markaasay Rasuulka
SCW usheegeen, waxaana daarta joogay rag ay kamid ahaayeen Xamzah oo
isagu maalintaa ka hor saddex casho soo islaamay, Cali bin Abii Dhaalib,
Abuu Bakar Sidiiq iyo rag kaloo kamid ah kuwii aysan usuuroobin inay u
qaxaaan dhulka xabashida, Xamzah ayaa yiri markaa:” Bal ka leexdo oo
albaabka ka furo, haddii uu wanaag rabo waanu siineynaaye, hadduuse shar
u yimidna seeftiisaanu ku dili doonnaa”. Cumar waxuu soo hor
fadhiistay Rasuulka SCW , markasuu Nebiguna SCW weydiiyey waxa xilligan
keenay, markaasuu yiri :” Waxaa i keenay inaan Alle iyo Rasuulkiisa iyo
waxa uu xagga Rabbigiis ka keenay rumeeyo, waxaana qirayaa inuusan Alle
kale jirin illaah mooyaan, adiguna aad tahay Rasuulkii Alle, sidaa buuna
u islaamay. Cumar markuu islaamay Ilaahay wuxuu Muslimiintii siiyey
Cissi iyo xoog, xaaladdii Makkana way is baddeshay. Cumar isla markiiba
wuxuu qaadey tallaabooyin, wuxuu yiri:” Waxaan is weydiiyey ninka dadka
ugu necbaan og Islaamka markaasaan xasuustay inuu Abuu jahal yahay, saan
gurigiisii ugu tegey oo aan irrida ku garaacay, markasuu iga furay oo i
soo dhoweeyey iguna yiri ” Maxaa dan oo aad u timid? waxaan ku iri:”
Waxaan kuugu imid inaan ku ogeysiiyo inaan islaamay oo aan rumeeyey Alle
iyo Rasuulkiisa SCW, waxii aan haysan jirneyna oo sanam caabbud ahaana
aan beeniyey” Abaa jahal intuu aad u argagaxay buu yiri “waxaad la timid
baa baas lahaaday”. Oo gurigii ayuu dalaq yiri oo ku cararay.
Dhanka kale waxuu yiri ” Waxaan is weydiiyey yaa ugu warqaad badan
reer Makka oo dadka oo dhan hadalka gaarsiin kara? Saa waxaan xasuustay
inuu yahay Suneym ibnu Camar al- Jumuxi, markaas baan u tegay oo ku
iri:” Waan islaamay”. Suu qeyliyey isagoo oranaya:” Cumar bin Khadaab
waa iishay”. Cumar-na wuu ka daba hadlayey isagoo leh:- Ma iilan ee
waan Islaamay. Waxaa kale oo Cumar uu sameeyey markuu Islaamay ayuu
Rasuulka SCW ku yiri:” Rasuulkii allow! sow inagu xaq kuma taagnin?
Haddaba aynu baxna oo dhammaanteen aan kacbada ku soo tukanno”.
Rasuulkuna SCW inkastoo uu u ogaa in Muslimiintu ay yaryahiin hadana
kama uusan diidin Cumar in ay Kacbadda kusoo tukadaan, waayo waxuu ogaa
Rasuulku SCW in Islaamku iyo Muslimiintuba ay gunnimo ka baxeen mar
haddii uu Islaamay Cumar ibnu Khadaab, oo sidaa darteed wuu ka yeelay
hintisihiisii. Markaa baa waxaa soo baxay asxaabtii oo laba saf ah, oo
safi Cumar ku jiro safka kalena uu Xamsa kujiro. Qureysh talo ayaa ku
caddaatay waxayna ka caroodeen waxyaalaha uu Cumar sameeyey, waxay
markaa ku tashadeen ineyba dilaan hase yeeshee waxaa arrintaa is hor
taagay Al Caas bin Waa’il As Sahmi oo magan geliyey, waxayna ahaayeen
xulufo isaga iyo reer Khaddaab. Markii ay Qureeshti damacday inay
dilaan Cumar buu isaguna intuu Cutbah bin Rabiica qabtay hoosta gishtay
oo jukeeyay, waxuu yiri :” Dayn maayo jeer aad ideysaan”.
Markii uu Cumar Islaamay dadkii sartaa kujiray oo idil baa farxad
darteed mar qura la wada takbiirsaday takbiir laga maqlay Kacbada
(Allaahu Akbar),
Rasuulku SCW aad ayuu ugu farxay Islaamiddii Cumar.
Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxuu yiri:” Kacbadda agteeda horey ugumaan tukan illaa uu Cumar Islaamay”.
Suheib bin Sinaan waxuu yiri:” Markuu Cumar Islaamay diintii Islaamku
way adkaatay oo si cad baa loo faafiyey, oo kacbadda agteedaanu
fadhiisannay, oo ku dawaafnay, ciddii wax na yeeshana aan iska dhicinnay
oo aan ka aargudannay.
Maalintaa iyada ahi ee uu Cumar Islaamay, Muslimiintiina uu u sababay
inay galaan Kacbadda oo ku tukadaan, ayaa loo baxshay Al Faaruuq ( Kii
xaqa iyo baadilka kala geeyay ). Sowda bint Samcah waxay jirtay dhulka
Xabashida oo ay u hijrootay, markay maqashay Islaamidda Cumar ayay timid
magaallada Makka.
Cumar markii uu Muslimay waxuu Islaamkii Alle u siyaadiyey cizi iyo
quwad oo, ducfigii iyo gunnimadii ayuu ka saaray, markaa ayayna
Qureeshtu garowsadeen inay diintani sare mari doonta oo ay awood buuxda
yeelan doonta.. Cumar waxuu ku sugnaa magaalada Makka tan waqtigii
Hijriyada, waxuuna ahaa nin laga wada cabsado, oo Islaamkuna tiir adag u
ahaa, cid ku dhici jirtay ama haweeysan jirtay oo wax ka sheegi
kartayna ma aysan jirin, intaa dabadeedna waxuu u hijrooday magaaladii
Madiina, isagoo safarkiisii hijrada kula rafiiqay Cayaash bin Abii
Rabiica iyo Hishaam bin Al Caas. Hishaam isagu waalaga war helay oo
waala xabbisay. Cumar iyo Cayaashna waa ay is raaceen, hase ahaatee
Cayaash isaguna waala soo celiyey kadib markay qayaameen Abuu Jahal iyo
Al Xaarith bin Hishaam oo hadal been ah usheegay inay hooyadii nidar ku
gashay ineysan timaha shanlaysan oo aysan qorraxda ka harsan jeer ay
aragto.
Al Muhiim: Taasi waa qiso dheer uu u baahan in laga akhristo kutubta
siirada Nebiga SCW, Cumarna isagu waa uu hijrooday, Cayaashna waa la
celiyey . Markiina uu tegay Cumar magaaladii Madiina waxuu Rasuulka SCW
la walaaleeyay Citbaan bin Maalik.
Qaar Kamid Ah Fadliga Cumar
Cumar bin Khaddaab waxuu lahaa fadli aad u tiro badan, oo aan runtii
lasoo koobi karin, waxuuna ahaa saxaabiga labaad ee ku xigay Abuu Bakar
Sidiiq Allaha ka raalli noqdee, Cumar bin Khadaab, waxaan ku xasuusannaa
inuu ahaa mid kamid ah 10-kii jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunidan
guudkeeda saaran, Alla maxaa ka nasiib badan qof isagoo dunida saaran
loogu bishaareeyay oo lagu yiri Janno ayaad galeysaa? May wallaahi ma
jirto fadli ka weyn iyo bishaaro ka qiimo badan.
Waxuu Cumar ahaa mid kamid ah saxaabadii waa weyneed iyo culimadii
caabidiinta ahayd ee ka saahidday dunida iyo dhaldhalaalkeeda kuna
beddashay raalli ahaanshaha Allaah Sarreeye. Waxuu ku lahaa mawaaqif
dhowr ah kitaabka Allaah SW, iyo ra’yi kasoo fulay Cumar oo Alle ku
caddeeyay Quraanka, waana halka uu imaam Cali ka leeyahay:” Waxaanu u
arkay Quraanka inay kujiraan kalmado kamid ah kalmada Cumar (kasoo
fulay) ama ra’yi kamid ah ra’yigii Cumar”.Waana sida uu Cabdullaahi ibnu
Cumar ka yiri:” Ma kusoo degin dadka arrin ay si uyiraahdeen, oo
Cumarna si kale u yiri, illaa Alle waxuu soo dajiyey Quraan uu ku
waafaqaya maqaallada Cumar ibnu Khaddaab. Taasina waxaa marag ma doonta u
ah, dhacdadii Bader markay dhacday waata keentay in maxaabiis badan oo
Qureeshta kamid ah lasoo qafaashay, oo dabadeedna raggii saxaabada ay
shir u fadhiisteen, shirkaasoo uu guddoominayey Rasuulka SCW, nin
walibana sidii laga yeeli lahaa maxaabiistaas ayuu sheegay oo siduu
ra’yi ahaan u arkayay ayuu ka dhawaajiyey. Maalintaa iyada ahi Abuu
Bakar waxuu soo jeediyey in madax furasho laga qaato oo la iska sii
daayo, Cumarna waxuu ra’yi ahaan soo jeediyey in qof waliba xigtadiisa
loo dhiibo oo uu kurka ka jaro, waxuuna dalbaday mid isaga tolkiisa ahaa
oo ku jiray maxaabiista in gacanta loosoo geliyo oo uu unuunka u
dheereeyo, Calina loo dhiibo walaalkiis Caqiil, Xamzana loo dhiibo
walaalkiis Al Cabbaas, waxuuna soo jeediyey in ninba ninka xigo uu kurka
kajaro si aysan meeshu dakano u soo galin, oo Allena u ogaado buu yiri:
inaysan wax gacaltooya innaga iyo kuwaasi na dhex oolin. Haddaba
Rasuulku SCW waxuu doorbiday ra’yigii Abuu oo isagii ayuu dadkii ku
xukmiyey. Isla habeenkaasina waxuu Alle toddobada samo dushooda kasoo
dejiyey aayado u muuqday canaan iyo inay yahiin kuwa sabab u noqon lahaa
inay ciqaab iyo carro Alle soo degto, haddaysan jiri lahayd qowl horey
Rabbi uga dhacay oo ahaa : Intaa kadib u falo axsaan ama ka qaato madax
furasho.
(Suuratu Muxammed aayadda 4aad). Aayadii kusoo dagay shirkaas
isaga ah ee Cumar ra’yigiisa ayidayey waxay ahaayeen kuwan:
” Ma habbooneyn in ay Nebi u ahaato maxaabiis illaa uu kaga jilciyo
dhulka, waxaad (idinku) doonaneysaan bilicda (dhaldhallaalka) adduunka
oo Allane waxuu dooni aakhiro, Allana waa adkaade fal suubban. Haddii
uusan jiri lahayn qoraal horeeyay oo xag Alle ka ahaaday, waxaa idin
qaban lahaa waxaad qaadateen (oo madax furasho ah) darteed cadaab
daran”. Suuratul-Anfaal aayadda 46aad illaa 47aad.
Qoraalka aayaddani lagu xusay ee aan horey u xusnay isagu waxuu
caddeynayaa inay banaantahay madax furashada oo aad sii dayn karto
maxbuuska intaad madax furasho ka qaadato, laakiin sida kamuuqato
aayadda waa in ay habbooneyd in la edbiyo gaalada oo aan laga qaadan wax
madax furasho ah , waxayna ayideysaa qowlkii iyo ra’yigii Cumar.
Ad- adkaantii uu diinta Islaamka Cumar ku ad adkaa heer waxay gaadhay
inuu maalintii Bader markuu arkay Suhayl bin Camr oo ku jiro
maxaabiista oo afhayeenna u ahaa Qureeshata ayuu yiri:” Rasuulkii
Alloow! dhoolasha ka siib hasoo dhaco carrabkuye si uusan mar dambe
khudbo kaasoo hor jeeddo meel uga soo jeedinin. Rasuulku SCW waxuu u
tilmaamay inuu iska daayo, waxuuna u sheegay in laga yaabo in Suheyl uu
maalin uun ka istaago meel la mahadsho Islaamka, oo taasina way dhacday
markii uu Rasuulka SCW geeriyooday oo ay reer Makka damceen inay
riddoobaan ayuu Suheyl u khudbeeyay oo ku yiri:” Ma adinkoo dadka ugu
Islaannimo dambeeyay baad iminka uga hor baxaysaan? Islaamkii ayayna ku
sugnaadeen.
Abuu Hureerah waxuu yiri:” Rasuulka SCW waxuu yiri:” Ummadihii idinka
horeeyay waxaa ku jiri jiray qof la ilhaamiyo, oo wax loo sheego (aanan
Nebina ahayn) haddii uu ummadeydan ku jirana waa Cumar.
Abuu Dar Al Qafaari waxaa laga soo weriyey inuu yiri:” Waxaan maqlay
Rasuulka Alle SCW oo leh: Alle waxuu xaqu yeelay carrabka Cumar. Abuu
Hureerana waxuu yiri:” Rasuulkii Alle SCW waxuu yiri:” Alle waxuu xaqu
yeelay carrabka iyo qalbiga Cumar”.
Cabdullahi ibnu Mascuud waxuu yiri:” Cizzi kamaanan suulin taniyo markuu Islaamay Cumar.
Ibnu Isxaaq waxuu Ibrahiim bin Muhaajir kasoo weriyey isaguna uu
Mujaahid kasoo weriyey inuu yiri:” Haddii uu Cumar ra’yi keeno, Quraan
baa soo degi jirey”.
Ibnu Mascuud waxuu yiri:” Islaannimadii Cumar waxay ahayd guul iyo
nasri, imaaradiisina yacni xukunkiisii waxuu ahaa dhul furasho”.
Mucaad bin Jabal waxuu yiri:” Cumar waxuu geli jannada, oo Rasuulka
Alle SCW waxuu yiri:” Goor aan Jannadu dhex joogo ayaan arkay daar ku
dhex taallo, markaasan ku iri:” Oo yaa leh daartaan? Saa la igu yiri:”
Cumar”.
Sidaa si lamid ahina waxaa soo weriyey Anas oo yiri:” Nebigu SCW
waxuu yiri:” Jannada ayaan dhex galay, markaasaa waxaan is arkay anigoo
ku sugan qasri dahab ka sameysan, saa waxaan iri:” Oo yaa iska leh?
Markaasaa la igu yiri:” Waxaa leh Shaab (yacni nin dhalinyaro ah) oo
Qureesheed ah’, markaasaan aniga isku maleeyay, markaasan ku iri:” Oo
waayo? Markaasay igu yiraahdeen:” Waa Cumar”.
Abaa Hureerana waxaa laga soo weriyey oo uu isaguna kasoo weriyey in
Nebigu SCW yiri:” Jannada ayaan dhex galay, markaasaan kula kulmay qasri
dahab ah, oo i cajab geliyey quruxdiisa, markaasaan su’aalay:” Oo yaa
iska leh? Markaasaa laygu yiri:” Cumar”. Iima aysan diidin inaan galo,
ogaanshaha aan ogaa maseyrkaada mooyaan Abaa Xafsoow!. Markaasuu Cumar
ooyey oo yiri:” Ma adigaan kaa maseyri Rasuulkii Alloow? Sidaa si lamid
ahina waxaa soo weriyey Jaabir. Werin kalena waxaa ku sugneed in daarta
ama qasrigu ay ag joogeen labo dumar ah, oo markay Rasuulka SCW u
sheegeen in uu Cumar gurigaasi leeyahay uu ka tegay ogaansho uu ogaa
maseyrka Cumar darteed, markaasuu Cumar ooyey oo yiri:” Ma adigaan kaa
maseyri Rasuulkii Alloow?
Cabdullaahi ibnu Bureydah waxuu aabahiis ka soo weriyey inuu Rasuulku
SCW yiri:” Waxaan xisaaban inuu sheydaanku ka leexdo Cumar”.
Muxammed ibnu Sacad waxuu aabahiis kasoo weriyey inuu Rasuulka Alle
SCW yiri:” Illaah baan ku dhaartaye waddo maad martid, illaa sheydaanku
waxuu maraa waddo kale (Wuxuu la hadlayey Cumar)”.
Cumar ayaa Rasuulka SCW idin weydiistay inuu usoo galo, goor ay dumar
Qureesheed agjoogeen oo ay codkooduna sare ugu qaadayeen Rasuulka SCW.
Markii ay maqleen idin dalbashada Cumar ayay wada aamuseen oo ay is wada
qariyeen. Markii uu Cumar soo galay ayuu arkay Rasuulka SCW oo
qoslahayo, markaasuu Cumar yiri:” Dhooshaadu Allaaha ka qosliyo
Rasuulkii Alloow!. Markaasuu Nebigu SCW yiri:” Waxaan la yaabay dumarka
kan ee markay codkaadu maqleen xijaabka kuwada orday”. Waxuu yiri
Cumar:” Adigaa mudan Rasuulkii Alloow! inay iga kaa haybeystaan.
Markaasuu dhankoodii u jeestay oo uu ku yiri:” Kuwii nafahooda cadawga u
ahaayoow, ma anigaad iga haybaysaneysaan oo Rasuulkii Allana ma
haybeysaneysaan? Markaasay yiraahdeen:” Haah! maxaa yeelay adigu waad ka
ad adagtahay oo aad ka qallafsantahay Rasuulka Alle SCW”. Markaasuu
Nebigu SCW yiri :” Ina Khaddaaboow! Sheydaan kugulama kulmo jid illaa
waxuu qaaddaa dhabo kale oo aan taada ahayn”.
Rasuulka SCW waxuu yiri:” Waxaan leeyahay labo waziir oo samada ah
iyo labo waziir oo dhulka ah. Labada samada ahi waa Jabriil iyo
Miikaa’iil, labada dhulka ahina waa Abuu Bakar iyo Cumar”.
Waxaanu horey usoo xusnay qisadii Abuu Bakar markaynu ka hadleynay
xadiiskii beerta ee uu Abuu Muusal Ashcariyu soo werinayey, kaasoo uu
Rasuulka SCW janno ugu bishaareynayey raggii u yimid oo uu ku jiray
Cumar, markuu lahaa ka fur uguna bishaaree Janno”.
Cumar Ibnu Khaddaab waxuu ahaa shaqsi aan fadligiisa lasoo koobi
karin , waxii uu Rasuulka SCW ka yiri iyo waxii ay saxaabada iyo
a’immada saalixiintu ka yiraahdeen, waana runtii mid aad u badan oo aynu
soo koobi kareyn. Waxaana xusid mudan in waqtigiisii la furtay dhul
aad ubadan, uuna noqday khaliifkii ugu fatuuxaadka badnaa Khulafaa’u
Raashidiinka, sadarrada dambe ayaanna ku falaqeyn doonnaa hadduu Alle
Sarreeyo idmo intaa ayaana uga baxayna fadligii Cumar.
Dumarkiisii & Carruurtiisii
Cumar waxuu dhalay Cabdullaahi, Xafsah iyo Cabdiraxmaan, waxaana u
dhashay Zeynabah bint Madcuun bin Xabiib bin Wahab bin Xudaaf bin Jumux
Al Qurashiyah Al Jumuxiyah. Waxaa carruurtiisaasi abtiyaal u ahaa
saxaabada kala ah Cuthman bin Madcuun, Qudaamah bin Madcuun iyo
Cabdillaahi ibnu Madcuun.
Waxuu kaloo dhalay Zeyd Al Akbar iyo Ruqayah, waxaana u dhashay Umu
Kalthuum bint Cali ibnu Abii Dhaalib, waxaana Zeyd iyo Ruqayah ayeeyo u
ahayd Fadimah az-Zahraa bint Xabiibullaah Muxammed SCW.
Waxuu kaloo dhalay Zeyd Al Asqar iyo Cubeydullaah (Cubeydullaah waxaa
lagu diley dagaalkii Safiin asagoo la safan dhanka Mucaawiyah) Waxaa
labadi udhashay Umu Kalthuum bint Jarwal bin Maalik bin Al Musayd bin
Rabiicah bin Al Asram bin Dhubeys bin Xaraam bin Xabshiyah bin Salool
bin Kacab bin Camr oo ka dhalatay Khuzaaciyiinta. Markii uu Islaamka
yimid ayuu furay Cumar Umu Kalthuum bint Jarwal oo Islaamka ayaa kala
geeyay.
Misna waxaa kaloo uu dhalay, Caasim oo ay udhashay Jamiilah bint
Thaabit bin Abii Aqlac (Magaca Aqlac-na ama waxaa kaloo lagu sheegaa
Aflax- ee waa Qays) bin Cismata bin Maalik bin Ammah ibnu Dhubeycah bin
Zeyd, oo kasoo jeeddo Ansaarta reer Madiina gaar ahaan Aws.
Waxaa kaloo uu dhalay Cabduraxmaan Al Awsadh oo ku caan ahaa Abul Mujbar, waxaana u dhashay Luheycah oo Umu Walad ah.
Waxaa kaloo uu dhalay Cabduraxmaan Al Asqar, waxaana udhashay haweeney Umu Walad ah.
Waxuu kaloo dhalay Faadimah oo ay udhashay, Umu Xakiim bint Al
Xaarith bin Hishaam bin Muqiirah, waxaa Umu Xakiim dhalay Cumar
abtigiis.
Waxuu kaloo dhalay Zeynaba oo carruurtiisa ugu yar, waxaana udhashay Fukeyha oo Umu walad ahayd.
Waxuu kaloo dhalay Cayaad oo ay udhashay, Caatikah bint Zeyd bin Camr
ibnu Nufeyl Al Cadawiyah. Waxay Caatikah la dhalatay Saciid ibnu Camr
bin Nufeyl oo kamid ahaa tobankii Jannada loogu bishaareeyay.
Qaabkuu dumarka u guursaday waxay ahayd sidan:
Cumar wuxuu guursaday Islaamka ka hor Qureybah bint Abii Umayah oo
dhanka aabaha walaal kala ahayd hooyadii Mu’miniinta ee Umu Salamah bint
Abii Umayah. Wuxuu Cumar uga soo tegay magaalada Makka markii uu
haajirayey, waxayna sababtu ahayd iyadoo ku baaqi noqotay diintii
tolkeeda ee sanam caabbudka ahayd, markiina uu Alle soo dajiyey
aayadahii uu ku xarrimayey calaaqaadka Muslimiinta iyo kufaarta, kadib
heshiiskii Xudeybiyah ayuu Cumar furay, waxaana markaa guursaday
Mucaawiyah ibnu Abii Sufyaan oo isagu markaa lamid ahaa iyada oo mushrik
ahaa. Kadib waxay Islaamtay furashadii Makka waxaana guursaday
Cabdiraxmaan bin Abii Bakar kadib markuu furay Mucaawiyah, waxayna
udhashay Cabdullaahi, Umu Xakiim iyo Xafsah. Cumar-na waxbo uma aysan
dhalin.
Waxuu misna guursaday Umu Kaltuum, Culimadu qaarkoodna waxay sheegaan
in magaceeda saxda ahi uu ahaa Muleykah bint Jarwal Al Khuzaaciyah,
waxuu guursaday waqtigii Jaahiliyada, waxuuna furay Xudeybiyah kadib
iyadoo gaalo ah, waxaana guursaday markii uu furay Abii Jaham bin
Xudeyfah oo qowmkeeda ka mid ah, oo markaa iyadoo kale ahaa mushrik.
Waxuu misna guursaday Zeynabah bint Madcuun Al Jumuxiyah, waxay ahayd
afadii saddexaad ee Cumar, waxuu ku guursaday magaallada Makka waqtigii
Jaahiliga. Markii lasoo diray Rasuulkuna SCW waa ay rumeysay oo ay la
Islaamtay zowjkeeda Cumar, waxayna u hijrootay magaalladii Madiina ayada
iyo carruurteeda, waxay Zeynaba bint Madcuun ahayd sodahdii Rasuulka
SCW illeen waxuu Nebigu SCW qabay gabadheeda Xafsa.
Kadib waxuu guursaday sanadkii 7aad ee hijriyada Jamiilah bint
Thaabit oo u dhashay Caasim, kadibna wuu furay waxaana guursaday Zeyd
bin Xaarith oo ay udhashay Cabduraxmaan bin Zeyd.
Kadib waxuu guursaday Caatikah bint Zeyd, waxay ahayd mid qurux iyo
akhlaaq ku sifoowday, waxuu guursaday sanadkii 12aad ee hijriyada.
Kadib waxuu guursaday dumarkii aynu soo xusnay. Waxuuna dhalay dhowr
carruur ah oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho, wiilashiisu waxay kala
ahaayeen: C/llaahi, Cabdiraxmaan Al Akbar, Cabdiraxmaan Al Awsadh,
Cabdiraxmaan Al Asqar, Zeyd Al Akbar, Zeyd Al Asqar, Cubeydullaah,
Caasim iyo Cayaad. Gabdhahiisuna waxay kala ahaayeen Xafsah, Faadimah
Ruqayah iyo Zeynaba.
Nolashiisii Madiina
Cumar bin Al Khaddaab markii la yimid Madiina, waxuu laasimay la
joogidda iyo ka ag dhawaanshaha Rasuulka SCW. Waxuu kala qeyb qaatay
duullaamadii uu qaaday oo idil, Bader, Uxud, Khandaq, iwm. Waxuu sidoo
kale hoggaamiyey qaar kamid ah wardoonno ama sirriyaad. Maalinti Bader
waxuu dilay abtigiis Al Caas bin Hishaam. Maalintii Uxud waxuu kamid
ahaa raggii ugu horeeyay ee durbo soo laabtay kadib markay Muslimiintii
jabeen, waxuuna kamid ahaa raggii difaacayey Rasuulka SCW. Waxaynu
xasuusannaa inuu ahaa Cumar ninkii ujawaabayey maalintaa (Uxud) Abuu
Sufyaan, markii uu lahaa:” Muxammed ma idinku jiraa?, (Looma jawaabin),
Ina Abii Quxaafah (yacnii Abuu Bakar) ma idinku jiraa? Cumar ibnu
Khaddaab ma idinku jiraa? Markii loo jawaabi waayey ayuu yiri:” Waala
idinka kaafiyey kuwas. Xaqiiqdii Abuu Sufyaan waxuu ogaa inay saddexduba
(Rasuulka SCW , Abuu Bakar iyo Cumar) ay ahaayeen horwadeennadii
Islaamka, waxuuna yaqiinsanaa inay taasi hadday dhacdo oo saddexdooduba
la dili lahaa ay jab weyn ku noqon lahayd Islaamka iyo Muslimiintuba.
Haddaba markaas ayuu Rasuulka SCW amray inuu Cumar ujawaab celiyo,
markaasuu ujawaab celiyey oo usheegay inay saddexdooduba nool yahiin.
Cumar ibnul Khaddaab mar waliba waxuu taagnaa dhinaca Rasuulka SCW,
oo dhammaan dhaqdhaqaayadii oo idil waa uu ka qayb qaatay. Markii uu
Rasuulka SCW geeriyooday Cumar waa uu ku qanciyey waayey taas,
miirkiisii ayaana tegay, oo waxuu yiri:” Ruuxii yiraahdo Rasuulka SCW
wuu dhintay unuunka ayaan udheereyn”. Waxuu ku andacoonayey Cumar
inuusan Rasuulka SCW dhiban, bal ee uu iman doono oo gacmo badan oo
munaafiqiintana uu goyn doona.
Cumar waxuu raad weyn ku lahaa doorashadii Abuu Bakar, waxuuna
aaminsanaa inaysan jirin cid ka hor mari karto Abuu Bakar Sidiiq. Markii
uu Abuu Bakar Ansaarta la hadlayey si khilaafada ay u qabato cid
Qureeshta ka dhalatay, waata uu yiri:” Labadan nin midkii aad ka raalli
tahiin doorto (yacnii Cumar iyo Abaa Cubeyda bin Al jarraax). Cumar
waxuu oran jiray:” In dembi la’aan kurka la iga jaro ayaan ka jeclaa
inaan madax u noqda dad uu Abuu Bakar kujiro”. Sidaa darteed marka ma
uusan jeclaan in uu qabto khilaafada ka hor Abii Bakar Siddiiq. Waxuu
Cumar ahaa qofkii ugu horeeyay ee gacanta Abuu Bakar qaada oo la
baayactamo, markaasay dadkii meesha joogayna la mubaayacoodeen.
Cumar Ibnul Khaddaab waxuu la shaqeynayey khaliifadii Rasuulka SCW ee
Abuu Bakar Sidiiq, isagoo markaana garab buuxo u ahaa oo howlaha la
kala waday. Ka ag dhawaanshahii Cumar uu ka ag dhawaa Abuu Bakar iyo
sidii uu welibo howlaha ula waday, waxay gaartay heer Dhalxa bin
Cubeydillaah uu u tegay Abuu Bakar oo uu ku yiri:” Abuu Bakaroow! ma
adigaa madax noo ah ama Cumar? Runtii Cumar waxuu ahaa nin karmeed aad
iyo aad loo qadariyo, oo misna go’aan adag leh, waxuuna ahaa mid aan ka
ag faaruqi jirin muddadii adkeyd ee xaaladdu qaraarka ahayd.
Dooorashadii Cumar & Dhul Furashooyinkiisii
Markii uu geeriyooday Abuu Bakar, khilaafadii waxuu uga tegay Cumar
(oo lala mubaayacooday maalintii labaad ee geerida Abuu Bakar, 22
Jamaadul Aakhir 13 Hijriyada oo ku beegneyd Augosta 632 miilaadiga),
kadib markuu Abuu Bakar kala tashaday saxaabadii Rasuulka SCW oo
dhammaantoodi ay isku raaceen in uu Cumar uga tego khilaafa Dhalxa
mooyaan oo isagu ka sheeganayey ad adkaantii Cumar. Haddaba markii uu
Cumar khilaafada qabtay oo lala mubaayacooday waxuu halkii kasii waday
howshii uu Abuu Bakar ka tegay. Aynu ka billawna sanadkuu xilka
khilaafada qabtay.
SANADKII 13AAD
Sanadkan runtii wuxuu ahaa sanadkii ugu horeeyay ee uu Cumar
khilaafada qabtay, waxaana usoo qaadan doonnaa khilaafadiisii sanad
sanad, innagoo tixraaceyna nidaamka iyo dhacdooyinkii dhacay waqtigiisa
oo isugu jiro dhul furashooyin iyo dhacdooyin kale oo lama huraan ah in
iyaguna la sheego. Dhulalka Ciraaq iyo Shaam waxaa ka socday dagaallo
waqtigii Cumar, waxaana soo qaadan doonnaa sanad waliba dagaalladii ka
socoday labada dhinac innagoo marba qaadaa dhigi doonna dhinac kamid ah
labada dhinac, intuu Rabbi inoo sahlo.
Imminkuna waxaan soo qaadan doonnaa
Howshii ugu Horreysay ee Cumar
Tani waxay ahayd howshii ugu horreysay ee uu Cumar ku dhaqaaqo, markii uu khilaafada qabtay kadib.
Waxaanu horey u ogeyn ama aan soo xusnay in Muthana bin Xaaritha uu
yimid Madiina isagoo gurmad ka dalbanayey Abuu Bakar, Siddiiq markaasina
waxay ahayd goor uu Abuu Bakar hayey xanuunkii uu dunida kaga faaruqay.
Markii uu Abuu Bakar arkay Muthana oo dul taagan ayuu Cumar ku yiri:”
Markaan dhinto yaadan galabeysan jeer aad dagaalka Ciraaq ku boorido
dadka, oo Muthanna aad ciidan ku darto, haddii uu Alle idiin furo
Shaamna, ciidankii Khaalid ku celi Ciraaq”. Markii uu Abuu Bakar
geeriyooday, ayuu Cumar warqad u diray dhanka Shaam iyo ciidamadii ka
dagaallamayey Yarmuuk, warqaddaasina waxay ahayd tii caddeyneysay
casiliddii Khaalid, iyo geeridii ku timid Khaliifadii Rasuulka Alle SCW
ee Abuu Bakar Siddiiq, waxaana warqaddaasi siday Manjimah bin Zaniim,
goor lagu jiray dagaalkii Yarmuuk ayayna gaadhay, markaasuu Khaalid
Muslimiintii ka qariyey geerida ku timid, Khaliifadii Rasuulka SCW ee
Abuu Bakar si aysan u niyad jabin ciidanku.
Kadib maalintii labaad ee laga soo wareegay geeridii Abuu Bakar buu
Cumar ka dhex istaagay masjidkii oo dadkii u khudbeyay kuna booriyey
dagaallada Ciraaq kasocda, hase ahaatee cidi umaysan kicin, ogaansho ay
dadku ogaayeen darteed in la dagaallanka reer Furus uu yahay mid lagu
hoogga oo ka daran kana kulul kan lShaam ka socoda. Misna maalintii
labaad oo ah maalintii 3aad ee laga soo wareega geeridii Abuu Bakar ayuu
Cumar kacay oo dadkii u khubeyay oo ku booriyey jihaadka iyo dagaallada
ka socona dhulka Ciraaq, waxuuna ugu bishaareyey waxa sawaab iyo ajar
uu Illaahay meeshaas oo kale dhex yeelay, hase ahaatee cidi umaysan
kicin sidii maalintii hore, misna maalintii saddexaad ayuu sidii si
lamid ah falay. Kadib waxaa kacay Muthana bin Xaarith Ash Sheybaani oo
dadka xasuusiyey wixii guulo iyo nasri ee uu illaahay ku siiyey gacanta
Khaalid markuu halkaasi (Ciraaq) joogay, hase ahaatee sidii si lamid ah
cidi maysan kicin, mana ajiibin dhawaqa jihaadka. Kadib maalintii afraad
ayuu Cumar sidii si lamid ah dadkii u khudbeeyay oo ku booriyey
jihaadka, markaa baa waxaa kacay Abuu Cubeydah bin Mascuud Ath-Thaqafi,
oo nin dhalin yaro ah, dabeetana dadkii baa iska daba kac kacay jeer la
helay ciidan, markaasuu Cumarna masuul uga dhigay Abaa Cubeydah bin
Mascuud, oo markaa aan ahayn saxaabi, raggii saxaabada baa Cumar
weydiiyeen:” Oo maad u magacawda ciidanka nin saxaabadii Rasuulka SCW
kamid ah? Markaasuu Cumar yiri:” Waxaan uun magacaawi kii ugu horeeyay
ee ajiibay dhawaqa jihaadka, adinkuna waxaad tahiin kuwa ku hor maray
gargaarka diinta Islaamka (yacni gelideedda). Kadib Cumar waxuu u
dardaarmay ciidankii guud ahaan , gaar ahaanna Abuu Cubeydah bin Mascuud
cabsida Allaah iyo inuu la tashado ragga saxaabada Rasuulka SCW ee la
socda isaga, gaar ahaanna waxuu amray inuu la tashado Suliidh bin Qeys
Al Ansaari, waxuuna Cumar yiri:” Waa nin aad arrimaha dagaalka u
yaqaanno”. Kadib ciidamadii Muslimiinta way dhaqaaqeen oo waxay
abbaareen dhankii Ciraaq iyagoo tiradoodu ay markaasi tahay 7 000.
Markaa buu Cumarna warqad u diray dhanka Shaam iyo masuulkii halkaasi ku
sugnaa ee Abuu Cubeydah bin Al jarraax, taasoo uu kaga dalbanayo in
ciidamadii Khaalid bin Waliid ee kasoo dagaallamay dhulka Ciraaq uu dib
ugu celiyo, bacdamaa Yarmuuk lagu guuleystay. Dabeeto Abuu Cubeydah bin
Al Jarraax waxuu diyaariyey ciidan culus oo uu u diro dhanka Ciraaq
isagoo fulinayo amarka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab,
waxuuna diyaariyey 10 000 oo ciidan ah oo uu madax uga dhigay Haashim
bin Cutbah bin Abii Waqaas Az Zuhri. Cumar ibnu Al Khaddaabna waxuu soo
diray ciidan kaloo gurmad ah oo u badan reer Bujeylah oo uu
hoggaaminayo Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali.
Ciidamadii Abuu Cubeydah bin Mascuud markay gaareen dhulka Ciraaq,
waxay la kulmeen iyadoo Faarisiintii ay xaaladi ka dhex aloolsantahay oo
ay ku xad gudbeen boqorkoodii ayna dileen, waxayna ka fursan waayeen
inay madax ka dhigtaan gabar la oran jiray Buuraan bint Kisraa (Barwiiz/
Abarwiiz), kadib markay dileen mid iyada ka horreysay oo la oran jiray
Aazarmiidakhat bint Abarwiiz. Buuraan waxay heshiis la gashay nin la
oran jiray Rustum bin Farakhzaad si haddii uu is hor taago dagaallada
iyo weerarada ay Muslimiinta dhulka Furus kusoo qaadeen uu markaa
qabanayo xilka boqornimada muddo 10 sanadood ah, kadibna uu usoo celin
doona reer Kisraa, arrintaasina waa uu ku qancay Rustum. Waxuu Rustum
ahaa mid xiddigaha wax ka sheeg sheego oo waxuu ahaa Saaxibun Najam,
isagoo hadal hayo in ay muddada 10 kaasi sano u buuxsami doonin ayay
dadkiisii weydiiyeey:” Maxaa haddaba kugu xambaarayo inaad sidaa fasho?
Yacni waxay ula jeedaan in aad heshiis noocaas gasho adigoo aaminsan
inaysanba kuu buuxsameyn oo aadanna hor istaagi karin ciidamadan
Muslimiinta? Markaasuu yiri:” Waa uun iga damac iyo sadano doon yacni
sharaf doon”.
Dhacdadii Numaariq
Markaa buu Rustum soo diray ciidan uu hoggaaminayo amiir la oran
jiray Jaabaan, ciidankiisu labada dhinacna waxaa kala hoggaaminayey labo
nin oo midi la oran jiray Jashnash Maah, kan kalena waxaa la oran jiray
Mardaan Shaah. Waxay is heleen ciidankii Abaa Cubeydah bin Mascuud oo
ay isku heleen goob la yiraahdo Numaariq oo u dhaxayso Xiirah iyo
Qaadisiyah. Fardooleyda Muslimiintuna waxaa hoggaaminayey Muthanna bin
Xaarith, ciidanka bidixdana waxaa hoggaaminayey Camr bin Al Heytham.
Kadib waxaa halkaa ku dhex maray dagaal aad iyo aad u daran oo lagu
jebiyey Faarisiintii, laguna soo qafaashay Mardaan Shaah iyo Jaabaan.
Ammaa Jaabaan waxaa dilay ninkii soo qafaashay, Mardaan Shaahse isagu
waxuu qayaamay ninkii soo qafaashay markaasuu iska sii daayey, haddana
mar kale waxaa soo qabtay ciidankii Muslimiinta, waxayna ula yimideen
amiirkii ciidanka ee Abuu Cubeydah bin Mascuud waxayna ku yiraahdeen:”
Waa amiirkii ciidanka Furuse ee dil”. Isagiina Abuu Cubeydah waxuu
yiri:” Haddii uuba amiirkii ciidanka yahay anigaa dilaya”. Unuunka
ayuuna u dheereeyay. Waxaa kaloo la sheegaa in uu nin Muslimiinta kamid
ah magan geliyey. Dabeeta Abuu Cubeydah waxuu daba kacay raadka kuwii
jabay oo uu wax badan ka laayey, maal badanna ka ritay, siduu u
eryanayey ayayna ka dul dhaceen magaallada Kaskar oo uu madax ka ahaa
wiil uu dhalay boqorkii hore ee Kisraa abtigiis, kaasoo la oran jiray
Narsii. Kadib Narsii waxuu soo saaray reer Furus isagoo ku boorinayo la
dagaallanka ciidanka Abuu Cubeydah bin Mascuud, waxaana dhex maray
dagaal uu Alle ku jebiyey cadawgii Muslimiinta ee reer Furus, waxayna
halkaas Muslimiintii ka qaniimeysteen qaniimo tiro badan, falillaahil
Xamdu.
Khumuskii qaniimada iyo hantidii halkaa laga helay ayuu Abuu Cubeydah
u diray dhankii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab.
Kadib waxay isku heleen ciidamadii Muslimiinta iyo kuwii Narsii
meel u dhaxayso Kaskar iyo Safaadhiyah, iyadoo ciidamada midigta iyo
bidixda ee Narsii ay kala hoggaaminayaan labo nin oo uu dhalay abtigiis
oo la kala oran jiray Bandaweyhi bin Nadhaam (ama bin Nasdhaam) iyo
walaalkiis Beyraweyhi bin Nadhaam. Rustumna wuxuu diyaariyey ciidan
kale oo uu madax uga dhigay nin la oran jiray Jaalinuus, si uu dhanka
Narsii ugu soo diro gurmad ahaan. Haddaba markii uu Abuu Cubeydah
arrintaa ka war helay ayuu ku deg degay inuu weerar culus ku qaado
Narsii ka hor intuusan soo gaarin ciidanka Jaalinuus. Markaasuu
weeraray, waxaana dhex maray dagaal culus oo lagu jebiyey ciidankii
Narsi, kadibna Abuu Cubeydah iyo Jaalinuus baa waxay isku heleen goob la
yiraahdo Baaruusimaa, waxaana ku dhex maray dagaal durtaba lagu jebiyey
Jaalinuus iyo ciidamadiisii oo uu weliba la socday Narsii, markaasay
orad ku galeen magaalladoodii Madaa’in.
Kadib Abaa Cubeydah bin Mascuud wuxuu diray Muthanna bin Xaarith iyo
sirriyaad (wardoonno) kale oo uu dhan waliba u diray. Xoog iyo heshiis
ayayna ku kala furteen hareerahooda. Kadib khumuskii qaniimada ayuu Abuu
Cubeydah u diray dhankii Madiina iyo amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin
Al Khaddaab.
Kadibna waxaa isla dhulka Furus ka dhacay..
Dhacdadii Jasar
Markii uu Jaalinuus ka dul dhacay boqortooyadoodii ayay Faarisiintii
is dhaarsadeen oo ay soo direen ciidan culus oo uu hoggaaminayo Bahmas
Jaadaweyhi, waxuuna Rustum usoo dhiibay calanka lagu magacaabo Darfash
Kabyaan. Misna waxaa kaloo uu u dhiibay raayad yacni calan kale oo uu
lahaa boqorkii hore ee Kisraa kana sameysneed maro xariir ah oo lagu
qurxiyey yaaquut iyo murjaan, waxayna ahayd siddeed dhudhun dhererka iyo
ballac. Waxay markaa kadib Faarisiintii udhaqaaqeen dhankii Muslimiinta
iyo ciidamadii Abaa Cubeydah, waxaana labada qola kala dhex galay
webiga Furaat, markaasay Faarisiintii soo cid dirsadeen iyagoo leh:”
Inoo soo gudba ama aanu idiin soo gudubna? Markaasay Muslimiintii
amiirkoodii ku yiraahdeen:” Amar ha inoosoo gudbaane”. Waxuuse ugu
jawaabay:” Nagama jeclo geerida, innaga ayaana u gudbeyna”.
Kadib way u gudbeen, waxayna isku heleen goob ciriiri ah, oo dagaal
darani ku dhex maray, kaasoo horey aysan Muslimiinta isagoo kale ugu
tashan una arag. Muslimiintu waxay maalintaa ahaayeen kudhawaad 10 000,
gaaladuse way ka tira badnaayeen, waxayna wateen reer Furus maroodiyaan
tiro badan oo ay ku argagax gelinayeen fardaha Muslimiinta. Mar alliyooy
weerar qaadaan fardooleyda Muslimiinta dib bay u soo noqonayeen fardaha
oo sina uma galeyn goobta dagaalka iyagoo ka argagaxaya maroodiyaasha
ay maalintaa Faarisiinta lasoo dagaal tegeen. Faarisiintii waxay
maalintaa Muslimiinta oodda uga qaadeen gamuun oo ay halkaas kaga
laayeen tiro badan, markaasuu amiirkii ciidankaasi Muslimiinta ee Abuu
Cubeydah amray in marka hore la laayo maroodiyaasha, markaasay laayeen
isaga iyo halyeeyadii Muslimiinta, waxaana jirey maroodi weyn oo cad
kaasoo hoggaaminayey maroodiyaasha, kii ayaana soo haray markaasuu Abuu
Cubeydah dhankiisii u dhaqaaqay si uu maroodiganna u dilo, markaasuu
kharduumka seyf ku dhuftay oo xanuunjiyey, markaasuu maroodigii
xanuunsaday oo qayliyey, suu Abuu Cubeyda ku istaagay oo dilay, halkaas
ayuuna ku shahiiday amiirkii ciidankaas Muslimiinta. Kadib waxaa
hoggaankii ciidanka qabtay amiirkii uu horey Abuu Cubeydah ugu dar
daarmay inuu qabto haddii isaga la dilo, kadib buu weeraray qaaday jeer
isagiina la dilay, misna waxaa qaaday amiir labaad oo Abuu Cubeydah u
dardaarmay, kiina waala dilay, mid kale ayaa qaaday isagiina la dil,
jeer ay halkaas ku shahiideen 7 amiir oo iskaga kala dambeysay hoggaanka
kuwaasoo uu Abuu Cubeydah horey usii magacaabay haddii midi la dilo
inuu midka kale hoggaanka qabto. Kadib waxaa qabtay amiirkii siddeedaad
ee uu Abuu Cubeydah u dardaarmay, waxuuna ahaa Muthanna bin Xaarith bin
Salamata As Sheybaani.
Waxaa la sheegaa in ay Doomah haweeneydii Abuu Cubeydah bin Mascuud
ay ku riyootay riyo ah in ay dhacdadu ku noqon doonta mid bar bar dhac
ah, markay arrintaas Muslimiintii maqleen bay daciifeen oo itaal
darreeyeen, waxayna ku rajo weynayeen markii hore guul furasho iyo inay
si ba’an u layaan cadawga, hase ahaatee niyad jabkoodii waxuu dhalay
inay in badan oo kamid ah jabaan, in kaloo badanna ay webigii ku hafteen
, dar kalena uu cadawgii laayey. Waxaa la sheegaa in maalintaas ay
webiga ku hafteen ku dhawaad 4000 oo Muslimiin ah. Fa innaa lillaahi Wa
innaa illeyhi Raajicuun.
Waxaa la sheegaa qofkii ugu dambeeyay ee Muslimiinta maalintaa iyada
ah laga dila ama ka shahiida inuu ahaa Suliidh bin Qeys bin Camr bin
Cubeydullaah bin Maalik bin Cadiyi bin Caamir bin Qanam bin Najaar Al
Najjaari. Waxaa abti u ahaa Ascad bin Zaraarah, hooyadiina waxaa la oran
jiray Ragheybah bint Zaraarah bin Sacad bin Cubeydullaah.
Dhanka kale Muslimiintu maalintaa waxay iyaguna cadawgu ka dileen
tiro badan oo waxay goobtaa dhigeen 6000. Markii uu jabka soo gaaray
ciidamadii Muslimiinta bay buundadii isku cidhiidhiyeen, deetana ay
jabtay, taasina waa tii dhashay inay in badan webigii ku hafteen.
Kadib buu Muthanna daraf kamid ah buundadii istaagay oo cod aad u dheer
ku qayliyey isagoo Muslimiintii la hadlayo, waxuuna amray inay
tartiibsadaan jeer uu buundadu uga hagaajiyo, kadibana isaga iyo qaar
kamid ah halyeeyadii Muslimiinta ayaa buundadii hagaajiyey oo dabeetana
si fudud bay ku mareen.
Ciidamadii Muslimiinta intii sugnaatay maahe, kuwii kale waxay u qayb
sameen kuwa iyagu jiha ay u socdaan garan waayey iyo kuwa toos u
abbaaray dhankii Madiina iyo Amiirkii Mu’miniinta.
Warka dhacdadan waxaa magaallada Madiina geeyay oo ugu horeeyay
Cabdullaahi bin Zeyd bin Caasim Al Maaziniyu oo isagu masjidka soo galay
goor uu Cumar mimbarka fuushanyahay oo uu dadka u khudbeynayey. Waxuu
yiri:” Maxaa ku keenay Cabdullaahi ibnu Zeydoow!!? Waxuu yiri:” Amiirkii
Mu’miniintoow! waxaa kuu yimid war dhab ah”. kadibna mimbarkii buu ugu
korey oo si hoos ah warkii ugu sheegay.
Waxaa kaloo la yiraahdaa waxuu ahaa ninkii warka magaallada Madiina
gaarsiiyey Cabdullaahi bin Yaziid bin Al Xuseyn Al Xadhmiyu, wallaahu
Aclam.
Cumar bin Al Khaddaab ma uusan canaanan kuwii iyagu jabay ee ka dul
dhacay Madiina, bal ee waxuuba ku qaabilay waji sami iyo soo dhaweyn
isagoo yiri:” Waa aniga kan aad xaggiisa soo ciirsateen, Majuustiina
Alle arrinkoodii waa ka shuqliyey”. Waxuu ula jeeday Furus oo ku xad
gudubtay boqorkoodii Rustum oo misna mar kale soo celsheen oo ku
lifaaqeen Al Feyruzaan, iyagiina ay u qabysameen labo qaybood. Kuwii ka
jabay Jassar iyagu waxay u baxsadeen dhankii Al Madaa’in, markaasuu
Muthanna sii raacdeystay, kadib baa waxaa usoo baxay labo amiir oo kamid
ah Faarisiinta iyo ciidan ay siteen, kadibna waa lasoo qafaashay
labadoodiiba iyo dad badan oo kamid kuwii ay wateen, dhammaantooduna
kurka in laga ayuu Muthanna amray.
Kadib waxuu warqad u diray madaxdii Muslimiinta ee ku sugneed Ciraaq
sida Bashiir bin Khassaasiyah iyo kuwa kale si ay gurmad ugu soo diraan,
iyagiina way usoo direen, waxaa misna soo gaaray ciidankii uu Cumar bin
Khaddaab horey ugu soo diray dhanka Abuu Cubeydah bin Mascuud oo uu
hoggaaminayey Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali oo ay la socdeen
saadaaddii Muslimiinta iyo rag akhyaar ahaa.
halkaa ayuu ciidan aruursi ka waday Muthanna jeer uu markii dambe helay ciidan culus.
Seyf bin Cumar waxuu yiri:” Dhacdadani waxay dhacday bishii Shacbaan,
goor laga jooga dagaalkii Yarmuuk 40 casho, sanadkan dhexdiisa, yacni
sanadka 13aad ee Hijriga.
Dhacdadii Buweyb
Madaxdii Furus ayaa waxay maqleen ciidan aruursiga Muthanna bin
Xaarith markaasay soo direen ciidan uu hoggaaminayo amiir la oran jiray
Mahraan, waxayna isku heleen labada ciidan goob la yiraahdo Buweyb una
dhaw halka ay maanta tahay magaallada Kuufa, waxaana u dhaxeeyo kaliya
webiga Furaat.
Kadib waxay yiraahdeen Faarisiintii:” Ama inoosoo gudba ama aanu
idiin soo gudubno? Muslimiintii oo dhegahoodu ay ka guuxayaan waxii ku
qabsaday dhacdadii Jassar ayaa waxay ku yiraahdeen:” Mayee idinku
inoosoo gudbo”, markaasay soo gudbeen.
Ammintu waxay ahayd bishii Ramadaan ee sanadkan, markaas buu Muthanna
amray ciidamadii Muslimiinta inay affuraan si ay ugu ad adkaadaan
cadawga. Waxuuna dhisay ciidankiisii oo raayad raayad u xidhay isagoo
qolo waliba raayad qaas ah u dhiibay, kadibna inta uu dhex qaaday ayuu
koox waliba u dar daarmay oo ku booriyey jihaadka iyo sabar iyo sugnaan
iyo inay ku dadaalaan aamusnaanta. Qowmku waxaa ku jiray rag halyeeya ah
oo ay kamid ahaayeen Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali iyo saadaaddii
Muslimiinta. Markaa buu Muthanna ciidankii la hadlay oo ku yiri:” Anigu
waxaan takbiirsan doonaa (yacni oron doonaa Allahu Akbar!) saddex goor
ee diyaar garooba, marka afraad-na weerarka ku qaada”. Muslimiintiina
waxay hadalkii Muthanna ku qaabileen maqal iyo adeecid. Markii uu
Muthanna takbiirsaday takbiirtii kowaad bay Faarisiintii weerar culus
soo qaadeen, waxaana dhex maray dagaal aad u kulul, markiina uu arkay
Muthanna safafkii Muslimiinta oo dabcaya ayuu soo diray nin cod dheer ku
qaylinaya oo dadkii ku booriyey jihaadka. Markii ay muddadii dagaalku
dheeraatay ayaa isaga Muthanna iyo asxaabtiisii waxay Alle ka baryeen
inuu lib iyo guul ka siiyo cadawgooda oo uga gargaaro. Kadib wuxuu
Muthanna kaxaystay rag kamid ah halyeeyadii Muslimiinta oo weerar darani
ku qaaday dhankii Mahraan oo durkiyey ciidankii midigta ee Furus,
waxaana Mahraan dilay wiil kamid ah Carabtii Nasaareyda kana dhashay
banii Taqlab, oo faraskiisiina ka furtay. Sidaa waxaa xusay Seyf bin
Cumar.
Ibnu Isxaaq waxuu isaguna leeyahay:” Waxuu ahaa ninkii Mahraan dilay
Al Mundir bin Xassaan bin Diraar Al Dhabyu, kaasoo waran la riday,
kadibna Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali baa madaxa ka gooyey, markaasay
isku qabsadeen hubkiisii, waxaase markii dambe qaatay Jariir bin
Cabdullaahi Al Bujali.
Majuustii waa ay jabeen, markaasay Muslimiintiina firxadkoodii
raacdeysteen oo ay laayeen, Muthanna bin Xaarithana wuxuu uga hor maray
buundadii si aysan u gudbin oo Muslimiintu u laayaan. Maalintaa iyada ah
iyo habeenkeedii ayay Muslimiintu raacdeysanayeen fiigoodii oo waxay
helaanba laynayeen. Waxaa la yiraahdaa:” Dhacdadaasi wixii ay dileen
Muslimiinta iyo kuwii webiga ku qarqaday isku dar waxay noqdeen 100 000
(boqol kun) Falillaahil Xamdu.. Halkan waxay Muslimiintii ka
qaniimeysteen qaniimo aad u tiro badan oo aan la soo koobi karin,
kadibna bishaaradii iyo khumuskii qaniimada ayaa waxaa loo diray dhanka
amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab.
Dhanka kale Muslimiinta waxaa looga dilay dhacdadaan tiro badan,
waxayna dhacdadani ahayd mid loogu gogol xaarayo in laga takhalluso
boqortooyadii Furus ee boqollaalka sano dunida ka talineysay.
Muslimiintii waxay tamkiiniyeen dhul aad istaraatiiji u ah oo ah
nawaaxiga labada webi ee Dajlah iyo Furaat. Dhacdadan Buweyb ee iyadu ka
dhacday dhulka Ciraaq waxay u dhigmataa dhacdadii Yarmuuk ee ka dhacday
dhulka Shaam.
Furus oo Boqortay Yazdajrid
Boqorkii hore ee Sheyriin ayaa reer Kisraa inta isku soo aruuriyey
qol ku xiray dabeetana wada laayey raggoodii oo daayey dumarkoodii.
Yazdajrid hooyadiis waxay kamid ahayd dadyowgaasi la soo qab qabtay ee
iyagu la doonayey in wiilashooda iyo raggoodu la laayo, waxayna markaa
wadatay wiilkeeda Yazdajrid oo markaasi kuray yar ahaa. Kadib bay si
hoos ah abtiyaashii ugu yeeratay oo ka dalbatay inay wiilkeeda u
qariyaan, iyagiina intay qaadeen bay deegaankooda la aadeen. Markii ay
dhaceen wixii dhacay ee aanu soo tilmaannay sida dhacdooyinkii Jassar,
Buweyb iyo dhacdooyinkii lamidka ahaa, la dilayna wixii la dilay ee
madaxdii Furus kamidka ahaa, iyo in weliba firxadkoodii raacdo lagu hayo
oo dhul badan oo istaraatiiji ahina laga qabsaday ayay arrintaasi
baaseysteen reer Furus. Waxay garan waayeen halka ay cilidi ka jirto,
goor ay sidaa yahiin ayay maqleen in uu Cumar soo diray Sacad bin Abii
Waqaas iyo ciidama uu hoggaaminayo. Markaasay madaxdoodii shir u
fadhiisteen, waxayna keeneen labadii ugu sarreysay hoggaanka Furus ee
kala ahayd Rustum iyo Feyruzaan, kadibna waxay ku dul akhriyeen dar
daaran iyo goodis isku dhafan, waxayna ku yiraahdeen:” Haddaydaan u
istaagin dagaalladani waanu idin dileynaa labadiinnuba”. Kadib qeyb
kamid ah madaxda ayaa waxay keenen ra’yi ah in dumarkii reer Kisraa meel
waliba la isaga yeero oo la weydiiyo tii hayso wiil reer Kisraa ah”.
Mid waliboo kamid ah dumarkii reer kisraa marka la weydiiyo inay
dhashay wiil, way inkireysay iyadoo u baqayso in laga dilo. Sidaasi kama
aysan suulin jeer markii dambe ay keeneen Ummu Yazdajrid iyo wiilkeedii
Yazdajrid, markaasay wiilkeedii Yazdajrid boqreen isagoo 21 jir ah,
waana wiilkii uu dhalay boqorkii hore ee Kisraa (boqor Shahrayaar),
waxayna casileen Bowraan bint Kisraa, taasoo iyadu hoggaanka kula
heshiisay markii hore Rustum. Reer Furus aad bay ugu farxeen boqridda
Yazdajrid waxayna la hor istaageen hiil iyo hoo aan lala dhicin, waxayna
madaxdii Furus warqado u dirsadeen goballadii dhulkooda si ay u maqlaan
una adeecaan boqorka cusub, iyagiina raynrayn iyo riyaaqid ayay ku
qaabileen. In badan oo dadkaasi kamid ah baana ballamahii ay horey
Muslimiinta ula galeen ka baxay, iyagoo aaminsan inay awooddii Furus
imminka soo laabatay, maadaama reer Kisraa dib loosoo celiyey. Tanina
waxay noqotay mid ay ku kedsoomeen sidaynuba arki doonna hadduu Alle
idmo.
Muslimiintii goobahaa kusugnayd baa dib loosoo riixay, markaasay
iyagiina warqad u dirsadeen dhankii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin
Khaddaab iyagoo ogeysiinayo xaaladda sida ay tahay. waqtigaasi wuxuu
ahaa dhammadkii sanadkan yacnii 13-kii Hijriga Bishii Dul Qacdah,
markaasoo uu Cumar soo amray inay ku sugnaadaan darfaha dhulka Furus.
Sida dhabta ahi ee ay badi culimaayi Siirah qabaan, waxay tahay inuu
Cumar diray Sacad sanadkii 14aad ee hijriyada, sida aynu arki doonno
Alle idinkii.
Imminkuna aanu u weecanno dhankaa iyo dhul furashadii Shaam, dhacdooyinkii sanadkan 13aad ee Hijriga.
Furashadii Dimashiq
Markii ay ciidamadii Muslimiinta furteen Yarmuuk, kadib buu Khaalid
ku dul akhriyey ciidankii warqaddii ka timid Madiina iyo dhankii Cumar,
taasoo caddeyneysay geeridii ku timid khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu
Bakar iyo in uu khilaafadii qabtay Cumar bin Al Khaddaab iyo in weliba
imaaradda Shaam masuul looga dhigay Abuu Cubeydah bin Al-Jarraax,
Khaalid-na uu ku xigeyn u noqdo. Haddaba markaas bay dhaqaaqeen Abuu
Cubeydah iyo Khaalid iyo ciidamadoodii oo ay Maraj Sufur aadeen iyagoo
qorashahoodu ahaa in ay go’doomin ku sameeyaan Dimishiq, Yarmuuk-na
waxaa lagu dhaafay fardooley uu hoggaaminayo Busheyr bin Kacab, Goor ay
ciidamadii Muslimiinta ku suganyahiin goobta Maraj Sufur ayaa waxaa u
yimid khabar ah in uu cadawga gurmad uga yimid dhanka Ximsa iyo in koox
tiro badan oo Ruumaan ahna ay iskugu tegeen Fixli oo ka mid ah dhulka
Falastiin (goobta Ardul Ghowr). Waxuu markaasi Abuu Cubeydah kala garan
waayey tii uu ka billaabi lahaa Dimishiq ama Fixli. Markaas ayuu warqad
u diray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, taasoo uu kala
tashanayo tii uu ku hor mari lahaa. Haddaba markaa ayaa waxaa timid
jawaabtii Cumar oo uu soo amray in ay ka billaabaan Dimishiq, waayo waa
xaruntii Ruumaanka iyo gurigii boqortooyadooda, waxuuna amray in uu
Fixil u diro koox fardooley ah oo sii mashquuliso waxuuna yiri:” Haddii
uu Alle idiin furo Fixli kahor intaan Dimishiq la furan, waa sidaanu
jecleyn, haddiise Dimishiq aad hor furataan, uga teg Dimishiq masuul oo
adiga iyo ciidankaada ku dhaqaaqa dhanka Fixil. Haddii aad Fixil
furataanna adiga iyp Khaalid aada dhanka Ximsa, Camr iyo Shuraxbiilna ku
dhaaf Urdun”.
Seyf bin Cumar waxuu leeyahay:” Wuxuu Fixil u diray ciidan uu
hoggaaminayo Camaarah bin Makhshiyi, waxuuna ka diray goobta Maraj
Sufur, markaasay is heleen koox fardooley ah oo Ruumaan ah oo tiradoodu
tahay 80000 ( siddeetan kun), dabeeto way furteen ka hor intaysan
Dimishiq furan. Gadaal ayaanse ka xusi doonnaa dhacdadii Fixli iyo
ciddii hoggaaminaysay sida ay Mu’arrakheenta qaarkood kayiraahdeen,
hadduu Alle idmo.
Kadib Abuu Cubeydah waxuu diray ciidan uu madax uga dhigay
Dil-Kulaac, waxuuna u diray inta u dhaxayso Dimishiq iyo Ximsa, si aysan
wax gurmad ah u soo gaarin reer Dimishiq, misna waxuu diray ciidan kale
oo uu u diray Falastiin iyo Dimishiq dhexdooda si ay iyana wax gurmad
ah usoo gaarin reer Dimishiq. Dabadeedna waxuu ka dhaqaaqay Maraj As-
Sufur isagoo kusii jeedo dhanka Dimishiq si uu go’doomin adag ugu qabto,
waxuuna dhisay ciidankiisii isagoo dhaxda madax uga dhigay Khaalid bin
Waliid, Camar ibnul Caasna labada dhinac mid kamid ah ayuu u dhiibay.
Ciidanka Farooleyda waxuu madax uga dhigay Cayaad bin Qanam Al Fihri,
kuwa lugtana waxuu u dhiibay Shuraxbiil ibnu Xasana isaguna Abaa
Cubeydah waxuu hoggaaminayey labada dhinac mid kamid ah. Kadib way
dhaqaaqeen, oo dul degeen Dimishiq oo go’doomin daran ay kuqabteen,
waxaana markaa Dimishiq madax ka ahaa boqor la oran jiray Nasdhaas bin
Nasdhuus. Ciidankii Khaalid waxay degeen dhanka bariga albaabka Keysaan,
Abuu Cubeydana waxuu degay dhanka albaabka Jaabiyatul-Kabiir, Yaziid
bin Abii Sufyaan iyo ciidan uu hoggaaminayeyna waxay degeen dhanka
albaabka Jaabiyatus-Saqiir, Camr ibnu Al Caas iyo Shuraxbiil-na waxay
degeen albaabadii kalee magaallada. Waxay Maalintaa ciidamada
Muslimiinta xireen manjaniiq oo ay rideen dabaabaat, waxayna
go’doomiyeen go’doomin tii u darneyd, waxaana lasheegaa inay
go’doomintaasi ku hayeen muddo 70 casho, waxaa kaloo la yiri muddo 4
bilood, mise 6 bilood ama waxaa kaloo la yiri 14 bilood, wallaahu aclam.
Reer Dimishiq way diideen inay soo baxaan, waxayna u gurmad dirsadeen
boqorkoodii Hiriqal, si uu ugu soo gar gaaro ciidamo gurmad ah, hase
ahaatee ciidamadii gurmadka ahaa ee uu soo diray ma aysan soo gaarin, oo
waxay soo dhaafi waayeen kuwii uu Abuu Cubeydah dhexda dhigay ee Dil
Kulaac. Markii ay reer Dimishiq yaqiinsadeen inuusan gurmad soo gaari
karin, bay xaaladdu aad ugu darraatay, oo ay daciifeen, Muslimiintiina
go’doomintii bay sii adkeeyeen, waxana la galay waqtigii Jiilaalka oo
qabow darani yimid, xaaladdiina ay Muslimiintii ku adkaatay, markaasuu
Illaahay qadaray in wiil loo dhalo boqorkii magaalada, markaasuu xaflad
heer sara ah sameeyay oo khamri la wada cabbay, markaasay wada daateen
dadkii iyagoo wada sakraansan oo ay wada seexdeen.
Amiirka ciidamadii fadhiyey albaabka Keysaan ee Khaalid bin Al Waliid
wuxuu ahaa mid aanan seexan oo aan la seexinin, waxuu ahaa halyeey
habeennada dagaalka soo jeedo. Waxuu dareemay daganaashaha caawo ka
muuqda dhanka cadawga iyo shanqadh la aanta xaggooda, markaasuu damcay
inuu war jeefo, hase ahaatee waxaa u dhaxeeyay gidaar aad u weyn iyo god
meesha ka qodnaa oo biyo ah. Khaalid waxuu soo kaxaystay qaar kamid ah
sanaadiidii iyo halyeeyadii ciidanka oo ay kamid ahaayeen Al qacqaac bin
Camr iyo Al Macduur bin Cadiyi iyo qeyrkooda, waxayna soo dhex
jibaaxeen toggii oo ay dabaal kusoo gudbeen, markiina ay soo gaareen
gidaarkii, ayaa waxay tuurteen xargo oo ay ku qabsadeen biro meesha
gidaarka ku yaallay, markaasay ku koreen jeer ay dhinaca kale uga
degeen. Markaasay laayeen waardiyaashii goobtaa joogay iyo wixii meesha
ka dhawaa oo dad ah, dabeetana albaabkii bay fureen, markaasay ku
dhawaaqeen takbiir (Allaahu akbar) dabeetana waxaa yimid ciidankii
Khaalid ee albaabka Keysaan fadhiyey markii ay soo galeen bay laayeen,
wixii ay arkaanba oo magaaladi dhan dhex qaadeen.
Dadkii magaallada markay maqleen takbiirtii Muslimiinta ayay iyagoon
waxba garaneynin u kala ordeen albaabadii, koox kastoo albaabkii Keysaan
xaggiisa u oradaana ma aysan sii noolaan, oo waxaa la dilay dil kii u
darnaa, waxaana ka shaqeeyay ciidamadii Khaalid bin Waliid, kuwii kalena
ee dadkaasi meeshaa deganaa waxay u carareen dhankii albaabadii kale,
markaasay Abuu Cubeyda iyo amaraa’di kale ka fureen oo ay heshiis ka
dalbadeen, markaasay magaalladii heshiis kusoo galeen. Waxayna bartama
magaallada ku kulmeen Khaalid oo dhankiisa xoog kusoo furtay, markaasay
ku yiraahdeen:” Raggu waanu la heshiinnay”. Markaasuu isagiina yiri:”
Aniguna xoog ayaan kusoo furtay oo wax heshiis ahna ma ina dhex marin”.
Halkii ayuuna kur goyntii cadawga kasii waday.
Abuu Cubeydah ayaa la hadlay Khaalid oo u tilmaamay inuu dagaalka
joojiyo maadama uu la heshiiyey dadka, Khaalidna waa uu maqlay oo
adeecay. Madaxdii ciidamada Muslimiinta waxay ku kulmeen meel ay ku
taallay kaniisad la oran jiray Al Maqsilaadh.
Magaallada Dimishiq culimadu way isku khilaafaan, ma heshiis baa lagu
furtay ama xoog? Waxaysa badankoodu ku kulmiyaan in Dimishiq lagu
furtay bar heshiis, barka kalena xoog, waana sida ay badi qabaan
culimada taariikhda wax ka qorta. Waxaa lagu xukmiyaa in barka Khaalid
bin Waliid lagu furtay xoog, barka kalee madaxdii kalena lagu furtay
heshiis. Haddaba sidaa iyada ahi magaallada waxaa ku yaallay 15
kaniisadood, oo ay ugu weyneed kaniisad la oran jiray Yuuxannah, labo
qaybood ayaana loo qeybiyey Kaniisaddaasi Yuuxannah oo bar kamid ah
waxaa laga dhigay masjid, barka kalena kaniisadnimadeedii ayay ku baaqi
noqotay. Sidii kaniisadda loo kala qaybiyey ayaana magaalladii loogu
xukmay in barkeeda lagu furtay heshiis barka kalena xoog iyo seyf.
U Diriddii Khaalid ee Dhanka Al Buqaac
Kadib baa Abuu Cubeydah waxuu Al Buqaac u diray Khaalid, markaasuu
seyf ku furtay. misna waxay goobta Ceynu Meysuun isku heleen ciidamo
Ruumaan ah oo uu hoggaaminayo nin la oran jiray Sinaan oo waxaana dhex
maray dagaal, halkaanna waxaa Muslimiinta uga shahiiday jamaaco badan,
sidaa baana meeshaa mardambe loogu baxshay Caynush-Shuhadaa. Kadibana
waa ay jabeen cadawgii Ruumaanka.
Waxuu Khaalid halkaa kula heshiiyey reer Baclabak..
Kadib Abuu Cubeydah waxuu magaalladii Dimashiq uga tegay Yaziid bin
Abii Sufyaan, kaasoo isagu markii hore ku wajahnaa jihadeeda. Yaziid-na
waxuu diray sirriyad ama wardoon uu hoggaaminayo Dixyah bin Khaliifah
Al Kalbi oo uu u diray dhanka Tadammur si uu arrinkeeda dhan ugu tuuro,
waxuu kaloo misna diray Abuu Zahraa Al Qusheyriyu oo uu udiray dhanka
Bathaniyah iyo Xowraan, waxuuna ku furtay heshiis. Qaryooyinkii ku
teedsanaa Dimishiq oo idil waxaa badi lagu furtay heshiis, gacanta
Yaziid bin Abuu Sufyaan.
Khaliifah bin Khayaad wuxuu ka soo weriyey Cabdullaahi ibnu Muqiirah
oo isaguna aabahiis kasoo weriyey inuu yiri:” Dhulka Urdun Shuraxbiil
baa xoog ku furtay marka laga reebo Dabariyah oo uu ehelkeedii kula
heshiiyey”.
Ibnu Isxaaq waxuu xusay in Baclabak iyo Ximsa la furtay sanadkii
14aad ee Hijriga bishii Dulqacda, laguna furtay gacanta Abuu Cubeydah
bin Jarraax heshiis ahaan.
Dhacdadii Fixli
Culimo badan oo kamid ah Culamaayi Siirah waxay xuseen in Fixil la
furtay ka hor Dimishiq sidaynu soo tilmaannay, waxaase qabo inay Fixil
ka dambeysay Furushadii Dimishiq Al imaam Abuu jacfar Ibnu Jariir Ad
Dhabari, sidaana waxaa ku raacay Seyf bin Cumar Al Tamiimi sida ku sugan
siyaaqadiisa oo ay kasoo weriyeen Abii Cuthmaan Yaziid bin Useyd Al
Ghasaani.
Waxay soo min guuriyeen in markii la furtay Dimishiq lagu dhaafay
Yaziid bin Abii Sufyaan, ciidankii kalena ay aadeen dhanka Fixil,
waxaana ciidankan Fixil u baxay hoggaaminayey Shuraxbiil bin Xasana,
ciidanka hore waxaa madax looga dhigay oo hoggaaminayey Khaalid bin
Waliid, kuwa midigtana waxaa hoggaaminayey Abuu Cubeydah bin Al Jarraax,
dhanka bidixdana waxaa loo dhiibay Camr bin Al Caas, fardooleyduna
Diraar bin Al Azwar (waxaa kaloo la sheegaa inuu Diraar kushahiiday
dagaalladi aynu soo xusnay midkood). Ciidamada lugta waxaa hoggaaminayey
Cayaad bin Qanam Al Fihri, guud ahaan ciidankaas oo idilna waxaa madax u
ahaa Shuraxbiil bin Xasanah. Way dhaqaaqeen ciidamadan, waxayna
abbaareen dhanka Fixli.
Markii ay Muslimiintii gaareen goobtaasi Fixli ee Ardul Qowr ayay
Ruumaankii waxay isugu tegeen Beysaan, dabeetana waxay soo deeyeen
biyahii dhulkaas oo iyagii iyo Muslimiintii kala dhex galay dhulkiina ka
dhigay dhul dhiiqo badan oo cagtu qaban karin (waxaaba la sheegaa in
sababtaasi darteed dhulkaas loogu baxshay Ardul Qowr, magacaasoo
dhulkaasi markii dambe loogu yeeri jiray). Sidaynu soo xusnay guud ahaan
ciidamada Muslimiinta waxaa madax u ahaa Shuraxbiil bin Xasana,
gaalada Ruumaankuna waxaa hoggaaminayey Saqlaab bin Makhraaq, markaa bay
Muslimiintii degeen, waxay dhowraanna waa sidii ay arrini ku dambeyn
lahayd oo Rabbi ayay talo saarteen. Amiirkii ciidamadaasi Muslimiintuna
waxuu ahaa mid digtooni xad dhaaf ah qabay oo xitaa hurdadiisu ay
yareeyd, sidaa si lamid ahina ciidamadii Muslimiintoo dhami iyaguna
xadrigoodu taam buu ahaa. Haddaba goor habeen ah bay Ruumaankii u
maleeyeen inay Muslimiintu wada hurdaan, waxayna damceen inay soo
dooxateeyaan oo wada laayaan, hase ahaatee waxay Muslimiintii u wada
boodeen mar qura sidii boodidda uu mar kaliya boodo nin. waxaana dhex
maray dagaal aad u kulul oo ilaa subaxii socday, misna subaxaas illaa uu
gabalkii ka dhacay ayuu sii socday, markiina uu dhulkii madoobaaday
gudcurkii habeennaad dartii bay Ruumaankii jabeen oo amiirkoodii
Saqlaabna laga dilay. Muslimiintiina firxadkoodii bay sii eryadeen oo
sii laynayeen jeer ay ka dul dhaceen biyahii ay markii hore iyagu soo
daayeen, oo ay in badan oo kamidi ku harqadeen, darkaloo badan oo lagu
qayaasay 80 000 ( Siddeetan kunna ) Muslimiintii baa laysay, Waxaa kaloo
la sheegaa markii horeba inay tiradoodu ahayd 80 000, waxaana yaraa
intii ka bad baadday, halkaasina waxay Muslimiintii ka heleen qaniimo
fara badan iyo maal cusul.
Abaa Cubeydah iyo Khaalid iyo intii la socotay baa markaa waxay u
boqaalleen dhankii Ximsa siduuba amiirkii Mu’miniinta horey usoo amray,
waxuuna Abuu Cubeydah Urdun masuul uga dhigay Shuraxbiil ibnu Xasana oo
uu la socda Camr bin Al Caas. Kadib waxay go’doomin ku qabteen Beysaan
jeer ay markii dambe dadkii deganaa u soo baxeen, waxaana dhex maray
dagaal aad u weyn oo durtaba ay markii dambe heshiis dalbadeen,
markaasuu kula heshiiyey mid lamida heshiiskii reer Dimishiq. Sidaa si
lamid ahina Abul Acwar Al Sulami ayaa reer Dhabariyah kula heshiiyey.
SANADKII 14AAD
Bilashadii sanadkani howlihii sidii hore waa ay ka fududaadeen,
waxaanna soo qaadan doonnaa waxyaabahihii dhacay inagoo marba qaadaa
dhigi doonno dagaalladii kasocday labada dhinac (Furus iyo Ruum).
Si ay markaasi inoogu fududaato inaanu fahamno qaabkii dhacdooyinka,
anagoo marka mid qaadan doonno ayaa waxaan hadda ku hor mari doonnaa
dagaalladii iyo dhacdooyinkii ka socday dhanka Furus oo sanadkii hore
inoogu joogay ”BOQRIDDII YAZDAJRID”.
Billowgii sanadkan ayay ahayd markii uu amiirkii Mu’miniinta ee Cumar
bin Khaddaab uu dadka ka dhex istaagay isagoo ku boorinayo jihaadka iyo
dagaallada ka soconaya dhulka Ciraaq. Taasina waxay ahayd ka gadaal
markii laga soo guddoomay muwaasimtii xajka ee sanadkii 13aad iyo kadib
markuu maqlay wixii ciidamadii Muslimiinta kusoo gaaray dagaalkii Jassar
iyo dilkii amiirkii ciidamadaas ee Abuu Cubeydah bin Mascuud Illaahay
ha u naxariistee, iyo in waliba madaxdii Ciraaq badidoodii laga soo
saaray goobahii ay horey u qabsadeen, in badan oo kamid ah dadkii
jizyada dhiibayay ee horey Muslimiinta heshiiska ula galayna ay
ballamahii ka baxeen, iyagoo ku kadsoomay boqorkii cusubaa ee ay Furus
caleema saaratay, sidii isagoo usoo celin doono saldanadoodii iyo
awooddoodii hore, oo uu hor istaagi karo huganka iyo guuxa Islaamka iyo
ehelkiisa.
Waasidaase waxay markaasi madaxdii Muslimiinta ee dhulkaasi ku
sugneeyd warqad u dirsadeen dhanka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin
Khaddaab sidaynuba soo xusnay, taasoo ay ku ogeysiinayeen xaalladu sida
ay tahay iyo in dhulal badan laga soo saaray, waxayna ka dalbadeen inuu
gurmad culus u soo diro. Sababihii dhaliyey inuu Cumar horaantii
sanadkan dadka ku booriyo jihaadka dhulka Ciraaq ayaa waxay ahaayeen
kuwaas aanu soo xusnay. Markaa iyada ah buuna la dhaqaaqay ciidan culus
oo uu isla isagu naf ahaantiisu hoggaaminayo. Ammintu waxay ahayd
maalintii kowaad ee bishii Muxarram ee isla sanadkan, waxuu magaalladii
Madiina kala dhaqaaqay ciidan culus oo uu isagu hoggaanka u hayo,
magaaladii Madiinana waxuu ku dhaafay Cali bin Abii Dhaalib, waxuuna la
dhaqaaqay ciidankiisii jeer uu gaaray goob la yiraahdo Suraar oo ah
meel biyo leh, halkaas ayuuna dejiyey ciidamadiisii. Waxaa la socday
ciidankaas halyeeyadii iyo culimadii saxaabada oo ay kamid ahaayeen
Cuthmaan bin Cafaan, Sacad bin Abii Waqaas, C/Raxmaan bin Cowf iyo kuwa
kale. Cumar waxuu amray in la addimo salaadda oo jamaaco lagu tukado,
kadib buuna dadkii ogeysiiyey shir loo wada dhan yahay oo uu kala
tashanayo inuu baxo iyo in kale, magaalladii Madiinana waa uu u cid
diray si Cali loogu yeero oo uu showrada uga qayb qaato. Markii uu Cali
yimid showradiina la billaabay badi saxaabadii waxay ku taliyeen in la
baxo oo amiirka Mu’miniintuna uu ciidanka hoggaamiyo, raggii ra’yigaasi
sida weyn ugu dhegnaa waxaa kamid ahaa Cuthmaan ibnu Cafaan iyo qaar
kamid ah odayaashii saxaabada, hase ahaatee C/Raxmaan bin Cowf baa isagu
taa caksigeeda la yimid, waxuuna isagu ra’yi ahaan qabay in amiirka
Mu’miniinta uusan bixin oo uu booskiisa cid kale diro, waxuuna yiri:”
Anigu waxaan arkaa (amiirkii Mu’miniintoow!) haddii lagu jebiyo, iney
jab ku tahay oo ay taasi daciifin doonta Muslimiinta dunida oo idil,
haddaba dir booskaada nin kale oo adigana iskaga laabo magaallada
Madiina”. Cumar bin Khaddaab ra’yigaas buu qaatay, markaa bay dadkii
lideen ra’yigii C/Raxmaan bin Cowf oo ku tilmaameen mid sahiifnimo ah.
Waxuu yiri Cumar (isagoo ibnu Cowf la hadlayo):” Oo yaay kula tahay inaan dhulka Ciraaq u dirno?
Waxuu yiri:” Waad heshay?
Waxuu yiri:” Oo waayo?
Waxuu yiri:” Asad fii Baraathinih Sacad bin Maalik (Sacad bin Abii Waqaas).
Kadib waxuu Cumar qaatay ra’yigii iyo fikirkii C/Raxmaan bin Cowf,
ciidamadiina waxuu u dhiibay Sacad bin Abii Waqaas oo uu u dardaarmay.
Waxaa kamid ahaa dardaarankiisii :
Sacad ibnu Uheyboow!! (Uheyb bin Cabdimanaaf waa awoowga Sacad bin
Abii Waqaas iyo adeerka Aamina bint Wahab bin Cabdimanaaf- Nebiga SCW
hooyadiis) yaysan ku kedin in lagu yiraahdo waa abtigii Rasuulka SCW iyo
saaxiibkiis, Illaahayna xumo kuma tir tiro xumo kale, ee waxuu ku tir
tiraa xumuhu wanaagga, Majirto qof isago iyo Alle Sarreeye uu ka
dhaxeeyo wax xiriir ah, oo aan ka ahayd mid ku sugan daacadda Alle,
dadka kooda shariifka iyo kooda daciifka ahba daatada Alle waa ay u
siman yahiin, Allaah waa Rabbigooda, iyaguna waa addoomadiisa. Amarka
eeg Sacadoow! kii aad ka aragtay Rasuulkii Alle SCW tan markii lasoo
diray jeer uu naga faaruqay, oo laasim markaa amarku waa isagee, tani
waa waanadeydii aan kuu dardaarmayey oo haddii aad ka weecato oo ka
dacal dhacdo, markaa waxaa burayo camalkaadii oo waxaadna noqoneysaa mid
khasaaray”.
Markii uu damcay Sacad inuu dhaqaaqo ayuu misna Cumar yiri :”
Sacadoow! waxaad u tegi doontaa arrin kulul (dagaal ) ee ku sabir oo
hakugu kulanto cabsida Allaah. Ogoow cabsida Allaah waxay kulmisatay
laba arrimood (oo kala ah) ku sugnaashaha daacaddiisa iyo ka fogaanshaha
macsidiisa. Daacaddiisu waa in loo carooda yacni la naco adduunyada oo
la jeclaado aakhiro. Caasinnimaduna waa in la jeclaado adduunyada oo loo
carooda aakhiro, yacni la naco.
Sacad wuu dhaqaaqay waxuuna abbaaray dhankii Ciraaq isagoo ay la
socdaan duulkiisii, markiina uu gaaray goobta Nahru Zaruud oo uu ku
dhawyahay inuu la kulmo Al Muthanna bin Xaaritha oo midiba midka kale uu
u xiisho qabo, buu Muthanna geeriyooday, waxuuna u geeriyooday dhaawac
kasoo gaaray dagaalkii Jassar ee uu ku geeriyooday Abuu Cubeydah bin
Mascuud Al Thaqafi.
Waxuu Muthanna ciidamadii Ciraaq usii dardaarmay inuu masuul u noqda
Bashiir bin Khasaasiyah. Markii ay Sacad gaadhay geerida Muthanna buu u
raxmad dalbay oo u duceeyay, waxuuna guursaday haweeneydiisii uu ka
tegay oo la oran jiray Salmaa.
Sacad markii uu tegay Ciraaq amiir kastoo kamid ah amiiradii
ciidamada Muslimiinta ee dhulkaasi ku sugneyd waxay wada hoos yimaadeen
xukunkii Sacad oo geyigaas Ciraaq oo idil isaga ayaa amiir ka noqday,
siduuba Abaa Cubeydah bin Al Jarraax oo isaguna tobankii jannada loogu
bishaareyay kamid ahaaba uu masuul uga ahaa Shaam oo idil. Intaa
Dabadeed waxuu Cumar sacad u soo diray ciidamada gurmad ah, waxuuna
markii dambe la kulmay ciidamadii Furus maalintii Qaadisiyah isagoo
amiir u ah 30 000 ama 36 000 dagaalyahanno ah.
Cumar waxuu yiri:” Illaah baan ku dhaartaye waxaan isku dhufan doonaa
boqorrada Cajamta (Furus) iyo boqorrada Carabta”. Kadibna waxuu Cumar
soo amray Sacad qaabkii uu sacad u dhisi lahaa ciidanka weerari lahaa
Faarisiinta, waxuuna amray in qabiilo waliba oo kamid ah ciidamada
Muslimiinta laga xulo rag aqoon dheer u leh tolkooda oo markaas koox
waliba la hubiyo tabtooda, kadibna la aado Qaadisiyah.
Sacad sidii buu yeelay waxuuna dhisay ciidamadiisii isagoo ku dhisay
amarka amiirkii Mu’miniinta midig, bidax gaadada dambe, ciidamada lugta
iyo kuwa fardooleyda iyo kowa horeba. Waxuu Cumar usoo doortay
qaadinnimada ciidankaas Cabduraxmaan bin Rabiicah Al Baahili oo loo
yaqiinnay Dun-Nuun, isaga ayaana loosoo xil saaray qaybinta qaniimada
iyo fayga. Daaciga ciidanka iyo kii wacdinayey mar walibana waxaa loo
xilsaaray Salmaan Al Faarisi. Qoridda ciidanka iyo qaniimooyinkana waxaa
loo xilsaaray Ziyaad bin Abii Sufyaan.
Ciidankan waxaa ku jiray 300 iyo dhowr iyo toban saxaabi, 70 iyo
dhowr kamid ahi waxay ahaayeen asxaabtii ka qayb gashay dagaalkii Bader,
waxaa kaloona la socday 700 oo kamid ah dhashii saxaabada.
Kadib Cumar waxuu soo amray inuu Sacad ku dhaqaaqo Qaadisiya, waxuuna
amray inuu qaado jidka oo wixii uu helaana uusan u gaban oo aysan cabsi
gelin tira badni kastoo ay cadawgu ku suganyahiin. Misna waxuu usoo
diray warqad kaloo uu ugu dardaarmayo ciidamada Muslimiinta iyo
amiirkooda Sacad, waxuuna u tilmaamay inuu sabro sabar baliiq ah oo uu
Alle hiil iyo gargaarba weydiisto iyo in uu badiyo qowlka laa xowla
walaa quwati illaa Bil-laah. iyo in uu mar waliba warqad usoo diro
isagoo ka codsaday inay warqaddaasi noqota mid u hadleyso sida isagoo (
Cumar ) uuba u jeedo ama ay muuqdaan ciidamada dhulka Ciraaq, waxuu
Cumar ka codsaday Sacad inuu u sifeeyo halka ay Muslimiintu marayaan iyo
halka ay dagayaan intuba oo maalin waliba iisoo dir warqad ayuu yiri.
Markaa buu Sacad u diray amiirkii Mu’miniinta warqad uu uga warramayo
halka ay kusuganyahiin isaga iyo ciidamadiisii iyo in ay is heli doonaan
Rustum arrinkuna uu Alle ogaal badan yahay sida uu xaal ku dambeyn.
Cumar ibnu Al Khaddaab markay u tegtay warqaddii Sacad ee ka
warrameysay xaaladdii Muslimiinta ayuu u duceeyay ciidanka si guud, gaar
ahaanna Sacad buu u duceynayey har iyo habeenba isagoo Alle uga
baryayey inuu nasri iyo guul ka siiyo cadawga. Sacad horey buu u socday
isagoo ku jira dalabka Qaadisiya, markiina uu marayey meesha la yiraahdo
Al Cudeyb baa Muslimiintii waxaa ku soo baxay jamac Faarisiin ah oo uu
hoggaaminayo Sheyrizaad bin Ardaaweyh, halkaas bayna Muslimiintii ku
jibiyeen cadawgii Majuusta oo ay ka qaniimeysteen qaniimo badan, kadibna
qaniimadii buu Sacad intuu qeybiyey ayuu khumuskiina u diray amiirkii
Mu’miniinta ee Cumar ibnu Al Khaddaab. Muslimiintii aad bay ugu farxeen
guushaas ay gaareen, waxayna u noqotay rayn rayn iyo farxad iyo niyad
dhis.
Kadib waxuu diray siriyad yacni wardoon uu madax uga dhigay Qaalib bin Cabdullaahi Al-Leythi.
Dagaalkii Qaadisiyah
Kadib Sacad wuu dhaqaaqay waxuuna degay Qaadisiyah oo uu diray
siriyaad iyo wardoonna, waxuuna halkaas ku sugnaa bil uusanna cidi la
kulmin kamid ah Faarisiinta, markaa buu Sacad warqad u diray amiirkii
Mu’miniinta Cumar bin Khaddaab taasoo uu ku ogeysiinayo xaaladda. Reer
miyigii iyo ari raacyadii Furus dhulkoodii bay u yaabeen markay arkeen
wardoonnadan galab iyo subax dul heebaabayo deegaannadii ay xoolahooda
ku raacan jireen, markaa bay u tegeen boqorkii Yazdajrid oo ay ku
yiraahdeen:” Haddaydaan naga kaafinin kuwan (Muslimiinta) oo aydan
inooga fillaanin waxaan u dhiibeynaa waxa gacmahayaga ku jiroo idil,
qalcadahana waan ugacan gelineynaa”.
Kadib Faarisiintii shir bay u fadhiisteen, waxayna isku raaceen in la
diro Rustum iyo ciidan uu hoggaaminayo, markaa buu boqorkii Yazdajrid u
cid diray Rustum si uu ugu yimaado, markiina uu u yimid waxuu amray
inuu ciidanka hoggaamiyo oo Muslimiinta uu ka hor tego hase ahaatee
Rustum waa uu ka cududaartay arrintaas mana ahayn ra’yigiisa ra’yi
dagaal waxuuna yiri :” Arrinkaan aad waddaan maaha ra’yi dagaal, in
Carabta ciidama la iskaga daba diraayi waxaa uga adag in hal mar loo
diro ciidan culus oo mar qura jebiyo”. Boqor Yazdajrid wuu diiday waxaan
ka ahayn ra’yigiisii ahaa in uu ciidankaasi hoggaamiyo Rustum, markaa
buu Rustum isku diyaariyey bixid iyo inuu aado dhankii Muslimiinta.
Sacadna waxuu diray wardoonno uu u diray magaallada Xiirah, wardoonnadii
waxay usoo tebiyeen in boqorkii Furus ee Yazdajrid uu amray ciidan
culus si ay hal mar u jebiyaan Muslimiinta iyo inuu weliba ciidankaas
madax uga dhigay Rustum bin Farakhzaad Al Armani oo uu misna u
diyaariyey ciidama kale oo gurmad ah. Markaa buu Sacad warqad u diray
amiirkii mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab uu ku ogeysiinayo arrintaas,
markaa buu Cumarna soo diray warqad kale oo uu leeyahay:” Yaaysan ku
kurbo iyo cabsi gelin waxa kaaga imanayo xaggooda (cadawga) ee Alle
kaalmo weydiiso oo isaga talo saaro, una dir xaggiisa (Rustum) nin
(ciidamada Muslimiinta kamid) ah oo indheer garad ah oo ra’yi u saaxiib
ah, si uu xagga Alle ugu yeero, Alle baana yeelaya yeeriddiina aad u
yeereysaan mid itaal darri ku riddo (iyaga Furus) oo dufeyso, maalin
walibana iisoo qor warqad”.
Rustum wuu soo dhawaaday waxuuna ciidankiisii dejiyey goob la
yiraahdo Saabaadh, markaa buu Sacad warqad u diray amiirkii mu’miniinta
Cumar bin Khaddaab uu ku leeyahay:” Rustum waxuu soo degay Saabaadh
isagoo la yimid fardo iyo maroodiyaal uu nagu gilgilayo, waxbase
xaggayaga oo aan u aragno majirto, aan ka ahayn inaan jeclaaday inaan
mar waliba kula socdsiiyo xaaladda”.
Rustum waxuu dhisay ciidamadiisii isagoo ciidankiisa hore oo 40 000
ah madax uga dhigay Jaalinuus, ciidanka midigtana waxuu madax uga dhigay
Hurmuzaan, ciidanka bidixdana Mihraan bin Bahraan waxayna ahaayeen 60
000, ciidanka dambena waxuu madax uga dhigay Bandaraan waxayna ahaayeen
20 000. Seyf bin Cumar waxuu leeyahay:” Ciidamadiisoo idilba waxay
ahaayeen 80 000.
Werin kalena waxaa kusugan inuu Rustum la yimid maalintaa 120 000
ciidan ah oo ay raacsanaayeen 80 000 gurmad ah (waa sida ay culimada
mu’arrakhiintu badidoodu rajaxeen) oo uu sitay 33 maroodiyaal ah, waxaa
kamid ahaa maroodiyaashaasi mid cad oo uu lahaa Saabuur, waxuu ahaa
maroodigii ugu weynaa maroodiyaasha oo hor kacayey ama hoggaaminayey.
Kadib Sacad waxuu diray jamaaco kamid ah saadaaddii Muslimiinta oo ay
kamid ahaayeen: An Nucmaan bin Muqarrin , Furaat bin Xayaan, Xandhalah
bin Rabiic At Tamiimi, Cudhaarid bin Xaajib, Al Ashcat bin Qeys Al
Kindi, Muqiirah bin Shucbah Ath Thaqafi, iyo Camr bin Macdiyakrib Az
Zubeydi. Raggani waxay ahaayeen rag karmeedyadii ciidankaa Muslimiinta,
waxaa loo diray si ay Rustum ugu yeeraan xagga Allaah Sarreeyo iyo
Islaamka.
Markay utageen Rustum baa waxuu ku yiri:” Oo maxaa idin keenay? Waxay
yiraahdeen:” Waxaanu u nimmid ballantii uu Allaah inooga kiin qaaday
ee ah qaadashada dhulkiinna, iyo inaan qafaallano dumarkiina iyo
carruurtiinaba oo aan weliba qaadanno maalkiina, arrintaasina innagu si
dhab ah baanu u hubnaa”. markaas ka hor buuna Rustum riyo arkay ,
taasoo ahayd : Malag Samada kasoo degay oo aruurshay hubkii Furus oo u
wada dhiibay Muxammed ( SCW ) oo Muxammadna uu ku wareejiyey Cumar bin
Khadaab.
Sida uu xusay Seyf bin Cumar, Rustum wuu ka warwareegayay inuu la
kulma Sacad bin Abuu Waqaas iyo Ciidanka muslimiinta , waxayna noqotay
markii uu Rustum kasoo baxay caasimadiisii Al Madaa’in illaa iyo intii
ay isku heleen muslimiinta goobta Qaadisiya muddo afar bilood ah.
intaasna wuu diidanaa dagaal uu la galo muslimiinta, habeen walibana
intii muddadaas lagu jiray, marna wuu u goodin muslimiinta, marna wuu
sasabi oo waxuu lahaa wax baan idin siin waan idin arrad tiri, midkiin
walibaana daraahiim ( lacag ) baan siini sanadka markii la gaarana
intaas in la mid inoogu imaada , iyo eraya kaloo lamid ah isagoo raba
inay ka laabtaan dhulka Furus.
Markii ciidanka isku soo dhawaaday ayuu Sacad diray nin kamid ah
ciidamada fardooleyda ee muslimiinta si uu akhbaar uga keeno nimanka
majuusta ah , waxuuna ahaa ninkaas uu diray Dhuleyxa bin Khuweylid Al
Asdi, kaasoo ahaa ninkii Nebinimada sheegtay hadana toobad keenay oo
wanaagsanaaday. Waxuuna Dhuleyxa raad weyn ku lahaa furashooyinkii
Dhulalka Furus. Dhuleyxa waxuu soo qabtay nin kamid ah majuusta oo uu u
keenay Sacad ninkii markuu arkay geesinimada Dhuleyxa iyo ciidankii uu
kasoo dhex qabtay intuu dhamaa, ayuu islaamay markii dambe .
waxuu ninkaas markii su’aal la weydiiyaba ku mashquulsanaa oo uu ka
sheekeynayay geesinimadii Dhuleyxa bin Khuweylid iyo tirada ciidanka uu
kasoo dhex qabtay intuu la ekaa. Markaasuu Sacad ku yiri:” War inaga daa
taase inooga warran Rustum a, markaasuu yiri:” Waxuu sitaa 120 000 in
lamid ah oo gurmadna waa u diyaar,
Intaas kadib ayuu Rustum soo cid dirsaday isagoo ku leh Sacad: ii soo
dir nin caqli leh oo wax yaqaan, si uu ula naqaasho yacni uu la dooda,
markaa bay ahayd markuu Sacad u diray Muqiirah bin Shucbah. Markii uu
Muqiirah u tegay, ayaa waxuu Rustum guda galay inuu yiraahdo:” Waxaad
tahiin deriskayaga waana idin wanaajin jirnay oo wax xumaan ah idima soo
gaarsiin jirin ee haddaba ku laabto dhulkiinnii, una diidi mahayno
tijaaradiinna inay dhulka yaga timaaddo. Waxuu Muqiirah ugu jawaabay:”
Ma nihin inagu kuwa raadinayo adduun, kaliya hammiga nagu iyo
dalabkeennu waa aakhiro, Illaah baa waxuu inoo soo diray Rasuul uu ku
yiri: Waxaan kooxdan (Muslimiinta ahi) ku salliday cid kastoon
diinteydan diin ka dhiganin, iyaga ayaana uga cad goosanaya, guul
ayaanna dushooda yeeli doonaa intay kusugan yahiin (Muslimiinta)
diintan. Waa diinta xaqa ah oo aysan jirin cid ka leexato illaa Alle wuu
dulleeyaa, ciddii qabsataana Alle wuu cizeeya”.
Markaa buu Rustum yiri:” Oo maxay tahay diintu?
Waxuu Muqiirah yiri:” Amaa tiirka aysan ka ansaxmeyn la’ aantiisu waa
qiridda inuusan jirin Alle la caabbudo oo aan ka ahayn Alle kaliya,
Muxammedna ( SCW ) uu yahay Rasuulkii Alle SCW, iyo in lagu qanco waxii
uu xag Alle kala yimid”. Waxuu yiri Rustum:” Oo maxaa ka wanaag badan?
Oo maxaa kaloo xiga hadana? Waxuu yiri:” Iyo in laga saaro is addoonsiga
ay addoomadu is addoonsadaan oo addoonnimadu ay u ahaato Alle oo kaliya
( macnaha isaga oo kali addooma loo noqda oo la caabbudo ) ”. Waxuu
yiri:” Oo tanna waa wax wanaagsan, maxaa xigga haddana? Waxuu yiri:”
Dadku waa ilmo Aadam iyo Xawaa, waana walaalo dhanka aabaha iyo
hooyaduba”. Waxuu yiri:” Tanna waa mid wanaagsan”.
Kadib waxuu Rustum yiri:” Bal ka warrama haddii aan diintiina soo
galno maka laabaneysaan dhulkayaga? Waxuu Muqiirah yiri:” Haa Wallaahi,
una iman mayno wax aan ganacsi ama dan kale ka ahayn dhulkiinna”. Waxuu
yiri Rustum:” Tanina waa mid wanaagsan”.
Markii uu Muqiirah tegay buu Rustum uga sheekeeyay dadkii madaxda
tolkiisa wanaagga Islaamka uu leeyahay iyo waxii dood isaga iyo Muqiirah
dhex martay, hase ahaatee waxay ku qaabileen diidmo daran inay qaataan
Islaamka. Kadib Rustum waxuu dalbaday in nin kale loosoo dira
Markaa buu Sacad waxuu soo diray nin kale si uu ula soo dooda Rustum,
waxuuna ahaa ninkaasi halyeygii weynaa ee Ribciy bin Caamir bin Khaalid
bin Camr oo kamid ahaa halyeeyadii Muslimiinta. ( Cumar bin Khaddaab
baa gurmad ahaan ugu soo diray Muthanna bin Xaarith markuu dhulka Ciraaq
masuulka ka ahaa ).
Goobtii uu Rustum fadhiisan jirey waxa lagu qurxiyey xariir, diibaaj,
iyo murjaan iyo waxyaaba kaloo lamid ah, isagiina waxay u dhigeen
sariir dahab ah oo ay ku qurxiyeen wiqyado iyo noocya badan oo kamid ah
alaabaha quruxda, Rustumna waxuu ku fadhiistay sariirtii dahabka si uu u
qaabilo waftiga kaga imanayo dhanka Muslimiinta. Ribciyi waxuu ku
lebbisan yahay dhar suuf ah oo aan qurxaneyn, waa dharkii reer Xijaas
lagu yaqiinnay, waxuu kaloo wataa seyf iyo waran iyo faraskiisa oo
kaliya ( faras gaaban ). kamuunan suulin inuu faraskiisa saarnaa jeer
uu yimid daraf kamid ah gogashii weyneed ee jidkiisa loogu goglay, ula
jeedaduna waxay ahayd in Muslimiinta la indho sarcaadiyo markay
dhaldhalaalkaas arkaan oo inta wax yar la siiyo ay sidaa dhulkoodii ugu
laabtaan, maxaase dhacay? Ribciyi wuu ka degay faraskii oo waxyaabahii
la goglay mid kamid ah ayuuba faraskiisii ku xirtay, kadibna hubkiisii (
warankii iyo seeftii ) buu lasoo galay isagoo ku jeex jeexayo
katiifadihii xariirta ee ay wareen reer Furus. Faarisiintii baa ka
dalbatay inuu dhigo hubka, waxuuse ugu jawaabay:” Anigu idiinma iman oo
idinma soo raadsanin ee waxaan imid markaad ii yeerateen, haddaba igu
daayo sideydaan ( anigoo hubkeyga sita ) ama aan iska laabto”. Rustum
baa markaa yiri:” Daayo ha ii yimaadee”. Markaa buu soo galay isagoo
warankii ku mud mudayo xariirtii la goglay, illaa uu kasoo gaaray
golahii uu Rustum fadhiyey.
Rustum baa hadalkii billaabay oo waxuu yiri:” Maxaa idin keenay ?
Waxuu Ribciyi ku jawaabay:” Waxaan u nimid inaan ka saarno ciddii
doonta is addoonsiga ay addoomadu is addoonsanayaan oo aan addoonnimada u
saarno Alle xaggiisa, iyo inaan ciriiriga dunida ka saarno oo aan u
saarno ballarkeeda, iyo inaan ka saarno diimanka farada badan oo aan u
saarno cadaaladda Islaamka, Ruuxii taa naga yeelo waan ka yeeleynaa oo
waanna ka laabaneynaa, ruuxiise diida waanu la dagaallameynaa jeer ay ka
fusho ballantii Alle naga qaaday? Waxuu yiri Rustum:” Oo waa maxay
ballanta Alle? Waxuu yiri:” Waa inuu galayo Janno ruuxii ku dhinta
dagaalka lala galay kuwa diiday diinta Islaamka ee ka hor yimid, iyo
guul kuwii haray”. Waxuu yiri Rustum:” Runtii hadalkiinnu waan
dhageystay ee dib manoogu dhigeysaan arrinkaan jeer aan eegno xaalku oo
aad idinkuna eegtaan? Waxuu yiri Ribciy:” Haah! immisa ayaad dooneysaa
(inaan dib kuugu dhigo si aad uga soo fiirsataan) maalin ama labo
maalin? Waxuu yiri:” Mayee!! illaa aan u cid dirsanno dadkayagii ra’yiga
u saaxiibka ahaa iyo madaxdii tolkayaga”. Waxuu yiri Ribciyi:” Nooma
jideynin Rasuulkii Alle SCW inaan u sugno cadawgayaga kadib markaan la
kulunno wax ka badan saddex casho, ee fiiri arrinkaaga iyo arrinka
qowmkaaga, oo kala dooro mid kamid ah saddexdii (Jizyo, Islaannimada ama
dagaal) markay kuu dhammaado muddada (saddexda casho ah)”. Waxuu yiri
Rustum:” Oo ma seydkoodii (Muslimiinta) baad tahay? Waxuu yiri:” Maya,
laakiin Muslimiintu waa sida jir qura kooda ugu hooseeya ayaana magan
gelin kara kooda ugu sarreeyo”. Rustum hareeradiisa waxaa markaa isugu
yimid madaxdii reer Furus ee lasocotay, markaasuu ku yiri:” Oo waligiin
ma aragteen qof ka hadal qurxoon oo ka cizi iyo sharaf badan ninkan
(Ribciyi) ? Waxay ku yiraahdeen:” Alleynu ka magan galnay inaad u
iilato waxa kan aad u jeeddo oo aad diintaada uga tegto, oo ma waadan
arkeynin dharka uu sito? Markaasuu Rustum yiri:” Hoog idinku dhacyee ha
eegina dharkiisa ee fiiriyo ra’yigiisa, hadalkiisa iyo hab dhaqankiisa,
sideeduna Carabtu maba daneeyaan dhar iyo cunto toona”.
Maalintii labaad ayuu Rustum soo cid dirsaday si nin kale loogu soo
diro, markaa buu Sacad u diray Xudeyfah bin Muxsin oo sidii Ribciyi oo
kale ula soo hadlay. Maalintii saddexaadna waxaa loo diray Muqiirah bin
Shucbah oo siduu ula hadlayey ku xeel dheeraaday hadalka waqti dheer
bayna wada hadlayeen oo ay wada doodayeen, waxaana kamid ahaa hadalladii
dhex maray sidan:
Rustum ayaa Muqiirah ku yiri:” Miithaalka loosoo qaadan kara soo
gallida aad dhulkayaga soo gasheen waa sida duqsi arkay malab oo yiri:
Yaa i gaarsiiya malabkaas oo markaa heli doono 2 Dirham? Markii uu ku
dhex dhacay oo uu ku maanshoobay ayuu damcay inuu ka baxo, markaasuu
awoodi waayey oo misna yiri: Yaa iga saaro oo heli doona 4 Dirham? Sidoo
kale miithaalkiinnu waa sida dawaco itaal daran oo ku jirta god ku yaal
beer, markii uu arkay ninkii beerta lahaa itaal darrideeda buu u
naxariistay oo iskaga tegay. Markii ay cayishay bay wax badan ka
fasaadisay (xoolo iyo beerta iwm bay ka cuntay) Markaa buu la yimid
ciidankiisii oo soo kaxaystay wiilashiisii si uu uga saaro, hase yeeshee
way awoodi waysay cayil dartii markaa buu dilay, haddaba sidaa oo kale
ayaad uga bixi doontaan dhulkayaga”. Kadibna caro darteed buu Rustum la
sii jeestay oo cadceeddii intuu ku dhaartay buu yiri:” Berritoole baanu
idin layn doonnaa”.
Waxuu Muqiirah yiri:” Waad ogaan doontaa”.
Markaasuu Rustum yiri:” Waxaan amray in la idin arrat tiro oo dhar la
idiin siiyo, amiirkiinuna sidoo kale ayaan amray iyo in lasiiyo 1000
Diinnaar iyo dhar iyo gaadiid, ee innaga noqdo”. Markaasuu Muqiirah
yiri:” Oo ma kadib markii aan itaal darreysiinnay boqortooyadiinnii baa
oo aan weliba daciifinnay awooddiinnii? Muddo ayaanu joogi doonnaa
dhulkiinna oo aan idinka qaadi doonnaa jizyo idinkoo dulleysan, waxaadna
inoo noqon doontaan addooomo”. Markaa buu misna Rustum markale caro
darteen la sii jeestay.
Taa ka hor intuusan dagaalku dhicin waxuu Sacad diray rag kamid ah
ciidankii Muslimiinta, kuwaasoo uu u diray dhanka boqorkii Furus boqor
Yazdajrid si ay xagga Alle iyo diinta Islaamka ugu yeeraan. Markay u
tegeen boqorkii bay ka idin dalbadeen inay u galaan, markaasuu isagiina u
idmay inay soo galaan. Boqorku waxuu ahaa mid aan akhlaaq suubban
lahayn, edabtiisu aad bay yareed, tiiyooy udheereed dhallinyarannimo.
Waxuu wax ka weydiiyey dharkooda kan ee ay sitaan magaciisa, kabahooda
iwm ee ay siteen. Kol Alliyooy uga jawaabaan buu ku jees jeesayey oo uu
wax ka sheegayey. Dadkii Madaa’in deganaa waa ay soo baxeen si ay u
eegaan dadka ay boqortooyadii Furus ka fadhin weyday. Waxay arkeen rag
dhar suuf ah kulebbisan iyo kabo aan indhuhu soo jiidaneyn, waxay
arkeen diifta ka muuqata misna waxay eegeen waxay gaadiid ahaan u siteen
oo fardo iyo awr weyti ah, waxayna is weydiinayeen su’aalo dhowr ah oo
ay kamid tahay:” Sidey dadka sidan uyaal ay dhulka Furus ula wareegeen
oo ay boqortooyadeenna dusheedda u soo degeen?
Markii dambe boqor Yazdajrid waxuu su’aalay raggii:” Maxaa halkan
idin keenay? Ma waxaad u maleyseen markii aan dhexdayada isku
mashquulnay inaad naga faa’ideysan kartaan? Nucmaan bin Muqarrin baa u
jawaabay oo hadalka si fiican u dhigay, waxaana kamid ahaa kalmadahiisii
sidan: ” Alle baa inoo naxariistay oo inoo soo diray Rasuul na tusiyo
wanaagga oo na amaro inaan falno, oo na baro sharta (iyo asbaabteeda)
nagana reebay, waxuuna nalagu ballamay ajiibidda kheyrku inuu yahay
wanaag adduun iyo mid aakhiro”.
Kadib markuu ka sheekeeyey Nucmaan marxaladihii ay diinta Islaamka
soo martay iyo halka ay cizi iyo sharaf maanta ka joogto, ayuu u
bandhigay boqorkii inuu soo galo diinta Islaamka ama jizyo ama dagaal,
waxuu ku yiri:” Waxuu Rasuulkayaga SCW na amray inaan ka billawno
umadaha noosoo xiga oo aan ugu yeerno inay nala soo saftaan. Annagu
waxaan idinkugu yeereynaa diintayada, waana diinta Islaamka, waxay
wanaajisaa kii wanaagsan (oo ay wanaag iyo sharaf u siyaadisaa), waxayna
dulleysaa midkastoo dulli ah. Haddii aad diiddaan, arrin tan ugu
sharbadan oo ka fudud tan ugu dambeeyso (dagaalka) ee ugu sharta badan
waa jizyo, haddii aad diiddaanna waa dagaal. Haddii aad yeeshaan
diintayada, waxaan idiin reebeynaa kitaabka Allaah oo aan idiinku
qumineynaa inaad isku xukuntaad axkaamtiisa, idinka howlahiinna iyo
dhulkiinnuba waanu idinka laabaneynaa. Haddii aad na siisaan jizyo,
waanu idinka guddoomeynaa waana idin illaalineynaa, haddiisa aad
diiddaan waa dagaal”.
Waxuu yiri boqorkii:” Yazdajrid ha idin laayo.. Waxaanan garaneynin
dhul ay umadi ku sugantahay oo ka xun kana daran weji xumi oo weliba ka
tiro yar idinka. Waxaanu idiin wakiilan jirnay qaryooyinka Dawaxiga
(Carabtii tabaca u ahayd) oo iyaga ayaa inooga kiin filnaa, mana aydan
damaacin jirin inaad kusoo duushaan dhulka Furus”. Waxuu kula hadlay
erayo kul kulul, markaa bay raggii wada aamuseen. Muqiirah bin Shucbah
baa istaagay oo hadlay, waxuuna yiri:” Boqoryahoow! kuwa kani waa
madaxdii Carabta iyo kuwii hor kacayey, waa ashraaf wayna ka xishoodaan
dadka ashraafta ah, kuwa sharafta leh ayunbaana sharfo kuwa kalee
sharafta leh, xaquuqda kuwa sharafta lehna waxaa yaqaan oo kaliya kuwa
iyagu sharafta leh. Ammaa xaaladda xun ee aad nagu sheegtay, maba jirin
cid naga xaalad xumeed, ammaa gaajadayaduna waxaanba cuni jirnay
(waxyaaba aan cunno ahayn bahallada, caleemaha dhirta iwm) waxaanna u
arki jirnay inay tahay cunto, ammaa deegaankayaguna waa uun iska dhulka
guudkiisa, dharkayaguna waxuu ahaa waxa aan ka sameysanno dhogorta geela
iyo ariga. Diintayadu waxay ahayd inuu barkayo barka kale laayo oo
darkeen darka kale ku xadgudbo, waxaaba dhici jirtay inuu midkayo
gabadhiisu noolasha ku aaso isagoo nacayo inay raashiinkiisa wax ka
cunto. Xaalkayagu waxuu ahaa kahor sida aan maantadan ku sugannahay
sida aan kuu sheegay, markaa buu Alle inoo soo diray nin macruuf ah oo
aan garaneyno nasabkiisa, wajigiisa iyo dhalashadiisa, dhulkiisu waa kan
ugu kheyr badan dhulkayaga, xasabkiisu waa kan ugu kheyr badan
axsaabtayada, aqalkiisuna waa kan ugu kheyr badan aqallayada, tolkiisu
waa kan ugu kheyr badan tolkayaga, isaguna naf ahaan waa kaayaga inoogu
kheyr badan. Waxuu inoogu yeeray arrinka (diinta) markaasay cidina
ajiibin. Qofkii ugu horreeyay ee raaco waxuu ahaa khaliifadii isaga ka
dambeeyey (Abuu Bakar). Waxaanu niri been baad sheegtay, suu yiri run
baad sheegtay, saan wax ka naaqusinnay markaasuu isaguna u siyaadiyey.
Markaa buu Alle markii dambe quluubtayada ku tuuray rumeynta iyo
raaciddiisa, markaa buu dhex qaaday annaga iyo Rabbiga uunka dhexdeenna,
wax waliboo uu nagu yiraahdo, waa qowlka Allaah, amarkastoo uu na
amrana waa amarka Allaah. Waxuu inagu yiri (Nebigu SCW):” Rabbigiin
waxuu idin leeyahay: Anigu waxaan ahay keli, mana jiraan wax la ila
wadaajiyo, waxaan jiray goor aysan waxbo jirin, shey kastaana wuu
hallaagsami doonaa marka laga reebo wejigeyga. Aniga ayaa abuuray shey
walibo, oo xaggeyga ayay u ahaan doonaa wax walibo, raxmaddeydu way idin
haleeshay, waxaana idiin soo diray ninka kan (Muxammed SCW) si uu idiin
tusiyo jidkii aan idinkaga badbaadin lahaa geeri dabadeed cadaabteyda
oo aan idinkugu xalaaleeyo daarteyda Daarus- Salaam.
Haddaba waxaanu qireynaa inuu (Muxammed SCW) la yimid xaq uuna kala
yimid xaq agtiis, waxuuna yiri:” Ruuxii idinku raaco arrinkan (diinta
Islaamka) waxuu leeyahay waxii aad idinku leedihiin, waxaana dushiisa
ahaaday waxa dushiina ah, kiise diida u bandhigo jizyo , (hadduu
yeelana) ka ilaaliyo waxa aad nafahiina ka ilaalisaan, hadday diidaan la
dagaallama waa aniga kan dhexdiina xakamka ka ah ee kala xukmin,
kiinnii idinka mid ah ee la dilo waxaan gelin doonaa Jannadeyda, kiinnii
haraana waxaan ka yeeli doonaa ciribtiisa guul”.
Waxuu yiri Muqiirah isagoo boqorka dhankiisa markaa hadalka u
tuurayo:” Haddaba dooro jizyo adigoo dulleysan, ama haddii aad doonto
seef ama Islaam oo bad baadi naftaada?
Waxuu yiri Yazdajrid:” War ma waxaan oo kale baad iila imanaysaa?
Waxuu yiri Muqiirah:” Ma ahan wax aan ula tegay qof aan ila hadlin,
haddii uu qof kale oo aan adiga ahayn ila hadli lahaana waan ula tegi
lahaa”. Markaa buu Yazdajrid yiri:” Haddaysan dembi ahaan lahayn in
ergada la dilo, waan idin layn lahaa, wax agteyda idiin yaalla majirto”.
Waxuu markaa Yazdajrid la hadlay dadkiisii oo uu ka codsaday inay u
keenaan juuni weyn si uu carro ugu buuxiyo oo uu qoorta u saaro
shariifka kuwan (muslimiinta ah).
Markii loo keenay carradii buu yiri:” Waa kuma shariifkiinna? Markaa
bay qowmkii wada aamuseen. Caasim bin Camr baa markaa yiri isagoo
doonayo inuu qowmka furto oo uu isagu carrada qaado:” Waa aniga
shariifkooda, aniga ayaa ah ugaaska kuwan ee ii saari carrada”. Waxuu
yiri Yazdajrid:” Oo masidaa baa? Waxay yiraahdeen:” Haah!.
Markaa buu Yazdajrid dusha u saariyey dabeetana uu amray inuu la
dhaqaaqo. Caasim raggiisii kale waalaga hor diray oo intuu carradii
qaaday buu la socday isagoo dhex qaadaya deyrarkii Madaa’in jeer uu u
tegay rakuubkiisii markaa buuna dul saartay oo uu dhaqaaqay.
Asxaabtiisii kale iyana way soo dhaqaaqeen, Caasim ayaana kaga hor
maray amiirka ciidanka. Markii uu Caasim marayey meesha la yiraahdo
Baabu Qudeys oo ah dacal kamid ah Qaadisiyah buu yiri:” Ugu bishaareeyo
amiirka lib iyo guul, waanu ka guuleysan doonnaa Inshaa-Allaah”. Kadib
wuu sii socday waxuuna galay qolkiisii oo uu carradii dhigtay, markaasuu
soo laabtay oo uu utegay Sacad oo uu arrintii uga warramay.
Saxaabadu aad bay ugu farxeen arrintaas waxayna u fasirteen inay
tahay qaadashada dhulka Furus oo dhan, maalinba maalinta ka dambeysaana
sharaf iyo kor ahaansho iyo cissi ayaa u sii siyaadaysay, halka Majuustu
dulli iyo dib udhac iyo dar xumo hor leh iyo wahni iyo dhaciifnimo ay
la kulmayeen.
Rustum waa uu dhaqaaqay waxuuna aaday boqorkii si uu usoo weydiiyo
waxii uu kala kulmay Muslimiinta iyo weliba ra’yigoodii, markaa buu
Yazdajridna si cad ugu bayaaniyey xadrigii jawaabahoodii iyo
hadalladoodii faseexadda iyo caqligoodii saafiga ahaa. Waxuu misna u
sheegay inay aaminsanyahiin guul goor iyo goob welibo. Guud ahaan
Yazdajrid waxuu Rustum u dul maray waxii isaga iyo raggii Muslimiinta ee
ergada ahaa dhex maray oo hadal iyo dood ahaa, waxuuna xusay falkiisii
doqonnimada ahaa ee uu carrada madaxa u saaray Caasim bin Camr, taasoo
uu isagu u arkayey inuu wax haggaajiyey hase ahaatee ku noqotay: maxaa
iigeeyey? Rustum markii uu dhageystay hadalkii Yazdajrid iyo carradii uu
Caasim madaxa u saariyey buu yiri:” Ninku (Caasim) ma uusan ahayn axmaq
mana ahayd shariifkooda, waxuu doonayey oo kaliya inuu qowmkiisa furto
oo uu isagu carradu qaado, hase ahaatee Illaah baan ku dhaartaye waxay
la tegeen furayaashii dhulkayaga”. Rustum waxuu ahaa Munjim yacni mid
xiddigaha wax ka sheego sidaynu soo xusnayba. Markaa buu diray nin kamid
ah Majuusta si uu uga daba tego haddii uu gaarana uu kasoo celiyo
carrada haddii uu gaari waayo oo carradu ay utegto amiirka ciidanka
Muslimiinta ee Sacad bin Abii Waqaas taa waxay lamid tahay buu yiri
inay dhulkayaga nooga adkaadeen. Ninkii wuu daba galay isagoo doonayo
inuu carradu soo celiyo hase ahaatee waa goorma? Waa goor ay carradii u
tegtay Sacad bin Abii Waqaas Muslimiintiina ay ku farxeen,
Faarisiintiina aad bay uga xumaadeen arrintaas oo waxay caroodeen caro
kulul, ra’yigii boqorkuna waxay ku tilmaameen mid iska waalan.
Aanu u weecanno dagaalkii iyo siduu ku billawday.
Dhacdadan Qaadisiyah waxay ahayd dhacdo tii ugu weyneyd ee ka dhacdo
dhulka Ciraaq, waxayna ahayd mid aad iyo aad u cajiib badan. Markiina ay
labadii qolo is wajaheen, waxay ahayd goor uu Sacad xanuunsanaa oo ay
ku dhacday xanuun la yiraahdo Carqun-Nassaa, waxuuna awoodi waayey
fuulidda gaadiidka (rakuubka ama faraska), markaa baa loo dhisay qasri
oo loo goglay labada dhinacna loo geliyey barkimo si uu halkaa kala
socda dagaalka. Dagaal gelinta ciidanka waxuu u xilsaaray Khaalid bin
Curfudhah, ciidanka midigta waxuu madax uga dhigay Jariir bin C/llaahi
Al Bujali, ciidanka bidixdana waxuu u dhiibay Qeys bin Makshuux. Qeys
bin Makshuux, Muqiirah bin Shucbah, Al qacqaac bin Camr iyo Haashim bin
Cutbah iyo rag kaloo halyeeyo ah waxay ahaayeen raggii ku yimid gurmadka
ee uu soo diray Abuu Cubeydah bin Al Jarraax kadib markuu dhacay
dagaalkii Yarmuuk. Ciidanka Muslimiintu waxaa lagu sheegaa inay ahaayeen
30 000 ama 32 000 ama 36 000, sidaa si aan ahayna waala sheegaa,
calanka ciidanka waxaa dalbaday inuu qaado Cabdullaahi bin Ummu Maktuum,
kadib markii laga fursan wayey ayaa loo dhiibay. Sacad dadkii buu
tujiyey salaaddii duhur oo uu waaniyey oo ku booriyey (dagaalka) waxuuna
akhriyey qowlka Alle Sarreeye:” Dhab ahaan baanu ugu qornay Zabuur
kadib sheegid (horey loogu sheegay looxul maxfuudka) in dhulku ay dhaxli
doonaan addoomayda suubban”. Suuratul Ambiyaa, aayadda 105aad. Raggii
qurraada ahaa ee ciidanka la socdayna waxay akhrinayeen aayadahii
jihaadka. Kadib Sacad wuu takbiirsaday 4 jeer , takbiirtii afraad kadib
bay ahayd markii ay weerarka kulul qaadeen ciidamadii Muslimiinta,
markaana waxaa dhex maray dagaal kulul oo soconayey illaa habeenkii,
meydka labada dhinacna waxuu ahaa mid aad u batay. markaa bay kala
hoydeen, subixii dambana way isku soo jarmaadeen oo dagaalkii ayaa weji
cusub ku bilawday sidii lamid ah buuna usocday meytida labada dhinacna
waxay ahayd sidii hore oo kale, markii ay subixii saddexaad isku soo
jarmaadeen buu dagaalkii halkiisii kasii socday weji kii hore lamid ah
buuna ku socday jeer gabbalkii dhacay markaa bayna kala hoydeen,
habeenkaasina waxuu ahaa habeenkii loogu magac daray Leylatu Al Hariir.
Markii la waabariistay subaxii afraad, waxay ahayd markii ugu darneyd
ee uu sida kulul u dhacay dagaalka. Majuustu waxay maalintaas lasoo
dagaal tegeen maroodiyaal sidaynu soo xusnay ay ku argagax gelinayeen
fardaha Muslimiinta, oo mar waliba laf dhuun gashay bay ku ahaayeen,
waana taas tii u diidday weerarro badan oo ay ku qaadeen fardooleydii
Muslimiinta si ay si munaasib ah u dhex galaan ciidanka Faarisiinta.
Qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta baa markaa laysay maroodiyaashii
iyo waxii saarnaaba iyagoo markii hore indhaha gamuunno uga riday. Rag
kamid ah Jamaacadii Muslimiinta baa maalintaas dhigay wacdaro aad loola
yaabay, waxaana raggaasi kamid ahaa Dhuleyxah bin Khuweylid, Al qacqaac
bin Camr, Camr bin Macdiyakrib, Jariir bin C/llaahi Al Bujali, Diraar
bin Al Khaddaab iyo Khaalid bin Carfudhah iyo qeyrkood. Markii la gaaray
bartamahii maalintan afraad (waa maalinta loo yaqaan Yowmu Qaadisiyah)
oo ahayd maalin Isniin ah bishii Muxarram ee sanadkan yacni 14kii
Hijriyada sida uu xusay Iimam Seyf bin Cumar baa waxaa kacday dabayl
qaadday teendhooyinkii Furus oo tuurtay sariirtii Rustum, markaa buu
Rustum cararay oo uu fuulay bakhashiisii dabeetana jaanta rogtay
Muslimiintii baa inta ka daba tegay dishay, waxaa dilay Rustum nin kamid
ah Muslimiinta oo la oran jiray Hilaal bin Calqamah, waran buu intuu ku
tuuray lugta kala helay, markaasuu utegay oo uu madaxa ka gooyey. Waxaa
kaloo la sheegaa markuu dhawaacu soo gaaray buu dalbaday in loogu
yeero nin halyeeyada Muslimiinta kamid ah si uu u dilo intuu nin
ciidanka kamid ah dili lahaa, waxuuna taas u fisirtay inay isagu sharaf
utahay, markaa baa loogu yeeray Al qacqaac bin Camr oo kurka ka jaray.
Jaalinuus isaguu wuu cararay oo firxadkii buu dhexda ka galay. Jabkii
kuwii cararay bay Muslimiintu raacdeysanayeen oo ay laynayeen jeer ay
cadawgii degeen meel oo ay cabbeen khamri markaa bay seexdeen kadib
markay sakraameen. Muslimiintii baa goor aysan ka filaneynin soo
kadiyeen oo wada laayeen, Jaalinuusna waala dilay waxaana dilay Zuhrah
bin Xawiyah At Tamiimi. Markay jabeen oo ay Muslimiintii ka daba tegeen ,
waxay ka laayeen 30 000, macrikada dhexdeedana waxay uga laayeen 10
000, maalmahii ka horeyeyna intaas in kudhaw bay ka laayeen. Dhanka
Muslimiintuna waxaa ka shahiiday maalintaas iyo maalmahii ka horreeyayba
2500 Raximahumul-Laah.
Taa ka hor dagaalka intuu socday waa qolka Sacad kula jiray nin
maxbuus ahaa oo Muslimiinta kamid ah, ninkaasi waxuu ahaa Abuu Mixjan
At-Thaqafi (Camr ama Maalik bin Xabiib bin Cumeyr bin Cowf) oo markaa
khamri cabbay, markaa baa la xabbisay laguna xiray qasrigii Sacad,
markaa ka horna 7 jeer baa laga oofiyey xadka cabbida khamriga. Abuu
Mixjan waxuu kamid ahaa raggii caanka ahaa ee kamidka ahaa geesiyaashii
Muslimiinta.
Markii uu dagaalku kululaaday baa waxuu Abuu Mijxan arkay
fardooleydii cadawga oo ku gaaf wareegayo halka qasrigii uu ku sugnaa
amiirkii ciidanka ee Sacad bin Abii Waqaas, markaa buu is ciil baday
Abaa Mijxan bal haddii uusan xirnaan lahyn fiicnaan lahaydaa. Halkaas
waxuu ka tiriyey tixgabay uu ku tilmaamayo halka uu reerkiisii iyo
hantidiisii uga soo tegay isagoo jecel inuu jidka Alle ku jihaado iyo
weliba isagoo muujinayo inay murug ugu filantahay maanta isagoo arkayo
fardahii cadawga oo gaaf wareegayo qasrigii amiirka ciidamada
Muslimiinta iyo isagii oo taa oo idil ka xiran oo aanan waxba ka awoodi
karin.
Waxuu Abuu Mixjan la hadlay Zubraa oo ahayd Ummu walad u joogtay
Sacad bin Abii Waqaas, waxuu ka dalbaday in ay sii deyso oo ay xarigga
ka furto oo ayna u keento faraskii Sacad si uu ugu dagaal galo, waa
haddii uu gelinka dambe isagoo bed qabo kasoo laabtee waxuu ballan kula
galay oo uu ugu dhaartay inuu halkiisa kusoo laaban doono oo markaa ay
xiri doonto. Zubraa way deysay markaa buu faraskii fuulay oo uu
dagaallamay dagaal daran, Sacadna wuxuu arkayey faraskiisa iyo nin dul
saaran, waxuu ninka dul saarani ula muuqanayay inuu yahay Abuu Mixjan Al
Thaqafi, haddana waxaa taas ka shaki tireysay inuu qasriga ku xirnaa oo
uu maxbuus ahaa.
Goortaa iyada ah ee uu dagaalku kululi dhacayey bay haweeneydii Sacad
Salmaa bint Khasfa tii uu horey kaga geeriyooday Muthanna bin Xaaritha
ay aragtay fardahii cadawga oo qasriga kusoo dhawaaday Sacadna uu markaa
xanuunsanaa oo uusan dagaalku kujirin. Markaa bay Salmaa afka furay
kadib markay aragtay qaar kamid ah fardooleydii Muslimiintu oo cararay
oo ay ku dhawaaqday:” Waa Muthanniyaaah!! Muthanna beelay maantuye!”.
Sacad bin Abii Waqaas baa markaa inta ka carooday dharbaaxo wejiga ku
dhuftay, Salma bint Khasfa waxay runtii dhibsatay Sacad oo qasriga
fadhiyo oo aan dagaalku ku jirin xilli Muslimiinta ay dhowr goor
sibibaxdeen, waxay Muthanna ugu barooratay in ay maseyr geliso Sacad oo
uu markaa kaco oo uu dagaalku galo, waxayna xasuusineysay geesinnimadii
Muthanna iyo inuusan ahayn nin u seexan jirey cadawga, hase ahaate dar
kale Sacad waxuu ahaa geesi aan gorada laalaadinin, oo ganidda gamuunka
tab heer sare ah u yaqiinay, sidaa si lamid ahina waxuuba lahaa
cududdaar oo waa usuuroobi weyday inuu dagaallamo, hase ahaatee goobjoog
buu ahaa dagaalka xaaladdiisa oo idilna wuu lasocday, waxaana u diiday
inuu ka qaybqaato xanuunkii markaa hayey oo uu la fuuli waayey faraska
ama gaadiidka.
Markii uu Abuu Mixjan kasoo laabtay dagaalka gelinka dambe buu
halkiisii kusoo laabtay oo ballantii oofiyey, markaa bay haweeneydii
Sacadna halkii ku xirtay. Markii uu dagaalku dhammaaday baa Sacad loo
sheegay arrintii Abaa Mixjan markaa buu isagiina iska sii daayey oo wuu
cafiyey. Wuxuuna u ballan qaaday inuu mar dambe jeedali doonin. Asaguna
Abuu Muxjin wuxuu ballan ku galay inuusan dib dambe u cabbin khamri.
Sacad bin Abii Waqaas ciidankii ayuu usoo baxay kadib markuu dagaalka dhammaaday oo u cududdaartay iyana way u cududdaareen.
Muslimiintii waxay Qaadisiyah ka qaniimeysteen maal tiro badan iyo
hub aan lasoo koobi karin kadib markay ka guuleysteen cadawgoodii, waxuu
ahaa maal aysan horey mid lamid ah u helin ciidamadii Muslimiinta ee
geyigaas ku sungaa ama guud ahaan kuwii xitaa dhanka Shaam joogay. Kadib
markii qaniimadii laga saaray khumuskii buu Sacad u qeybiyey
Muslimiinta, khumuskiina u diray dhankii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar
bin Khaddaab.
Halkaas bay ku jabeen cadawgii Islaamka ee majuustii Furus, waana
halkii lagu boqno gooyey boqortooyadiidii boqolleyda ahayd oo muddo
dunida ka talin jirtay. Waxaa guuleystay xisbigii Raxmaanka iyo
ciidamaddii Allaah.
Waa goor warka Qaadisiyah Muslimiintu meel kasta oy joogaanba ay
dhowrayaan, Cumar bin Al Khaddaab laftiisu waqti harsiimo ah oo hanfi
kulul dhacaya buu maalmahaas caadeystay inuu khabarka Qaadisiyah doon
doono oo uu waddada Ciraaq afka saari jirey bal si uu ula kulmo qof ka
yimid dhanka Ciraaq oo uu wax ka weydiiyo Qaadisiyah. Goor uu Cumar
waddada Ciraaq hayo isagoo doon doonayo warka Qaadisiyah baa waxuu arkay
qof meel fog kasoo muuqanayo, markaa buu ka hor tegay oo wax ka
weydiiyey. Ninkii waxuu u sheegay in Qaadisiya la furtay oo ay
Muslimiintii ku guuleysteen ayna ka qaniimeysteen maal iyo hub tiro
badan, oo Majuustiina ay ku jabeen. Cumar bin Khaddaab ninkii buu la
sheekeysanayey iyadoo ninku uu saarnaa daabaddiisa (awrka ama faraska uu
sitay) halka Cumarna uu lugeynayey. Markii magaalladii Madiina ay soo
galeen baa ninkii waxuu arkay dadkii oo Cumar kala hadlayo arrimahii
dowladda arrimahii bulshada, markaa buu ninku gartay qofka uu lasocday
inuu yahay amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, markaa buu ku
yiri:” Oo maxaad iigu sheegi weyday amiirkii Mu’miniintow!! inaad tahayd
Cumar? Waxuu Cumar yiri:” Wax dhiba malaha walaalkayow”.
Sacad bin Abii Waqaas waxuu warqad u diray dhankii Madiina iyo
amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, waxayna warqaddaasi
caddeyneysay guushii Muslimiinta iyo tiradii ka shahiiday iyo weliba
inta cadawga laga laayey. Waxuu Sacad warqaddaasi u dhiibay Cumeylah Al
Fazaariyu. Cumar bin Al Khaddaab warqaddii guusha iyo bishaarada buu ka
dul akhriyey mimbarka dushiisa, waxuuna saxaabadii u sheegay dadkii
caanka ahaa ee kaga shahiiday Qaadisiyah oo uu u horeeyay Sacad bin
Cubeyd Al Qaari. Khumuskii qaniimadana waxuu gaaray magaalladii Madiina.
Dhacdooyin Kale
Sanadkan dhexdiisa buu Cumar ku kulmiyey dadkii reer Madiina in la
tukado salaadda Taraawixda bisha Ramadaan, isagoo amray inuu dadka
tujiyo Ubay bin Kacab, waxayna ahayd markaa bishii Ramadaan ee sanadkan,
goballadiina warqado ayuu u diray isagoo amrayo in la oogo salaadda
Taraawiixda bisha Ramadaan laguna tukado jamaaco.
Isla sanadkan buu diray Cumar bin Khaddaab Cutbah bin Qazwaan isagoo
masuul uga dhigayo magaallada Basrah isagoo amray inuu dego halkaas oo
ciidamada Muslimiintuna ay la dagaan xarunna uu kadhigto.
Seyf bin Cumar waxuu qabaa inay markaa ahayd sanadkii 16aad ee
hijriyada Cutbana uu ka baxay magaallada Madaa’in oo uu ka aaday Basrah
kadib markii la furtay Madaa’in waqtigaa iyada ahina ay ahayd bishii
Rabiicul Awal ama Rabiicuth-Thaani ee sanadkii 16aad ee Hijriyada. Qaar
kalena waxay qabaan in ay ahayd sanadkan markii uu Cumar diray Cutbah
bin Qazwaan. Wallaahu aclam.
Abuu Mikhnaf waxuu soo weriyey in Cutbah bin Qazwaan loo diray Basra
isagoo wato 300 iyo dhowr ciidan ah, markaa buu xaggeedii ku dhaqaaqay
isagoo sii maraya acraabtii dhexda deganeyd illaa ay ciidamadiisii
noqdeen 500, waxay markaa amintu ahayd buu yiri bishii Rabiicul Awal ee
sanadkan, waxaana markaa dhulka Basra loo yaqaanay Ardul Hindi. Waxay
ahayd dhul leh dhagaxyo cad cad. Markii uu tegay Cutbah halkaa baa waxaa
kusoo baxay Saaxibu Furaat (ninkii halkaasi masuulka ka ahaa) oo
hoggaaminaya 4000 oo ciidan ah, markaa bay is heleen, durtaba wuu ka
adkaaday ninkii ciidamadaa sitayna wuu soo qafaashay, markaa buu Cutbah
kadhex istaagay dadkii isagoo u khudbeeyay xasuusiyeyna fadaa’isha iyo
wanaagga islaamka iyo in lagu dhego.
Waxa lasoo wariyaa in uu Cumar warqad u qoray Cutbah bin Qazwaan
markuu u dirayey Basra, waxuuna ku yiri:” Cutboow! waxaan kuu wakiishay
dhulka Ardul Hindi (Basra) , waana xawma kamid ah xowmoyinka cadawga,
waxaana rajeynayaa inuu Alle kaaga fillaado waxa hareeraheeda ah oo uu
kaaga gargaaro dusheeda. Waxaan warqad u qoray Al Calaa bin Xadrami si
uu kuugu soo gurmado Curfajah bin Harthama. Markuu kuu yimaado soo
dhaweey oo la tasho, uguna yeer (cadawga) xagga Alle, kii kaa yeelana ka
yeel kii diidana ka qaad jizyo, hadday taa dhicinna waa seyf (yacni la
dagaallan). Ugu Cabso Allaah wixii laguu wakiishay, waxaana kaaga
digayaa inay naftaadu kuu saarto isla weyni oo markaa aakhiradaadu ay
kaa fasahaadiso. Waxaad runtii la saaxiibtay Rasuulkii Alle SCW markaa
baad cizoowday dullinnimo dabadeed, oo aad quwad yeelatay itaal darri
dabadeed jeer aad markii dambe noqotay amiir musallad ah iyo boqor la
adeeco. Wax baad oran, markaa baalagu dhageysan, amar baadna bixin
markaa baa la yeeli oo lagu adeeci”. Way dheereed warqaddii dardaaranka
iyo wilaayada ee uu Cumar u diray Cutbah Illaahay haka raalli noqdee,
balse intaasi waxay ahayd nas kamid ah.
Cutbah waxuu tegay Basra oo uu degay. Bishii Rajab ama Shacbaan ee
sanadkan ayuuna furtay Ublah. Markii uu geeriyooday Cutbah, waxuu Cumar
masuul uga dhigay magaalladii Basra Al Muqiirah bin Shucbah.
Sanadkan dhexdiisa ayuu Cumar bin Al Khaddaab jeedalay wiilkiisii
Cubeydillaah iyo jameeca kale oo uu ka oofinayey xadka cabbidda
khamriga. Abuu Mixjan Al Thaqafi iyo Rabiica bin Umayah bin Khalaf ayaa
kamid ahaa iyana dadkii xadka cabbidda khamriga laga oofiyey sanadkan.
Waxaa kaloo la sheegaa in sanadkii hore laga oofiyey Abuu Mixjan ee
aanan sanadkan laga oofin.
Dhanka kale xajka waxaa dadka xajiyey sanadkan Cumar bin Al Khaddaab. Masuuliyiintiisii goballada waxay ahaayeen sidan:
Shaam waxaa masuul uga ahaa Abuu Cubeydah, Ciraaqna Sacad bin Abii
Waqaas, Baxreen waxaa masuul uga ahaa Cuthmaan bin Abil Caas ama Al
Calaa bin Xadrami, Cummaanna waxaa masuul uga ahaa Xudeyfah bin Muxsin.
SANADKII 15AAD
Maadama aanan sanadkii hore ku xusin wax dhacdooyin ah oo ka dhacay
dhulka Shaam, baan door bidnay inaan hadda ku hor marno dhanka Shaam.
Waana in ay culimo badan badi ku sheegeen dhacdooyinkan aan immika soo
min guurineyno ama aan xusayno inay dhaceen sanadkan 15aad ee Hijriyada,
waana sida aan inaguna ku raacnay maadama ay jamhuurkoodu qabaan inay
dhaceen sanadkii 15aad.
Dhacdadii Maraj Al Ruum
Sanadkan bay dhacday dhacdadani sida uu Ibnu jariir xusay. Waxay
sababteedu ahayd kadib markii ay Abuu Cubeydah iyo Khaalid kasoo
laabteen Fixil bay u qasdeen dhanka Ximsa iyagoo fulinayo amarkii
amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, waqtigaasina waxuu ahaa
waqti qabooba ah, markaa baa Abaa Cubeyda waxaa u muuqatay inuu aado
Maraj Ar-Ruum. Boqor Hiriqal baa waxuu soo diray ciidama Ruumaan ah oo
uu madax uga soo dhigay Towdar. Waxuu Towdar ciidamadiisii dejiyey
galbeedka Dimishiq, markaana waxay ahayd waqti qabooba ah, waana markii
Abuu Cubeyda ay u muuqatay in uu aado Maraj Ar-Ruum. Misna waxaa kaloo
uu Hiriqal soo diray ciidan kale oo culus oo uu madax uga soo dhigay nin
la oran jiray Shannas. Ciidamadii Shannas waxay dul degeen Abuu
Cubeydah oo ay kala dhex galeen isaga iyo ciidamadii Towdar, markaa
buuna Towdar u dhaqaaqay dhanka Dimishiq si uu uga saaro Yaziid bin Abii
Sufyaan. Khaalid bin Waliid baa daba kacay raadkii Towdar, Yaziidna
markuu ka war helay inuu Towdar xaggiisa kusoo wajahanyahay buu
magaalladii kasoo baxay isaga iyo ciidankiisii, waxayna is heleen
Towdar, halkaa waxaa ku dhex maray dagaal labadii qolo ciidankii Yaziid
iyo kuwii Towdar. Dagaalku wuu socday waxuuna ahaa dagaal kulul,
Yaziidna horey ayuu ka dagaallamayey goor uu dagaalkii socday buuna
Khaalid yimid isagoo gadaal ka laynayey ciidamadii Towdar ee uu markii
horeba ku raad joogay. Halkaa buu Khaalid ku dilay Towdar ciidamadiisi
si daran u laayey, waxaana yaraa intii ka bad baadday. Muslimiintii
waxay halkaa kaga qaniimeysteen Ruumaankii maal tiro badan, kadib markii
la qeybiyey buuna Yaziid magaalladiisii Dimishiq ku laabtay, Khaalidna
dhankii Abii Cubeydah buu u boqaallay.
Waxuu Khaalid u tegay goor Abuu Cubeydah iyo Shannas uu dagaal kulul
dhex maray, halkaasoo goobta Maraj Ar- Ruum uu Abuu Cubeydah ku dilay
Shannas kana laayey maqtala badan ciidamaduu watay, heer maydkoodii uu
dhulka camiray. Firxadkii kuwii jabay buu Abuu Cubeydah eryanayey illaa
ay galeen magaalladii Ximsa. Markaa buu go’doomin ku qabtay.
Furashadii Koowaad ee Ximis
Markii uu Abuu Cubeydah gaaray magaalladii Ximsa siduu u eryanayey
kuwii jabay buu dul degay oo uu go’doomin ku qabtay, Khaalidna wuu ka
daba yimid oo go’doomintii buu wax ka qabtay. Waxay ku qabteen xisaar
aad u daran, waqtigaana waxuu ahaa waqti qabooba ah, dadkii baladkuna
way sabreen iyagoo ku rajo weynaa inay (Muslimiintu) ka laaban doonaan
waqtiga uu qaboowgu darraado. Saxaabadii oo iyagu ka sabar iyo adkeysi
badnaa dadka baladka ayaa waxay muujiyeen sabar aad u sarreyo, halka
Ruumaanku gommaduhu daldallaciyey qaboowgii jiray iyagoo weliba sitay
quf lugaha ay qabowga kaga asturtaan, haddana dhanka kale saxaabadu
iyagu waxay wateen oo qura kabahooda oo wax kale kumaysan sidan lugaha,
sidooy tahayna wax daldallaac ama wax lamid ah makasoo gaarin qaboowgii
jirey, waxayna muujiyeen adkeysi badan. Markii uu waqtigii qaboobaha
dhammaaday bay Muslimiintii sii adkeeyeen go’doomintii ay Ximsa ku
hayeen, markaa bay odayaashii reer Ximsa u bandhigeen dadkoodii inay la
heshiiyaan Muslimiinta hase ahaatee way diideen, waxayna yiraahdeen:” Ma
waxaan la heshiinnaa iyadoo boqortooyadii ay inoo dhow dahay? Waxaa la
yiraahdaa Muslimiintii baa maalin maalmaha kamid ah takbiirsadeen mar
qura takbiir ay magaalladii la gilgilatay oo qaar kamid ah derbiyadiina
ay daldallaaceen, markaa bay misna markale takbiirsadeen takbiir ay
guryaha qaar kamid ah la dumeen. Markaa bay caamaddoodii u tegeen
culimadoodii iyo madaxdooda oo ay ku yiraahdeen:” Ma waydaan u jeedin
waxa inagu dul degay iyo waxa aan ku sugannahay, ma waydaan qowmku
heshiis nooga gunteynin? Markaa bay Muslimiintii kula heshiiyeen
heshiis lamid ah kii ay la galeen reer Dimishiq, waxuuna Abuu Cubeydah
ku waajibiyey inay bixiyaan jizyo qoor kasto hodan iyo faqiirba oo ay ku
hoos noolaadaan dowladda Islaamka. Intaa kadibna khumuskii qaniimada
iyo bishaaradii ayuu Abuu Cubeydah u diray dhankii amiirkii Mu’miniinta
ee Cumar bin Khaddaab isagoo horey ugu sii dhiibay C/llaahi bin Mascuud
Al Hudali, isagiina Abuu Cubeydah waxuu degay magaalladii Ximsa oo uu
markii hore dhankeeda kusoo wajahnaa. Waxaa markaa lasocday ciidan culus
oo ay ku jireen rag halyeeyadii Islaamka ah oo ay kamid ahaayeen Bilaal
bin Rabaax iyo Al Miqdaad bin Camr. Kadib Abuu Cubeydah waxuu warqad u
qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab taasoo uu ku
ogeysiinayo in Hiriqal uu gooyey biyahii Jaziiradda oo uu marna soo baxo
marna uu dhakado. Waxaa timid warqaddii jawaabta ee Cumar bin Khaddaab,
taasoo uu ku amrayo inuu Abuu Cubeydah dego magaallada Ximsa oo uu
xarun ka dhigta.
Dhacdadii Qinnasriin
Markii uu furtay Abuu Cubeydah magaalladii Ximsa ayuu Khaalid bin
Waliid u diray dhankii Qinnasriin. Markii uu Khaalid yimid Qinnasriin
baa waxaa kusoo baxay dadkeedii Ruumaankii iyo Carabtii Nasaareyda,
waxaana dhex maray iyaga iyo Khaalid dagaal aad u daran, waxuuna ka
laayey khalqi badan.
Ammaa Ruumaankii halkaa ahaa wuu laayey, amiirkoodii Meytaas-na wuu
dilay. Carabtii Nasaareyduna iyagu way cududdaarteen in dagaalkan uusan
markii hore ahayn ra’yigooda, markaa buu Khaalid ka yeelay oo iska
daayey, kadib waxuu galay baladkii oo markaa ay dadkeedi ku aruureen
qalcadaha, markaa buu u yeeray inay usoo dagaan, kadibna wuu furtay
Khaalid dhulkaas
Cumar bin Khaddaab markay gaartay sancadii Khaalid bin Waliid ee
dhacdadan buu yiri:” Allaha u naxariisto Abuu Bakar waxuu ahaa mid ragga
iiga ogaal badan, Illaah baan ku dhaartaye ugamaanan cazilin Khaalid
raayadda (masuuliyadda Shaam) waxaan ka ahayn in aan ka yaabay inay
isagu dadka tala saartaan”.
Guuriddii Boqorkii Ruumaaanka Ee Hiraqal
Sanadkan dhexdiisa ayaa boqorkii Hiriqal looga adkaaday dhulkii Shaam
oo uu guud ahaan ka guuray, isagoo u guuray dhulka Ruum. Sidaa waxaa
xusay Ibnu Jariir, Maxamed bin Isxaaq iyo culimo kale, Seyf bin Cumarse
waxuu yiri:” Waxay ahayd markaa sanadkii 16aad ee Hijriyada.
Annagoo tixraaceyna qowlka Jamhuurka oo ay badi qabaan Culamaayi Siirah ayaan raaceynaa qowlka Ibnu jariir iyo Ibnu Isxaaq.
Waxay ahayd in Boqorkii Ruum ee Hiriqal mar waliboo uu xaj ahaan u
yimaado dhulka Beytul Maqdis uu ku oran jiray markuu ka tegayo:”
Sallaamun Caleyka Suuriyaay!! salaan sagootin, waaan kuusoo laaban
doonaa”.
Markii uu sanadkan goostay safarka iyo inuu ka baxo dhulka Shaam oo
uu marka hore u gaaray goob la yiraahdo Ruhaa buu ehelkiisii ka dalbaday
inay safarkiisa dhulka Ruum ay kula rafiiqaan, hase ahaatee waxay u
sheegeen inay doonayaan inay ku haraan dhulka Shaam, markaa buuna isaga
tegay.
Markii uu gaaray Shamshaan buu istaagay oo jalleecay dhanka Beytul
Maqdis, markaasuu yiri:” Nabadi ha ahaato dushaado Suuriyaay! nabad
gelyo iyo sagootin oo aan soo noqod lahayn illaa aan Islaamo, dib
dambena kuugu soo laaban maayo qof Ruumi ah isagoo cabsanayo mooyaan,
hoogeygee!! Maxaan u dhashay? Kadib wuu sii socday Hiriqal illaa uu ka
gaaray magaalladii Qusdhandhiin, halkaasoo uu boqortooyadiisii dejiyey.
Waxuu wax ka weydiiyey nin markaa ka hor ay Muslimiinti horey u
qafaasheen, waxuu ku yiri:” Waxaad iiga warrantaa qowmka kan (ee
Muslimiinta ah)”. Waxuu ninkii yiri:” Waxaan kaaga warramayaa sida
adigoo u jeeddid, waxay maalintii fuushan yahiin fardo, habeenkiina
salaad bay u taaganyahiin, ma galaan (guryaha) salaaan la’aan”. Hiriqal
waxuu si wacan u dhageystay dhowr sifooyin oo uu ninkii ka bixyey
Muslimiinta markaa buuna Hiriqal yiri:” Haddii aad iiga run sheegtay
(xaggooda) waxay mulkin doonaan halkatan ee ay gomadahaygu saaran
yahiin”.
Xadiith Saxiixeynka ku sugan oo laga soo weriyey Abuu Hureyrah ayaa
waxuu yiri:” Rasuulka Alle SCW waxuu yiri:” Hadii uu halaagsamo (yacni
dhinta) Kisraa (boqorkii Furus) ma jiri doono Kisraa kaloo ka dambeyn
doono, haddii uu halaagsamo Qeysar (boqorka Ruum) ma jiri doono Qeysar
kaloo ka dambeyn doono. kan ay nafteydu awooddiisa ku jirta (yacni
Allaah) baan ku dhaartaye waxaad kunuuztooda (yacni keydadkooda) u
isticmaali doontaan jidka Alle”. Runtii run buu sheegay xabiibkeenna
udgoon badane SCW, markii uu yiri jiri maayo Qeysar dambe ama Kisra
dambe oo markaa ka dambeyn doono kuwii xilligaa jiray, kuwaasoo dhulalka
Shaam iyo Furus si guud u maamuli doono. Siduu Rasuulka SCW sheegay
muddo gaaban bay ahayd markii ay Saxaabadii kaga takhalluseen
boqortooyadoodii. Dib dambeysanna uguma soo laabanin tan dahrigan
aakhirkiisa.
Wax waliboo uu Rasuulkeenna SCW sii sheegayna waa wax dhacay ama dhici doono idinka Alle.
Dhacdadii Qeysaariyah
Sanadkan dhexdiisa ayuu amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab
amray Mucaawiyah bin Abii Sufyaan inuu aado dhanka Qeysaariyah, warqad
ayuuna usoo qoray isagoo ku leh:” Waxaan kuusoo wakiishay Qeysaariyah ee
aad xaggeeda Allana uga gargaar dalbo dushooda, oo badi qowlka Laa
xowla walaa quwati Illaah bilaahil-caliyul cadiim”. Mucaawiyah xaggii
Qeysaariyah buu aaday oo uu go’doomin ku qabtay, markaa bay dadkeedii
kusoo baxeen dhowr mar, markii ugu dambeysayna waa markuu dhacay
dagaalkii ugu darnaa oo uu Mucaawiya cadawgu kaga laayey tiro aad u
badan oo dad ah, dagaalka ayuu Mucaawiya ku xeel dheeraaday illaa uu
furtay, furashaduna maysan iman jeer uu marka hore ka laayey 80 000,
boqolkii kunna waxuu ku buuxiyey firxadkii ka cararay macrikada ee ay
sii laynayeen ciidamadii Muslimiinta. Bishaaradii guusha iyo khumuskii
qaniimada ayuu Mucaawiyah u diray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin
Khaddaab.
Sanadkan dhexdiisa buu Cumar warqad u qoray Camr bin Al Caas, taasoo
uu ku amrayo inuu aado Iiliyaa. Camr bin Al Caas wuu dhaqaaqay dariiqa
intuu hayey bay ciidama Ruuman ah kusoo baxeen Ramalla agteeda, waxayna
ahayd:
Dhacdadii Ajnaadeen
Markaasina waxay ahayd inuu Camr bin Al Caas ku dhaqaaqay halkaas
iyadoo ciidamadiisa midigtu uu madax uga dhigay wiilkiisa C/llaahi bin
Camr bin Al Caas kuwa bidixdana Junaadah bin Tamiim Al Maaliki oo ka
dhashay banii Maalik bin Kinaanah waxaana la socday Shuraxbiil bin
Xasana, Urdunna waxuu ku dhaafay Abul Acwar As- Sulami. Markii uu Camr
bin Al Caas gaaray magaalladii Ramallah halkaa waxuu kula kulmay jamac
Ruumaan ah oo uu madax uyahay Ardhaabuun oo isagu ahaa kii ugu caqliga
badnaa Ruum uguna shirqool iyo sir badnaa. Ardhaabuun waxuu magaallada
Ramallah dhigay ciidan culus, sidaa si lamid ahna magaalladii Iiliyaa
waxuu dhigay ciidan kale oo culus, markaa buu Camr bin Al Caas warqad u
qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo ku war gelinayo
arrintaas. Markii ay warqaddii Camr gaartay Cumar bin Khaddaab buu Cumar
yiri:” Waxaan isku dhufannay Ardhaabuunkii Ruum iyo Ardhaabuunkii
Carabta”. Kadib Camr bin Al Caas waxuu diray Calqamah bin Xakiim Al
Fazaari iyo Masruuq bin Bilaal Al Caki oo uu diray la dagaallanka reer
Iiliyaa, misna waxuu kaloo diray Abuu Ayuub Al Maaliki oo uu u diray
Ramallah oo uu markaa madax ka ahaa Tadaariq. Sababta ugu weyn ee
labadaa ciidan uu u diray Camr bin Al Caas waxay ahayd inay ka
mashquuliyaan labadaa magaallo inay ciidamo gurmad ah uga yimaadaann
Ardhaabuun ama si aysan kaga imaan ciidamo dhabar jab kusameeyo
Muslimiinta. Markastoo uu Camar bin Al Caas gurmad uu uga yimaado dhanka
Cumar, waxuu u kala diraayey gurmadkaas labadii jiho yacnii Iiliyaa iyo
Ramallah, isagiina waxuu dul degay Ajnaadeyn oo ay Ardhaabuun isku hor
fadhiyeen. In badan oo uu ergo dirsaday Camr bin Al Caas kuwaasoo uu u
diray dhanka Ardhaabuun si ay xagga Alle ugu yeeraan una gaarsiiyaan
waxa uu rabo bay war shaafiyo kaga keeni waayeen, taasina waxay dhashay
inuu isagu laf ahaantiisa aado isagoo lamoodo inuu yahay ergay waana
siduu isagu laf ahaantiisa muujisanayey, waxuu u galay Ardhaabuun oo uu
la hadlay gaarsiiyeyna dantiisii, markiina uu Ardhaabuun dhageystay
hadalladii Camr bin Al Caas fahmayna ulajeeddadiisa buu dareemay inuu
ninka la hadlayo yahay Camr, waxuu Ardhaabuun oo isla hadlayo is yiri:”
Illaah baan ku dhaartaye kani waa Camr ama waa midkii uu Cumar qaadan
lahaa ra’yigiisa, mana jirto arrin kaloo aan qowmka (Muslimiinta ah) ku
asiibi karo oo aan ka ahayn inaan isagu dilo” Markaa buu Ardhaabuun u
yeeray nin kamid ah ilaaladiisii oo uu arrin ku sirreeystay isagoo ku
yiri:” Orodoo isaag meesha sidaa iyo sidaa oo markuu kusoo maro dil.”
Camr bin Al Caas oo runtii ahaa nin digtoonidiisu ay aad u nooleyd baa
dareemay inuu Ardhaabuun ninka kula faqay shirqool, markaasuu ku yiri:”
Amiiryahow! Waan dhageeystay hadalkaadii adiguna waad dhageysatay
hadalkeygii, aniguna waxaan ahay 10 nin midkoodii, kuwaasoo uu Cumar u
soo diray dhulkan si ay masuul uga ahaadaan, waxaan jecleystay inaan kuu
keeno dhammaantood si ay u dhageeystaan hadalkaada oo ay arkaan waxii
aan arkay”. Ardhaabuun oo runtii arrintaa aad ugu farxay waxuu is yiri
malaha 10 isagoo kalaa kuu iman doonto saa waad dili doontaa idilkooda.
Waxuu yiri:” Haaheey! orodoo ii keen idil”.
Kadib waxuu u yeeray nin kale oo uu ku sirreystay isagoo ku amrayo
inuu ninkii hore soo celiyo ayaa waxuu ku yiri:” Orodoo aad hebal oo soo
celi” Markaa buu kacay Camr bin Al Caas oo uu ciidankiisii aaday,
markiina uu Ardhaabuun yaqiinsaday inuu ninku ahaa Camr bin Al Caas buu
yiri:” Ninku wuu i qayaanay, Illaah baan ku dhaartaye kani waa kii Carab
ugu caqliga badnaa”.
Warkaa isaga ah baa gaaray Cumar bin Al Khaddaab markaasuu yiri:” Allaha dhowro Camr”.
Kadib Camr bin Al Caas ciidamadiisii ayuu dhisay oo dagaal daran baa
ku dhex maray isaga iyo Ardhaabuun goobtii Ajnaadeyn, dagaalkaasoo ahaa
mid kulul oo lamid ahaa kii Yarmuuk illaa ay meytidii labada dhinac
badatay, Kadib bay ciidamadii kale u yimideen Camr bin Al Caas kadib
markii ay kunoogeen reer Iiliyaa oo markaa qalcaddo adag kaga jiray.
Ciidamadii Camr bin Al Caas markaa bay bateen oo dagaalkii ayaa sii
socday, markaa buu Ardhaabuun warqad usoo qoray Camr bin Al Caas uu ku
leeyahay:” Adigu waxaad tahay saaxiibkey iyo mid iidhigmo, qowmkaaga
dhexdooda waxaad ku tahay sida aan anigu qowmkeeyga dhexdooda ku ahay.
Illaah baan ku dhaartaye dhulka Falastiin ka furan meysaan wax dambe oo
aan ka ahayn Ajnaadeyn ee isaga laabto oo yaydaan ku kadsoomin dabeeto
ay idinku dhacdo waxii ku dhacay kuwii idinka horreeyay oo jab ah”.
Camr bin Al Caas waxuu u yeeray nin ku hadlo luuqadda Ruumiyada
waxuuna u diray dhankii Ardhaabuun isagoo ku yiri uteg oo soo dhageyso
waxa uu leeyahay kadiba iisoo laabo oo iiwarran. Horey ayuu Camr bin Al
Caas warqad ugu dhiibay ninkaa isaga ah si uu ugu geeyo Ardhaabuun,
warqaddaasi hadalladii ku qornaa waxaa kamid ah sida tan: Waxaad ogtahay
anigu inaan ahay ninkii furan lahaa dhulka kan, ku dul akhri
warqaddeydan intaad soo kulmiso asxaabtaada iyo waziiradaada. Markii ay
warqaddii gaartay Ardhaabuun buu isu soo aruuriyey asxaabtiisii iyo
waziiradiisii oo ku dul akhriyey warqaddii, markaa bay waziiradiisii ku
yiraahdeen :” Oo xaggee baad ka ogaatay inuusan ahayn ninkii furan lahaa
dhulkan? Waxuu yiri:” Ninkii furan lahaa dhulkan waa nin uu magaciisu
ka koobanyahay saddex xaraf”. Ergeygii wuu soo laabtay oo Camr bin Al
Caas ayuu uga warramay waxii dhex maray Ardhaabuun iyo waziiradiisii.
Kadib buu Camr bin Al Caas warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta isagoo
ka dalbanayo inuu gurmad usoo diro, waqtigaasina waxay ahayd markii uu
Cumar isku diyaarinayey inuu galo dhulka Shaam magaallada Beytul Maqdis
si uu u furto.
Kadib Ajnaadeyn waala furtay oo Illaahay Muslimiintii ayuu guul iyo
lib ku siiyey, halka cadawgiina ay kujabeen. Muslimiinta waxaa dagaalkan
kaga shahiiday khalqi badan oo ay kamid yahiin saxaabadii Rasuulka SCW,
waxaa kamid ahaa saxaabadii ku shahiidday C/llaahi bin Zubeyr bin
C/Mudalib oo ay Nebigu SCW ilmo adeer ahaayeen, Hubbaar bin Al Aswad,
Dhuleyb bin Cumeyr bin Wahab bin Kathiir bin Hind (Cabdi) bin Qusay Al
Qurashi Al Cabadiyu oo ay dhashay Nebiga SCW eeddadiis Arwaa bint
C/Mudalib, Diraar bin Al Azwar Al Asdi, Salama bin Hishaam bin Muqiirah
oo la dhashay Abuu Jahal bin Hishaam, Nuceym bin Cabdillaahi Al Cadawiyu
(Al Naxaam), waxaa kaloo la sheegaa inuu Nucaym ku shahiiday dagaalkii
Yarmuuk. Abaan bin Saciid bin Al Caas Al Umawi (sidoo kale waxaa la
sheegaa inuu Abaanna ku shahiiday dagaalkii Yarmuuk), Hubbaar bin
Sufyaan bin Cabdu Al Asad Al Makhzuumi, iyo saxaabo kaloo badan Illaahay
haka raalli noqdee. Waxaa la sheegaa inuu Cikramah ku shahiiday
dagaalkan Ajnaadeyn qaar kalena waxay yiraahdaan Yarmuuk Wallaahu Aclam.
Furashadii Beytul Maqdis
Cumar bin Al Khaddaab waxuu dhulka Shaam galay afar jeer sida uu Seyf bin Cumar kasoo wariyey shuyuukhdiisa.
Mar waxay ahayd inuu ku galay faras waana markii la furanayey Beytul
Maqdis oo ahayd markii ugu horreysay ee uu galo Shaam isagoo amiir ah.
Marka labaad waxay ahayd inuu galay isagoo saaran awr, marka
saddexaadna waxay ahayd inuu galay oo uu gaaray Surac kadibna uu soo
laabtay xanuunkii ka dhacay halkaas darteed, marka afraadna waa inuu
galay isagoo saaran dameer, siduuba soo min guuriyey ibnu Jariir.
Sida uu soo min guuriyey Ibnu Jariir Ad-Dhabari, sanadkan baa la
furtay Beytul Maqdis, sababtuna waxay ahayd markii uu Abuu Cubeydah ka
faaruqay Dimashiq buu warqad u diray reer Iiliyaa isagoo ugu yeeraya
xagga Allaah iyo Islaamka, haddii ay diidaanna u bandhigaya jizyo,
hadday diidaanna dagaal. Way diideen reer Iiliyaa wixii uu ugu yeerayey
Abuu Cubeyda oo aan ka ahayn dagaal, markaa buu ciidamaddiisii la
dhaqaaqay. Dimashiqna waxuu ku dhaafay Saciid bin Zeyd bin Camr Al
Cadawi, markaa buu Abuu Cubeydah Beytul Maqdis go’doomin ku qabtay jeer
ay dalbadeen heshiis hase ahaatee ay ku shardiyeen in uu u yimaado
amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab. Markaa buu Abaa Cubeydah
warqad u qoray Cumar bin Khaddaab isagoo arrintaa ku ogeysiinay, Cumarna
dadkii reer Madiina iyo saxaabaddii buu kala tashaday inuu baxo iyo
inuu joogo. Cuthmaan bin Cafaan oo kamid ahaa dadkii uu la tashanayey
isaguu waxuu soo jeediyey inuusan bixin oo isku mashquulin kuwaas isagoo
markaa xaqirayey sheegayna inay yahiin kuwa aan habbooneyn inuu Amiirka
Mu’miniinta isku mashquuliyo. Cali bin Abii Daalib oo isaguna kamid
ahaa raggii ahlu shuurada waxuu keenay ama soojeediyey inuu Cumar baxo
oo uu Muslimiinta howsha go’doominta usoo dhib fududeeyo uuna soo booqdo
si ay taasi niyad dhisugu noqoto. Runtii Cumar fikirkii Cali buu
doorbiday oo uu qaatay. Markaa buu ciidamadiisii la dhaqaaqay isagoo
magaalladii Madiinana ku dhaafay Cali bin Abuu Daalib, ciidamadiisa hore
waxuu madax uga dhigay Al Cabbaas bin C/Mudhalib, waxuuna qaatay faras
si uu u deg dego, waxuuna gaaray goobta Jaabiyah halkaasoo uu
ciidamadiisii dejiyey kuna khudbeeyey khudbadiisii caanka ahayd ee uu ku
waaninayey. Kadib waxuu la heshiiyey reer Jaabiyah, kadiba waxuu
uguuray Beytul Maqdis, madaxdii goballaduna warqado ayuu uqoray si ay
usoo wafdiyaan maalin heblo Jaabiyah oo uu ula kulmo, Markii ay ugu
imanayeen halkii uu kula ballamay maalintuu laballamay, Yaziid bin Abii
Sufyaan ayuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee madaxdaasi kamid ah ee uu
Cumar lakulmay, kadibna Abuu Cubeydah ayuu la kulmay, kadibna waxuu
arkay Khaalid oo fardooleydii Muslimiinta ku dhex jira.
Markii uu Abuu Cubeydah arkay Cumar buu usoo socday dhankiisa Cumarna
uu usoo dhaqaaqay dhankii Abuu Cubeydah iyagoo midiba midka kale u
hilloowsanyahay oo uu u xiiso qabo, markaa buu Abuu Cubeydah damcay inuu
dhunkado gacmaha Cumar, Cumar baa markaa fahmay oo inta iska qabtay
damcay inuu dhunkado lugaha Abuu Cubeydah, markaa buu Abuu Cubeydana
fahmay oo uu iska qabtay. Taasi waxay muujineysaa sidii ay iskugu
hillooween raggaa walaalada ah oo kala maqnaa muddo afar sano ah
Radiyallaahu Canhumaa.
Madaxdii oo idil way kulmeen kadib markay soo boggeen howlahoodii
marka laga reebo Camr bin Al Caas iyo Shuraxbiil bin Xasana, iyagu
markaa waxay hortaagnaayeen Ardhaabuun oo waxay ahayd markii ay socotay
carcartankii Ajnaadeen. Goor uu Cumar kula suganyahay madaxdii goobta
Jaabiyah baa waxaa yimideen guuto Ruumaan ah oo wadato seefo galku ka
baxsanyahay, markaa bay Muslimiintii oo hubkooda sita la aadeen
dhankoodii markaa buu Cumar ku yiri:” Kuwan waa dad dalbanayo
magangalyo”. Markaa bay dhankoodii aadeen oo waaba ciidama kayimid
dhanka Beytul Maqdis kana dalbanayaan heshiis iyo magan galyo amiirkii
Mu’miniinta kadib markay maqleen soo galootigiisa. Markaa buu Cumar kaga
jawaabay wixii ay weydiiyeen una qoryay warqad heshiis ah iyo magan
galyo, waxuuna kuwaajibiyey jizyo, isagoo kula sharatamay jizyo.
Warqaddii uu Cumar u qoray waxaa goob joog ahaa rag kamid ah madaxdii
ciidamada Muslimiinta oo uu kamid ahaa Khaalid bin Waliid, waxaa kaloo
joogay C/Raxmaan bin Cowf oo isagu Cumar lasocday, Mucaawiya bin Abii
Sufyaan oo isaguna kamid ahaa madaxdii gobalka Shaam, isaga ayaana
warqadda qorayey.
Kadib reer Ludd buu warqad kale u qoray isagoo ku waajibiyey inay
bixiyaan jizyo kulana heshiiyey mid lamid ah heshiiskii reer Iiliyaa.
Dhanka kale Ardhaabuun waalaga adkaaday waxuuna u cararay Masar oo
halkaa ayuuna ku guuleystay Camr bin Al Caas sidaynu soo xusnay.
Markiina uu la heshiiyey reer Ramallah iyo hareerahii dhulkaas buu soo
aaday dhankii Cumar bin Al Khaddaab, isaga oo uu lasocda Shuraxbiil bin
Xasana, waxayna ugu yimideen Jaabiyah. Waxay utegeen goor uu Cumar
faraskiisa saaranyahay, markaa buu usoo degay, markuu arkay oo
macaanaqeeyay yacni xabadka xabadka u saaray oo dhunkaday labaduba.
Kadib Cumar waxuu ka dhaqaaqay Jaabiyah isagoo ku jeedo Beytul
Maqdis, kadibna wuu galay isagoo Ruumaankiina u qabtay muddo 3 casho ah.
Kadib waxuu galay masjidkii isagoo ka galay albaabkii uu Rasuulka SCW
ka galay habeenkii dheelmitaanka. Waxaa la sheegaa inuu salaamay
masjidka markii uu galay oo uu tukaday labo rakcadood oo taxiyatul
masjid ah isagoo ku tukaday Mixraabu-Daa’uud CS. Salaaddii subax ayuu
Muslimiintii halkaa ku tujiyey isagoo akhriyey rakcada koowaad suuradda
Saad kuna sujuuday sujuudda dhexdeeda ah, rakcaddii labaadna waxuu
akhriyey suuradda banii israa’iil ( israa ).
Kadib markuu la heshiiyey kulana heshiiyey bixinta jizyo oo Beytul
Maqdis, Lud iyo Jaabiyah uu furtay, oo uu madaxdii iyo ciidamadii
Muslimiinta la kulmay, muddo dhowr casho ahina uu lajoogay ayuu
magaalladiisii Madiina ku laabtay, isagoo Ruumaankii oo idil rucbi iyo
argagax ku riday kadib markii ay maqleen soo galootiga uu dhulka Shaam
soo galay.
Aan immika uweecanno dhankaa iyo dhacdooyinkii Furus ee sanadkan.
Baabil & Kowthi
Sida uu xusay Ibnu Jariir sanadkan 15aad dhexdiisa bay Muslimiintii
iyo Faarisiintii dhex mareen dhacdooyin badan, in kastoo dhacdooyinkaas
ay mu’arrakheenta sida Ibnu Isxaaq iyo Seyf bin Cumar iyo Al Waaqidi ay
kusheegeen sanadkii 16aad ee Hijriyada. Sida mash-huurka ah oo Ibnu
Jariir uu qabo ayaa waxay tahay in markii uu Sacad Qaadisiyah ka
faaruqay buu Cumar warqad u qoray dhankii Sacad, taasoo uu ku amrayo
inuu aado Madaa’in oo ahayd xaruntii boqortooyadii Furus, dumarka iyo
carruurtana uu ka tego. Markaa buu Sacad ciidamadiisii diyaarsaday,
markaa buuna hortiisa diray ciidamadiisii hore oo uu madax uga dhigay
Zuhrah bin Xawiyah. Kadib madaxdii baa mid mid isaga daba baxday,
dabeetana ciidamadii guud ee uu Sacad hoggaaminayey ayaa dhaaqaaqeen,
iyadoo markaa ay ciidamadaasi siteen fardo iyo hub aad u tiro badan.
Dagaalkii Qaadisiyah waxaa u xil saarnaa dagaal gelinta ciidanka Khaalid
bin Curfadhah, halkii booskiisa buu Sacad ka qaaday oo uu u dhiibay
wiilkii walaalkiis ee Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, Khaalidna
waxuu udhiibay ciidamadii dambe. Markaa buu Sacad dhaqaaqay isagoo wata
hub iyo fardo tiro badan, markaana waxay ahayd iyadoo maalmo ay ka
dhimantahay bishii Shawaal ee sanadkan. Waxay degeen ciidamadii halka ay
maanta tahay magaallada Kuufa, markaa buu Zuhrah bin Xawiyah hortooda
guuray isagoo ku sii jeedo magaalladii Madaa’in ee xaruntii
boqortooyadii Furus. Waxuu Zuhrah dhaxda kula kulmay Busbuhri oo
hoggaaminayo ciidamo Faarisiin ah kadibna wuu jebiyey. Jabkii
Faarisiinta ee ka cararay Zuhrah baa waxay orad ku galeen Baabil,
halkaana waxaa ku sugnaa kuwii kasoo jabay maalintii Qaadisiyah.Markaa
bay madax ka dhigteen Feyruzaan.
Markaa buu Zuhrah warqad u diray dhankii Sacad bin Abii Waqaas,
taasoo uu ku ogeysiinayo in Baabil ay isugu tegeen jamac kuwii Qaadisiya
kasoo jabay iyo weliba kuwo uu isagu jebiyey, oo ay weliba madax
kadhigteen Feyruzaan . Markaa buuna Sacad ciidamadiisii lasoo dhaqaaqay
isagoo ku jeedo dhankii Baabil, halkaa ayayna Sacad iyo Feyruzaan isku
heleen oo uu ku jebiyey. Jabkii kuwii cararay ee Majuusta baa waxay
uqeybsameen labo qeybood, qeyb iyadu u carartay dhankii Madaa’in iyo
qeyb kaloo u carartay dhanka Nahaawunda. Sacad maalmo ayuu kusii nagaa
Baabil, kadib buuna ka dhaqaaqay isagoo u boqaallay dhankii Madaa’in.
Dhexda ayuu kula kulmay koox kaloo Faarisiin ah, waxaana dhex maray
dagaal aad u kulul. Markaa buu amiirkii ciidamadaas oo la oran jiray
Shahryaar mubaarizo soo baxay, markaa baa waxaa u baxay nin kamid ah
ciidamadii Muslimiinta oo la oran jiray Abuu Nabaatah Naa’il bin Jushcum
Al Acraji muddo bay is laaclaaceen iyagoo fardahooda dul saaran, markaa
bay markii dambe qoorta isla galeen, dabeetana ay dhulka Iskula
dhaceen, Shahrayaar baa waxuu kudul dhacay xabadka Abuu Nabaatah
dabeetana jeebta ayuu gacanta geliyey si uu ula soo baxo mindi qinjir ah
oo uu doonayey inuu ku qalo, hase ahaatee Abuu Nabaatah Naa’il bin
Jucshum baa waxuu afka la helay fartii Shahrayaar oo uu qaniinyo dhab
siiyey illaa uu nafsaddiisii u mashquuliyey markaa buu kaga itaal
roonaaday inuu qinjirkii ka qaado dabeeto buu darsiiyey oo uu ka
tallaabsaday waxuuna ka furtay wixii hub iyo salab ahaa ee uu sitay iyo
faraskiisii. Sacad bin Abii Waqaas waxuu u jideeyey inuu qaato wax
alliyo wixii uu ka furtay oo hub iyo faras iyo hanti, waxuuna Sacad
amray inuu Abuu Nabaatah ku dagaal galo faraskii uu kafurtay Shahrayaar,
markaa buu isagiina Abuu Nabaatah fuulay faraskii oo uu ku
dagaallamayey. Goobtu waxay ahayd Kowthi, markaa buu Sacad booqday
halkii lagu xabbisay Nebiyullaahi Ibraahiim Al Khaliil CS, waxuuna
markaa Sacad akhriyey qowlka Alle Sarreeye ee ah: Waana sidaas
(adduunyadu) waa maalmo oo waxaanu ku kala wareejinnaa dadka dhexdiisa.
Suuradda Aali Cimraan aayadda 140aad.
Nahar-Sheer (Bahuraasiir)
Mucjamul Bildanka waxaa kusugan magaca ah Buhuraasiir sidaa si lamid
ahna Taariikh Ad Dabaqaat waxaa ku qoran Bahurasiir, qaar kalena waxay
yiraahdaan sida kusugan Al Bidaaya wan Nihaaya: Nahar-Sheer.
Magaalladan Bahurasiir ama Nahar-Sheer waxay ahayd mid kamid ah magaallooyinkii la isku oran Jiray Al Madaa’in.
Sababta dhacdadani waxay ahayd Sacad baa wuxuu diray Zuhrah bin
Xawiyah hortiisa isagoo u diray dhanka Bahuraasiir ama Nahar-sheer.
Markaa bay ku kulmeen Shayrizaad goobta Saabaadh, halkaasoo uu kula
heshiiyay inay bixiyaan Jizyo. Kadib buu Zuhrah u diray dhanka Sacad
heshiiskii iyo jisyadii uu ka guntay Shayrizaad. Markaa buu Sacad
ciidamadiisii soo dhaqaajiyey illaa uu soo gaaray meel la yiraahdo
Mudlem Saabaadh, halkaasina waxaa kusugnaa jamac Faarisiin ah, waxaayna
dariiqa Muslimiinta dhigeen libaax weyn oo uu lahaa boqorkii Kisraa,
waxaana libaaxaasi la oran jiray Muqarridh. Markaa buu Sacad dhankii
libaaxa u diray wiilkii walaalkiis, Haashim bin Cutbah ibnu Abii Waqaas
oo dilay libaaxii dadkii oo eegayo, maalintaa baana seyftiisii loogu
magac daray Seyful Matiin, markaa buuna Sacad dhunkaday madaxa Haashim,
Haashimna waxuu dhunkaday lugaha Sacad.
Kadib Haashim baa weerar ku qaaday Faarisiintii illaa uu durkiyey
isagoo akhrinayo qowlka Alle Sarreeye:” Oo maweydaan ahayn kuwii horey
ku dhaartay inayan idiin sugnaan wax tegid ah”. Suuradda Ibraahiim
aayadda 44aad.
Markii habeenkii la gaaray bay Muslimiintii rarteen oo ay dul degeen
Bahuraasiir (Nahar-Sheer), markastooy guuto kamid ah ciidamada
Muslimiinta gaaraan halkaas way takbiirsanayeen, illaa markii dambe uu
yimid ciidankii weynaa ee Sacad, halkii bayna dul degeen oo ay go’doomin
ku qabteen.
Sanadkan waxaa dadka xajiyey Cumar bin Al Khaddaab, masuuliyiinta
goballaduna waxay ahaayeen: Shaam Abaa Cubeydah, Ciraaqna Sacad bin Abii
Waqaas, Dhaa’if waxaa masuul uga ahaa Yaclaa bin Umayah, Baxreen iyo
Yamaama-na waxaa masuul uga ahaa Cuthmaan bin Abil Caas Al Thaqafi,
Cummaanna waxaa masuul uga ahaa Xudeyfah bin Muxsin. Sidaa waxaa qabo
Ibnu Jariir.
SANADKII 16AAD
Bilashadii sanadkan howlahii sidii hore waa ay ka fududaadeen,
Sacad-na waxuu dul degnaa Buhurasiir oo kamid ahayd magaallooyinkii
laysku oran jiray Madaa’in, waxay magaalladani daanta galbeed ka xigtay
webiga Furaat. Waqtiguu Sacad halkaa tegay waxay ahayd bishii Dil Xijjah
ee sanadkii 15aad, oo sanadkan howshii way u fududaatay iyadii ayuuna
dul daganaa.
Sacad intuu halkaa joogay waxuu diray fardooley wardoon ah, hase
ahaatee cidi maysan soo helin aan ka ahayn inay soo qabqabteen 100 000
oo qotidii reer Furus. Markaa buuna Sacad warqad u diray amiirkii
Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab, taasoo uu kala tashanayo siduu ka
yeeli lahaa. Markaa buu Cumar soo amray in haddaysan la dagaallamin uu
iska sii daayo, oo uu u bandhigo marka hore inay islaamka qaataan. Sacad
Islaamkii buu ubandhigay oo xagga Alle buu ugu yeeray, wayse ka diideen
waxayna doorteen inay bixiyaan jizyo, kadibna wuu iska sii daayey.
Majirin beeraley kunooleed dhul kamid ah wixii galbeedka ka jiray
webiga Dajlah ee xigay dhulka Carabta illaa waxay hoos imanayeen
dowladdii Islaamka iyo inay bixiayan jizyo. Magaalladii Bahurasiir waxay
diidday Sacad diidis tii ugu darneed inuu haweysto. Markaa buu u diray
Salmaan Al Faarisi si uu xagga Alle ugu yeero, suu xagga Alle ugu
yeeray, ama jizyo ama dagaal. Hase ahaatee way diideen wixii uu ugu
yeeray oo aan ka ka ahayn dagaal iyo caasin. Markaa bay xireen
manjaaniiq iyo dabaabaat. Markaa buuna Sacad amray ciidamadii
Muslimiinta in la sameeyo manjaaniiq, waxaana la sameeyay 20 manjaaniiq
oo lagu dul xiray magaalladii Bahurasiir, go’doomintiina way ku
adkeeyeen. Reer Buhurasiir (Nahar-Sheer) waxay ahaayeen kuwa mararka
qaar soo baxa oo dagaallamo, waxayna ku dhaaranayeen inaysan carareynin
abad, hase ahaatee Alle baa beeniyey dhaartoodii kadib markii uu jebiyey
Zuhrah bin Xawiyah oo uu ka laayey tiro aad u badan oo Faarisiin ah,
markaa bay hortiisii carareen oo magaalladii galeen.
Muslimiintii go’doomintii ayay ku qabteen oo weliba kusii adkeeyeen,
heer dadkii baladka qaajo daran qabatay oo ay bahallada cuneen. Nin
iyagii kamid ah baa Muslimiinta uyimid oo ku yiri:- Boqorku waxuu idin
leeyahay Ma dooneysaan inaad inalagu heshiisaan inaan yeelanno
waxiiwebiga Dajlah xagga buurtayada ka xigo, oo aad idinna yeelataan
waxii webiga Dajla xagga buurtiina ka xigo? Oo ma ku dheregteen, Alle
calooshiinnu ma dherjiyee? Markaa baa waxaa dadkii kasoo dhex booday nin
la oran jiray Abaa Muqarrin (ama Abuu Mufarriz) Al Aswad bin Qudhbah
oo Alle baa ka hadashiiyey isagoon ogeyn waxuu ku hadaaqay. Ninkii
Faarisiga ahaa wuu laabtay, markaa bay Muslimiintii arkeen Faarisiintii
oo ka guureyso magaalladii Bahurasiir una guureyso Madaa’intii weyneed.
Markaa bay dadkii Abuu Mufarriz ku yiraahdeen:- Oo maxaad ku tiri (waa
iyaga guuraye)? Markaasuu ku yiri:- Kan Muxammed SCW xaqa kusoo diray
baan ku dhaartaye garan maayo waxii aan ku iri, kaliya (waxaan ogahay)
inay sakiinad igu soo degtay, waxaana rajeyn inuu noqdo waxii aan ku
hadaaqay waxa ugu wanaagsan. Dadkii baa waxay gudo galeen inay arrintaa
wax ka weydiiyaan, waxaana kamid ahaa dadkii su’aalayey Sacad bin Abii
Waqaas oo isagu halkuu degnaa ugu tegay markaasuu ku yiri:” Maxaad ku
tiri? Illaah baan ku dhaartaye waa iyaga cararay.
Markaa buu Abaa Mufarriz ugu dhaartay inuusan garaneynin waxii uu yiri.
Sacad bin Abii Waqaas dadkii buu ka dhex dhawaaqay isagoo ku amrayo
in manjaaniiqa lagu gano magaallada. Dabeeto nin baa ka dhex qayliyey
kamid ah dadkii baladka oo dalbanayo magangalyo, markaa bay magan
geliyeen. Waxuu ninkii yiri:” Illaah baan ku dhaartaye cidi kuma sugno
baladkan”.
Muslimiintii markii ay soo galeen waxay yimideen magaalladiii oo
cidlo ah oo aysan qofna kula kulmin, idil waxay u carareen Madaa’intii
weyneed.
Waqtigaas waxuu ahaa bishii Safar ee sanadkan. Muslimiintii markii ay
soo galeen magaalladii Bahurasiir waxay doon dooneen qasrigii caddaa ee
Madaa’in. Waa qasrigii boqorka ee uu horey u xusay Rasuulka SCW inay
furan doonaan umaddiisa.
Markaasi waxay ahayd goor waa bari ah, waxaana u hor arkay Diraar bin
Khaddaab markaasuu yiri:” Allaahu akbar ( Qasrigii ) caddaa ee Kisraa,
waxa kani waa waxii ay inoo yabooheen Allaah iyo Rasuulkiisa SCW”.
Markaa bay Muslimiintii dhankiisii wada eegeen, dabeetana ay takbiir
kuwada qaabilleen illaa uu ooggu ka baryay.
Furashadii Madaa’in
Markii uu Sacad furtay Bahurasiir oo uu dajiyey, sifadii uu markaa ku
galayna waxay ahayd iyadoo cidlo ah waxbana uusan ka helin, bal ee
gedigood Faarisiintii waxay u wareegeen Madaa’intii weyneed iyagoo
webiga Dajlah ku gooshay doonyo, wixii hanti ahaana rarteen. Sacad bin
Abii Waqaas ma uusan haysan wax doonyo ah oo uu ciidamadiisa ku raro si
uu uga daba tego cadawga. Webigii Dajla wuu kacay oo mowjadaha hirka
waxay ahaayeen kuwa aad u waaweyn. Markaa baa waxaa soo gaaray Sacad war
ah in boqorkii Kisraa ee Yazdajrid uu doonayo inuu ka guuro magaallada
Madaa’in oo uu u wareego Xulwaan, isagoo waxii hanti uu lahaa oo idilba
aruursaday, haddiisanna uu Sacad ka gaarin muddo saddex casho gudahooda
ah inuu ka tegi doono oo uusan gaariyenin bay usoo tabiyeen wardoonnada.
Markaa bay arrini Sacad ku caddaatay, dabeetana ciidamadii buu ka dhex
kacay oo Alle mahadiyey oo amaanay kadib buu u khudbeeyay isagoo
usheegay in cadawgu uu ka maciinsaday baddan (Webiga Dajlah oo kacay),
waxuuna Sacad isoo webiga dul taagan usheegay ciidamadiisii inay isagu
ka go’antahay inuu galo webiga oo uu dhex goosha illaa uu dhanke kale
tego oo uu markaana cadawga la kulmo. Ciidamadii oo idil waa ay ku
raaceen inay iyaguna la galaan biyaha, waxayna yiraahdeen:” Alle baa
innaga iyo adigaba inoo gooyay falka kiisa toosan”.
Sacad waxuu ciidamadii ka soo dhex saaray kudhawaad 600 si ay iyagu
marka hore u galaan oo ay utamkiiniyaan dhanka kalee webiga, waxuuna
madax uga dhigay Caasim bin Camr.
Caasim baa ciidamadii lixda boqol ahaa ka kaxaystay 60 fardooleydii
geesiyaasha ee farakutiriska kamid ahayd si ay marka hore iyagu u
galaan. Markaa bay 60-kii fardooleyda ahayd wada galeen biyahii, waxayna
ukala qeybsameen labo qeybood, qeyb kuwii fardaha labka sitay iyo
qeybta kaloo ahayd kuwii fardaha dheddiga sitay. Faarisiintii markii ay
arkeen iyagoo dul socda biyaha bay yiraahdeen:” Diiwana! Diiwaana! oo
ay ula jeedaan Majaaniin! Majaaniin! oo lamacno ah waa kuwo waalan”.
Waxay yiraahdeen:” Ma la dagaallameysaan dad bal ee waxaad la
dagaallameysaan jinni”. Kadib waxay Faarisiintii soo direen fardooley
iyaga kamid ah si ay Muslimiinta ugu diidaan inay biyaha kasoo baxaan,
markaa buuna Caasim asxaabtiisii amray inay ay gammuunka iyo waramada
lasoo baxaan oo ay indhaha ka tuuraan. Markiina ay usoo dhawaadeen
birrigii bay waramada kaga shaqeeyeen oo ay fardahoodii indhaha ka
tuureen, kadibna Faarisiintii dib bay ulaabteen iyagoo awoodi kari
waayey inay Muslimiintu hor istaagaan ilaa ay markii dambe ka baxeen
biyahii. Markaa buu Caasim raacdeystay illaa uu ka eryay dhankii kale.
Intii kalee ka hartay asxaabtii Caasim ee lixda boqol ayaa iyana soo
galeen, waxayna utageen asxaabtoodii kale ee dhanka kale joogtay oo ay
lajirkooda la dagaal galeen illamaa ay dhankaas ka eryeen Faarisiintii
oo ay tamkiiniyeen.
Guutada hore ee ciidamadaas waxaa lagu magacaabi jiray Katiibatu Al
Ahwaal, waxaana madax u ahaa Caasim bin Camr sidaynu soo xusnayba.
Guutada labaadna waxaa la oran jiray Katiibatu Al Kharsaa waxaana madax u
ahaa Al qacqaac bin Camr. Sidaa ayada ah guud ahaan ciidamadii kale ee
Sacad waxay daawanayeen sida ay fardooleyda Muslimiinta ugalayaan
majuusta Faarisiinta, Sacadna waxuu taagnaa webiga jinkiisa.
Ciidamadii kale ee haray ayaa iyaguna dhammaantood soo galeen,
waxayna markaa ahayd markii ay arkeen in fardooleydii Muslimiinta ay
haggaajiyeen dhankii kale oo ay Faarisiintii ka eryeen. Waxuu Sacad
amray markii ciidamadu Muslimiinta ay galayeen biyaha inay yiraahdaan:”
Nastaciinu Billaah, wanatawakalu caleyhi, Xasbunallaah wanicmal wakiil,
walaa xowla walaa quwati illaa Billaahil Caliyul caziim”. Kadib
faraskiisii buu la galay, Muslimiintii oo idilna way lasoo galeen oo
cidi kamaysan harin. Markaa bay biyahii ku dul socdeen sida ay dhulka
ugu socdaan oo kale, waxayna buuxiyeen labadii dhinac ee webiga. Biyaha
ayay ku dul sheekeysanayeen sida ay dhulka ugu sheekeystaan oo kale,
mana jirin wax biyo ah oo soo gaarayey alaabtooda iyo heeryada fardaha
toona. Taasi waxay timid kadib markii ay dejisay xasilooni oo kalsooni
dhammeys ah ay qaateen iyagoo ku rajo weynaa yabooha iyo gargaarka Alle,
tiiyoo uu ciidamadaasi amiir u ahaa Sacad bin Abii Waqaas oo kamid ahaa
10kii jannada loogu bishaareeyay uuna Rasuulka SCW geeriyooday isagoo
ka raalli ah oo weliba u duceeyay isagoo leh:” Alloow!! ajiib ducadiisa
oo ganiddiisuna sug”.
Ulajeeddadu waxay tahay Sacad wuxuu ahaa amiirkii ciidamadaasi
Muslimiinta ee maalintaa iyada ah, uuna ciidamada u duceeyey isagoo
Rabbiga Sarreeye ka baryey guul iyo badbaado. Gamuun buu Sacad ku ganay
hirkii biyaha, markaa buuna Alle u adkeeyay oo ku nabad yeelay, mana
jirin cid Muslimiinta kaga hafatay biyaha ama ay wax kusoo gaareen,
marka laga reebo nin isago faraskiisa ka sibiqaday durbana waxaa qabtay
Al qacqaac bin Camr oo kamid ahaa geesiyaashii Muslimiinta. Markaa buu
ku toosiyey reeryadii faraska illaa uu si saani ah ugu fadhiisiyey.
Ninkaa isaga ah waxaa la oran jiray Qurqadah Al Baaruqiyu. Waxuu yiri:”
Haweeni way ka caajistay inay dhasho Al qacqaac bin Camr oo kale”.
Sidoo kale majirin hanti kaga fakatay Muslimiinta biyahaas, marka
laga reebo weel ka sameysnaa geed oo uu lahaa nin la oran jiray Maalik
bin Caamir, isagiina Alle ayaa usoo celiyey kadib markii uu ka baryay
inuu usoo celiyo weelkiisii. Mowjadahii hirka baa soo celiyey oo keenay
dhankii ciidamadu Muslimiintu ay marayeen, markaa bay inta soo qabteen u
dhiibeen ninkii lahaa. Maalintaa iyada ah waxay ahayd maalin weyn oo
mucjiso weyn ay dhacday, waxayna ahayd mucjiso kamid ah mucjisooyinkii
uu Rabbi SW usoo dejiyey addoomadiiisa. Tanoo kale ayaanan horey uga
dhicin dhulka Furus iyo dhulalkii kaleba, marka laga reebo qadiyaddii
Al-Calaa bin Xadramiy ee ka dhacday dhulka Baxreyn, hase ahaatee tan
ayaa ahayd mid ka weyn kana mucjiso ballaaran, waayo ciidamadani way ka
badnaayeen ciidamadii Al Calaa oo wayba ku dhowr jibbaarmayeen.
Wuxuu Sacad maalintaa yiri:” Kan nagu filan waa Allaah, isaga ayaana
unicmo badan wax la talo saarto. Illaah baan ku dhaartaye wuu u
gargaari doonaa Alle weligiisa, wuuna dahirin doonaa diintiisa oo wuuna
jibin doonaa cadowgiisa, hadduusan ciidanku kujirin mid baqyi ah ama
aysan jirin dunuub ka adkaan karto xasaanaadka”.
Salmaan Al Faarisi oo Sacad la socday ayaa isaguna waxuu yiri:”
Islaamku waa jadiid, oo Illaah baan ku dhaartaye Alle baa u jeexay
badda siduuba ugu jeexay berriga (yacni dariiq buu uga sameeyay). Kan
(Allaaha) ay nafta Salmaan gacantiisa (awooddiisa) kujirto baan ku
dhaartaye waxay (Muslimiintu) uga bixi doonaan (biyaha) koox koox siday
markii horeba kusoo galeen koox koox”.
Markii ay Muslimiintii ka baxeen biyahii bay galeen magaalladii
Madaa’in oo ay horey Faarisiintii uga baxeen, cidina kulmaysan kulmin
Muslimiintu magaallada, oo boqor Yazdajridna wixii uu hantidiisa ka
qaadan karayey iyo ehelkiisii ayuu ka qaatay oo uu aaday dhanka
Jolowlaa. Wuxuu Yazdajrid ka tegay hanti badan oo tabar uu ku qaado u
waayey, sabab la xiriirta isagoo naftiisa la cararayey darteed, waxaana
la sheegaa keydkii Kisra inay maalintaa kujirtay 1000 000 000 000
Diinaar, intay awoodi kareen ayayna ka qaateen intii kalena waa ay ka
tegeen, waxaana lagu qayaasaa hantiday ka tegeen nus kamid ah keydkii
Kisraa oo aan runtii lasoo koobi karin tira badnida uu qabay.
Markii ugu horeeysay waxaa galay magaallada guutadii la oran jiray
Katiibatu Al-Ahwaal, kadibna waxaa galay guutadii labaad ee iyana la
oran jiray Katiibatu Al-Kharsaa.
Sacad bin Abii Waqaas iyo ciidamadiisii ayaa misna soo galeen
magaalladii, waxuuna arkhinayey Sacad markuu soo galayey qowlka Alle
Sarreeye:” Oo immisay ka tageen beero iyo dur durro, iyo tallaalo iyo
meelo sharaf leh, iyo nicmooyin ay ku raaxeysan jireen? Xaalku waa
sidaas, oo waxaanu dhaxalsiinnay qowm kale (oo Muslimiin ah)”. Suuratu
Dukhaan aayadaha 25aad illaa 28aad.
Waxuuna Sacad tukaday markuu soo galay 8 rakcadood oo ah salaadda
furasha. Seyf bin Cumar siduu xusay waxuu leeyahay:” Sacad waxuu tukaday
siddeeda rakcadood isagoo mar qura salaamo noqdsaday”. Kadib waxuu
ciidamadii Muslimiinta tujiyey salaaddii jumcaha ee ugu horeysay, taasoo
ahayd tii ugu horeysay ee dhulka Ciraaq lagu tukado, sababtuna waxay
ahayd inuu Sacad niyooday inuu kusii naqaado Madaa’in.
Kadib wuxuu diray Sacad sirriyaad uu ku diray raadkii kuwii jabay iyo
Yazdajrid. Waxay sirriyadaasi is heleen koox Faarisiin ah oo ay diriri
dhex martay, dabeetana ay jebiyeen kana soo furteen hanti badan oo kamid
ah wixii ay Madaa’in kala carareen oo u badnaa dhar, gaar ahaan
lebbiskii boqor Yazdajrid, taajkiisii iyo xulliyad badan oo la isku
qurxiyo. Sacad bin Abii Waqaas waxuu amray in la isku soo aruuriyo
hantidii laga soo furtay kuwii jabay iyo tii weliba laga qaniimeystay
Madaa’in.
Markuu Sacad furtay magaalladii Madaa’in oo uu degay qasrigii caddaa
ayuu arkay sanamyo dhowr ah oo midi uu gacanta ku ishaarayo meel,
halkii buu markaa Sacad amray in la qodo. Dabeeto waala qoday waxaana
laga soo saaray hanti aad u tiro badan oo ah keydkii boqorradii hora ee
Kisraa. Muslimiintii waxay halkaa ka qaniimeysteen hanti aysan cidi
horey ugu arag dunida wax ka cajiibsan, waxaana kamid ahaa hantidaas
taajkii weynaa ee Kisraa, kaasoo ka sameysnaa jowharad indhuhu soo
jiidanayso. Waxaa kaloo kamid ahaa seyftii boqorka iyo hanti kaloo badan
oo u badneyd dahab, lu’lu, fiddo iyo jowhar faro badan. Waxaa kalooy ka
heleen maab fidsan oo aad weyn oo ka sameysnaa dahab iyo jowharad,
waxaana ku sawirnaa dhammaan goballada dhulka Furus iyo weliba inta dhul
hoos timaaddo boqortooyada Faaris. Boqorka ayaa ka eegan jiray dhulalka
uu utaliyo, iyo webiyadiisa iyo dhulbeereedka dhulka hoos yimaado
isaga.
Taajku wuxuu ahaa mid weyn, oo markuu boqorku ku fadhiisto kursiga
boqortooyada ayaa kor looga keenayey taajka oo ay ku xiranyahiin
silsilado waaweyn oo ka sameysan dahab, kuwaasoo kor u celinayo, waayo
taajka ayaa waxuu ahaa mid culus oo uusan boqorku awoodin inuu madaxa ku
haayo, sidaa darteed isaga madax ayunbuu la galayey oo silsiladaha
dahabka ah ayaa kor uga haaynayey. Markuu fadhiisto oo xijaabka laga
qaado bay madaxdiisa iyo dadkiisa sujuud ula dhici jireen. Kadib markuu
isku soo aruuriyey Sacad xoolahii Aqbaadhka ( qaniimadii inta aan la
qeybinin ) buu u madax uga dhigay Camr bin Camr bin Muqarrin, hantidii
ugu horeeysay ee uu isku soo aruuriyana waxay ahayd tii uu ka helay
qasrigii caddaa.
Runtii waxay ahayd hanti aanan lasoo koobi karin tiro badni awgeed
iyo kala nooc nooc ay qabtay darteed, wuxuuna intaa dabadeed Sacad u xil
saaray qaybinta qaniimada Salmaan Al Faarisi kadib markuu ka saaray
khumuskii, markaa buu qofkii faras watay helay 12 000. Ciidankoo idilna
waxay ahaayeen fardooleey.
maabkii qariidada iyo dharkii Yazdajrid wuxuu Sacad kudaray khumuskii
qaniimada, waxuuna udiray dhankii Cumar iyo Muslimiintii Madiina si ay u
eegaan oo ay ula yaabaan. Wuxuuna u dhiibay Bashiir bin Khasaasiyah.
Bishaaradii guushana waxuu u dhiibay Xuleys bin Filaan Al Asadi. Markii
uu Cumar arkay hantidaas waxuu:” Qowmka keenay hantidan waa aaminiin”.
Markaa buu Cali yiri:” Adiga ayaa dhowrsanaatay, markaa bayna
raciyadaadii dhowrsanaatay, saa haddii aad daaqi lahayd iyana way daaqi
lahaayeen”. Dabadeed Cumar hantidii buu dadkii u qeybiyey Calina waxuu
saami u helay gobal kamid ah maabkii qariidada, markaasuu ku iibiyey 20
000.
Cumar bin Khaddaab markii loo keenay waxyaabahii uu Kisraa isku
qurxin jiray ee xulliyaadka ahaa ayuu jinjimahii Kisraa ee dahabka ahaa u
dhiibay Suraaqa bin Maalik bin Jucshum. Suraaqa horey buu Rasuulka SCW
ugu ballan qaaday inuu heli doono jinjimaha Kisraa. Markiina uu Cumar u
gelinayey Suraaqa jinjimaha ayuu ku yiri:” Dheh Allaahu akbar”.
Markaasuu yiri:” Allaahu akbar”. Waxuu yiri Cumar:” Dheh mahad waxaa
iska leh Allahii kasoo qaaday Kisraa bin Hurmuz ee u geliyey Suraaqa bin
Maalik acraabigii reer banii Mudlaj”. Markaa buu Suraaqana sidaa
yiri, markaasuu Cumarna yiri kadib markuu arkay jinjamahii oo kujiro
gacantii Suraaqa:” Mahad waxaa iska leh Allahii kasoo qaaday Kisraa oo u
geliyey Suraaqa bin Maalik acraabigii reer banii Mudlaj”.
Kadib Cumar waxuu yiri:” Alloow! adiga ayaa u diidday hantidan
Rasuulkaadii iyo Nebigaadii SCW, waxuuna ahaa mid aad iga jeceshahay oo
agtaadana iiga sharaf badan. waxaadna u diidday Abuu Bakar oo ahaa mid
aad iga jeceshay, agtaaduna iiga sharaf badan. Markaa baad aniga
isiisay, waxaan kaa magan galayaa inay noqoto siismo aad igu dhagreyso”.
Kadibna si aad buu u ooyey. Kadib C/Raxmaan bin Cowf ayaa u tilmaamay
inuu qeybiyo, sidii buuna Cumar sameeyey oo sidii hantidii iyo
qaniimadii Qaadisiya oo kale ayuu u qeybiyey.
Cumar bin Khaddaab markii loo keenay waxyaabahii uu Kisraa isku
qurxin jiray ee xulliyaadka ahaa ayuu jinjimahii Kisraa ee dahabka ahaa u
dhiibay Suraaqa bin Maalik bin Jucshum. Suraaqa horey buu Rasuulka SCW
ugu ballan qaaday inuu heli doono jinjimaha Kisraa ee dahabka ahi.
Markiina uu Cumar u gelinayey Suraaqa jinjimaha ayuu ku yiri:” Dheh
Allaahu akbar”.
Markaasuu yiri:” Allaahu akbar”.
Waxuu yiri Cumar:” Dheh mahad waxaa iska leh Allahii kasoo qaaday
Kisraa bin Hurmuz ee u geliyey Suraaqa bin Maalik acraabigii reer banii
Mudlaj”. Markaa buu Suraaqana sidaa yiri, markaasuu Cumarna yiri kadib
markuu arkay jinjamahii oo kujiro gacantii Suraaqa:” Mahad waxaa iska
leh Allahii kasoo qaaday Kisraa oo u geliyey Suraaqa bin Maalik
acraabigii reer banii Mudlaj”.
Kadib Cumar waxuu yiri:” Allow! adiga ayaa u diiday hantidan
Rasuulkaadii iyo nebigaadii SCW, waxuuna ahaa mid aad iga jeceshahay oo
agtaadana iiga sharaf badan. waxaadna u diidday Abuu Bakar oo ahaa mid
aad iga jeceshay, agtaaduna iiga sharaf badan. Markaa baad aniga
isiisay, waxaan kaa magan galayaa inay noqoto siismo aad igu dhagreyso”.
Kadibna si aad buu u ooyey. Kadiba C/Raxmaan bin Cowf ayaa u tilmaamay
inuu qeybiyo, sidii buuna Cumar sameeyey oo sidii hantidii Qaadisiya oo
kale ayuu u qeybiyey.
Dhacdadii Jalowlaa
Markuu ka dhaqaaqay Kisraa Yazdajrid bin Shahryaar magaalladii
Madaa’in isagoo u cararayo Jalowlaa buu dhexda sii dhigay ciidamo
cawaantii reer Furus ah oo tiro badan, waxuuna madax uga dhigay amiir la
oran jiray Mihraan isagiina Kisraa waxuu usii gudbay Xulwaan.
Ciidamadii uu u diyaariyey inay isaga iyo Muslimiinta kala dhex galaanna
waxuu uga tegay Jalowlaa, iyadoo ay ka qoteen god aad u weyn
hareeraheeda, halkaasoo ay la yimideen cudud iyo cadad iyo qalab tiro
badan.
Markaa buu Sacad warqad u diray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo kula socod siinayo xaaladdu siday tahay.
Cumar ibnu Al-Khaddaab waxuu soo qoray in uu Sacad dego magaallada
Madaa’in oo uu xurun ka dhigto, iyo in uu madax uga dhigo wiilkii
walaalkiis ee Haashim bin Cutbah ciidamo uu kudirayo raadkii Kisraa
Yazdajrid, iyo in ciidanka hore ee ciidamadaas madax looga dhigo Al
qacqaac bin Camr, midigtana masuul looga Sacad bin Maalik, iyo in dhanka
bidixdana loo dhiibo walaalkiis Cumar bin Maalik, halka uu soo amray in
ciidamada dambena madax looga dhigo Camr bin Murrah Al Juhani. Sacad
bin Abuu Waqaas sidii uu amiirkii Mu’miniinta soo amray ayuu sameeyay
waxuuna diray wiilkii walaalkiis Haashim Cutbah bin Abii Waqaas iyo
ciidamo culus oo uu hoggaaminayo oo kudhaw 12 000, waxaana kujiray
ciidankaas saadaaddii Muslimiinta iyo horwadeennaddii Muhaajiriin iyo
Ansaar iyo madaxdii Carabta. Markaasina waxay ahayd bishii Safar ee
sanaddan dhexdeeda goor laga faaruqay howshii Madaa’in. Ciidamadii
Muslimiinta waa ay dhaqaaqeen oo way socdeen jeer ay dul degeen
majuustii oo god ka qodatay Jalowlaa, markaa buuna Haashim go’doomin ku
qabtay, waxaana dhacaysay inay dhowr jeer soo baxeen Majuusta oo ay
dagaallameen dagaallo aan horey looga baran lana maqal. Boqorkii Kisraa
ee Yazdajrid waxuu gudo galay inuu gurmad iska soo dabo diro, sidaa si
lamid ahna Sacad bin Abii Waqaas wiilkii walaalkiis buu isaguna gurmad
usoo dirayey marba marka ka dambeyso. Waxaa kululaaday dagaalkii iyadoo
gurmadkuna uu labada dhinac iska soo daba dhacayo, oo intaa ka gadaal
waxaa huray dabkii dagaalka, markaas buu Haashim bin Cutbah ciidanka ka
dhex kacay oo u khudbeyay oo dadka ku booriyay dagaalka, oo uu Alle-na
tala saartay. Faarisiintii waxay isku dhaarsadeen oo ay kuballameen
iyagoo kudhaaranayo dabka inaysan dib dambe cararin jeer ay Muslimiinta
tiiriyaan.
Maalintii dambe ee ugu darneyn, waa maalintii loo yaqaannay” Yowmul
Furqaan” ama sidoo kale loo yaqannay ”Yowmul Fasli”, waxay isku
waafaqen inaysan cararin majuusta , waana maaalintii ugu darreyd
dagaalka. Waxaana muslimiintii lagu gaaray salaaddi duhurka oo ay
tukadeen. Dabeeto buu Al qacqaac dadkii ka dhex kacay oo guubaabiyey
kheyr iyo guulona uu ugu bishaareyay.
Intaas kadib buu intuu Al qacqaac kaxaystay koox kamid ah halyeeyadii
Muslimiinta oo geesiyaal ah ayuu habeenkii markii la gaaray ku dhuuntay
mugdiga oo uu abbaaray dhankii ciidanka Faarisiinta oo uu dabadeedna
uu socday ilaa uu ka gaaray albaabkii khandaqa ( godka ). Lama dareemin
oo lama ogaan Al Qacqaac illaa uu isagu ku qeyliyey ” Muslimiintiiyeey
waa kan amiirkiinni oo taagan albaabkooda”. Markaas bay Faarisiintii
isku dhex yaaceen, Muslimiintiina waxay usoo dhaqaaqeen dhankii Al
Qacqaac. Markaas bay Faarisiintiina kala firxadeen intooda ordi kareysay
oo Muslimiintiina jiha waliba ka dooxateeyeen, oo dhufeys walbana u
galeen. Halkaasna waxaa looga dilay 100 kun oo meydkoodii baa meel
waliba daadsanaa.
Markaas bay muslimiintii qaniimeysteen maal badan , hub, dahab, iyo
fida, maalkaas oo kudhaw maalkii iyo qaniimadii laga helay Madaa’in.
Markii ay Majuustii jabeen buu Haashim bin Cutbah firxadkoodii kadaba
diray Al qacqaac bin Camr. Markaasuu Al qac qaac bursaday firxadka
kuwii jabay oo uu sii laaynayey, waxuuna dilay Mihraan. Feyruzaanna
waxuu daa’imay inuu jabka kuwii cararay uu dhexda ka galo. Waxuu Al qac
qaac ka furtay dumar iyo carruur iyo hanti tiro badan, iyo daabbadooyin
aad u badan, dhammaanna waxuu u diray Haashim bin Cutbah. Haashimna
waxuu u sii diray Sacad, markaasuu intuu khumuskii ka bixiyey u wada
qeybiyey ciidankii Muslimiinta oo idil.
Qaniimada Jalowlaa waxay ahayd 30 000 000 sida uu xusay Shicbi,
khumuskii kaliya ayaa waxuu noqday 6 000 000. Qof kastoo faras watay
maalinta ciidamada Muslimiinta waxuu helay saami lamid ah intii uu ka
helay Madaa’in oo lamid ah 12 000 iyo 9 daabadood. Waxaa loo xilsaaray
qeybinta qaniimadaas Salmaan Al Faarisi. Kadib khumuskii qaniimada iyo
daabadahii baa loo dhiibay Ziyaad bin Abii Sufyaan iyo Qudaaci bin Camr
iyo Abuu Maqrin Al Aswad si ay magaalladii Madiina u geeyaan. Markii
Cumar loo geeyay dhammaan hantidii qaniimada iyo daabadihii buu
weydiiyey sida dagaalladaasi ay u dhaceen, markaasuu Ziyaad bin Abii
Sufyaan si cad ugu sheegay dhacdooyinkii iyo siday udhaceenba. Cumar
markuu maqlay faseexada Ziyaad buu ka codsaday inuu mimbarka ka
khudbeeyo oo uu ka sheego dhacdooyinkii iyo siday u dhaceen isagoo ay
dadku wada maqlayaan. Markaa buu Ziyaad mimbarka fuulay oo si cad u
waadixiyey siday dhacdadu u dhacday iyo inta Muslimiinta kaga shahiidday
iyo intay gaallada ka dileen iyo inta hanti ee ay qaniimeysteen.
Dhacdadii Xulwaan
Markii uu Haashim bin Cutbah ka faaruqay Jolowlaa buu ku degay
amarkii amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo xarun ka
dhiganayo, waxuuna Xulwaan u diray Al qac qaac bin Camr oo uu iyana
kudiray amarkii amiirka mu’miniinta. Taasoo uu horey warqad ugu soo
qoray markii uu Sacad kala hadlayey qaddiyadii Yazdajrid, waxuuna amray
inuu Sacad dego Madaa’in, oo uu diro Jolowlaa Haashim bin Cutbah,
markiina Haashim uu furtay Jolowlaa buu Cumar amray inuu dego Jolowlaa
oo uu Xulwaan udiro Al qacqaac bin Camr.
Waa sidaase Al qac qaac bin Camr waxuu daba kacay firxadkii kuwii
jabay isagoo layenayey waxii uu helo, waxuuna dilay oo kamid Mihraan oo
ahaa amiirkii dhacdada Jolowlaa hoggaaminayey Faarisiinta. Fayruzaan
isagu waxuu dhexda ka galay jabkii majuusta illaa ay ka dul dhaceen
boqorkoodii Yazdajrid oo kusugnaa Xulwaan, waxayna u sheegeen waxii
Jolowlaa ku qabsaday oo jab ahaa iyo inta qof ee laga dilay iyo weliba
in amiirkoodii laga daba yimid oo qudha laga jaray, oo weli taa looga
harine firxadkoodii la daba joogo. Markaa buu Yazdajrid kasii cararay
Xulwaan oo uu u wareegay magaallada Rayi. Xulwaanna waxuu kusii dhaafay
ciidan uu madax uga dhigay nin la oran jiray Khushru washanuum. Markii
uu Al qac qaac gaaray magaalladii Xulwaan ayaa waxaa kusoo baxay Khushru
washanuum oo ay ku kulmeen meel ka soo baxsan magaallada, halkaasoo ay
ku dhex martay dirir aad u kulul oo Alle durtaba ku jebiyey cadawgii,
Muslimiintiina lib iyo guul kusiiyey. Markaa buuna Al qac qaac galay
magaalladii Xulwaan oo aysan jirin cidi ka hor taagan, Muslimiintiina
way soo galeen oo ay qaniimeysteen, dumar iyo carruur badanna
qafaasheen. Waxayna ku dhaqeen islaamka. Dadkii deganaa hareerahaas iyo
goballada ka dhaw dhawna jisyo buu Al qac qaac ku waajibiyey iyo inay
Islaamka hoos yimaadaan kadib markii uu u bandigay Islaamka oo ay
diideen waxaanan ka ahayn inay bixiyaan jisyo.
Al qacqaac bin Camr halkaa ayuu ku sugnaa illaa uu Sacad bin Abuu
Waqaas markii dambe ka wareegay magaalladii Madaa’in isagoo u guuray
Kuufa, markaa buuna Alqac qaac dhankii Sacad aaday oo uu Kuufa degay
sida inoo iman doonto hadduu Alle idmo.
Furashadaii Takriid & Muusal
Markii uu Sacad furtay Madaa’in baa waxaa soo gaartay in reer Muusal
ay isugu tegeen Takriid oo ay madax ka dhigteen nin gaal ahaa oo la oran
jiray Al Andhaaq. Markaa bayna ahayd markii uu Sacad warqadda u qorayey
dhanka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, warqaddaasoo ka
hadleysay qaddiyadii Jolowlaa. Horey wuxuu usoo amray Cumar in Jolowlaa
loo diro Haashim bin Cutbah, waxaana dhacay waxii dhacay ee aan soo
xusnay oo ah dhacdooyinkii Jolowlaa iyo Xulwaan. Sidoo kale warqaddaasi
waxay markaasi ka hadleysay oo ku xusnaa qaddiyadii reer Muusal. Isla
warqaddii uu Cumar jawaab ahaanta ugu diray dhanka Sacad ayaa waxuu
sidoo kale kaga soo hadlay qaddiyadda reer Muusal, waxuuna soo amray
Sacad inuu u diyaariyo ciidan la dagaallankooda (reer Muusal) iyo in
ciidamadaas uu madax uga dhigo C/llaahi bin Al Mactam iyo in ciidankiisa
hore uu madax uga dhigo Ribciy bin Al Afkal Al Canazi. Ciidamada
midigta waxuu soo amray in madax looga dhigo Al Xaarith bin Xassaan Al
Duhali. Ciidamada bidixdana waxuu soo amray in madax looga dhigo Furaat
bin Xayaan Al Cajali, ciidamada dambe waxuu u dhiibay Hannaay bin Qeys,
kuwa fardooleyduna waxuu u xil saaray Curfajah bin Harthamah.
Markaa buu C/llaahi bin Mactam kala dhaqaaqay 5000 oo ciidan ah
magaalladii Madaa’in isagoo kusii jeedo dhanka Takriit iyo gaalkii Al
Andhaaq. Waxuu socday afar casho dabeetana waxuu dul degay Takriit. Al
Andhaaq waxuu isu soo aruuriyey jamac Ruumaan ah iyo Carabtii Nasaareyda
ee halkaas daganayd oo ay kamid ahaayeen banii Taqlab, Iyaad iyo Nimar,
iyagoo hareeraha magaallada ka qotay god weyn oo dhufeys ah. Markii uu
C/llaahi bin Mactam soo gaaray buu go’doomin ku qabtay, waxuuna ku
haayey 40 casho oo labaatan iyo afar kamid ahi ay gaaladu usoo baxeen
(si ay Muslimiinta ula dagaallamaan), iyadoo mar waliba laga adkaanayey
24kaas casho oo mar waliba waalaga guuleysanayey, jamacooduna wuu
jabayey oo wax aanan daciifnimo iyo itaal darri ahaynna kamaysan
qaadeyn. Markaa bay Ruumaankii damceen inay doomankooda kula baxsadaan
waxii hanti ay lahaayeen iyo nafahooda. Markaa buu Cabdullaahi bin
Mactam u cid diray Carabtii Nasaareyda ee halkaa kusugneyd isagoo ugu
yeerayo inay ka qayb qaataan difaaca iyo guusha dhulka. Markaa bay
iyagiina ka yeeleen oo ay usoo cid direen. Misna mar kale buu u cid
diray isagoo ku oranayo:” Hadday taasi run idinka tahay, qira inuusan
jirin Alle (la caabbudo) oo aan ka ahayn Allah, iyo inuu Muxammedna SCW
yahay Rasuulkii Alle, oo kuna raalli noqda waxa uu Alle agtiisa
kalayimid”. Markaa bay iyana taasi usoo cid direen iyagoo wada
Islaamay. Dabeeta mar kale buu u cid diray isagoo ku oranayo:” Hadday
taasi run idinka tahay marka aanu takbiirsanno oo aan caawo weerarka ku
qaadno inoo qabto albaabada doomaha”. Markaa bay C/llaahi bin Muctam iyo
asxaabtiisi soo dhaqaaqeen oo ay takbiirsadeen sida takbiir nin qura uu
mar takbiirsado, saa ay weerar culus qaadeen. Carabtiina dhanka kale
ayay ka takbiirsadeen mar qura. Markaa bay Ruumaankii u carareen dhanka
albaabadii webiga si ay doomanka ugu baxsadaan, hase ahaatee banii
Iyaad, Taqlab iyo Nimar baa si daran u gummaadeen oo laayeen layn aad u
daran. C/llaahi bin Muctam iyo ciidamadiisii dhanka kale ayay ka soo
galeen oo ay laynayeen waxii ay arkaanba, cid ka badbaaddayna ma jirin
marka laga reebo banii Iyaad, Taqlab iyo Nimar oo iyagu Muslimay. Intaa
kadib Muslimiintii ayaa furteen Takriid, kadib markay jabeen cadawgii.
Cumar bin Khaddaab waxuu horey warqaddiisa ugu soo amray in haddii la
furto Takriid, loo diro Ribciyi bin Afkal dhanka Xasaneyn oo kamid ah
Muusal. Markaasuu xaggeeda kudhaqaaqay siduu amiirkii Mu’miniinta soo
amray, isagoo hoggaaminayo sirriyad ay la socdaan halyeeyadii ciidankii
Muslimiinta ee Takriid furtay. Markiina uu dul degay Al Xasaneyn bay
dadkeedii ka dalbadeen heshiis, markaasuu isaguna ku waajibiyey inay
bixiyaan jizyo iyagoo dulleeysan. Intaa dabadeed waxaa la qeybiyey
maalkii iyo qaniimadii laga helay Takriid kadib markii khumuskii laga
saaray, waxuuna ninkii faras watay helay 3000, halka kii lugtana uu ka
helay 1000.
Khumuskii qaniimada ayaa waxaa loo dhiibay Furaat bin Xayaan,
bishaaradii guushana waxaa loo dhiibay Al Xaarith bin Xassaan si ay
magaallada Madiina u geeyaan, imaaraddii dhulka Muusalna waxay
hoostimid Ribciyi bin Afkal iyo Curfajata bin Harthama.
Furashadii Maasabadaan
Maasabadaan waxay ahayd magaallo weyn oo kamid ahayd magaallooyinkii
dhulka Furus. Markii hore magaceedu waxuu ahaa ama la oran jiray Maah
Sabadaan.
Markii uu Haashim bin Cutbah kasoo laabtay Jolowlaa, baa waxaa Sacad
soo gaartay in Adhiin bin Hurmuzaan uu aruuriyey ciidamo Faarisiin ah
si uu Muslimiinta ula dagaallamo. Markaa buu Sacad warqad u qoray Cumar
bin Khaddaab isagoo arrintaas la socodsiinayo. Suu Cumar soo amray in
loo diro ciidan uu madax uyahay Diraar bin Khaddaab. Markaas buu Diraar
magaalladii Madaa’in ka dhaqaaqay isaga iyo ciidankiisii oo qeybtiisa
hore uu madax uyahay Ibnu Huzayl Al Uzdi.
Ibnu Huzayl baa ka hor dhaqaaqay ciidamada guud, Saa waxay kulmeen
ciidankii Adhiin bin Hurmuzaan ka hor intaysan soo gaarin ciidamadii
Diraar, waxaana dhex maray dagaal culus oo durbo lagu jebiyey Adhiin iyo
ciidamadiisii, isagiina lagu soo qabtay qafaal ahaan. Markaa buu Ibnu
Huzayl amray in hortiisa unuunka loogu dheereeyo, saa kurka laga jaray.
Kadib Diraar bin Khaddaab iyo ciidamadiisii waxay sii raacdeysteen
firxadka kuwii jabay illaa ay magaalladii Maasabadaan oo ahayd magaalo
wayn ay galeen oo ay xoog ku furteen, dadkeediina buuraha iyo keymaha
ayay ku kala rooreen. Markaa buu Diraar u yeeray oo ay soo laabteen, suu
jizyo kuwaajibiyey kuwoodii aanan Islaamin, isagiina halkii buu masuul
ka noqday oo uu kusii sugnaa jeer uu Sacad ka wareegay magaallada
Madaa’in oo uu uguuray Kuufa sida inoo iman doonto idanka Alle.
Furashadii Qirqiisiyah iyo Hayt
Markii uu iyana Haashim bin Cutbah kasoo faaruqay Jolowlaa, baa waxay
dadkii Jaziiradda u gurmadeen reer Ximsa si ay ula dagaallamaan Abuu
Cubeydah iyo Khaalid, markaasina boqorkooda Hiriqal waxuu kusugnaa
magaallada Qinnasriin ama Andaakiyah.
Waa sidaase markaa bay dadkii Jaziiradda isugu tegeen magaallada
Hayt. Markaa buu Sacad warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin
Khaddaab asagoo xaalladaasi la socodsiinayo. Markaa buu Cumarna waxuu
soo amray in loo diro ciidan uu madax uyahay Cumar bin Maalik bin Cutbah
bin Nowfal bin C/manaaf Al Qurashi. Markaa buu Cumar bin Maalik la
dhaqaaqay ciidamadiisii oo uu abbaaray dhanka Hayt, waxuuna tegay iyadoo
ay cadawga dhufeys ka qoteen magaalladaasi, markaasuu go’doomin ku
sameeyay. Mana uusan furan ee waxuu kaxaystay qayb kamid ah ciidankiisii
oo dhaqaaqay. Go’doomintii Hayt-na waxuu kusii dhaafay Al Xaarith bin
Yaziid, Asagiina Cumar bin Maalik waxuu aaday dhanka Qarqiisiyaa oo uu
xoog ku furtay, waxayna ka dalbadeen inay bixiyaan jizyo. Markaa buu ka
aqbalay. Dabeeto buu warqad u qoray masuulkiisii magaallada Hayt,
isagoo ku amrayo in haddii aysan la heshiinin uu godkooda ka dul qodo
god kale oo uu albaabo ugu yeelo dhankooda. Markay taasi gaartay reer
Hayt bay dalbadeen heshiis iyo inay bixiyaan jizyo. Sidii ayaana lagu
furtay halkaas.
Sanadkan dhexdiisa buu Cumar jideeyay in la qoro taariikhda Hijriyda
oo laga billaabo hijradii Rasuulka SCW. Masuuliyiintiisii goballaduna
waxay ahaayeen sidan: Shaam oo idil waxaa masuul uga ahaa Abuu Cubeydah
bin Jarraax, Ciraaq oo dhammina waxaa masuul uga ahaa Sacad bin Abuu
Waqaas, Dhaa’ifna waxaa masuul uga ahaa Cuthmaan bin Abul Caas, Yemanna
waxaa masuul uga ahaa Yaclaa bin Umayah, Yamaamah iyo Baxreynna Al
Calaa bin Xadramiyu, Cumaanna waxaa masuul uga ahaa Xudeyfah bin Muxsin,
Basrana waxaa masuul uga ahaa Muqiirah bin Shucbah, Muusalna waxaa
masuul uga ahaa Ribciyi bin Afkal, halka Jaziiradduna uu masuul uga ahaa
Cayaad bin Qanam.
Sanadkan waxaa dadka xajiyey Cumar bin Khaddaab magaalladii Madiinana waxuu kusii dhaafay Zayd bin Thaabit.
SANADKII 17AAD
Sanadkan Billaawgiisii bishii Muxarram ayuu Sacad bin Abii Waqaas ka
wareegay magaalladii Madaa’in isagoo uguuray Kuufa. Waxaanse ku xusi
doonnaa sadarrada dambe marka aynu ka hadlayno dhacdooyinkii dhulka
Furus ee sanadkan hadduu Alle idmo.
Immikuna aan u weecanno…
Dhacdooyinkii Dhulka Shaam Ee Sanadkan
Sanadkan dhexdiisa dhacdooyin dhowr ah ayaa dhulka Shaam ka dhacay, waxaana ka mid ahaa
Go’doomintay Ruumaanku Ku Sameeyeen Ximsa
Sababtu waxay ahayd in jamac Ruumaan ah ay goosteen inay weerar ku
qaadaan Ximsa oo ay ku go’doomiyaan Abuu Cubaydah. Markaa bayna ka
ciidan dalbadeen Ruumaanku dadkii jaziiradda iyo khalqigii agagaarkaas
daganaa oo ay dabeetana soo aadeen dhankii Abuu Cubaydah. Markaa buu
Abuu Cubaydah u cid diray Khaalid bin Waliid oo kusugnaa Qinnasriin si
uu uyimaado, saa isagiina wuu yimid.
Intaa kadib waxuu Abuu Cubaydah warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta
ee Cumar bin Khaddaab isagoo xaallada kula socodsiinayo. Abuu Cubeydah
markaas buu ciidamadii Muslimiinta kala tashaday in uu cadawga u baxo oo
uu debadda kula dagaal galo, mise inuu magaallada dhufeys ka galo jeer
uu uga yimaado amarka Cumar. Markaasay dhammaan ciidankii u tilmaameen
inuu magaallada dhufeys ka galo, Khaalid mooyaan oo isagu u tilmaamay in
cadawga loo baxo oo banaanka magaallada lagula dagaal galo. Abuu
Cubaydah wuu isaga tegay ra’yigii Khaalid, waxuuna qaatay ra’yigii
Muslimiinta kale oo magaalladii ayuu dhufeys ka galay. Ruumaankii way
yimideen markaasay go’doomin ku qabteen magaalladii Ximsa. Qolo kastoo
kamid ah ciidamadii Muslimiinta ee kusugneyd dhulka Shaamna dhankeeda
ayay u mashquulsaneed, oo haddii ay kasoo tagi lahaayeen si ay
walaaladood reer Ximsa go’doominta uga qaadaan, waxaa meesha ka bixi
lahaa nidaamkaa iyo dantii laga lahaa in lawada furto dhulka Shaam oo
idil oo halkooda ayaa loo daba mari lahaa.
Sidaa darteed buu Cumar warqad ugu diray amiirkii ciidamada
Muslimiinta ee dhulka Ciraaq – Sacad bin Abii Waqaas, isagoo ka
dalbanayo in isla maalinta ay utegto warqaddaas uu dadka ku booriyo
dagaalka, oo uu Al qacqaac bin Camr ku daro ciidamo kuwajahan dhanka
Ximsa, si ay Abuu Cubaydah go’doominta uga saaraan. Waxuu kaloo Cumar
uqoray Sacad in uu ciidan kale diyaariyo oo uu madaxa uga dhigo Cayaad
bin Qanam, dabeetana uu u diro dhanka Jaziiradda kuwii iyagu usoo
gurmaday Ruumaanka. Markaa bayna labadaasi ciidamo ka baxeen
magaalladii Kuufa. Al qacqaac bin Camr oo hoggaaminayo 4 000 oo
ciidanna waxuu abbaaray dhankii Ximsa, halka uu Cayaadna aaday dhankii
Jaziiradda. Cumar bin Khaddaab qudhiisu magaalladii Madiina ayuu ka soo
baxay si uu ugu gargaaro Abuu Cubaydah, waxuuna soo gaaray Jaabiyah,
waxaa kaloo la sheegaa inuu gaaray Sarghi. Sidaa waxaa yiri Ibnu Isxaaq,
wallaahu aclam.
Markii uu gaaray dadkii Jaziiradda ee Ruumaanka la socday in
dhulkoodii ciidamo u daba mareen, bay dib ulaabteen oo ay Ruumaankii ka
hareen. Dhanka kale Ruumaankiina waxay maqleen in Cumar bin Khaddaab uu
soo galooti yahay oo uu uyimid inuu u gargaaro masuulkiisa Abuu
Cubaydah. Waxaa kalooy maqleen in ciidamo gurmad ahna ay ka soo socdaan
dhanka Ciraaq, markaa bay daciifeen oo itaal darri kudhacday. Markaa
buu Khaalid u tilmaamay Abuu Cubaydah inuu weerar ku qaado, maadama ay
daciifeen, saa weerar buu ku qaaday oo uu yeelay siduu Khaalid u
ishaaray. Markaa buu Alle u furay Muslimiintii oo guul iyo lib halkaa
kusiiyay, Ruumaankiina way jabeen jab aad u weyn.
Markaasi waxuu ahaa goor aysan ciidamadii gurmadka ee Kuufa ka soo
baxay soo gaarin kahor saddex casho, Markaa buu Abuu warqad u qoray
Cumar oo Jaabiyah ama Sarghi kusugan isagoo su’aalayo inay ciidamadii
gurmadka kuyimid la wadaagaan wixii hanti ahaa ee cadawga laga ritay (
qaniimada ). Cumarna waxuu soo amray in lala wadaajiyo, waayo cadawgu
waxuu ku jabay markay maqleen gurmadka soo galootigiisa. intaa kadib
Cumar waxuu amaanay reer Kuufa isagoo kheyrna ugu duceeyay. Isagiina
waxuu kulaabtay magaalladii Madiina.
Furashadii Jaziiradda
Sidaynu soo xusnay waata Jaziiradda loo diray Cayaad bin Qanam markii Al qacqaac loo dirayey dhanka Ximsa.
Sidaa darteed Cayaad bin Qanam iyo ciidamadiisii ayaa waxay ku
dhaqaaqeen dhankii Jaziiradda isagoo ay la socdaan Abuu Muusa Al
Ashcari, Cumar bin Sacad bin Abii Waqaas oo inan dhalinyaro oo aan
howsha waxba kulahayn ah, iyo Cuthmaan bin Abul Caas. Markaa buu Cayaad
dhaqaaqay oo uu sii maray Al Ruhaa, isagoo halkaa kula heshiiyey dadkii
daganaa inay bixiyaan jizyo. Sidoo kale reer Xaraanna sidaa si lamid
ayuu kula heshiiyey. Markaa buu Abuu Muusal Ashcari u diray dhanka
Nusaybiin, Cumar bin Sacadna waxuu u diray dhanka Ra’sul Cayn, isagiina
Cayaad waxuu aaday dhanka Daaraa, markaa baa dhulalkaasi oo idil
lafurtay. Waxuu markaa diray Cuthmaan bin Abul Caas oo uu udiray dhanka
Armeeniya, halkaasoo uu ka dhacay dagaal uu kugeeriyooday Safwaan bin
Mucaddal isagoo shahiid ah. Kadib buu Cuthmaan halkaa kula heshiiyey
dadkii daganaa inay bixiyaan jizyo ahlu beyd kastaaba inuu bixiyo hal
Diinaar.
Sanadkan dhexdiisa ayaa Khaalid bin Waliid laga casilay magaallada
Qinnasriin, kadib markii uu Ashcat bin Qeys kusiiyey 10 000 oo Dirham
gabay uu utiriyey darteed.
Waxaa maxkamad lagu saaray masjidka iyadoo ay dadkii buuxaan, waxaana
casiliddiisa u geeyay Bilaal bin Rabaax oo membarka masjidka Ximsa
dadkii ugu khudbeeyay. Markaa buu Khaalid cududaartay, kadibna waxuu
aaday magaalladii Qinnasriin oo uu uu dadkii daganaa u khudbeeyay oo
sagootiyey. Markaasuu ehelkiisii la aaday dhanka Ximsa, oo uu dadkii
daganaa u khudbeeyay kuna sagootiyey. Kadibna waxuu aaday magaalladii
Madiina oo uu degay.
Markii uu Khaalid tegay Madiina, Cumar bin Khaddaab wuu soo dhaweeyay
waxuuna ku yiri:” Illaah baan kudhaartaye agteyda waxaad ka tahay mid
sharaf leh, oo waxaad agteyda ka tahay mid laga jecelyahay, hase ahaatee
maanta dabadeed howl iima qabaneysid”. Goballadiina waxuu udiray warqad
isagoo ku oranayo:” Ugamaanan casilin Khaalid xukunka khiyaano uu
sameeyay iyo howl gaabin darteed tooni, hase ahaate waxaan ka yaabay
inay dadku ku fidnoobaan, waxaana jecleystay inay (dadku) ogaadaan inuu
Alle yahay ka isagu sidaa sameynayo (yacni guulaha badan waa Allaah kan
sababay). Khaalid magaalladii Madiina ayuu degay jeer uu 20kii hijriyada
firaashkiisii ku geeriyooday. Waxaa kaloo lasheegaa inuu kugeeriyooday
magaallada Ximsa, wallaahu aclam.
Dhacdooyinkii Dhulka Furus ee Sanadkan
Horraantii sanadkan bishiisii Muxarram ayuu Sacad bin Abii Waqaas ka
guurey magaalladii Madaa’in isagoo uguuray Kuufa oo iyadu sanadkan la
aas-aasay. Sababtuna waxay ahayd saxaabadii baa ku xanuunsadeen Madaa’in
oo midibadoodi ku baddalmeen oo jirkoodiina kudaciifay dhulkeeda oo
dixsi iyo boor badnaa darteed. Markaa buu Sacad warqad u qoray amiirkii
Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab isagoo xaalladaasi kula
socodsiinayo. Cumarna waxuu soo amray in Muslimiinta loo sahmiyo dhul ay
dagaan oo ka wanaagsan cimillada Madaa’in. Markaasuu Sacad diray
Xudayfah iyo Salmaan bin Yaziid si ay Muslimiinta ugu sahmiyaan dhul ay
dagaan. Markaasay dhaqaaqeen oo ay soo mareen dhulka Kuufa oo ahaa meel
carro cas oo aad usoo jiidatay, jawigeeduna uu yahay mid aad uwanaagsan.
Halkaasi waxay ka heleen saddex deyr oo kala ahaa Dayr Xarqah bint An
Nucmaan, Dayr Ummu Camr iyo Dayr Salsalah. Waxaana dhexdooda ahaa guryo
yar yar oo cush iyo qoryo kasameysnaa. Halkii midba dhan uduceystay
isagoo Alle ka baryayo kheyrka dhulkaas iyo kheyrka uu yeelan doono iyo
isagoo ka nabad galayo sharta dhulkaas iyo sharta uu yeelan doono. Kadib
way laabteen oo khabarkii bay Sacad ugeeyeen. Markaa bay soo guuray
horraantii Sanadkan isaga iyo Muslimiintii halkaa joogtayba. Markii
Sacad yimid Kuufa waxii ugu horreeyay ee uu dhiso waxuu ahaa Masjidka,
kadibna waxuu mixraabka agtiisa kadhisay daar laga maamulo imaaradda iyo
beytul maalka. Dabeeto waxuu uyeeray nin kudheereeyo gannida gamuunka
oo uu ka dalbaday in afarta jiho ee masjidka uu gamuunkiisa u gamo.
Halka uu kudhaco ayuuna amray inay dadku ka dhistaan guryahooda. Markii
ugu horreysay waxay guryaha kadhisteen qasab iyo geedo. Markaa bay
magaalladii gubatay sanadkan dhexiida, kadibna waxay kadhisteen lebin
iyo dhagax kadib markuu Cumar sidaa soo amray. Intaa kadib Kuufa waxay
noqotay Xaruntii laga xukumayey dhulka Furus oo idil oo uu daganaa
amiirkii ciidamada Muslimiinta ee dhulka Ciraaq, sidayba Ximsa xaruntii
iyana laga xukumay dhulka Shaam oo idil oo saldhig u ahayd amiirkii
ciidamada Muslimiinta ee dhulka Shaam oo idil.
Furashadii Ahwaas, Manaadir iyo Nahruteer
Hurmuzaan oo kamid ahaa Faarisiintii kasoo jabtay maalintii dagaalka
Qaadisiyah ayaa gobalka Ahwaas iyo magaalooyinka hoos yimaado oo idilba
ku yeeshay awood aad uweyn. Markaa baa laga soodiray labo ciidamo oo
Muslimiin ah magaallooyinka Basra iyo Kuufa. Markaasay dhulkiisii ku
ciriiriyeen isaga, oo ay ka qabsadeen Dajlah iyo Dujeyl inta udhaxayso,
oo ay hanti badan ka qaniimeysteen, intii ay doonaan oo ciidamadiisii
kamid ahna laayeen, wixii ay doonaan oo ay awood uyeeshaanna ay
kafurteen kadib markay ka dileen cadad badan oo Majuus ah Falillaahil
xamdu walmannaa.
Kadib Hurmuzaan ciidamadii Muslimiinta wuxuu ka dalbaday in inta ka
hartay dhulkiisa ay kula heshiiyaan, markaasay Muslimiintii warqad u
qoreen dhanka Cutbah bin Qazwaan oo isagu markii hore ciidamada
Muslimiinta soo diray. Markaasuu Cutbah ka aqbalay oo la heshiiyey oo
khumuskii qaniimada iyo bishaaradii guushana u diray dhankii Madiina
iyo Cumar bin Al Khaddaab isagoo horey ugu siidhiibay Axnaf bin Qeys.
Markii Axnaf uu khumuskii u geeyay Cumar, buu Cumar kartidiisa iyo
caqligiisa, markaasuu warqad u diray Cutbah bin Qazwaan isagoo ku amrayo
inuu Axnaf bin Qeys kaashado oo uu talo ka qaato oo ra’yigiisuna uu
qiimeeyo.
Kadib Hurmuzaan mar kale buu ballantii buriyey oo heshiiskiina
jebiyey. Waxuuna soo kaalmeystay koox Kurdi ah oo naftiisii kedisay,
sheydaanna camalkiisaasi foosha xun buu uqurxiyey. Markaas bay
Muslimiintii kubaxeen xaggiisa oo ay ka guuleysteen mar kale oo ay ka
laayeey khalqi tiro badan. Waxayna ka qabsadeen dhulal aad ubadan,
kadibna way sii raacdeysteen jeer uu galay magaalladii Tastur oo uu
dhufeys ka galay. Markaasay Muslimiintii arrintaa warqad ugu direen
Cumar iyagoo la socodsiinayo sida uu Hurmuzaan falay.
Furashadii Koowaad Ee Tustar Heshiis Ahaan
Markii la furtay suuqii weynaa ee gobalka Ahwaas oo uu furtay Xurquus
bin Zuhayr buu Hurmuzaan cararay, markaasuu Xurquusna ka daba diray
Jaz’a bin Mucaawiyah, amarkaasina amiirkii Mu’miniinta baa horey usoo
amray. Markaa buu Jaz’a bin Mucaawiyah sii bursaday firxadkii Hurmuzaan
jeer uu dul degay Raamhurmuz, halkaasoo uu Hurmuzaan dhulkeeda dhufeys
ka galay. Markii uu Jaz’a ku noogay daba oradkiisa ayuu u weecday
goballadii kale ee dhulkaasi oo uu wada furtay kuna waajibiyey inay
bixiyaan jizyo. Markii uu Hurmuzaan arkay ciriiriga dhulkiisa lagu hayo
iyo rafaadka uu kujiro iyo in goballadiisii oo idil ay Islaamka
hoostageen buu mar kale ka dalbaday heshiis. Markaa buu Jaz’a bin
Mucaawiyah arrintaasi warqad ugu qorey Xurquus bin Zuhayr. Xurquusna
Cutbah bin Qazwaan ayuu warqad ugu siiqoray, oo Cutbana Cumar ayuu
warqad usii qoray. Kadibna waxaa timid jawaabtii Cumar oo uu kula
heshiinayo magaallooyinka Raamahurmuz, Tastur, Jundiisaabuur iyo
magaallooyin kale. Waxuuna heshiiskaasi udhacay sidii uu amiirkii
Mu’miniinta soo amray.
Duullaankii Dhulka Furus ee Dhanka Badda
Taasu waxay ahayd Calaa bin Al Xadramiyu ayaa waxuu masuul ka ahaa
dhulka Baxreen waqtigii khaliifadii Rasuulka SCW ee Siddiiq Allaha ka
raalli noqdee. Cumar bin Al Khaddaab baa ka casilay oo masuul uga
dhigay Qudaamah bin Madcuun Al Jumaxi. Dabeeto Qudaama buu ka casilay oo
markale uu ku celiyey Calaa bin Al Xadramiyu mar kale.
Haddaba markii uu Sacad furtay Qaadisiyah oo jab weynna uu
Faarisiinta soo gaarsiiyey buu Calaana jecleystay inuu Faarisiinta uga
duulo dhanka badda oo uu kusameeyo siduu Sacad kusameeyay oo kale.
Markaa buu dadkii ku booriyey ladagaallanka reer Furus, saa dadkii
baladka oo idil wada ajiibeen. Ciidamadiisii ayuu dhisay isagoo dhowr
qeybood uqeybiyey. Qeyb waxuu u dhiibay Jaaruud bin Mucallaa si uu madax
ugu noqdo, qeybna waxuu udhiibay Al Suwwaar bin Hammaam, qeybta kalena
waxuu udhiibay Khuliid bin Mundir bin Saawi, dhammaanna ciidamadaasi oo
idil waxuu madax guud uga dhigay Khuliid. Markaa bay ciidamadii
Muslimiinta dhaqaaqeen oo baddii abbaareen iyagoo doonaya inay uga
gooshaan dhanka Furus. Taasina wax idan ah oo ay amiirkii Mu’miniinta
kaga haysteen ma aanay jirin. Dhanka Cumarna aad buu u karhayey
arrintaas ah in badda lagu duulo, sidoo kale in ciidamo idin la’aan ay
dhaqaaqaan buu iyana aad u dhibsan jiray, waayo Rasuulkii Alle SCW iyo
Sidiiqba ma aysan sameynin falkaas iyo in ciidamada Muslimiintu ay badda
kuduulaan.
Ciidamadan iyaga ahi waxay kagudbeen Baxreen oo ay ugudbeen dhulka
Furus, waxayna ka baxeen magaallada Isdhaqar agteeda. Faarisiintii baa
markaa daba martay oo kale dhex gashay iyaga iyo doomahoodii. Markaasuu
Khuliid ka dhex istaagay ciidamadii Muslimiinta oo uu dagaalka ku
booriyey kana codsaday inay Alle kaalmo weydiistaan oo ay dirirta ka run
sheegaan, waxuuna usheegay in doomaha iyo dhulkuba ay yeelan doonaan
ciddii adkaato. Waxuuna u dardaarmay sabirka iyo salaadda inay
kaalmeystaan, waayo waa labo shey oo kuweyn dadka markalaga reebo kuwa
khushuuca. Dhammaan ciidamadii Muslimiinta waxay kuqaabileen
waanooyinkii amiirkooda maqal iyo adeecid iyo dhega nuglaan. Markaa buu
Khuliid ciidamadii tujiyey salaaddii Duhur. Kadibna waxaa billaawday
dagaalkii oo ku dhexmaray goob layiraahdo Dhaawuus. Waxaa halkaasi
kudhex maray dagaal aad ukulul, markaasuu Khuliid ciidamadiisii amray
inay u jilba dhigaan oo ay dagaallamaan oo ay adkeystaan. Kadibna Alle
baa guul ka siiyey cadawgoodii oo waxay ka laayeen tiro aad u badan oo
aysan mid lamida horey uga dilin. Markaa bay ciidamadii Muslimiinta
damceen inay aaddaan dhanka Basra, hase ahaatee cadawgii ayaa doomahii
ka kharraabiyey, jid ay badda umaraanna way garan waayeen. Taa waxaa ka
darneyd markii reer Isdhaqar ay dariiqii ka xireen oo ay dhanwalibana
ciidamo isaga keeneen oo ay Muslimiintii go’doomin xun galeen. Markii
ay arrintaasi gaartay amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab, aad
buu uga carooday, waxuuna u cid diray Calaa oo uu ku yiri:” U tag Sacad
bin Abii Waqaas”. Markaa buu Cumar warqad u qoray Cutbah bin Qazwaan
isagoo la socodsiinayo xaalladaasi qallafsan iyo in ciidamo Muslimiin
ahi oo Baxreen kayimid ay dagaallo galeen, misna ay go’doomin darani ku
jiraan, waxuuna ka codsaday in uu dadka kubooriyo dagaalka oo uu
xaggooda ciidan udiro. Markaasuu Cutbah ka dul istaagay dadkii oo ku
dul akhriyey warqaddii amiirka Mu’miniinta. Markaasay iska daba kaceen
qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen Haashim bin
Cutbah bin Abii Waqaas, Caasim bin Camr (Al qacqaac walaalkiis),
Curfajah bin Harthamah, Hudayfah bin Muxsin iyo Axnaf bin Qeys iyo rag
kaloo aynigooda ah. Waxuu ciidankani ahaa 12 000, dhammaanna waxaa
madax looga dhigay Abuu Sabrah bin Abii Raham (oo ay dhashay Nebigu SCW
eeddadiis). Markaa bay ciidamadani dhaqaaqeen iyagoo wata baqlo aad
utiro badan, si ay dhaqso u tagaan ama u gaaraan halka ay u socdaan.
Waxayna qaadeen jidka xeebta, iyagoo ciddii ay lakulmaanba laaynayey oo
jebineyey jeer ay markii dambe gaareen goobtii uu dagaalku kudhex maray
labada qolo, iyadoo Khuliid iyo ciidamadii Muslimiintu ay go’doomin
darani kujiraan, cadawgiina dhan waliba isaga yimid oo ummadihii
dhulalkaas oo idil ay ugu habar wacdeen. Gurmadkii cadawga wuu soo taam
noqda markaa iyada ahi oo wax aan dagaal ahayni ma uusan dhinneyn. Kadib
ciidamadii Abuu Sabrah iyo Faarisiintii baa is helay oo waxaa dhex
maray dagaal aad u kulul oo lagu jebiyey Faarisiinta, lagagana dilay
khalqi aad ufara badan, oo lagaga qaniimeystay hanti aad u culus mahadda
Alle.
Kadib Abuu Sabrah iyo ciidamadiisii waxay u laabteen dhankii Cutbah
bin Qazwaan. Markii ay Cutbah u taam noqotay dhul furashooyinkii
hareerahaasi, buu ka dalbaday amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab
inuu xajka soo guto, markaasuu Cumarna u idmay. Saa Cutbah xajkii buu
aaday oo uu mawaasimta kula kulmay Cumar. Waxuuna ka dalbday inuu ka
casilo howsha. Hase ahaatee Cumar waa uu diiday. Markii Cutbah ka
laabanayey xajka buu Alle baryay oo ka dalbaday inuu usoo dedejiyo la
kulankiisa. Markii uu xajka kasoo guddoomay baa asagoo u socda
magaalladiisii si uu u guto howshiisii ayuu ku geeriyooday bartama
Nakhlah kadib markii uu kasoo laabtay xajka isagoo kusii jeedo dhulka
Ciraaq. Markii Cumar ay gaartay geeridii Cutbah buu aad uga murugooday,
oo uu kheyr badanna ku amaanay. Kadib waxuu xilkii Basra udhiibay Al
Muqiirah bin Shucbah, oo isaguna muddo yar kadib laga casilay sida inoo
iman doonto. Muqiirah dabadiina waxuu Cumar Basra masuul uga dhigay Abuu
Muusal Ashcari.
Furashadii Tustar Mar Kale iyo Raamhurmuz
Sababtu waxay ahayd Yazdajrid baa mar waliba ku boorinayey reer Furus
inay Muslimiinta hor istaagaan oo ay la galaan dagaallo culculus.
Markaasuu warqad u qoray reer Ahwaaz iyo reer Furus isagoo ku boorinayo
la dagaallanka Muslimiinta. Markaa bay dhaqdhaqaaq sameeyeen oo ay
iskula ballameen oo ay isku dhaarsadeen la dagaallanka Muslimiinta iyo
inay marka hore aadaan Basra. Arrinta warkaas baa markaa gaartay Cumar
bin Al Khaddaab, markaasuu warqad u qoray Sacad bin Abii Waqaas isagoo
ku amrayo inuu gobalka Ahwaaz u diro ciidamo uu madax uyahay Nucmaan
bin Muqarrin si dhaqso ah si loosoo qabto Hurmuzaan. Waxuu kaloo Cumar
soo magacaabay qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta ee ciidankaasi
kamidka ahayd oo ay kamid ahaayeen: Jariir bin C/laahi Al Bujali, Jariir
bin C/laahi Al Ximyari, Suweyd bin Muqarrin iyo C/laahi bin
Diis-Sahmeyn. Ragganu waxay ahaayeen madaxdii ciidankan ee Cumar uu soo
magacaabay, dhammaantooduna waxaa madax u ahaa Nucmaan bin Muqarrin.
Waxuu kaloo markaa Cumar warqad u qoray Abii Muusa Al Ashcari oo
Basra masuul ka ahaa isagoo ku amrayo inuu Ahwaaz u diro ciidamo culus
oo uu madax uga dhigo Suheyl bin Cadiyi, iyo in ay ciidamadaasi kamid
noqdaan halyeeyada kale ah A Baraa bin Maalik, Caasim bin Camr,
Majtha’ta bin Thowr, Kacab bin Thowr, Curfajah bin Harthama, Xudeyfah
bin Muxsin, C/raxmaan bin Sahal iyo Al Xusayn bin Macbad. Waxuu kaloo
soo amray in ciidamada Kuufa kayimid ee uu Nucmaan hoggaaminaya iyo kuwa
Basra ka imanaya ee Suhayl bin Cadiyi uu wato markay isu tegaan iyo
wixii gurmad oo u yimaadaba uu madax u noqdo Abuu Sabrah bin Abii Raham.
Markaa bay ciidamadii Kuufiyiinta ka ambabaxeen magaalladii Kuufa
iyagoo kuwii Basriyiinta ahaa uga hor maray magaalladii Raamahurmuz oo
uu markaa Hurmuzaan joogay. Markaa buu Hurmuzaan kusoo saaray
ciidamadiisii isagoo mar kale jebiyey ballantii uu Musliimnta horey ula
galay, waxuuna keenay ciidamo aad u tiro badan. Markaasuu lasoo
dhaqaaqay isagoo damacsan in Muslimiinta uu kujebiyo ka hor intaysan soo
gaarin ciidamada reer Basra. Isagii iyo Nucmaan baa markaasi kulmeen
oo dagaal aad kulul dhex maray, dabeena wuu jabay Hurmuzaan kadib markii
laga dilay khalqi aad utiro badan, waxuuna u gudbay magaalladii Tustar
isagoo ka cararay Raamahurmuz. Waxay Raamahurmuz usoo gacan gashay
Nucmaan bin Muqarrin, kaasoo ahaa amiirkii hoggaaminayay ciidamada
Kuufiyiinta, markaasi buuna aruurshay wixii uu ka helay oo hanti iyo
hubbo ah.
Markii uu gaaray ciidamadii reer Basra warkaas iyo wixii ay
Kuufiyiinta kusameeyeen Hurmuzaan iyo inuu u cararay magaallada Tustar
bay iyagiina si toos ah u aadeen dhanka Tustar oo ay ka daba tegeen
ciidamadii Kuufiyiinta ee iyagu raacdeysanayey Majuustii Hurmuzaan uu
watay ee firxatay. Markii ay tageenna go’doomin bay kuwada qabteen,
dhammaantooduna waxaa madax u noqday Abuu Sabrah bin Abii Raham siduuba
amiirkii Mu’miniinta horey usoo amray. Waxay magaalladii gaareen
Hurmuzaan oo ciidamo aad u faro badan soo aruuriyey, markaasuu Abuu
Sabrah warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab
isagoo gurmad ka dalbanayo. Markaasuu Cumar warqad u qoray Abuu Muusa
Al Ashcari isagoo ku amrayo inuu naf ahaantiisa aado Tustar, suu
xaggeedii aaday waxuuna madax u noqday dhammaan ciidamadii ka yimid
Basra ee ahaa kuwii uu horey u watay Suhayl bin Cadiyi iyo kuwa uu isagu
gurmad ahaan u layimid, guud ahaanna ciidankoo dhami Abuu Sahbrah baa
kor madax uga ahaa siduuba horey usoo amray Cumar. Go’doomin aad u adag
ayay ku sameeyeen ciidamadii Muslimiinta magaalladaasi Tustar. Dhowr mar
ayayna isu soo baxeen oo dagaallo aad u kululi ay dhex mareen.
Al Baraa bin Maalik dagaalkani wuxuu ku dilay 100 nin mubaarizo ah,
sidoo kale waxaa dagaalkan 100 nin mubaarizo ku dilay Kacab bin Thowr,
Majtha’ata bin Thowr iyo Abuu Yamaamah iyo rag kaloo lamid ah oo ka
tirsan ciidamadii Basriyiinta ee Basra kayimid.
Sidoo kale waxaa dagaalladan iyana wacdaro muujiyey oo min boqol nin
kudilay mubaarizo qaar kamid ah ciidamdii Kuufiyiinta ee Kuufa ka yimid
sida Xabiib bin Qirrah, Ribciyu Ibnu Caamir iyo Caamir bin
Cabdul-Aswad. Markii ay xaaladdii darraatay oo Muslimiintiina waqtigu
ku dheeraaday bay utageen Al Baraa bin Maalik oo saxaabi Jaliil ah oo
ducadiisu la aqbalo ahaa, waxayna ku yiraahdeen:” Baraa’oow! inoo bari
Rabbigaa si uu cadawgu inoogu jebiyo”.
Markaasuu Al Baraa yiri:” Alloow!! jebi cadawga, oo (aniguna) shahaado igu sii”.
Halkii bay Muslimiintii cadawgii ku jebiyeen Al Baraana uu ku
shahiiday. Markii Muslimiintii ay jebiyeen Mushrikiinta bay orad ku
galeen qalcadahoodii iyo dhufeysyadoodii, markaasay iyana ka daba tegeen
oo ay ku laayeen. Markaa bay Mushrikiintii ku ciriiri noqotay
magaalladii oo meel ay nafta la aadaan garan waayeen. Dabeeta nin
kamid ah dadkii baladka baa Abuu Muusal Ashcari ka dalbaday magan galyo
oo u yimid, suu isagiina magan galiyey. Ninkii waxuu ka codsaday Abuu
Muusa Al Ashcari inuu ku daro rag aad uyaqaanno dabaasho oo maskax
fiicanna leh si uu u tusiyo jid ay uga gudbaan derbiga Tustar si ay
magaallada ugalaan. Markaasuu Abuu Muusal Ashcari ku daray rag karmeedyo
halyeeyo ah oo uu kamid ahaa Majtha’ta bin Thowr. Ninkii inta kaxeeyay
raggii ayuu mariyey waddo hoos marto dhulka oo tog biyo leh ah.
Waqtiguna waxuu ahaa goor habeen ah, markaasay raggii Muslimiinta ahaa
sidii ku goosheen biyahii iyagoo dabaal ku gudbayo, markaasay
magaalladii galeen. Waxaa la yiraahdaa qofkii ugu horeeyay ee galo
magaallada waxuu ahaa C/laahi bin Muqaffal dhanka Muslimiinta. Waxay
yimideen albaabadii kadib markay toggii soo gudbeen, oo ay arkeen
waardiyaashii oo ay laayeen, markaasay albaabadii fureen iyagoo
takbiirsanayo yacni leh:- ALLAAHU AKBAR. Oo ay soo galeen. Ammintaasi
iyada ah ee ay magaalladu galeen waxay ahayd goor salaaddii fajar ah,
mana aysan tukan salaaddii fajar jeer ay cadceeddii kasoo baxday sida uu
xusay iimaam Al Bukhaari oo uu kasoo weriyay Anas bin Maalik oo yiri:”
Waxaan goob joog ahaa furashadii Tustar, waxayna ahayd goor salaaddii
fajar ah. Markaasay dadkii ku mashquuleen furashada oo maysan tukan jeer
ay cadceeddii kasoo baxday, mana ka jecli salaaddaas inay ii ahaadaan
(baddalkeeda) geela kiisa cas cas”.
Hurmuzaan markii laga furtay dhulkiisa waxuu orad ku galay
qalcaddiisii, markaasay sii raacdeysteen qaar kamid ah jamaacaddii iyo
halyeeyadii geesiyaasha ee Muslimiinta. Markiina ay dul tegeen oo ay
hor istaageen qalcaddiisii oo aysan u harin wax aanan ka ahayn in la is
daro, buu Hurmuzaan yiri kadib markii uu dilay Al Baraa bin Maalik iyo
Majtha’ata bin Thowr:” Waxaan haystaa jacbad ay ku jiraan boqol
gamuun, mana jiro axad idinka mid ah oo xaggeyga usoo dhaqaaqi karo
illaa hadday dhacdo waxaan ku gamayaa gamuun oo aan ku dilayaa. Mana
iga dhacayo gammuun illaa waxuu ku dhacayaa qof idinkamid ah. Haddaba
maxay markaa idiin tareysaa inaad i qafaalataan bacdamaa aan idinka
dilay 100 nin? Waxay yiraahdeen:” Haddaba maxaad dooneysaa?
Waxuu yiri:” Waa inaad i magan gelisaan jeer aan gacanteyda idiin soo
dhiibo, dabeetana waxaad ii direysaan Cumar bin Al Khaddaab si uu isaga
iigu xukmiyo wixii uu doono”.
Markaa bay saxaabadii ka yeeleen oo uu isagiina iska dhigay gamuunkii
iyo qaansadii oo ay qabteen qafaal ahaan. Dabeetana horey ayay usii
kaxaysteen.
Waxay Muslimiintii dhulkani ka heleen hanti tiro badan iyo hub aad u
culus. Markii khumuskii laga saaray kadib ayaana Muslimiintii loo
qeybiyey.
Qofkii faras watay waxuu helay 3 000, halka kii lugtana uu helay 1000.
Furashadii Suus & Jundiisaabuur Kadib buu Abuu Sabrah bin Abii Raham kaxaystay qaar kamid ah
ciidankii oo ay lasocdaan Abuu Muusal Ashcari iyo Nucmaan bin Muqarrin
iyo qaar kamid ah madaxdii ciidanka. Hurmuzaanna horey ayay usii
kaxaysteen waxayna daba galeen raadka Faarisiintii jabtay oo ay
eryanayeen jeer ay dul dageen Suus oo ahayd magaallo ku taallay dhulka
Khowzistaan oo ay isweer ku sameeyeen. Markaa buu Abuu Sabrah warqad
udiray dhankii Cumar asagoo la socodsiinaya arrinka, dabeetana waxaa
timid jawaabtii Cumar uu ku amraya in Zir bin C/llaahi bin Kuleyb Al
Fuqeyhiyu (waxaa kaloo la yiraahdaa Al Caqiimiy) oo saxaabi jaliil ahaa
loo diro dhanka Jundiisaabuur. Kadib Abuu Sabrah waxuu diray khumuskii
qaniimada iyo Hurmuzaan oo uu usii dhiibay Anas bin Maalik iyo Axnaf bin
Qeys.
Markay u dhawaadeen magaalladii Madiina bay dajiyeen oo ay u xireen
dharkiisii hore ee uu xiran jiray oo ka sameysnaa jowharad, diibaaj,
yaaquut iyo dahab. Markaa bay galeen magaalladii oo ay ku hor mareen
gurigii amiirka Mu’miniinta oo ay ahlu beydkiisa weydiiyeen. Waxaana
loo sheegay inuu aaday masjidka sabab la xiriirta inuu ku qaabilo wafdi
uga imanaya magaallada Kuufa. Markaasay aadeen Masjidkii hase aheetee
cidna kamaysan helin. Dabeetana way soo laabteen, misna waxay arkeen
carruur yaryar oo ku cayaareyso masjidka debeddiisa oo ay waydiiyeen
Cumar. Waxay carruurtii usheegeen in Cumar uu jiifo masjidka isagoo
huwan go’iisa. Markii ay masjidka soo galeen waxay arkeen isagoo jiifo
oo huwan go’iisa. Hurmuzaan markii uu arkay ayuu dadkii su’aalay:” Oo
meeyay Cumar?
Waxay ku yiraahdeen:” Waakan”
Dadkii baa markaa waxay gudo galeen inay codkooda hoos u dhigaan si aysan amiirka Mu’miniinta u toosinin.
Markaasuu Hurmuzaanna gudo galay inuu yiraahdo:” Oo aaway ilaaladiisii? Aaway waardiyaashiisi?
Waxay yiraahdeen:” Malahan wax ilaaliyaal ah iyo waardiyo toona, mana lahan wax kaatib iyo diiwaan ah toona”.
Waxuu yiri:” Way usuurowdaa inuu noqda Nebi”.
Waxay yiraahdeen:” Bal ee waxuu falaa camal Nebi”.
Dadkii baa iska soo daba batay markaasuu Cumar toosay, oo uu si
saani ah fadhiga u haggaagsaday, dabeetana eegay dhanka Hurmuzaan.
Markaasuu yiri:” Oo ma Hurmuzaan baa?
Waxay yiraahdeen:” Haa”.
Markaasuu indhaha ka buuxsaday isaga iyo wixii dhar uu sitay,
markaasuu yiri:” Acuudu billaah.. Allaanu kamagan galayaa naar, oo Alle
ayaan kaalmo weydiisanayaa”.
Kadib waxuu yiri:” Mahad idilkeed waxaa iska leh Allihii Islaamka ku
dulleeyay kan iyo wixii aynigiisa ah. Kulanka Muslimiintoow! qabsada
diintan oo ka hanuun dalba hanuunkii Nebigiinna, oo yaysan idinla tegin
adduunyo waa kado’e”.
Wafdigii baa markaa waxay Cumar ku yiraahden:” Kani waa Hurmuzaan boqorkii Ahwaaz ee la hadal”.
Waxuu yiri:” Mayo, jeer uu soo dhigo waxa xulliyad (dhar qurxan iyo dhaldhalal ah) ee dushiisa saaran”.
Markaa bay kaxeeyeen oo ay kasoo dhigeen, waxayna usoo xireen dhar
suuf ah. Markaasuu Cumar yiri:” Sidee baad u aragtaa ballan ka bixii iyo
ciribta amarka Alle?
Waxuu yiri:” Cumaroow! berigii jaahilliyada Alle baa dhaxdayada isku
keenna deyn jiray, markaasanu idinka adkaan jirnay markii uusan miciinna
iyo maceennu toona ahayn. Markuu uu maciinna noqday baad naga
adkaateen”.
Waxuu Cumar yiri:” Waxaad nooga adkaan jirteen isu teggyadiinnii iyo
kala tegsanaantayadii. Misna waxuu yiri:” Maxaad u haysataa oo cududdaar
ah ballankabaxaadii mar iyo mar kadib ahaa?
Waxuu yiri:” Waxaan ka cabsanayaa inaad idisho ka hor intaanan kuu warramin”.
Waxuu yiri:” Haka cabsan taasi”.
Markaasuu dalbaday in biyo loo keeno, saa waxaa loogu keenay weel
godan. Markaasuu yiri:” Haddii aan oon udhimanayana ma awoodo inaan kan
wax ku cabbo”. Misna weel kale oo uu ka raalli yahay ayaa loogu keenay.
Markii uu biyihii qaatay bay gacmihii jareeyeen, waxuuna yiri:” Waxaan
ka cabsi qabaa in la idilo anigoo biyaha cabbayo”.
Waxuu Cumar yiri:” Waxbo dhiba dushaadu maanay ahaanin jeer aad ka cabto”.
Waxuu kaloo Cumar yiri:” Ugu soo celiyo biyaha oo ha isugu darina dil iyo oone”.
Waxuu yiri:” Wax dan oo aan biyo ka leeyahay majirto, kaliya waxaan doonayey inaan magan galo”.
Waxuu yiri:” Waan ku dili”.
Waxuu yiri:” Waad imagan gelisay”.
Waxuu yiri:” Been baad sheegtay”.
Markaasuu Anas hadlay oo yiri:” Run buu sheegay amiirkii Mu’miniintoow!”.
Waxuu yiri Cumar:” Hooge! Anasoow! ma anigaa magan gelinayo qof
dilay Al Baraa iyo Majtha’ata? Waxaad ii keeni doontaa jid looga baxo
arrinkaas (yacni xujo cad waxa aad tiri) ama waan ku ciqaabi doonaa”.
Waxuu yiri Anas:” Waxaad ku tiri:” Wax dhiba dushaadu maanay ahaan
jeer aad iiga warranto. Waxaad kaloo tiri:” Wax dhiba dushaadu maanay
ahaan jeer aad kacabto”.
Markaa bay dadkii meesha joogayna sidaa si lamid ah ku yiraahdeen”.
Markaa buu Cumar dhankii Hurmuzaan u jeestay oo uu ku yiri:” Waad i
qayaantay, igamana fakaneysid jeer aad Islaamtid”. Markaasuu Islaamay,
waxuuna Cumar u qoray 2 000 oo lacag ah, waxuuna dejiyey magaalladii
Madiina.
Waxaa la yiraahdaa:” Turjumaankii u kala turjumayey Cumar iyo
Hurmuzaan waxuu ahaa Muqiirah bin Shucbah. Mar kalase waxaa u kala
turjumay Zayd bin Thaabit Allaha ka raalli noqdee.
Intaa kadib Cumar bin Al Khaddaab waxuu aad u necbaa ama uu kasoo hor
jeeday inay Muslimiintu kusii fogaadaan dhulalka cajamta ah ee aysan
awoodin inay wado maamulaan. Hase ahaatee Axnaf bin Qeys baa u tilmaamay
in boqortooyadii Furus ay jirto oo aysan ka suuleynin inay weerarro iyo
dagaallo kusoo qaaddo Muslimiinta oo ay damaacida dhulalka ay
Muslimiinta haystaan. Markaa bay arrintaasi Cumar aad ugu qurxanaatay oo
uu u riyaaqay, waxuuna go’aansaday in dhulalka Furus oo idil lawada
furto.
Aanu u laabanno furashadii Suus iyo Jundiisaabuur..
Abuu Sabrah bin Abuu Raham iyo ciidamadiisii markii ay ka faaruqeen
Tustar waxay aadeen dhanka Suus sidaynu horeyba usoo xusnay, waxayna dul
dageen Suus oo ay isweer ku qabteen. Kadib waxaa dhex maray dhowr
dagaal oo labada dhinacba looga dilay dad aad utiro badan waqtigiina wuu
ku dheeraaday. Markaasay ashraaftii baladkaasi la hadleen Muslimiintii
oo ay ku yiraahdeen:” Kulanka Muslimiintoow! ha sii raacina inaad isweer
kusii haysaan dhulkaan, waayo waxaanu raad haynaa sida aan ka soo
werinnay dadkayagii hore ee dhulkan in dhulkani aysan furan doonin cid
aanan ahayn Dijaal ama ciidan uu Dijaal la socdo”.
Waxay Culamaayi siirah isku waafaqeen in ciidamadaasi Muslimiinta ah
uu la socday Saaf bin Sayaad. Markaasuu Abii Muusal Ashcari kusoo daray
dadkii xisaarka ku hayey meeshan, markaasuu Saaf inta yimid albaabkii
baladka ayuu lugta ku gargaraacay, dabeetana qufulladii baa jajabeen oo
silsiladihiina way daateen. Markaasay Muslimiintii galeen baladkii oo
ay laayeen wixii ay helaanba jeer ay dadkii meesha deganaa ku
dhawaaqeen magangalyo, oo ay dalbadeen heshiis oo ay Muslimiintiina
markaa ka yeeleen. Suus waxaa masuul ka ahaa Shahrayaar oo la dhashay
Hurmuzaan. Waxuuna dhulkaasi ahaa dhul aad u taariikh fog. Waxaaba la
sheegaa inuu ahaa baladkii ugu horreeyay ee arlada la dhigo, wallaahu
aclam.
Sida uu Ibnu Jariir xusay waxaa meeshaasi laga helay qabrigii
Daanyeel. Markii uu Abuu Muusa iyo Abuu Sabrah yimideen Suus, buu Abuu
Sabrah usii gudbay Jundisaabuur, Suusna waxuu kusii dhaafay Abuu Muusal
Ashcari, markaasay ka heleen qabrigii Daanyeel CS. Waxaa la sheegaa
qofkii ugu horeeyay ee arko qabrigaasi inuu ahaa Xurquus, markaa buuna
Abii Muusa warqad u qoray Cumar bin Khaddaab isagoo xaallada la
socodsiinayo. Cumarna waxuu soo amray in la qodo dhowr iyo toban qabri
oo mid kamid ah goor habeen ah lagu aaso si aysan dadka u ogaanin
halka lagu aasay. Sidii ayuuna Abii Muusal Ashcari sameeyay oo lagu
aasay Daanyeel CS.
Daanyeel waxuu ahaa Nebi kamid ahaa Nebiyadii reer banii Israa’iil.
Waxuuna Rabbi ka baryey inay aasto ummadda umadaha ugu kheyr badan waa
ummadda Nebi Muxammede SCW. Taariikhdiisa oo kaamil ah waxaa laga
akhrisan karaa kutubbada Qisooyinka Nebiyada, sida kitaabka Ibnu Kathiir
ee qisooyinkii Nebiyada.
Magaalladii Jundisaabuurna waala furtay waxaana furtay Zir bin
C/llaahi bin Kuleyb, dhulkaasi oo idilna waxuu hoos yimid Islaamka iyo
ehelkiisa. Iyadoo Yazdajridna uu kujiro carar iyo fiig oo magaalooyinka
dhulka Furus uu midbo mid kaga sii gudbayo illaa uu aakhirkii tegay
magaallada Asbahaan oo uu salka dhigtay.
Qaar kamid ah ashraaftii dadkiisa oo lasocday ayaa kasoo laabteen
kadib markii ay arkeen in la furtay Tustar, waxaana ay dhamaayeen 3000
oo uu madax u ahaa nin la oran jiray Siyaah. Ragani waxay ku jireen
fiig iyo carar iyagoo la socday boqorkoodii Yazdajrid jeer markii dambe
Muslimiintii ay furteen magaalooyinka Isdhakhar iyo Tustar. Markaas
buu Islaamku galay qalbiga Siyaah oo uu asxaabtiisa u ishaaray inaysan
jirin cid hor istaagi karto nimankan Muslimiinta ah, waxa ay kusocdaanna
uu yahay wax xaq ah oo aanan baadil ahayn. Markaasay raggiisii oo idil
ku ayideen fikirkiisa. Dabeeta waxaa loo diray Camaar bin Yaasir si uu
xagga Alle ugu yeero kadib markay Muslimiintu maqleen arrinkooda,
dhammaantooduna way Islaameen. Kadib Abii Muusal Ashcari ayay warqad u
direen, taasoo ay Islaamnimadooda kula socodsiinayaan, markaasuu Abuu
Muusana warqad u qoray Cumar isagoo u sheegayo Islaamnimadooda. Kadib
waxuu Cumar soo amray in loo qoro min 2000 oo Dirham. Lix iyaga kamid
ahina waxuu uqoray 2500 Dirham in la siiyo.
Waxaa sanadkan dadka xajiyey amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin
Khaddaab Allaha ka raalli noqdee, madaxdii goballaduna waxay ahaayeen
sidii sanadkii hore marka laga reebo Basra oo Abii Muusal Ashcari uu
sanadkan Masuul ka ahaa kadib markii laga casilay Muqiirah bin Shucbah.
SANADKII 18AAD
Waxaa jira aqwaal aad u faro badan oo ay culimadu qaarkood ka yiraahdeen dhacdooyinka sanadkan.
Qaarkood waxay xuseen dhacdooyin aan kusoo xusnay sanadkii hore inay
dhaceen sanadkan, qaar kalena dhacdooyin inoogu iman doono sanadka 19aad
ee hijiriga ayay sheegeen inay iyaguna dhaceen sanadkan. Aqwaashaasi oo
idil waxaan doorbidnay sida rajaxsan inaynu ka qaadanno hadduu Alle
idmo. Sidaa darteed baanan markaa usoo qaadan doonin dhacdooyin ama
dagaallo ka dhacay dhulalka Furus iyo Shaam sanadkan, maadaama aan badi
soo sheegnay inay dhaceen sanadkii 17aad ee kan ka horeeyay sidoo kalena
aan sheegi doonno sanadka 19aad ee kan ka dambeeyo inagoo tixraaceyno
aqwaasha rajaxsan hadduu Alle idmo.
Waa sidaase waxaa sanadkan dhulka Xijaas ka dhacay abaartii loo yaqiinnay. .
Abaartii Rammaadah
Waxay ahayd abaar aad iyo aad u saameysay carrigii Xijaas, waxayna ka
jirtay muddo 9 bilood ah oo ay samadii noqotay qiiq madoow oo laga
waayey wax roob ah. Sababta magacan Rammaadah loogu magac daray ayaa ah
sidaa darteeda yacni in samadii ay madoobaato oo ay noqoto sida qiiq oo
kale.
Qabaa’ilkii deganaa hareeraha magaallada Madiina dhammaantood waxay
soo wada galeen magaallada oo ay naf kasoo dooneen, markaasuu Cumarna u
qeybiyey wixii hanti ahaa ee beytul maalka yaallay illaa uu beytul
maalkii dhammaaday. Naf ahaantiisu Cumar wuxuu iska xarrimay inuu cuno
wax dufan leh jeer uu Alle ka qaado Muslimiinta abaartaas. Horey waxuu
cuni jiray kibis iyo saliid, hase ahaatee markii la gaaray abaartan
Rammaadah waxuu go’aansaday inuusanba cunin wax dufan leh, waxuuna cuni
jiray oo quud u ahayd kibis angagan iyo milix isagoon weliba ka dhargi
jirin. Waxuuna gaaray heer midibkiisii uu madoobaaday oo jirkiisii
baddelmay illaa looga yaabay itaal darri.
Heerkii ay abaartu gaadhay darteed waxuushtii baa soo muhatay dadkii
magaallada deganaa. Waxaa dhacaday iyadoo abaartan lagu jiro in nin uu
qashay neef ari ah oo u joogay, hase ahaatee waxaa fajaciso kunoqotay
markii uu neefkii ka waayeey wax dhiig iyo dhecaan toona ah. Waxuuna
arkay neefkii oo lafo gaduudan oo kaliya ah.
Habeen habeennada kamid ah iyadoo lagu jiro abaartan Rammaada buu
Cumar ku wareegay magaalladii Madiina sidii horeyba caadada ugu ahayd si
uu u ogaado raciyadiisa iyo xaaladda ay kusuganyahiin. Waxuu arki
waayey qof qosalaya iyo dad kusheekeysanayo guryahooda sidii caadada u
ahaan jirtay. Ma uusanna arag qof qof kale wax su’aalayo, ama labo isla
hadleysa. Markaasuu dadka wax ka weydiiyey arrintaasi. Waxaana lagu
yiri:” Ammiirkii Mu’miniintoow! Su’aashu way waydiiyeen, markaasay dadka
waxba helin, say iska daayeen su’aasha, dadkuna waxay kusuganyahiin
hammi iyo ciriiri oo ma awoodi karayaan inay sheekeystaan oo ay
qoslaan”.
Intaa kadib Bilaal bin Al Xaarith Al Muzani baa Cumar u yimid oo ka
idin dalbaday dabeetana waxuu usheegay inuu yahay ergaygii Rasuulka Alle
SCW, waxuuna ku yiri:” Rasuulku SCW waxuu ku leeyahay:” Waxaan kugula
ballamay kiis, maadanna gaarin arrintaas ee maxaa ku helay?
Waxuu yiri Cumar:” Oo goormaad aragtay Rasuulku SCW?
Waxuu yiri:” Xalay (riyo ahaan)”
Markaa buu Cumar dadkii u khudbeeyay oo arrintii usheegay. Kadibna
waxuu warqad u qoray Abii Muusa Al Ashcari oo Basra masuul ka ahaa
isagoo ku amraya in ummadda Nebi Muxammed SCW la badbaadiyo. Sidoo kale
sidaasi si lamid ah ayuu Camr bin Al Caasna warqad u qoray. Markaasay
labaduba soo direen raashiin aad u tiro badan.
Hantidii iyo safarkii uu Camr bin Al Caas soo diray waxay kasoo
gudubtay badda oo ay kasoo degtay Jiddah, dabeetana waxay ugudubtay
Makka oo misna Madiina ay uga sii gudubtay. Tanna waa aathaar sixadeedu
iyo senedkeedub aad usuganyahay.
Culimadi badankoodi waxay qabaan in Masar la furtay sanadkii 20aad ee
Hijriyada. Caamu Ramaadana waxay dhacday baala yiraahdaa 18kii
hijiriyada. Marka sidee la isku waafajinayaa Caamu Ramaadah oo dhacday
sanadkii 18aad iyo Masar oo la furtay sanadkii 20aad ee Hijriyada inuu
Camr bin Al Caas kasoo diro raashin iyo awr?
Abuu Macshar, Waaqidiyu iyo Ibnu Isxaaq waxay xuseen in Masar la
furtay 20kii Hijriyada. Seyf bin Cumarna waxuu yiri:” Masar iyo
Alaskandariya waxaa la furtay sanadkii 16aad ee Hijriyada bishii
Rabiicul Awal. Sidaasi waxaa rajaxay Abul Xasan ibnu Athiir oo ku xusay
kitaabka Al Kaamil. Waxuuna ku rajaxay qisadan oo uu usoo qaatay.
Wallaahu aclam. Gadaal ayaanse ka xusi doonnaa furashii Masar hadduu
Alle idmo.
Kadib waxaa magaalladii Madiina yimid Abuu Cubeydah bin Jarraax oo
sida 4000 oo rakuub oo raashiin ah, markaasuu Cumar amray in la dajiyo
oo loo qeybiyo qabaa’ilka dego Madiina iyo hareeraheeda. Kadib buu Cumar
amray in Abuu Cubeydah beytul maalka laga siiyo 4000 oo Dirham, hase
ahaatee wuu diiday inuu qaato, dabeetana Cumar ayaa ku qasbay jeer uu
markii dambe aqblay.
Intaa kadib Cumar waxuu kaxeeyay dadkii oo dhan oo uu roob doonay
isagoo kutawasulayo Nebiga SCW adeerkiis Cabbaas. Kadibna samadii baa
roobeysay oo raxmad Alle baa soo degtay abaartii Rammaadana sidaa ayaa
looga baxay kadib markii lagu jiray muddo sagaal bilood ah. Falillaahil
xamdu wal manna.
Daacuunkii Camwaas
Daacuunkani lamagac baxay Camwaas waa daacuun ka dhacay dhulka Shaam
oo ay kugeeriyoodeen khalqi aad u tiro badan oo lagu sheegay 25 000 oo
qofood. Waxaa daacuunkan loogu magac daray qaryo yar oo la oran jiray
Camwaas oo ku tiillay dhulka Shaam oo u dhaxayso Qudus iyo Ramallah,
waana halkii ugu horeysay ee uu ka dallaaco.
Sida uu Seyf bin Cumar kasoo weriyey Shuyuukhdiisa: Daacuunkan
Camwaas waxuu dhacay labo jeer oo uu u dhacay si aanan weligeed horey
loo arag, wuuna raagay oo uu laayey khalqi aad u tiro badan. Markaasay
cadawgii soo damaaciyeen (inay Muslimiinta kusoo duulaan), quluubtii
Muslimiintuna taasi waxay kureebtay cabsi aad u daran.
Sanadkii 17aad dhammadkiisa ayuu daacuunkani ka qarxay Shaam, hase
ahaatee isla sanadkas dhammadkiisiiba wuu dhammaaday sida ay qaar kamid
ah Mu’arrikhiinta siirada xusaan. Sidaa darteed buu Cumar gabagabadii
daacuunkan u aaday Shaam isagoo ay la socdaan rag karmeedyadii saxaabada
Nebiga SCW, si uu ugu qeybiyo dhaxalka dadkii ay ehelladooda ka
dhinteen, oo madaxduna uu ulasoo kulmo oo ciidamada Muslimiintuna
quluubta ugu soo dhiso cadawguna rucbi iyo ar gagax ugu dhaco..
Markii uu gaaray Shaam buu la kulmay qaar kamid ah madaxdii ciidamada
Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen Abuu Cubeydah iyo Yaziid iyo rag kale
oo badan. Qaar kamid ah saxaabadii akhyaarta ahayd baa Cumar kula
talisay inuusan dhulka daacuunka ka dallaacay ee Shaam uusan gelinin
saxaabadii Nebiga SCW. Markaa buu Cumar amray in la laabto.
Markiina uu damcay Cumar inuu laabto ayuu Abuu Cubeydah ku yiri Cumar:” Oo ma waxaad ka carareysaa qadarta Alle?
Waxuu yiri:” Haah!, waxaan ka cararayaa qadarta Alle oo aan u
cararayaa qadarta Alle. Bal ka warran haddii aad xoolahaadu keentid tog
dhinacna ka angagan dhinacna leh naq iyo daaq wanaagsan, haddii aad
dhanka daaqa wanaagsan daajiso waxaad ku daajiday qadarta Alle, haddii
aad dhanka angagan daajisana waxaad ku daajiday qadarta Alle” C/raxmaan
bin Cowf oo meesha markaa howlo gaar ah kaga maqnaa ayaa yimid oo
markii uu maqlay arrintaasi yiri:” Arrintaasi agteyda waxaa ka yaal
cilmi, waxaan maqlay Rasuulka Alle SCW oo leh:” Haddii aad maqashaan
dhul uu ka dhacay (daacuunka) ha gelina. Haddii uu ka dhaco dhul aad
kusugantahiina ha ka bixina adinkoo ka cararaya”. Markaa buu Cumar aad
ugu farxay iswaafaqidda ra’yigiisii iyo hadalkii Rasuulka SCW.
Misna mar kale ayuu daacuunku isagoo aan si saani ah u dhamaanin
sanadkan dhexdiisa si daran u dillaacay, waana markii ay ku geeriyoodeen
Abuu Cubeydah bin Al Jarraax iyo rag kale oo badan oo kamid ah
saadaaddii Muslimiinta.
Markii xanuunkani uu darnaaday oo arrintaasi ay gaartay Cumar bin
Khaddab, buu warqad u qoray Abuu Cubeydah bin Al Jarraax isagoo doonayo
inuu ka soo saaro meesha, waayo Abuu Cubeydah martabad aad u sarreyso
ayuu Islaamka u joogay, waxuuna Cumar yiri:” Nabadi ha ahaato dushaada,
intaa dabadeed arrin baa igala soo kaa gudboonaatay oo danbaan kaa
leeyahay. Waxaana doonayaa inaad iga shaafido oo aan kaala hadlo ee
haddii ay warqaddeydan kuu timaaddo ha ka dhigin gacantaada jeer aad
xaggeyga usoo boqaasho”.
Markii ay Abuu Cubaydah warqaddaasi u tegtay waxuu gartay ulajeedada
Cumar iyo inuu doonayo inuu ka dhex saaro xanuunka. Markaasuu yiri:”
Allaha u dembi dhaafo amiirka Mu’miniinta”. Kadibna warqad ayuu u qoray
isagoo ku oranayo:” Amiirkii Mu’miniintoow! waan gartay danta aad iga
leedahay, waxaana ku dhex jiraa ciidamadii Muslimiinta oo aanan ka tegi
karin, mana doonayo inaan ka tego jeer uu Alle aniga iyo iyaguba
arrinkiisa nagu xukmiyo ee iga daa go’aankaada amiirkii Mu’miniintoow!
oo ii daa ciidankeyga (inaan dhex joogo). Markii ay warqaddii Abuu
Cubeydah gaartay Cumar oo uu akhristay buu ooyey, markaasay dadkii ku
yiraahdeen:- Amiirkii Mu’miniintoow! ma Abuu Cubeydah baa geeriyooday?
Waxuu ku yiri:- Mayee waxaad mooddaa inuu u dhawaaday.
Kadib warqad ayuu u qorey isagoo ku oranayo:- Nabadi ha ahaato
dushaada. Intaa kadib, dadkii waxaad dejisay dhul aanan wanaagsaneen,ee
u raadi dhul wanaagsan oo dhaama kaas.
Waxuu yiri Abuu Muusal Ashcari:” Markii warqaddu u timid Abuu
Cubeydah buu iiyeeray oo uu igu yiri:- Abuu Muusoow! waa tan warqaddii
amiirka Mu’miniinta oo ii timid sida aad u jeeddo, ee orodoo u sahmi
dadka dhul ay degaan si aan kuula raro”. Markaasaan laabtay oo aan
gurigeygii aaday, saa waxaan u tegay xaaskeygii oo geeriyootay.
Markaasaan xaggiisii ku laabtay oo aan ku iri:” Illaah ban ku dhaartaye
reerkeygii bay arrini lasoo gudboonaatay”.
Waxuu yiri:” Waxay udhowdahay inay xaaskaadii geeriyootay?
Markaasaan ku dhahay:” Haah!”.
Markaasuu dalbaday in awrkiisa loo diyaariyo. Markii uu lugta dul
saaray si uu u fuulo baa isagiina la asiibay. Markaasuu yiri:” Illaah
baan ku dhaartaye waala i asiibay”.
Waxaa la yiraahdaa:- Markii uu xanuunkii ku darraaday buu Abuu
Cubeydah dadkii ka dhex kacay oo u khudbeeyay waxuuna yiri:” Dadoow!
xanuunka kan waa raxmadda Rabbigiina iyo ducadii Nebigiina SCW iyo
geeridii dadkii suubanaa ee idinka horreeyay, Abuu Cubeydana wuxuu
weydiisanayaa Allaah in uu Abuu Cubeydah kasiiyo saamigiisa”. Markaasuu
xanuunkii duray oo uu dhintay Allaha u naxariisto’e.
Masuuliyaddii Shaam wuxuu ku dhaafay Mucaad bin Jabal. Markaasuu
Mucaadna dadkii ka dhex kacay oo uu ugu khudbeeyey sidii Abuu Cubeydah
oo kale waxuuna yiri:” Mucaadna waxuu Allaah weydiisanayaa inuu reer
Mucaad ka siiyo saamigooda”. Markaasaa la asiibay wiilkiisa C/raxmaan.
Misna mar kale buu khudbeeyay oo uu yiri:” Mucaadna waxuu Allaah
weeydiisanayaa inuu saamigiisa kasiiyo”. Markaasaa isagiina la asiibay
oo uu geeriyooday. Masuuliyaddii Shaamna wuxuu Mucaad kusii dhaafay
Camr bin Al Caas bin Waa’il.
Daacuunkani waxaa ku geeriyooday khalqi aad u tiro badan oo
saadaaddii saxaabada kamid ah. Waxaa ku geeriyooday qaar kamid ah
madaxdii goballada Shaam, sida Abuu Cubeydah oo ahaa amiirkii guud ee
Shaam, Yaziid bin Abii Sufyaan oo Dimishiq masuul ka ahaa, Mucaad bin
Jabal oo isaguna kamid ahaa madaxdii Shaam iyo Fadal bin Cabbaas iyo
qaar kale.
Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun.
Markii ay Abuu Cubeydah iyo Yaziid geeriyoodeen buu Cumar booskii
Yaziid masuul uga dhigay walaalkiis Mucaawiyah bin Abii Sufyaan oo isagu
madax ka ahaa illaa waa dambe.
Sanadkan dhexdiisa buu sida uu Al Waaqidi xusay Cumar u dhiibay
qaaddinnimadii Kuufa Shureyx Al Qaadi, Basrana waxuu u dhiibay Kacab bin
Suur. Waxaana sanadkani dadka xajiyey Cumar bin Al Khaddaab,
masuuliyiintiisii goballaduna waxay ahaayeen sidii sanadkii hore, marka
laga reebo Dimashiq.
SANADKII 19AAD
Al-Waaqidi iyo rag kaloo eynigiisa ah waxay yiraahdeen:- Sanadkan
baala furtay Madaa’in, Jolowlaa iyo Xulwaan. Hase ahaatee sida rajaxsan
horey ayaanu usoo xusnay in waqtigaan ka hor la furtay, falillaahil
Xamdu.
Muxammed bin Isxaaq wuxuu yiri:- Furashadii Jaziiradda iyo Ruha,
Xowraan, Ra’su Caynul wardah iyo Nusaybiin waxay ahayd sanadkan. Hase
ahaatee jamaaca badan baa ku khilaaftay sidaasi, waxaanna soo xusnay in
Jaziiradda la furtay sanadkan waqti ka horeeyay oo sidaas ayaana
rajaxsan. Wallaahu Aclam.
Abuu Macshar, Khaliifah iyo Ibnu Kalbi waxay yiraahdeen:- Furashadii
Qeysaariyah waxay ahayd sanadkan, waxaana amiir ka ahaa Mucaawiyah.
Waxaa kaloo la sheegaa inuu amiir ka ahaa Yaziid, hase ahaatee horey
ayaan usoo xusnay inuu Mucaawiyah furtay sanadkan ka hor labo sano.
Wallaahu aclam.
Majirto dhacdo aan sanadkan soo qaadan karno aan ka ahayn aqwaasha
culimada siirada sida ay ka yiraahdeen, waayo dhacdooyinkii aan
sanadkan kusoo qaadan lahayn sida ay culimadaasi qaarkood kusheegeen
ayaa aan dhammaantood horey usoo xusnay inagoo raacnay sida rajaxsan.
Waxaa jira dhacdooyin badan oo ay culimadaasi qaarkood kusheegeen in
sanadkan ay dhaceen hase ahaatee aan soo xusnay, waxaana kamid ah,
Madaa’in, Jolowlaa, Xulwaan, Qeysaariyah, Jaziiradda, Ra’sul Ceyn,
Nuseybiin iyo kuwa kaloo lamid ah. Sidaa darteed maadaama aan raacnay
qowl kamid ah aqwaasha culimadaasi weliba kuwoodii rajaxsanaa ayaan door
bideynaa inaanan soo celinin oo aanan sanadkanna ku xusin, waayo waan
soo xusnay oo sidaas ayaan uga gudbeynaa idinka Alle.
SANADKII 20AAD
Ibnu Isxaaq waxuu xusay in sanadkan la furtay Masar, Al Waaqidina
waxuu ku raacay in lafurtay sanadkan, waxuu kaloo yiri Aleskandariyana
waxaa la furtay sanadkan. Abuu Macshar-se waxuu yiri:- Masar waxaa la
furtay sanadkii 20aad, Alaskandariyana waxaa la furtay sanadkii 25aad..
Seyf bin Cumar waxuu yiri:- Masar waxaa la furtay sanadkii 16aad
bishii Rabiicul- awal. Sidaasi waxaa rajaxay Abul Xasan ibnu Athiir oo
ku xusay kitaabka Al Kaamil Fit- taariikh, markii uu ka hadlayey awrtii
Camr bin Al Caas uu Masar kasoo diray sanadka abaartii Caamu Rammaadah.
Waana mid u dhaw oo suuro gal ah siduu rajaxay Allaha u naxariisto;e.
Wallaahu Aclam.
Maadama aanan horey usoo xusin furashadii Masar baa innagoo raaceyna
qowlka Ibnu Isxaaq, Al Waaqidi iyo Abuu Macshar ayaan sanadkan soo
qaadan doonnaa furashadii Masar iyo siday udhacday hadduu Alle idmo.
Waana tan Furashadii Masar Markii Cumar bin Al Khaddaab ay u taam noqotay furashii dhulka Shaam
buu Camr bin Al Caas u diray Masar, waxuuna Seyf bin Cumar xusay in Camr
la diray kadib markii la furtay Beytul Maqdis.
Waxuu Cumar kasoo daba diray Zubayr bin Al Cawwaam oo ay la socdaan
Busr bin Ardhaah, Khaarijah bin Xudaafa iyo Cumeyr bin Wahab Al jumaxi.
Waxay kula kulmeen Camr bin Al Caas albaabkii Masar. Halkaasina waxay
ugu tegeen laba nin oo uu soo diray Moqowqas boqorkii Askandariya si ay
Muslimiinta uga hor istaagaan inay dhulkiisa soo galaan. Labadaasi nin
waxaa la kala oran jiray Abuu Maryam Jaathaliiq iyo Asqaf Abuu Miryaam,
waxayna ahaayeen reer Thaabaat. Markaa buu Camr bin Al Caas
asxaabtiisii ku yiri:- Ha ku deg degina jeer aan cududaar siinno si ay
inoogu soo baxaan Abuu Maryam Jaathaliiq iyo Asqaf Abuu Miryaam oo ah
culimadii dhulkaan. Markaasay u yimaadeen.
Markaa buu Camr bin Al Caas ku yiri labadii nin:- Waxaad tihiin
labadiinnu culimadii dhulkan ee dhageysto. Alle baa Muxammed SCW la soo
diray xaq, oo uu amray. Markaasuu Muxammedna SCW innaga na amray wixii
la amray, wuuna inoo gudey wixii la amray kadibna wuu tegay. Waxuuna
inooga tegay arrin cad. Waxyaabahii uu ina amrayna waxaa kamid ah inaan
dadka cududaar siinno. Haddaba inagu waxaan idiinkugu yeereynaa
Islaamka. Kii naga yeelo innaga ayuu nala mid yahay, kii aanan naga
yeelinna waxaan u bandhigeynaa jizyo, waxaana taasu idinkugu badalaynaa
inaan idin ilaalinno. Waxuu inoo sheegay (Rasuulkayaga SCW) inaanu idin
furan doonno, waxuuna inoo kiin dardaarmay inaan idinku dhowrno riximka.
Haddii aad taasu naga yeeshaan waanu idin magan gelineynaa.
Waxyaabahii uu amiirkayaga nagula ballamayna waxaa kamid ah ( inuu yiri
):- U dardaarmo Qidbiyiinta wanaagga, waayo waxay leeyahiin rixim iyo
magane.
Markii ay labadii nin dhageysteen hadalkii Camr bin Al Caas baa waxay
yiraahdeen:- Taasi waa qaraabo fog oo aysan xiriirinin cidaanan ahayn
anbiyada layaqaan ee sharafta badan. Waxay ahayd (Haajar) gabadhii
boqorkayaga, waxayna kasoo jeedday reer Manf, oo boqortooyaduna
dhexdooda ayay ahayd. Reer Caynu Shams baa markaasi ka adkaatay oo
laayey, boqortooyadoodiina ka qaatey. Sidaa darteed bayna ku noqotay
afadii Ibrahiim CS. Soo dhawaado adinkoo ehel ah. Inoo qabo muddo jeer
aan kuusoo laabanno.
Waxuu yiri Camr bin Al Caas:- Anigoo kale lama khiyaano, hase ahaatee
waxaan idiin qaban muddo saddex casho ah si aad u eegtaan oo
qoomkiinuna ay u eegaan (arrinka). Haddayan dhicin sidaa waanu idin soo
weerarin.
Waxay yiraahdeen:- Inoogu dar? Markaasuu maalin kale ugu daray.
Misna waxay yiraahdeen:- Inoogu dar? Markaasuu maalin kale ugu daray.
Markaas bay laabteen oo ay u tegeen Moqowqas oo uu markaasi la joogay
Ardhaabuun. Markii ay boqorkii u sheegeen arrintii, baa Ardhaabuun oo
la fadhiyey boqorka ayaa wuxuu u tilmaamay in la iska celiyo ciidamada
Muslimiinta oo lala dagaallaamo. Sidaas ayuuna boqorkii ku raacay oo
taladaasi ayay qaateen. Labadii nin madaxdoodii ayay taasi ku raaceen
waxayna yiraahdeen:” Innaguna waanu idinka difaaceynaa oo kulaaban
meyno”. Rag kamid ah madaxyaweyntoodii baa waxay yiraahdeen:- Oo sideed
ula dagaallameysaan qoom dilay Kisraa iyo Qeysar oo dhulalkoodiina kaga
adkaaday? Qab weynahii Ardhaabuun ayaa taasi ku gacan seyray madaxdii
oo ku qasbay in Muslimiinta weerar lagu qaado intaysan dhammaan muddadii
ay usoo qabteen labada nin. Sidii bay sameeyeen oo ay Muslimiintii
weerar ku qaadeen hase ahaatee kumaysan guuleysan oo jab iyo hoog ayey
ka dheefeen iyadoo laga laayey tiro aad u badan oo uu kujiray Ardhaabuun
qudhiisa.
Zubayr bin Al Cawwaam waxuu maalintaasi kasoo dul booday deyrka weyn
oo uu baladkii soo dhex galay isagoo laynayey wixii uu helo. Markii ay
taasi ka war heleen bay albaabkii Camr bin Al Caas u ordeen oo ay ka
dalbadeen in uu la heshiiyo. Zubayrna dhankiisa seyf ayuu kusoo maray
jeer uu yimid albaabkii Camr bin Al Caas, halkaasoo lagu qoray
heshiiskii uu Camr u qoray Qidbiyiinta.
Waxuu Camr bin Al Caas u qoray reer Masar warqad magan galyo ah
isagoo u qoray in nafahooda, diintooda, maalkooda kaniisadahooda iyo
saliibkooda baddooda iyo berrigooduba u ballan qaaday inaanan lagu xad
gudbin. Waxuuna taasi baddalkeeda kula heshiiyey inay bixiyaan jizyo.
Sidoo kale dadkii Nuubiyiinta iyo Ruumaanka ee Masar wax ka deganaa
waxuu u qoray heshiis lamid ah kan reer Masar. Intaasi kadib
fardooleydii Muslimiinta iyo Camr ibnu Al Caas ayaa waxay degeen goobtaa
iyada ah ee uu heshiiska ka dhacay, markaasuu Camr ka dhistay
teendhadiisii halkaas, ciidankii oo idilna hareerahiisa ayay ka
dhisteen. Waana halka maanta ah caasimadda Masar ee Al Qaahira. Camr
bin Al Caas waxuu halkaasi kadhisay jaamic weyn oo lagu tukado, kaasoo
markii dambe isaga loogu magac daray. Waana jaamica weyn ee kuyaal
magaallada Al Qaahira ee loo yaqaan Masjid Camr bin Al Caas.
Markii Camr bin Al Caas uu halkaa degay ayaa waxaa u yimideen labadii
nin oo ay kala hadleen in loosii daayo dumarkii iyo carruurtii lagaga
qafaashay macrikada. Markaasuu Camarna ka diiday inuu uceliyo waxuuna
amray in la eryo oo hortiisa laga kaxeeyo labadaasi nin. Arrintaasi
markay gaartay Cumar bin Al Khaddaab buu soo amray in loosii daayo wixii
lagaga qafaashay muddadii shanta maalmood ee uu u qabtay, iyo kuwii
aanan la dagaalin. Kuwii la dagaallamayse waxuu soo amray inuusan sii
deynin oo uusan u celinin. Waxaa la yiraahdaa Cumar bin Al Khaddaab
waxuu kaloo soo amray in lakala dooransiiyo wixii qafaal ah ee
gacantiisa ( Camr bin Al Caas ) kujiro Islaamka iyo in loo celiyo
dadkooda. Qofkii doorto Islaamka, waxuu soo amray inaanan la celinin,
kii doortase in ehelladiisii loo celiyo waxuu amray in laga qaado
jizyo. Markaasay qaarkood doorteen Islaamka qaar kalena ay ehalladoodii
ku laabteen oo ay bixiyeen jizyo.
Kadib Camr bin Al Caas ciidamo ayuu u diray dhanka Aleskandariya oo
uu madax ka ahaa Moqowqas. Moqowqas waxuu dhulkaasi masuul uga ahaa
boqortooyadii Ruumaanka ee la boqno gooyey. Markiina uu Camr bin Al Caas
gaaray halkaas buu Moqowqas ka war helay warkaas. Markaasuu isu soo
aruuriyey waxgaradkiisii oo ku yiri:” Carabtani waxay ka adkaadeen Kisra
iyo Qeysar oo ay suuliyeen boqortooyadoodii. Tabarna uma hayno ee
ra’yiga agteyda ahi waxuu yahay inaan siinno jizyo”. Markaa buu
Moqowqas u qoray warqad Camr bin Al Caas isagoo ku oranayo:” Waxaan
jizyo siin jiray dad aan adinku idinka necbahay (Ruum iyo Furus)”.
Kadibna waxuu kula heshiiyey inuu bixiyo jizyo, waxaana la sheegaa in
uu 12 000 Dirham kula heshiiyey. Camr bin Al Caas waa uu ka guddoomay
heshiiskii oo warqad magan gelyo ahina uqoray. Intaa kadib Camr guushii
furashada iyo khumuskii qaniimada ayuu u diray dhankii amiirkii
Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab iyo magaalladii Madiina.
Waxaa la sheegaa in intaas kadib Camr bin Al Caas iyo Zubayr ay
aadeen Caynu Shams oo ay go’doomin ku qabteen. Markaasuu Camr bin Al
Caas u diray Abraha bin Sibaax dhanka Al Farmaa. Waxaa la sheegaa
Aleskanderiya inuu u diray Cowf bin Maalik, oo markaasi furtay.
Wallaahu aclam.
Intaasi kadib ciidamadii Muslimiinta waxay kusii duuleen dhulka
Nuubah, halkaasoo ay kala kulmeen dhaawacyo aad u badan oo ay kuwaayeen
indho badan, Nuubiyiinta oo si aad ah ugu dheereesey ganida gamuunka
darteeda.
Waxaa la isku khilaafaa Masar ma waxaa lagu furtay heshiis ama xoog?
Waxaa la yiraahdaa: Waxaa lagu furtay heshiis, waana qowlka Yaziid
bin Abii Xabiib. Waxaa kaloo layiraahdaa: Waxaa lagu furtay xoog. Waana
qowlka Ibnu Cumar iyo jamaaco kale oo qeyrkiisa ah. Wallaahu aclam.
Qisadii Webiga Niil Markii la furtay Masar ayay reer Masar u yimaadeen Camr bin Al Caas
kadib markii la gaaray bil kamid ah bilihii ay tirsan jireen Cajamta.
Waxayna ku yiraahdeen:” Amiiryahow! waxaan lahayn caado sanadkan haddii
aanan sameynin uusan webiga soconeynin”.
Waxuu ku yiri:” Oo maxay ahayd?
Waxay yiraahdeen:” Markay labo iyo toban casho ka tegto bishan baan
gabar qurux badan oo bikro ah kasoo kaxayn jirnay waalidkeeda oo aan
waalidkuna siin jirnay wax ay ku raalli noqdaan. Markaasan dusheeda
saari jirnay (yacni u xiri jirnay) xulliyad iyo dhar aad u qurux badan
oo ah wax la xirto waxa ugu wanaagsan, saan webiga ku tuuri jirnay.
Waxuu yiri Camr bin Al Caas:- Tani waa mid aanan ku habbooneyn diinta
Islaamka ah. Waayo Islaamku waxuu tiraa wixii ka horeeyay. Markaa bay
iska laabteen, webigiinna sidii ay sugayeen ma iman oo waxyar iyo wax
badanba midna ma dhaqaaqin. Markii ay xaaladdii ku darraatay buu Camr
bin Al Caas warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab
isagoo kula socodsiinayo arrintaasi. Markaasuu Cumar warqad usoo diray
dhankii Camr bin Al Caas isagoo ku oranayo:- Waad asiibtay sidaad
sameysay, waxaana kuusoo diray warqad ay kudhex jirto warqad kale ee ku
dhex tuur webiga. Markii ay warqaddii soo gaartay Camr bin Al Caas oo uu
furay si uu u akhriyo waxuu ka akhriyey sida tan:
Ka socoto Addoonkii Alle
Cumar Amiirkii Mu’miniinta.
Kusocoto webiga Niil ee reer Masar.
Intaa dabadeed: Haddii aad ahayd mid kusocda amarkiisa iyo
rabitaankiisa haddaba ha socon kuumana baahinine. Haddiise aad ahayd mid
kusocday amarka Allaha kaliga ah ee awoodda badan isaga ayaa
kusocodsiin doono. Waxaana Alle Sarreeye weydiisaneynaa inuu
kusocodsiiyo”.
Markii uu Camr bin Al Caas warqaddii akhriyey buu inta qaaday
kutuurey webigii Niil. Markaasay reer Masar waabariisteen aroor Sabti ah
webigii oo socdo oo biyuhu qulqulayaan. Halkaas bay ku dabar go’day
caadadii foosha xumeyd ee ay reer Masar haysteen, illaa maantadanna wuu
socdaa webigii Niil oo muusan istaagin. Falillaahil Xamdu..
Waxuu yiri Ibnu Jariir:” Sanadkan ayuu ku duulay Abuu Baxriyah
C/llaahi bin Qeys Al Cabadiyu dhulkii Ruum. Waxuuna ahaa qofkii ugu
horeeyay ee ku duulo. Wuxuu soo laabtay isagoo bad qabo soona
qaniimeystay”. Waxaa kaloo la sheegaa inuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee
galo dhulka Ruum Maysarah bin Masruuq Al Cabasiy. Wallaahu aclam.
Al Waaqidi wuxuu xusay in sanadkan uu Cumar bin Al Khaddaab madax uga
dhigay Yamaamah iyo Baxreyn Abuu Hureyrah Ad-Dowsi Allaha ka raalli
noqdee.
Sanadkan dhexdiisa buu Cumar bin Al Khaddaab u diray Xabashi soo
weerartay Jiddah Calqamah bin Al Mujazir Al Mudjali. Waxuuna amray inuu
uga duulo dhanka badda, hase ahaatee muusan soo laaban oo halkaas ayaa
lagu asiibay. Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun. Arrintaasi
Cumar aad buu uga murugooday oo uu u dhibsaday. Sidaa darteed buuna
dhaar kumaray inuusan ciidama Muslimiin ah dib dambe ugu dirin badda.
Waxuu Cumar sanadkan guursaday Faadimah bint Al Waliid bin Muqiirah,
taasoo uu horey kaga geeriyooday Al Xaarith bin Hishaam Allaha ka
raalli noqdee. Sanadkan waxaa dadka xajiyey amiirkii Mu’miniinta ee
Cumar bin Al Khaddaab, masuuliyiintiisii goballaduna waxay ahaayeen
sidoodii marka laga reebo Abuu Hureyrah oo uu sanadkan masuul uga dhigay
Yamaama iyo Baxreen.
SANADKII 21AAD
Waa sanadkii ay dhacday dhacdadii
Nahaawunda
Dagaalkan Nahaawunda wuxuu ahaa dagaal weyn oo dhex maray ciidamadii
Muslimiinta iyo majuustii Furus, waxuuna lahaa sha’ni weyn iyo war
cajiib ah, waxayna Muslimiinta ugu magac dareen Fatxul fatuux
(Furashadii furashooyinka).
Waxay yiraahdeen Ibnu Isxaaq iyo Al Waaqidi:” Waxuu dhacay dagaalkii Nahaawunda sanadkii 21aad ee Hijriyada”.
Sayf bin Cumarse wuxuu yiri:” Waxuu dhacay sanadkii 17aad ee
Hijriyada”. Waxaa kaloo la sheegaa inuu dhacay 19-kii Hijriyada, sida
rajaxsanse waa inuu dhacay sanadkan. Wallaahu aclam.
Sababtu waxay ahayd goor ciidamadii Muslimiinta ay wada furteen
gobalkii Ahwaas iyo magaalooyin kale oo waaweyn ee kamidka ahaa
magaalooyinkii Majuusta ayaa amiirkii Mu’miniinta Cumar bin Khadaab
wuxuu amray asxaabtiisa inaanay ciidamada Muslimiinta kusii fogaanin
dhulalka Furus ee fog fog, is gaarsiintii oo fogaatay awgeed iyo dhulkii
uu Islamka ka talinaayey oo noqday dhul aad u ballaaran, waxuuna
markaas Cumar is tusaayey inaysan u wada talin karin dhulalkaas fog fog.
Hase ahaate waxaa arrintan kaga hor yimid Cumar koox saadaaddii
Muslimiinta kamid ah oo uu kamid ahaa Axnaf bin Qays .
Waxuu Axnaf bin Qeys ku yiri Cumar:” Amiirkii Mu’miniintoow! laba
qolo dhul kama wada talin karaan, kana joogi mahayaan Majuusta inay nagu
soo weeraraan goobahayaga ee inoo ogolaaw inaan ka saarna majuusta
dhulka Furus oo dhan”. Markaas buu Cumar ku qancay in la wada furta
dhulka Furus.
Goor ay doodahaasi socdeen ayaa waxaa Cumar bin Khadaab u timid
warqad kasocotay dhanka amiirkii ciidamadii Muslimiinta ee ka
dagaallamayey Ciraaq Sacad bin Abii Waqaas, waxayna warqadaasi
tilmaameysay in Faarisiinta ay soo uruuriyeen ciidan aysan horey mid
lamid ah usoo uruurin, oo ay soo degeen goobta Nahaawunda ayna weerar
kusoo yahiin dhanka Muslimiinta.
Markaa buu Cumar garwaaqsaday hadalladii uu Axnaf bin Qeys horey kula
taliyey, Sacadna mar waliba waa uu la socodsiinayey xaalada halka ay
mareysa oo warqado ayuu u diri jiray.
Markii dambe ayaa waxaa Sacad kasoo eed sheegtay koox kamid ahaa
ciidamadii Musliinta waxayna u tegeen Cumar oo ay uga dacwoodeen Sacad,
waxaana kamid ahaa waxyaabahii ay kaga soo dacwoodeen inuusanba Sacad
hagaajin karin xitaa salaadda iyo inuusan si caddaalad ah wax ugu
qeybinin oo uusan u xukminin.
Nin la oran jiray Al Jarraax bin Sinaan Al Usdi ayuu ahaa ninkii u
hadlaayey kooxdaas arrimahaas kusoo eedeeysay Sacad, waxuuse Cumar ku
yiri Al Jarraax iyo qolooyinkiisii:” Waxaa u daliil ah waxa aad
sheegeysaan inay been iyo shar yahiin xaaladda imminka lagu jira iyo
iyadoo uu Sacad isku diyaariyey inuu la dagaallama acdaada Allaah, mase
jirta arrin diideysa inaan dhex galo arrinkiina oo aan baaro wixii ka
run ah”.
Intaas kadib buu Cumar soo diray Maxamed bin Maslama oo aallaaba
isaga arrimahaas dacwada iyo is qab qabsiga loo diri jiray, markii uu
Maxamed magaaladii Kuufa yimidna waxuu masjidkii isugu soo kulmiyey
dadkii oo uu weydiiyey inay jirta cid dacwa ka qabta Sacad bin Abii
Waqaas? Balse lama uusan kulmin waxaanan kheyr ahayn cid ka sheegta
Sacad bin Abii Waqaas, marka laga reebo kooxdii Al Jarraax bin Sinaan oo
iyagu iska aamusay.
Dabeeto waxaa kacay nin la oran jiray Abuu Sacdah Usaama bin Qataadah
oo yiri” Haddii aad Maxammadow!! ina dhaarisay, Sacad si isla eg oo
caddaalad ah wax uma qeybiya, raciyaduna uma caddaalad falo mana raaco
sirriyada”. Markaa buu Sacad Allaah baryey oo habaaray ninkaasi isagoo
leh:” Allahayoow! haddii uu u yiri kalmaddaas istus tus iyo been iyo
halagu maqla, Allahayoow! indhaha tir oo kayeel faqiir, carruurtiisana
badi, kuna imtixaan fidno”.
Markaa buu ninkii indha beelay waxuuna mar dambe dhalay 10 gabdhood,
mar waliboo uu maqla cod haweeneyna xaggeeda ayuu ku ordi jiray, markii
la weydiiyana waxuu oran jiray” Waxaa igu dhacday inkaartii ninkii
barakeysnaa ee Sacad”.
Waxaa kaloo uu Sacad habaaray Al jarraax bin Sinaan oo jirkii
googo’ay maalkiina masiiba uga dhacday, sidaa si lamidna waxuu wada
inkaaray dhammaan intii falkaas iyo dacwada beenta ah ka dambeysay.
Illaahayna wuu ku wada riday wixii uu Sacad ku inkaaray, waayo Sacad
waxuu ahaa nin Mustajaabu duca ah, Rasuulka SCW ayaana sidaa ugu
duceyay.
Dabeeta waxay Sacad, Maxamed bin Maslama, Al Jarraax bin Sinaan iyo
kooxdiisii tegeen magaaladii Madiina, markii ay la kulmeen Cumarna waxuu
weydiiyey sida ay kusoo eedeeyeen Sacad ee uu salaadda u tukada?
Waxayna yiraahdeen:” Waxuu dheereeyaa labada rakaco ee hora halka kuwa
dambana uu gaabiya”.
Waxuu yiri Sacad” Dhab ahaantii anigu waxaan ahaa qofkii saddexaad ee
Islaama,waxaana ahaa ninkii ugu horeeyay ee gamuun u ganay dar Alle,
waxuuna Rasuulkii Alle SCW igu kulmiyey aabahiis iyo hooyadiis isagoo
igu furtay ( maalintii Uxud asagoo leh:- Tuur Sacadoow! kugu furtay
aabahay iyo hooyadeyba ), horeyna ugumuusan kulmin Rasuulka SCW
hooyadiis iyo aabahiis oo kumuusan furan axad aniga iga horeeyay,
markaas bay banii Asad yiraahdeen Sacad salaadda ma haggaajin karo”.
Waxuu yiri Cumar:” Yaad uga soo tegtay Kuufa?
Waxuuna ku jawaabay:” C/llaahi bin C/llaahi bin Citbaan”.
Markaa buu Cumar u daayey C/llaahi bin C/llaahi bin Citbaan masuul
ahaan magaaladii Kuufa, waxuuna ahaa Ibnu C/llaahi bin Citbaan nin oday
ah oo kamid ahaa akhyaartii saxaabada waxuuna xulufa la ahaa banii
Xabliy oo Ansaarta kamid ahayd.
Sacad isaga waalaga casilay imaaradda dambi la ‘aan isagoo beri ka
noqday waxyaabahii ay kusoo eedeeyeen wax makastii banii Asad. Dhanka
Faarisiintii iyagu meel waliboo fog bay isaga yimaadeen oo ciidama tira
badan oo uu hoggaaminayo Feyruzaan oo dhan 150 000 bay isu keeneen.
Waxaa kaloo la sheegaa inuu hoggaaminayey Bandaraan ama Dul Xaajib,
waxaase xaqiiqda udhaw inuu hoggaaminayey ciidamadaas Feyruzaan.
Iyagoo isdhaarsanayo Majuusta ayaa waxay isku yiraahdeen:” Maxammed
kii Carab u yimid ma uusan soo haweysan boqortooyadeenna, Abuu Bakarkii
ku xigayna lamid, markaa baa markii Cumarkan waqtigiisii uu dheeraaday
ayuu kusoo duulay boqortooyadeennii oo uu banneystay xurmadayadii, oo uu
qaatay maalkayagii, intaana kumuusan ekaane waxuu inoogu yimid oo uu
inagu soo weeraray guryahayagii oo uu qaatay hantidii aqalka
boqortooyadeenna, kuna joogsan mahayo intaas jeer uu idinka wada saara
dhulkiina”.
Waxay isku dhaarsadeen Majuusta inaysan cararin oo waxay ku ballameen
in lagu duullo Kuufa iyo Basra, Cumarna lagu mashquuliya dhulkiisa,
waxayna isku dhaaranshahaas iyo ballantaas ay ku qoreen warqad si ay u
adkeeyaan.
Sacad bin Abii Waqaas markii uu tegay magaaladii Madiina ayuu uga
warramay amiirkii Mu’miniinta arrimihii markaas jiray oo si fiican uga
shaafiyey xaalkii Majuusta iyo inay weerar culus soo wadaan .
Dhanka kale waxaa Cumar warqad usoo diray amiirkii cusbaa ee Kuufa
C/laahi bin C/llaahi bin Citbaan waxuuna warqadaas usoo dhiibay Qariib
bin Dhafar Al Cabadiyu,wuxuuna uga warramay halka uu xaalku maraya iyo
in ciidama tira badan oo majuus ah ay isku urursadeen la dagaalanka
Muslimiinta iyo inay weerar kusoo qaadaan oo ay baabi’iyaan Islaamka iyo
ehelkiisa, waxuuna C/llaahi ibnu C/llaahi bin Citbaan ka dalbaday
amiirka Mu’miniinta inuu u ogalaado inay ku deg degaan oo ay ka
hortegaan Majuusta.
Waxuu Cumar su’aalay ergaygii warqadda siday:” Magacaa?
Waxuu yiri:” Qariib”.
Waxuu yiri:” Ina ayo?
Waxuu yiri:” Ina Dhafar”. Markaa buu Cumar isagoo macneysanaya
magacaasi yiri:” Dhafrun Qariib”. Oo la macna ah guul baa soo dhaw,
intuu labadii magac isdaba mariyey. Markaa buu Cumar amray in la naadiyo
dadka oo reer Madiina oo idil ay masjidka isugu wada yimaadaan.
Markaas buu Muslimiintii oo idil kusoo kulmiyey masjidka. Waxaa la
yiraahdaa qofkii ugu horeeyay ee masjidka maalintaa soo gala waxuu ahaa
Sacad bin Abii Waqaas. Markaa buu Cumar dadkii u khudbeeyay isagoo
usheegay halka ay arrintu mareysa iyo in loo baahanyahay ciidan, waxuuna
wada tashi la qaatay saadaaddii saxaabada oo ay ka mid ahaayeen Sacad
bin Abii Waqaas, C/raxmaan bin Cowf, Cuthmaan bin Cafaan, Cali bin Abii
Dhaalib, Dhalxa bin Cubeydillaah iyo rag kale oo ahlu ra’yiga kamid
ahaa. Dhammaan waxay isla garteen inuusan amiirka Mu’miniinta bixin,
Madiinana aan ciidan laga dirin, hase ahaatee waxay isla fahmeen oo ay
hal ra’yi kanoqdeen in la diro ciidamo gurmad ah oo ka baxa goballada.
Cuthmaan bin Cafaan baa isagu wuxuu keenay fikrad ah in ciidama laga
dira Shaam iyo Yeman loona dira Ciraaq, hase ahaatee Cali bin Abii
Dhaalib baa isagana fikrad kale oo Cumar qancisay keenay, waxuuna
tilmaamay in ciidama aanan laga dirin Yeman iyadoo looga baqaya in ay
Xabashida soo weerarta Yeman, dhanka Shaamna aanan ciidan laga dirin,
waayo waxaa macquul ah buu yiri inay ciidamada Roomaniska soo weeraraan
Shaam, sidaa darteed waxuu ishaaray in Kuufa iyo Basra laga kala dira
ciidama gurmad ah si ay uga hor tegaan Majuustaas isasoo bahaysatay.
Cumar bin Khaddaab waxaa cajab geliyey ra’yigii Cali oo uu qaatay,
waxuuna Cumar la tashan jiray mar waliba oo uu arrin goosta Al Cabbaas
bin Cabdmudallib, markaa buu Al Cabbaas utegay oo uu usheegay arrinta uu
goostay isagana wuu ku taageeray.
Markii uu goostay arrintaas Cumar ayaa waxuu yiri” Ii tilmaama yaan u doortaa ciidamadaas oo aan masuul uga dhigaa?
Waxaana loogu jawaabay:” Adigaa u aqoon badan amiirkii Mu’miniintoow!!”.
Markaa buu yiri ” Waxaan u magacaabi doonaa Nucmaan bin Muqarrin”.
Waxuu Nucmaan markaasi ku sugnaa Kaskar oo uu masuul ka ahaa.
Dabeeta waxuu Cumar warqad u diray amiirkii Kuufa C/llaahi bin
C/llaahi bin Citbaan taasoo uu ku amrayey in uu dira ciidan uu madax
uyahay Xudeyfah bin Yamaan, Basrana waxuu amray inay kasoo baxaan ciidan
uu wata Abii Muusa Al ashcari, kadibana dhammaan ciidamadaas iyo
ciidama uu watay Nucmaan bin Muqarrin oo iyagu Kaskar kasoo bixi doona
ayuu amray Cumar inay ku kulmaan Maah oo uu ciidankaas dhami madax u
noqda Nucmaan bin Muqarrin, haddii Nucmaan la dilana waxuu amray inuu
amiir noqda Xudeyfah bin Yamaan, haddii Xudeyfa la dilana waxuu amray
inuu amiir unoqodo Jariir bin C/llaahi Al Bujali, haddii Jariir la
dilana wuxuu soo amray inuu amiir noqdo Qeys bin Makshuux, haddii Qeys
la dilana waxa amiir ah hebal, iyo hebal jeer uu magacaabay 7 nin oo
isaga kala dambeyneeyso haddii mid la dila si uu midkale u qabta,
waxaana kamid ahaa raggaas toddobada ahi Muqiirah bin Shucbah. Waxuu
Cumar qeybinta qaniimada usoo xilsaaray As-Saa’ib bin Al aqrac.
Markaa buu Xudeyfah ka dhaqaaqay magaalladii Kuufa isaga iyo ciidama
uu hoggaaminayo si ay ugu biiraan ciidamada Nucmaan bin Muqarrin oo ay
markaa kuballameen inay ku kulmaan goobta Maah. Markii uu Xudeyfah u
tegay Nucmaan buu u dhiibay warqaddii amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin
Al Khddaab, taasoo caddeyneysay qaabkii ciidankan loo dhisi lahaa.
Markii ay isu tegeen ciidamadaas is aruursaday ee Muslimiinta waxay
tiradoodu noqotay 30 000 sida uu weriyey Sayf bin Cumar oo isagu kasoo
weriyey Shicbi, waxaana ku jiray saadaaddii saxaabada iyo akhyaartii
Carbeed. Waxaa kamid ahaa ciidamadaas C/llaahi bin Cumar bin Khadaab,
Jariir bin C/laahi Al Bujali, Xudeyfah bin Yamaan, Muqiirah bin Shucbah,
Nucmaan bin Muqarrin (amiirkii ciidankaas), Camr bin Macdiyakrib,
Dhuleyxa bin Khuweylid Al Usdi, Suweyd bin Muqarrin, Nucaym bin
Muqarrin, Qeys bin Makshuux Al Muraadi, Abii Muusa Al Ashcari, Camr bin
Abii Salama iyo halyeeygii Al qacqaac bin Camr At Tamiimi oo maalintaa
kamid ahaa hoggaamiyaasha ciidanka Muslimiinta.
Intaa kadib ciidamadii Muslimiinta waa ay dhaqaaqeen waxayna
abbaareen dhankii Nahaawunda, waxuuna Nucmaan hortiisa diray saddex nin
oo wardoonno ah. Kuwaasoo kala ahaa Dhuleyxa bin Khuweylid, Camr bin
Macdiyakrib iyo Camr bin Thubayi, oo loo yaqiinnay Camr bin Abii Salama,
si ay usoo ogaadaan warka qoomka iyo waxa ay ku suganyahiin. Camr bin
Abii Salama iyo Camr bin Macdiyakrib way soolaabteen, hase ahaatee
Dhuleyxa wuxuu tegay Nahaawunda oo uu qoomka dhex galay oo wax kasoo
dhageystay, dabeetana Nucmaan buu usoo laabtay oo uu usheegay arrinta.
Waxuuna usheegay in Nahaawunda iyo isaga aysan dhexdoodu ahayn wax uu
dhibsado.
Waxuu Nucmaan diyaariyey ciidankiisii waxuuna ciidanka hore madax uga
dhigay walaalkiis Nucaym bin Muqarrin, labada dhinacna (bidax iyo
midig) waxuu u kala dhiibay Xudayfah bin Al Yamaan iyo Suweyd bin
Muqarrin, ciidanka lugtana waxuu madax uga dhigay halyeygii Al qacqaac
bin Camr, halka gaadada damba ee ciidankana uu u dhiibay Majaashac bin
Mascuud.
Dabeeta ciidamadii Muslimiinta way dhaqaaqeen jeer ay markii dambe ka
hor tegeen ciidamadii Furus oo uu hoggaaminayey nin la oran jiray
Fayruzaan, waxayna ahaayeen ciidan aad u tira badan oo 150 000 ah.
Kadib wuxuu Nucmaan ciidankii amray inay culeyska iska fududeeyaan oo ay
teendhooyinkooda ka dhistaan Nahaawunda dusheeda, isagiina waxaa loo
dhisay teendho aad uweyn oo ay u dhiseen 14 nin oo kamid ah rag
karmeedyadii ciidanka, waxayna raggaasi kala ahaayeen Xudeyfah bin Al
Yamaan, Cutbah bin Camr, Muqiirah bin Shucbah, Bashiir bin Khasaasiyah,
Xandhalah Al Kaatib bin Al Huwbar, Ribciyi bin Caamir, Caamir bin Mudar,
Jariir bin C/llaahi Al Ximyari, Jariir bin C/llaahi Al Bujali, Al Aqrac
bin C/llaahi Al Ximyari, Al Ashcat bin Qeys Al Kindi, Saciid bin Qeys
Al Hamdaani iyo Waa’il bin Xijir. Ma jirin teendho ka weyn markaa
carrigaasi Ciraaq teendhadaas iyada ah.
Markii ay labada qolo isasoo hor fadhiisteen, waxaa huray dagaalkii,
markaasuu Nucmaanna ciidamadiisii amray inay weerar ku qaadaan. Waxayna
ahayd maalin Arbaco ah, oo maalintaas iyo tii ku xigtay buu dagaalku
socday. Markii lagaaray maalintii Jumcada bay kufaartii qalcadahoodii ku
carareen. Markaasay Muslimiintiina go’doomin ku qabteen. Markay rabaan
bay soo baxayeen Majuusta oo misna ay si deg deg ah qalcadahooda ugu
cararayeen.
Taa kahor markii ay isasoo hor degeen labadii ciidan oo ay indhaha
isku dhufteen, ayuu Nucmaan amiirkii ciidamada Muslimiinta takbiirsaday
saddex goor, markaa baa majuustii dab caabbudka ahayd dhulka la gil
gishay oo rucbi iyo argagax darran qalbiga Illaahay kaga tuuray, kadibna
ciidamadii Muslimiinta way kor degeen oo xisaar (isweer) ayay ka
qabteen. Amiirkii ciidamada Majuusta ayaa waxuu Muslimiinta ka dalbaday
in loo diro nin kamid ah Muslimiinta si uu ula hadlo. Markaasaa
loodiray Muqiirah bin Shucbah oo lasoo dooday. Markii uu kasoo tegay buu
Feyruzaan dadkiisii ku yiri:” Illaah baan ku dhaartaye acwarku wixii
naftiisa kujiray buu idinka runsheegay”. Markiina in muddo ah la kor
daganaa oo iyagiina ay dhufeysyo waaweyn ka qoteen hareerahooda
xaaladdiina ay ku darraatay Muslimiinta, waxay ahayd waqti qabooba ah,
markaa ayay Nucmaan bin Muqarrin iyo madaxdii kalee ciidanka qabteen
shir looga tashanaya sidii lagu wajihi lahaa xaaladdan, maadaama
Majuusta ay ka caajiseen oo ay ka gaabiyeen inay Muslimiinta dagaal la
galaan weliba goob barxad ah.
Waxaa kacay markii hore Camr bin Abii Salama oo ciidamada halkaa
kusugnaa oo idil waaga u da’ weynaa, oo hadalkii dhigay si wacanna u
suubiyey. Misna waxaa kacay Camr bin Macdiyakrib oo isaguna meel wacan
taabtay. Kadib waxaa hadlay Dhuleyxah bin Khuweylid Al Asdi, waxuuna
yiri:” Waxaan qabaa in la diro sirriyad (ciidan yar) oo dul dego
godkooda kuna huriya dagaal. Markay usoo baxaanna haka soo cararaan oo
xaggeenna ha usoo rooraan. Markay iyana soo raacdeystaan oo ay innagu
ina soo gaaraan, markaa waa inaan innaguna cararnaa dhammaanteen sidoo
kale. Markaa iyada ahi kama ay shakinayaan jabka oo dhammaantoodba way
kasoo baxayaan qalcadahooda. Markii ay kasoo wada baxaan qalcadahooda
baan ku laabaneynaa oo aan la dirireynaa jeer uu Alle ka xukmiyo
dhaxdeenna”.
Dadkii oo idil ra’yiga Dhuleyxa baa aad ula qurxanaaday, isagii
ayayna Muslimiintii qaateen, waxuu markaa Nucmaan bin Muqarrin amray
ciidamadii Al qacqaac si ay u fuliyaan howshaas iyada ah. Markaa buu Al
qacqaac ciidamadiisii la dhaqaaqay oo uu dul degay qalcadahoodii,
dabeetana uu dagaal ku huriyey, kadibna way soo carareen markii ay kusoo
baxeen. Majuustii markay arrintaas arkeen bay yiraahdeen:” Waa iyadii
waa iyadii”.
Macnaha waxay dhowrayeen in loosoo sheego sanadkaas geerida Cumar bin
Khaddaab, oo waxay sugayeen in xilligaas isaga ahi uu Abuu Lu’lu’ah uu
dilo Cumar. Sidaa darteed baa markay arkeen ciidamada Al qacqaac oo hal
mar firxaday bay umaleeyeen in loosoo sheegay geerida Cumar oo ay
Muslimiintu niyad jabeen, markaasay Majuustu yiraahdeen:” Waa iyadii waa
iyadii”.
Kama aysan shakinin jabka iyo dib ugurashada Muslimiinta, waayo waxay
dhowrayeen arrin kale. Siduu horey Dhulxeyah u sheegay ayayna noqotay
oo way soo daba galeen. Ciidamadii Al qacqaac markay soo gaareen
ciidankii weynaa ee Muslimiinta buu Nucmaanna ciidamadiisii la sii
cararay, oo ay dib ugurasho sameeyeen. Majuustii indhaha la’ayd waa ay
sii daba ordeen oo dhammaantood waa ay kasoo baxeen qalcadahoodii
iyagoonan ku dhaafin wax dagaalyahanno ah oo albaabada u ilaaliyo.
Waqtigu waxuu ahaa bartamaha maalinta oo cadceeddu ay kalabaraha samadu
taagneed. Sidaa darteed buu Nucmaan jecleystay inuusan weerar ku qaadin
jeer ay cadceeddu ka weecato oo nasriga Allena usoo dego siduuba sameyn
jiray Rasuulka Alle SCW.
Marar badan bay Muslimiintu ku qasbeen Nucmaan inuu weerar ku qaado
cadawga, hase ahaatee ma uusan falin, waayo waxuu Nucmaan ahaa nin
sugnaan og. Kadib markay cadceeddu weecatay buu Nucmaan ciidankii
tujiyey, dabeetana intuu raayad kasta hoos tegay buu u khudbeeyay
ciidanka oo ku booriiyey sabar iyo sugnaan iyo inay ka run sheegaan
goobta fara saarka. Waxuu Nucmaan usheegay Muslimiintu inuu takbiirsan
doono takbiirta kowaad, waxuuna amray in markaa la noqdo diyaar, waxuu
misna usheegay inuu takbiirsan doono takbiirta labaad, waxuuna amray
inaysan jirin cid aanan diyaar ahayn. Waxuu usheegay in takbiirta
saddexaadna ay noqon doonto weerarka ka run sheegidda. Kadib waxuu
Nucmaan u laabtay goobtiisii oo uu saddex jeer takbiirsaday markaasuu
bilawday dagaalku, oo seefuhuna ay is dhaafeen. Waxaana dhacay dagaal
aanan horey loogu arag mid lamid ah mawaaqicdii hore oo aysan maqal kuwa
wax maqlaayi mid lamida. Waxaa laga laayey Mushrikiinta teer iyo markay
weecatay cadceedda illaa uu gabbalku ka dhacay oo laga gaaray gudcurka
habeennaad maqtalo aad u tiro badan oo dhulkii dhan ka dhigtay dhiig
lagu silqado. Heer ay daabaduhu ku silqanayeen oo waxay gaartay heer la
yiri:- Amiirkii ciidanka baa faraskiisu dhiiggaasi kula silqaday oo
markaasina uu kudhacay gamuun duulayo oo sidaa ku geeriyooday.
Ma jirin cid garatay geerida amiirkii ciidanka marka laga reebo
walaalkiis Suweyd bin Muqarrin, waxaa kaloo la yiraahdaa walaalkiis
Nuceym bin Muqarrin, markaasuu calankii u dhiibay ninkii ku xigay waa
Xudeyfah bin Al Yamaane. Markaasuu Xudeyfana booskiisii ku wareejiyey
walaalkiis Nuceym bin Muqarrin si uu u qariyo geerida walaalkii ku timid
jeer uu arrinka dagaalka ka dhammaanayo iyo si aysanna Muslimiintu u
niyad jebin.
Markii la gaaray gudcurkii habeenaad bay Mushrikiintii jaanta rogteen
oo ay jabeen, Muslimiintiina waa ay sii eryadeen. Waxayna Mushrikiintu
silsilado kusoo dabreen 30 000, hareerahooduna waxay ka qodeen godad.
Markii ay jabeen bay godadkii iyo waaddiyadii halkaa ahaa ku daateen oo
bashar badan oo kudhaw 100 000 ama in kabadan ay kaga halaagsameen marka
laga reebo tirada kuwii macrikada looga laayey markay cadceeddu
weecatay jeer laga gaaray gudcurkii habeenaad.
Feyruzaan oo ahaa amiirkii ciidamada Mushrikiintu isagu waxuu ka
cararay goobtii macrikada oo uu dhexda ka galay jabkii kuwii la cararay.
Markaa buu Nuceym daba kacay, waxuuna markii dambe hortiisa diray
Alqacqaac bin Camr. Feyruzaan waxuu abbaaray dhanka Hamdaan, saa waxaa
ka daba tegay Al qacqaac oo ku helay goobta Thaniyatul Hamdaan (karinta
Hamdaan). Waxuu Feyruzaan dhexda kula kulmay safar bakhlo iyo dameero
tiro badan ku sido malab, wayna usuuroobi weyday inuu horey usii fuulo,
markaasuu lugtiisa ciirsaday oo uu buuraha korey. Al qacqaac baa inta ka
daba tegay ku qoor gooyey halkaas. Maalintaas ayayna Muslimiintii
yiraahdeen:” Alle waxuu leeyahay junuud malab ah”. Waxay Muslimiintii
qaniimeysteen malabkii ay bakhlahaasi iyo dameeruhu sideen. Waxaana
meeshaa iyada ahi loo bixiyey Thaniyatul Casal (Karintii Malabka).
Intaa dabadeed Al qacqaac waxuu sii eryaday jabkii kuwii cararay jeer ay
orad ku galeed Hamdaan, markaasuu dul degay oo uu go’doomin kuqabtay.
Dabeeto ninkii masuulka ka ahaa oo la oran jiray Khushrushanuum baa usoo
degay oo ka dalbaday heshiis, halkaas ayuuna kula heshiiyey. Kadibna Al
qacqaac bin Camr waxuu ulaabtay dhankii Xudeyfah bin Yamaan oo uu u
tegay iyagoo galay Nahaawunda kadib dhacdada oo ay xoog ku furteen.
Waxay ciidamadii Muslimiintu soo uruuriyeen hantidii halkaa laga helay
hub iyo maalba, waxayna u dhiibeen ninkii masuulka ka ahaa qaniimada As-
Saa’ib bin Al Aqrac. Markii ay reer Maah maqleen warka reer Hamdaan
bay iyana usoo cid dirsadeen dhankii Xudeyfa bin Yamaan si ay ula
heshiiyaan oo ay magan galyo uga qaataan.
Waxaa Xudeyfah u yimid nin la oran jiray Hirnad ama Hirbad oo
Majuusta u qaabilsanaa dhanka dab hurinta maadaama ay ahaayeen kuwa dab
caabbud ah. Waxuu ninkani keenay keyd aad ufara badan oo uu lahaa
Kisraa, waxuuna ka dalbaday Xudeyfah inuu siiyo magan galyo oo uu la
heshiiyo. Markaa buu Xudeyfah siiyey magangalyo iyo heshiis, markaasuu
ninkii keenay sanduuq ay ka buuxdo jowharad aad u qaali ah oo tiro
badan. Muslimiintii waxay isla garteen in loo diro dhanka Cumar bin Al
Khaddaab si uu isagu u meel mariyo sanduuqaasi jowharadda ah. Waxaana
loo dhiibay ninkii masuulka ka ahaa qaniimada. Taa kahor waxuu Xudeyfa
diray Dhariif bin Saham oo uu u dhiibay bishaaradii guusha si uu
ugaarsiiyo amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab. Kadib
Xudeyfah waxuu qeybiyey qaniimadii oo uu ciidankii oo idil u qeybiyey.
Ammaa amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab isagu har iyo
habeenba waxuu usoo jeeday duco iyo salaad isagoo u duceynayey ciidamada
Muslimiinta inuu Illaahay ka siiyo guul cadawgooda oo uu uga hiiliyo.
Waxaa sugnaaday in nin Muslimiinta kamid ah uu maalin ka baxay
magaallada Madiina, markaasuu waxuu arkay nin raakib ah oo meel shisha
kasoo bidhaamayo. Ninkii ayuu ka hor tegay oo uu weydiiyey:” Xaggee baad
ka timid?
Waxuu Raakibkii ku jawaabay:” Waxaan ka imid Nahaawunda”.
Waxuu ninkii yiri:” Bal ka warran dadkii?
Waxuu yiri:” Alle baa u furay, amiirkiina waala dilay, Muslimiintiina
waxay qaniimeysteen qaniimo aad u farabadan oo kii faras watay uu helay
6000, ka lugtana uu helay 2000”.
Kadib wuu iska tegay, kii reer Madiinana waxuu aaday magaalladiisii
oo uu dadkii uga warramay arrinkaas. Warkii baa faafay jeer uu markii
dambe gaaray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab. Markaasuu
Cumar ninkii weydiiyey cidda uga warrantay warkaas?
Waxuu ninkii yiri:” Nin raakib ah baa iiga warramay”.
Waxuu yiri:” Iimuusan iman, wax kale maahee ninkaasu waa jin, la yiraahdo Cutheym”.
Kadib waxaa yimid Dhariif bin Saham oo layimid bishaaradii guusha,
wax kale oo bishaarada guusha ahaynna ma uusan sidin. Markaasuu Cumar
su’aalay dadka Muslimiinta laga dilay. Hase ahaatee Dhariif arrintaasi
wax ogaansho ah umuusan haynin. Kadib waxaa yimid kooxdii sidday
khumuska qaniimada iyo dumarkii iyo carruurtii qafaalka ahayd, kuwaasoo
uu hoggaaminayey Assaa’ib bin Al Aqrac. Markaa buu Cumar wax ka
weydiiyey dadkii laga dilay ciidanka Muslimiinta. Markii loo sheegay
geerida Nucmaan bin Muqarrin buu amiirkii Mu’miniinta ooyey. Waxuu
weydiiyey cidda lala dilay Nucmaan, markaasuu Assaa’ib yiri:” Waxaa lala
dilay hebal iyo hebal iyo hebal”. Isagoo magacaabada raggii caanka ahaa
ee ka tirsanaa geesiyaasha Muslimiinta. Markii amiirkii Mu’miniinta
loo sheego nin kamid ah dadkii ku shahiiday dagaalka Nahaawunda, kaasoo
uusan garaneyn buu gudagaleyay inuu ooyo isagoo leh:” Maxay ka tareysaa
inuusan garaneyn amiirka Mu’miniinta? Hase ahaatee Alle baa garanayo oo
ku sharfay shahaado. Maxay ku falayaan garashada Cumar? Kadib waxuu
Cumar amray qaybinta khumuskii qaniimada sidiiba caadada u ahayd.
Sanduuqii jowharadda ahaa waxaa loo qaaday gurigii Cumar. Ergadii
siddayna way iska laabteen. Markii uu waabariistay Cumar oo uu sanduuqa
arkay buu amray in loo yeero ergadii sidday. Hase ahaatee kal hore ayay
baxeen. Markaa buu bariid ka daba diray si loo soo celiyo. Ergaygii
bariidka siday muusan gaarin jeer ergadii ay ka galaan magaalladii
Kuufa. Markii Assaa’ib uu arrumiyey awrkiisa magaalladii Kuufa buu
ninkii bariidka siday ka daba tegey oo ku yiri:” Amiirka Mu’miniinta baa
kuu yeerayo”.
Waxuu Assaa’ib yiri:” Oo maxaa jira?
Waxuu yiri:” Garan maayo”. Markaa buu Assaa’ib iyo ninkiiba ay dib
ugu laabteen magaalladii Madiina. Markii uu Assaa’ib utegay Cumar buu
Cumar yiri:” Oo maxaa ina kala haysto aniga iyo ina Umu Assaa’ib? Bal’ee
maxaa Ina Umu Assaa’ib iyo aniga na kala haysta?
Waxuu yiri:” Assaa’ib:” Oo waa maxay taasi amiirkii Mu’miniintoow!!?
Waxuu Cumar u sheegay in uu qaado sanduuqa oo uu iibiyo kadibna uu u
qeybiyo Muslimiinta, isagoo weliba ku canaantay keenidda uu keenay
guriga amiirka Mu’miniinta. Intaa dabadeed Assaa’ib sanduuqii buu
qaaday waxuuna geeyay magaalladii Kuufa, markaasay tujaartii oo idil
kusoo heenteen. Waxaana ka iibsaday Camr bin Al Xureyth Al Makhzuumi oo
ka siistay 2 000 000. Kadibna Muslimiintii ayaa loo qeybiyey. Camr bin
Al Xureyth intuu qaaday buu la aaday dhulalka Cajamta oo uu soo siistay 4
000 000. Reer Kuufa waxay markaa kadib noqdeen dadkii ugu hantida
badnaa Muslimiintii goballada.
Waxaa la soo weriyaa Abuu Lu’lu’ah Feyruuz oo adeega u ahaa Muqiirah
bin Shucbah baa markii dumarkii iyo carruurtii laga soo qafaashay
Nahaawunda la keenay magaallada Madiina oo uu Abuu Lu’lu’ah la kulmo
kuray yar oo kamid ah carruurta lasoo qafaashay buu inta madaxa u
salaaxo oranayey:” Cumar waxuu cunay beerkeygii”.
Waxay cullimadda siirada yiraahdaan:” Dhacdo dambe oo tan lamid ah
kama aysan dhicin carrigii Majuusto, Cumarna waxuu amray in halyeeyadii
Muslimiinta ee dagaalkan wacdarada kamuujiyey la siiyo min 2000 Dirham.
Furashadii Asbahaan
Sidoo kale sanadkan dhexdiisa bay Muslimiintii furteen markii ay
Nahaawunda furteen ka gadaal kadib magaallada Jay’ oo ah magaallada
Asbahaan kadib markii uu ka dhacay dagaal aad u daran iyo amuur aad
udheer. Markaa bay Muslimiintu kula heshiiyeen magaallada. Markaasuu
C/llaahi bin C/llaahi ibn Citbaan warqad magan galyo iyo heshiis ah u
qoray. 30 kamid ah dadkii magaallada baa ka carareen Muslimiinta oo u
carareen dhanka Karmaan, kuwaasoo aanan la heshiinin Muslimiinta.
Waxaa la yiraahdaa ninkii furtay Asbahaan waxuu ahaa Nucmaan bin
Muqarrin, ayada ayaana lagu dilay, amiirka majuustuna waxuu ahaa Dul
Xaajib. Waxuu ka dhacay faraskiisa markaasay calooshu dallaacday, sidaa
ayuuna ku geeriyooday, markaasay asxaabtiisii jabeen.
Sida saxda ah oo xaqiiqda u dhaw culamaayi siirana ay rajaxeen ayaa
waxay tahay in ninkii Asbahaan furtay uu ahaa C/llaahi bin C/llaahi ibn
Citbaan. Masuulkii magaallada Kuufa.
Sanadkan dhexdiisa buu Abuu Muusal Ashcari furtay Qum iyo Qaashaan. Suheyl bin Cadiyina uu furtay magaallada Karmaan.
Ibnu Jariir iyo Waaqidina waxay xuseen in Camr bin Al Caas iyo
ciidama uu hoggaaminayo ay sanadkaan aadeen dhanka Dharaabulis,
halkaasoo uu Camr ku furtay heshiis 13 000 Diinaar sanad waliba.
Sanadkan dhexdiisa buuna Camr bin Al Caas u diray Cuqbah bin Naafic
dhanka Zuweylah oo uu heshiis ku furtay. Barqa iyo Zuweylah inta u
dhaxeysana waxay noqotay dhul nabad gelyo ah oo Musliimta gacantooda
kujira.
Sanadkan dhexdiisa buu Cumar masuul uga dhigay magaallada Kuufa
Cammaar bin Yaasir kadib markuu ka casilay Ziyaad bin Xandhalah, kaasoo
uu usii dhiibay C/llaahi bin C/llaahi ibnu Citbaan kadib markii laga
casilay. Waxuuna Cumar qaadinnimada Kuufa u dhiibay C/llaahi ibn
Mascuud. Markaa bay reer Kuufa kasoo eed sheegteey Cammaar, markaasuu
isagiina Cammaar ka dalbaday Cumar inuu ka casilo howsha, saa laga
casilay. Waxuuna Cumar udhiibay magaallada Kuufa Jubeyr bin Mudcin.
Isla durba sanadkan dhexdiisa buu Jubeyr ka qaaday oo uu u dhiibay
Muqiirah bin Shucbah oo masuul ka ahaa illaa uu Cumar ka geeriyooday.
Waxaa sanadkan dadka xajiyey amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab,
magaallada Madiinana waxuu kusii dhaafay Zayd bin Thaabit. Madaxdiisii
goballadu waxay ahaayeen sidii sanadkii hore marka laga reebo
magaallada Kuufa.
SANADKII 22AAD
Waxaa dhacay fatuuxaad dhowr ah sanadkan dhexdiisa, waxaana kamid ah
furashadii Hamdaan mar kale, furashadii Rayi iyo wixii ka dambeeyay iyo
kadib furashadii Adarbiijaan.
Waaqidi iyo Abuu Macshar waxay yiraahdeen:” Waxay ahayd (Adarbiijaan) xilligii la furtay sanadkii 22aad ee hijriyada”.
Muslimiintii markii ay ka faaruqeen Nahaawunda oo ay dhaceen
dagaalladii aynu soo xusnay, la furtayna Xulwaan iyo Hamdaan bay reer
Hamdaan intaa dabadeed buriyeen ballantii ay heshiiska kula galeen Al
qacqaac bin Camr. Markaa buu Cumar warqad u qorey Nuceym bin Muqarrin,
taasoo uu ku amrayo inuu aado dhanka Hamdaan iyo in ciidamadiisa hore uu
madax uga dhigo walaalkiis Suweyd bin Muqarrin, labada dhinacna uu
ukala dhiibo Ribciyi bin Caamir Al Daa’iyu iyo Muhallahal bin Zayd Al
Tamiimi.
Markaa buu Nucaym dhaqaaqay jeer uu dul degay Thaniyatul Casal.
Dabeeto waxuu go’doomin ku qabtay dhulkii Hamdaan, markaasay dalbadeen
heshiis oo uu la heshiiyey oo uu magaalladiina galay. Goor uu
kusuganyahay baladka oo ay la joogaan 12 000 oo ciidankiisii ah bay
Ruumaankii, Deylamiyiintii iyo reer Rayi iyo reer Adarbiijaan warqado
isu qorteen, waxayna isku raaceen la dagaallanka Nucaym bin Muqarrin
iyagoo aad u tiro badan. Daylam waxaa madax u ahaa boqorkooda oo la
oran jiray Mowtaa, reer Rayi-na waxaa madax u ahaa Abuu Farrukhaan, reer
Aderbiijaanna waxaa madax u ahaa Isfandiyaad oo la dhashay Rustum.
Markaa buu Nucaym markuu ka war helay kula dhaqaaqay xaggooda
ciidamadii Muslimiinta, waxayna ku kulmeen goob la yiraahdo Waaj Al
Ruud, waxaana ka dhacay meeshaasi dagaal aad iyo aad u daran oo kudhaw
kii Nahaawunda. Waxaa Mushrikiinta maalintaa laga dilay jamac aad u tiro
badan oo aanan lasoo koobi karin, boqorkii Daylam-na ee Mowtaa goobtaas
baa isana lagu dilay. Markay bay cududdii cadawga jabtay oo ay kala
fiigeen. Waxuu ahaa Nucaym bin Muqarrin qofkii ugu horreeyay ee asagoo
hoggaaminaya Muslimiinta la dagaallamo Daylam.
Intaa dabadeed waxuu Nucaym diray khumuskii qaniimada oo uu udhiibay
saddex kamid ah imaraadii ciidanka, kuwaasoo la sheegay inay kala
ahaayeen Simmaak bin Kharash, Simmaak bin Cubayd iyo Simmaak bin
Makhramah. Markii ay Cumar u tegeen ayuu su’aalay magacooda? Markaasay
iyana usheegeen. Suu Cumar yiri:” Allaahuma amsik bihim Al Islaam,
(Yacni Alloow Islaamka ku adkee)”. Kadib buu Cumar warqad u qoray
Nucaym isagoo ku amrayo in uu Hamdaan masuul ku dhaafo oo isaguna uu
aado dhanka Rayi.
Furashadii Rayi
Waxuu Nucaym ku dhaafay Hamdaan Yaziid bin Qeys Al Hamdaani, isagiina
waxuu aaday dhanka Rayi isagoo fulinayo amarkii amiirka Mu’miniinta
Allaha ka raalli noqdee, waxuuna halkaa kula kulmay ciidama Mushrikiin
ah oo aad u tiro badan. Waxaana ku dhexmaray dagaal daran goobta buurta
Rayi adgeeda, halkaasoo ciidamadii Muslimiinta ay maalintaa muujiyeen
adkeysi iyo sugnaan aad xad dhaaf u ah. Kadib waa ay jabeen cadawgii,
waxuuna Nucaym ka laayey maqtalo aad utiro badan, isagoo ka furtay hanti
farabadan qaniimo ahaan, taasoo kudhaw tii ay Muslimiintu ka heleen
Madaa’in. Kadib buu Nucaym heshiis kula galay Rayi ninkii masuulka ka
ahaa oo la oran jiray Abuu Farkhaan, waxuuna taasi ugu qoray warqad
magan galyo ah. Kadibna Nucaym bishaaradii guusha iyo khumuskii buu
udiray dhanka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab.
Furashadii Quumus
Markay bishaaradii guusha iyo khumuska qaniimadii ee Rayi ay gaareen
amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab Illaahay haka raalli noqdee,
buu warqad u qorey Nucaym bin Muqarrin, taasoo uu ku amrayo in uu diro
walaalkiis Suweyd bin Muqarrin oo uu u diro dhanka Quumus. Markaa buu
Suweyd ku dhaqaaqay dhanka Quumus oo uu si nabad galyo ah ku furtay
isagoo aysan wax dhib ahi ka hor iman, halkaa ayuuna ciidamadiisii
dejiyey. Waxuuna dadkii halkaa deganaa u qoray warqad magangalyo iyo
heshiis ah.
Furashadii Jurjaan
Markii uu Suweyd ciidamadiisii dejiyey Quumus, baa dadkii
agagaarkaasi deganaa oo ay kamid ahaayeen reer Jurjaan, Dhabaristaan iyo
kuwa kaloo qeyrkooda ah ay usoo cid dirsadeen iyagoo ka dalbanayo inuu
kula heshiiyo inay bixiyaan jizyo oo uu magangalyo iyo hishiis u qoro.
Markaasuu dhammaan u qoray warqad magan galyo iyo heshiis ah oo uu sidaa
kula heshiiyey inay jizyo bixiyaan.
Waxuu Xusay Madaa’ini in Jurjaan la furtay sanadkii 30aad ee hijriyada, waqtigii Cusmaan bin Caffaan. Wallaahu aclam.
Furashadii Aderbijaan
Markii uu Nucaym furtay Hamdaan, baa intuusan Rayi u dhaqaaqin waxuu
diray Bukeyr bin Cabdillaahi Al Leythi oo uu ka diray Hamdaan, waxuuna u
diray dhanka Aderbiijaan. Waxuu kadaba diray Simmaak bin Kharash.
Waxay Bukeyr iyo asxaabtiisii la kulmeen Isfandiyaad ibnu Farakhzaad
oo ahaa ninkii madaxda ka ahaa Aderbiijaan ka hor intuusan soo gaarin
Simmaak. Markaasaa waxaa dhex maray dagaal uu Alle ku jebiyey
Mushrikiintii, Bukeyrna uu kusoo qafaashay Isfandiyaad.
Markaasuu ku yiri:” Ma waxaad jeceshay heshiis ama dagaal?
Waxuu yiri:” Bal’ee heshiis”.
Markaasuu ku yiri:” Haddaba iga gunnud”. Markaasuu ka guntay. Markaa
buu Bukeyr guda galay inuu dhulkaasi qeyb qeyb u furto, Cutbah bin
Farqad qudhiisu dhanka kale ayuu qeyb qeyb uga soo furanayey dhulalkaas
oo uu dhul furashadu ka waday. Kadib waxaa timid warqaddii Cumar.
Taasoo uu ku amrayo in Bukeyr uu aado dhanka Baab, booskiisuna uu ku sii
dhaafo Simmaak si uu masuul uga sii ahaado Cutbah oo dhulka Aderbiijaan
oo idil uu markaa Cumar madax uga soo dhigay. Markaa buu Bukayr
Isfandiyaad u dhiibay Cutbah, suu isagiina kudhaqaaqay dhanka Baab
siduuba soo amray amiirkii Mu’miniinta.
Markay u taam noqotay furashadii dhulka Aderbiijaan bay Cutbah iyo
Bukeyr, bishaaradii guusha iyo khumuskii u direen dhankii amiirka
Mu’miniinta, dadkii dhulkaa deganaana ay warqad magangalyo iyo heshiis
ah u qoreen.
Furashadii Baab
Sanadkan dhexdiisa buu Cumar warqad u qoray Suraaqa bin Camr oo lagu
laqibo Din Nuur, si uu ugu duulo dhanka Baab, waxuuna soo amray in
ciidankiisa hore uu madax uga dhigo C/Raxmaan bin Rabiicah oo isaguna
laqabkiisu yahay Din Nuur, waxaa kaloo la yiraahdaa Din Nuun. Labada
dhinac ee ciidankaasi mid kamid ah waxuu soo amray in madax looga dhigo
Xudeyfah bin Usayd, halka dhinaca kalena uu soo amray in madax looga
dhigo Bukeyr bin C/laahi Al leythi oo isagu meesha kusii horeeyay.
Qeybinta qaniimada waxaa loo xilsaaray Salmaan bin Rabiicah.
Markaa bay dhaqaaqeen siduuba soo amray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar
bin Khaddaab. Markii ciidamadii hore ee uu hoggaaminayey C/Raxmaan bin
Rabiica ay gaareen boqorkii halkaa oo la oran jiray Shaharbaraaz
boqorkii Armeeniya, baa C/Raxmaan warqad usoo qorey, waxuuna ka dalbaday
magan galyo, markaasuu siiyey magan. Markaa buu boqorkii u yimid
C/Raxmaan oo uu ka codsaday inuu la heshiiyo oo heshiis uu uga gunto
Muslimiinta. Markaasuu C/Raxmaan ku yiri:” Waxaa jiro nin aniga iga
sarreeyo ee uteg”. Markaasuu u tegay Suraaqa bin Camr oo uu weydiistay
magan galyo iyo heshiis. Markaasuu Suraaqana ka yeelay oo siiyey magan
iyo heshiis. Kadib buu arrintaasi u qorey amiirkii Mu’miniinta ee Cumar
bin Khaddaab, Cumarna wuu kaga raalli noqday wixii magan iyo heshiis ah
ee uu la galay. Kadib waxuu Suraaqa diray Bukeyr bin C/llaahi, Xabiib
bin Maslam, Xudeyfah bin Usayd iyo Salmaan bin Rabiicah, oo uu u diray
dadkii deganaa buuraha ku hareereysan Armeeniya, buuraha kala ah Al-
Laan, Tafliis iyo Mowqaan. Bukeyr waxuu furtay Mowqaan, waxuuna u qorey
warqad magan galyo ah dadkii halkaasi deganaa. Amiirkii ciidamada
Muslimiinta ee Suraaqa bin Camr-na goobtaas ayuu ku geeriyooday,
waxaana dabadii xilkiisii qabtay C/Raxmaan bin Rabiicah. Cumar bin Al
Khaddaab markay gaartay geerida Suraaqa wuu ka murugooday wuuna u
duceeyay, una raxmad dalbay. Markii uu maqlay in dabadii uu xilkii
qabtay C/Raxmaan bin Rabiica buu kaga raalli noqday, waxuuna amray inuu
ku duulo dhulka Turkiga.
Duullaaankii Ugu Horreeyay Ee Turkiga
Markay C/Raxmaan u timid warqaddii amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin
Khaddaab, taasoo uu ku amrayey inuu ku duullo Turkiga buu ku dhaqaaqay
dhankii Turkiga jeer uu gooyey Baab isagoo fulinayo amarkii amiirka
Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab. Dabeeto waxaa la kulmay
Shaharbaraaz oo ku yiri:” Xaggee baad ku jeeddaa?
Waxuu yiri:” Waxaan doonayaa boqorka Turkiga ee kusugan Balanjar”.
Markaasuu Shaharbaraaz usheegay inaysan jirin wax dhanka Baab ka
dambeeyo. Hase ahaatee C/Raxmaan ayaa ugu jawaabay:” Illaahay baa
xaggayaga usoo diray Rasuul, waxuuna nalagu ballamay carrabkiisa guul
iyo gacansarreyn, innaguna kamaanan suulin inaanu ahaanno kuwa
guuleysto”. Markaa buu dhulkii Turkiga ku duullay oo uu gaaray dhulka
Balanjar. Intaa kadib waxay dhacdooyinkii waa weynaa ee Turkigu dhaceen
waqtigii Cuthmaan bin Caffaan Allaha ka raalli noqdee.
Qisadii Yazdajrid Bin Shahrayaar
Markii uu Sacad kala wareegay wixii gacantiisa ku jiray iyo
magaalladii boqortooyadiisa, iyo saldhiggii saldanadiisa, waatuu Xulwaan
u cararay, kadibna ay Muslimiintii kadaba yimideen, markaasuu Xulwaan
uga sii wareegay Rayi. Markaa waxaa dhacday in Xulwaanna ay kala
wareegeen ciidamadii Muslimiinta. Dabeeta waxaa looga daba tegay Rayi,
markaasuu u wareegay Asbahaan, oo Rayi-na ay la wareegeen Muslimiinta.
Kadib waxay uga daba tegeen Asbahaan, markaasuu usii cararay Karmaan.
Dabeeto Muslimiintii baa ka daba tegtay oo Asbahaan iyo Karmaanba ka
furteen. Markaasuu u guuray dhulka Khuraazaan oo uu degay, Sidooy tahay
dabkii uu caabbudi jiray kamuusan harin oo wuu la socday, meel ama goob
iyo waa’ uu degaba waa ay u hurinayeen oo uu caabbudayey. Waxuu
saarnaa awr loo dul dhigay howdaj uu dhex jiifanayey. Waxaa dhacday
goor uu dhex jiifo howdajkiisa bay toosiyeen, markaasuu aad uga carooday
oo uu caayey. Waxuuna ku yiri:” Waxaad ii diiddeen inaan ogaado muddada
u hartay kuwan ee ay ku sugnaanayaan dhulkan iyo dhulalka kalee
qeyrkiis ah. Waxaan riyo ku arkay Muxammed (SCW) oo kan ah oo jooga
agta Rabbigiisa, markaasuu (Rabbi) ku yiri:” Boqortooyaddiinnu waa 100
sano”.
Waxuu yiri:” Iigu dar”.
Markaasuu ugu daray oo uu) ku yiri:” Waa 110 sano”.
Markaasuu yiri:” Iigu dar”.
Markaasuu (ugu daray oo uu) ku yiri:” Waa 120 sano”.
Waxuu yiri:” Iigu dar”.
Markaasuu ku yiri:” Adigaa leh”.
Waxuu yiri Yazdajrid isagoo sii hadlayo:” Markaas baad i toosideen,
haddii aad iska kaydeyn lahaydeenna waxaan ogaan lahaa muddada umaddan”.
Waqtigii khilaafadii Cuthmaan ayaa la dilay boqorkii, oo khaatuma
xumo ayuu ku dhintay. ayadoo nin reer miyi ah uu kurka ka jaray.
Duullaankii Khuraazaan
Taasu waxay ahayd in Axnaf bin Qeys uu u ishaaray Cumar in
Muslimiintu ay isku waasiciyaan dhulalka oo ay furtaan dhulalka Cajamta,
oo ay ciriiri geliyaan Yazdajrid. Waaba tii uu markaa Yazdajrid gudo
galay inuu dadkiisa ku booriyo la dagaallanka Muslimiinta sidaynu soo
xusnay.
Markaa buu Cumar u ogolaaday inay ciidamada Muslimiinta isku
waasiciyaan arlada, waxuuna amray in Axnaf bin Qeys uu ku duulo dhulka
Khuraazaan oo uu kula dagaallamo Yazdajrid. Markaa buu Axnaf galay
Khuraazaan oo uu ka furtay Harraah isagoo ku furtay xoog, waxuuna ku
dhaafay Suxaar bin Filaan Al Cabdiyu, dabeetana waxuu aaday dhanka Marwi
Shahjaan oo uu markaa kusugnaa Yazdajrid. Waxuu markaa Axnaf diray
hortiisa Madhrif bin C/llaahi bin Shukheyr oo uu udiray dhanka
Naysaabuur, Xaarith bin Xasaanna waxuu u diray dhanka Sarkhas.
Markii uu Axnaf u dhawaaday Marwi Shahjaan buu Yazdajrid ka guuray
oo uu u wareegay dhanka Marwi Ruud, markaasuu Axnaf furtay Marwi
Shahjaan oo uu degay.
Markii uu Yazdajrid degay Marwi Ruud oo ahayd caasimaddii Khuraazaan
buu warqad u dirsaday boqorkii Turkiga ee Khaakhaan isagoo gurmad
weydiisanayo. Sidoo kale waxuu warqad u dirsaday boqorkii Safad isagoo
ka dalbanayo inuu gurmad usoo diro. Waxuu kaloo warqad u dirsaday
boqorkii Shiinaha isagoo ka kaalmo ka dalbanayo. Markaa buu Axnaf bin
Qeys-na ku dhaqaaqay dhanka Marwi Ruud, oo Marwi Shahjaanna waxuu kusii
dhaafay Xaaritha bin Nucmaan. Markaa iyada ahi waxaa Axnaf uga yimid
magaallooyinka Kuufa iyo Basra ciidama gurmad oo ah afar qeyb. Markii
ciidamadii bidaxda ee Axnaf ay gaareen Yazdajrid buu u guuray Balakh,
markaasay isku heleen goobta Balakh, halkaasoo uu Alle ku jebiyey
cadawga iyo ciidamadii Yasdajrid. Markaasay carareen isaga iyo intii la
baxsatay oo kamid ah asxaabtiisii, waxayna gooyeen webigii oo ay galeen
dhulka Turkiga.
Intaa kadib dhulkii Khuraazaan oo idil waxuu hoos yimid Axnaf bin
Qeys, markaasuu magaallo kasto u sameeyay masuul gaar ah, markaa buu
isagiina ku laabtay Marwi Ruud oo uu caga dhigtay, xarunna uu ka
yeeshay. Kadib buu Axnaf bin Qeys dhankii Cumar u qorey warqad uu kula
socodsiinayo qaabkii iyo dhulalkii uu ka furtay Khuraazaan guud ahaan.
Kadib Cumar waxuu warqad u qorey Axnaf bin Qeys, taasoo uu ku amrayo
inuusan gudbin webiga oo uu kusugnaado inta gacantiisa kujirto oo dhul
ah.
Kadib Yazdajrid iyo Khaakhaan Al Akbar boqorkii Turkiga iyo Junuud
aad u tiro badan ayaa dib usoo laabtay oo webiga soo gooyey, waxuuna
Yazdajrid lasoo laabtay ciidamo aad u tiro badan, waxayna soo gaareen
Balakh, markaasay masuuliyiintii Axnaf bin Qeys u wada carareen
magaalladii uu Axnaf kusugnaa ee Marwi Ruud. Yazdajrid iyo Turkidiina
waxay kasoo dhaqaaqeen Balakh oo ay dul degeen Marwi Ruud oo uu markaa
kusugnaa Axnaf bin Qeys. Markaasuu Axnaf bin Qeys lasoo dhaqaaqay
ciidamadiisii Kuufiyiinta iyo Basriyiinta dhammaan oo markaa ay
tiradoodu ahayd 20 000.
Axnaf bin Qeys waxuu ahaa nin ku xeel dheer arrimaha militerinnimada
oo waxuu ahaa mid kamid ah ragga qorshahaasi looga dambeeyo, waxuu
diyaariyey ciidamadiisii oo uu tiro yaridii kamuuqatay uu ku kaabay
isagoo ciidanka si qurux badan udhisay, kadib ciidamadii buu ka dhex
istaagay oo uu u khudbeeyay waxuuna ku yiri:” Waad yartihiin,
cadawgiinnuna waa ay badan yahiin”. Waxuu markaa akhriyey qowlka Alle
kor ahaaye:”Immiso ayay koox yari ka adkaatay koox badan Alle idinkiisa,
Illaahayna wuxuu la jiraaa kuwa sabra” Al Baqrah aayadda 249aad.
Turkidu waa ay soo baxayeen maalinta oo ay dagaallamayeen, muusanna
garaneynin Al axnaf bin Qeys halka ay habeenkii qabtaan ee ay ku
xaroodaan.
Goor habeen ah bay isaga iyo xayn kamid ah ciidamadiisii geesiyaasha
ay isasoo raaceen oo ay raadiyeen halka ay galaan Khaakhaan iyo
ciidamadiisa, waxayna goor subax ah oo waa’ beri ah arkeen rugtii
Turkida. Markaasuu arkay Axnaf nin meel kasoo baxayo, suu xaggiisii u
dhaqaaqay oo dilay, dabeeto mid kale baa soo baxay, markaasuu kiina
dilay, misna waxyar kadib mid saddexaad baa soo baxay suu isagiina
dilay. Markaasuu Axnaf si dhaqsi ah ugu laabtay goobtiisii. Markii ay
ciidankii weynaa ee Turkida soo baxeen, waxay arkeen saddexdoodii nin oo
mayd ah, wayna baaseeysteen arrinkaas. Turkida waxaa caado u ahayd
inaysan soo bixin aroorta hore jeer ay marka hore soo diraan saddex nin
oo akhyaartooda kamid ah. Markay tani ku dhacday way ka xumaadeen, wayna
baaseeysteen. Markaasuu boqorkoodii Khaakhaan ku yiri:” In badan baynu
halkaan joognay, waxayna kuwani inagu asiibeen goob aanan horey naloogu
asiibin. Wax faa’iido ah oo aanu ka heleyno majirto la dagaallanka
qoomka kan ee inaga celiya”.
Markaa bay dhulkoodii u laabteen. Muslimiintu maalintaa way sugayeen
inay usoo baxaan oo ay is helaan, hase ahaatee wax usoo baxo maysan
arag. Illeen waa dad dhanka kale ka dusay oo dhulkoodii ku laabtaye.
Kisraa isagu doqonnimadiisii iyo darxumadiisii iyo daciifnimadii
caqligiisa ayuu la laabtay isagoo khasaaray oo dulloobay oo aanan helin
wax faa’iido ah haba yaraatee. ”Cidduu Alle lumiyo ma u heleysid jid”.
Suuratu An Nissaa aayadda 88aad.
Arrintii waxay ku noqotay Maxaad sameysaa? iyo halkee baad
ciirsataa? Qaar kamid ah dadkiisii oo kamid ahaa kuwii caqliga u
saaxiibka ahaa ee kamidka ahaa garaadyadii garashada fogaa baa markuu ku
yiri:” Waxaan goostay inaan aado dhulka Shiinaha ama aan iska ag
fadhiyo boqor Khaakhaan”. Waxay ku yiraahdeen ” Waxaanu aragnaa inaanu
la heshiinno qoomkan, waayo waa dad diin ay ulaabtaan leh, oo aan degno
bar kamid ah dhulkan, oo aan la derisno, iyaga ayaa inooga kheyr badan
kuwa kalee?
Kisraa Yazdajrid wuu ka diiday fikraddaasi quruxda badan ee saliimka
ahi, ee indheergaradyadii tolkiisa ay usoo jeediyeen, wuxuuna ka doortay
gunnimo iyo khaatumo xumo, wax aanan indho la’aantiisii ahaynna ma
uusan aqbalin.
Kadib waxuu u cid dirsaday boqorkii Shiinaha, isagoo ka gurmad iyo
kaalmo dalbanayo, markaasuu boqorkii Shiinaha weydiiyay ergaygii
Yazdajrid sifada qoomkan (Muslimiinta ah) iyo sidey ku furteen dhulkan
oo ay kaga adkaadeen? Markaasuu ergaygii uga warramay sifadooda iyo sida
ay faradaha iyo awrta u fuulaan iyo waxa ay sameeyaan iyo sida ay u
tukadaan dhammaanba.
Markii uu boqorkii Shiinaha dhageystay dhammaan sifooyinkii looga
sheegay Muslimiinta buu warqad u qoray Yazdajrid isagoo ku leh:” Ma
jirto arrin ii diideyso inaan kuusoo diro ciidan horraantiisu ay tahay
Marwa aakhirkiisuna ay tahay dhulka Shiinaha. Hase ahaatee qoomkan uu ii
sifeeyay ergaygaadu sifadooda, hadday buuruhu damcaan waa ay
duminayaan, haddii aan kuu imaado si aan kuugu gargaarana waa ay i
baaba’inayaan inta ay kusuganyahiin waxa uu iiga sifeeyay ergaygaadu ee
kula heshii dhulka”.
Yazdajrid isagu waa looga adkaaday dhulkiisii isaga iyo
ehelkiisiiba, muddo yar kadib geeridii Cumar ayuu khaatumo xumi ku
dhintay isagoo nin reer miyi ah uu bireeyay.
Markii Cumar bin Khaddaab ay gaartay bishaaradii guusha ee dhulka
Khuraazaan buu Muslimiintii u khudbeeyay oo uu ku booriyey cabsida
Allaah iyo sugaanan iyo toosnaan iyo Alle ka cabsi. waxuu xasuusiyey in
uu Alle dhaxalsiiyey boqortooyadii Kisraa ee iyadu adduunka boqollaalka
sanadood ka talin jirtay iyo guryahoodii iyo hantidoodii iyo
carruurtoodii si uu Alle u eego waxa ay falaan.
Iimaam Dahabi wuxuu leeyahay:- Sanadkan ayaa la furtay Aderbiijaan,
waxaana furtay Muqiirah bin Shucbah. Waxaa la sheegaa inuu kula
heshiiyey 800 000 oo Dirham. Wallaahu aclam. Waxaa kaloo la sheegaa inuu
furtay Xabiib bin Maslama oo wata ciidamada badan oo Shaam ka yimid,
sidoo kalena ay la socdeen qaar kamid ah ciidamadii Kuufa, waxaana la
socday oo kamid ahaa Xudeyfa bin Yamaan. Waxaa la sheegaa inuu xoog ku
furtay Xabiib, wallaahu aclam.
Sidoo kale sanadkan ayuu Xudeyfa bin Yamaan Maahsandaan ku furtay
xoog, kadib markii ay buriyeen heshiis ay horey ula galeen Sacad bin
Abii Waqaas. Waxaana Xudayfa la socday ciidama badan oo ka yimid Basra
waxaa kaloo u tegay ciidama ka socday magaallada Kuufa, markaasay labada
qolo isku khilaafeen qaniimada, dabeeto Xudayfa wuxuu warqad u qoray
amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, asagoo ogeysiinaya xaallada
ay isku qabsadeen ee ah qaniimada. Cumarna wuxuu soo amray inuu siiyo
dadkii ka qeyb qaatay dagaalka oo kaliya.
Khaliifah bin Khayaad wuxuu xusay in sanadkan uu Camr bin Al Caas furtay Daraabulis.
SANADKII 23AAD
Sayf bin Cumar wuxuu xusay in sanadkan la furtay Towj oo uu furtay
Majaashac bin Mascuud ka gadaala markii uu Faarisiinta kaga laayay
dagaal maqtala aad u badan, kana qaniimeystay qaniima aad u badan.
Markaas buu ku waajibiyey inay jizyo bixiyaan dadkii halkaa deganaa.
Sidoo kale Cuthmaan bin Abul Caas Al Thaqafi ayaa isaguna furtay Jowr
dagaal daran ka dib. Dabeeto mar kale ayay furteen Isdhakhar, ka gadaal
markii ay buriyeen ballantii uu Calaa bin Al Xadrami horey ula galay.
Kadib Shahrak ayaa ballantii uu horey Muslimiinta ula galay buriyey, oo
Faarisiintiina kiciyey si ay Muslimiinta ula dagaallamaan. Arrintaasi
markuu Cuthmaan ka war helay wuxuu udiray walaalkii Xakam bin Abul Caas.
Markaas bay is heleen labadii qolo oo dagaal dhex maray, dabeetana
Xakam wuxuu dilay Shahrak iyo wiilkiisii. Sidaa ayayna kaga guuleysteen.
Furashadii Fasaa iyo Daar-Abjarad
Sanadkan ayuu Jaariyah bin Zaniim aaday dhanka Fasaa iyo Daar-
Abjarad, halkaasi waxaa ugu aruuray jamac Faarisiin ah iyo Kurdi oo
weliba aad u badan. Markaas ayuu Cumar habeen seexday oo arkay riyo
muujineyso dagaalkaasi, wuxuu arkay Muslimiintii iyo cadawga oo is helay
iyagoo isku helay goob saxara ah iyo buur weyn oo daanta dambe ee
Muslimiinta tiillay, oo haddii ay Muslimiintu gabbaad ka dhigtaan aanan
dhinac kale looga iman karin. Subaxii ayuu Cumar amray in Muslimiintu
masjidka isugu yimaadaan salaadda jamaacada, markiina la gaaray waqtigii
uu riyada ku arkay ayuu mimbarkii fuulay oo u khudbeeyey oo uga
warramay wixii uu arkay, asagoo khudbaddii wado, ayuu mar qura yiri:-
Saariyoow!! buurta buurta!!. Waxay ahayd xilli ay ciidamada halkaasi ka
dagaallamaya ku jireen halis xun oo cadawgu dhabar jebin darani la
maagganaa. Sidaa daraaddeed Saariyah wuxuu maqlay dhawaqii Cumar,
inkastoo uu joogay meel aad uga fog magaallada Madiina ee uu xilligaasi
Cumar kusugnaa. Markii uu maqlay Saariyah dhawaqaasi, wuxuu owday halkii
halista, oo dabeetana cadawgii ka guuleystay. Halkaasi Muslimiintii
waxaa ay ka qaniimeysteen maal badan, waxaana kamid ahaa maalkaasi
sanduuq jawharad ah. Sanduuqii iyo khumuskii qaniimada iyo bishaaradii
guusha ayuu u diray Saariyah dhankii amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin
Khaddaab.
Duullaankii Kurdida
Kadib ciidama badan oo Kurdi ah ayaa waxay isu aruursadeen inay
Muslimiinta la dagaallamaan, dabeetana Abii Muusa Al Ashcari ayay isku
heleen Nahru Tayr. Kadibna Abii Muusa Al Ashcari wuu ka leexday oo wuxuu
aaday dhanka Asbahaan, iyagiina wuxuu kusii dhaafay ciidama culus oo uu
hoggaaminaya Al Rabiic bin Ziyaad, ka gadaal markii la dilay walaalkiis
Muhaajir bin Ziyaad. Kadib Al Rabiic bin Ziyaad iyo Mushrikiintii waxaa
dhex maray dagaal aad u daran oo uu durba ku jebiyey cadawga kagana
adkaaday. Waa ayna jabeen, oo firxadkoodii baa kala fiigay. Wuxuuna
halkaasi ka qaniimeystay qaniimo aad u badan. Kadibna khumuskii
qaniimada iyo bishaaradii guusha ayuu u diray dhankii Cumar bin Khaddaab
Illaahay haka raalli noqdee.
Isla sanadkaas ayuu Dibbah bin Muxsin Al Canasi u tegey Cumar bin
Khaddaab isagoo kaga eed sheeganaya Abii Muusa Al Ashcari, dabeeta Cumar
wuxuu u yeeray Abii Muusa Al Ashcari, isagiina waxyaaba badan ayuu ka
cududaartay, Cumarna wuu u cududaaray, sidoo kale Dibbana wuu u
cududaaray, dabeeta Abii Muusa Al Ashcari, wuu laabtay wuxuuna aaday
magaalladii Basra, oo uu salaad tujinta madax ka ahaa.
Qaar Kamid Ah Wax Qabadkii Cumar
Ma aynu wada xusi karno wax qabadkii Cumar, waxaase laga dhugan karaa
siiradiisii iyo dhulfurashooyinkiisii. Cumar bin Khaddaab wuxuu ahaa
khaliifadii labaad ee Khulufaa’u Raashidiinka, wuxuuna ahaa afarta
Khaliif kii ugu dhul furasha badnaa. Wuxuu furtay buurahii Furus iyo
beeraheedii iyo qalcadahoodii, sidoo kale wuxuu furtay guud ahaan dhulka
Shaam, Jaziiradda, Muusal, Armiiniya, Masar iyo Aleskandariya. Wuxuu
geeriyooday askartiisii oo joogta Bilaadu Rayi, wuxuuna Shaam ka furtay,
Busra, Dimishiq, Yarmuuk, Urdun, Bayzaan, Dabariyah, Jaabiyah,
Falastin, Ramallah, Iiliyaa, Casqalaan, Ghaza, Xeebaha, Qudus, ,
Baclabak, Ximsa, Qinnasriin, Qeysaariyah, Xalab iyo Andaakiyah iyo
qeyrkooda. Masar wuxuu ka furtay Aleskandariya, Darabulis Al Qarb iyo
Barqa iyo kuwa kale. Dhanka Furus wuxuu ka furtay Qaadisiyah, Xiirah,
NaharShiir, Saabaadh, Madaa’in, Xulwaan, Dajla iyo Furaat, Ablah, Basra,
Ahwaas, Hamdaan, Nahaawunda, Baabil, Quumas, Dhulka Khuraazaan,
Isdhakhar, Asbahaan, Suus, Marwi, Naysaabuur, Maasabadaan, Maah, Jurjaan
iyo Aderbijaan iyo qeyrkooda. Askartiisu markaasi waxay goosheen webiga
la yiraahda Nahru Maraar, ayagoo horey usii socdo.
Cumar wuxuu ahaa mid ay cabsidiisu darantahay, oo Alle ka cabsi
badan, aqriyo Quraanka in badan. Indhihiisu waxaa madoobeyey ilmada
siduu u oynayay Alle dartii. Hurdadiisu waa ay yareyd, cunnadiisuna
sidoo kale, wuxuu ahaa mid raaca oo ogaada xaallada raciyadiisa.
Habeenkii waa uu wareegi jiray si uu u ogaada xaallada ay raciyaddiisu
ku sugantahay. Ma uuna lahayn wax waardiya ah, masjidka ayuu iska seexan
jiray asagoonan waxba ka cabsi qabin. Qofkii ka yimaada goballada oo
aanan horey Cumar u arag kama uuna dhex garan karayn dadka, waayo wuxuu
fali jiray inuu lamid noqdo bulshadiissa. Asagoo ay awooddiisu gaadhay
Furus iyo Shaam iyo Khuraazaan, ayuu haddana ceeshkiisu ahaa muufo
qalalan iyo milix iyo saliid. Sidaa oo ay tahay ma uuna badsan jiray
fawaakihda iyo macmacaanka adduunka. Wuxuu ahaa mid ka saahiday dunida
iyo dhalanteedkeeda. Dhanka kale wuxuu ahaa mid ku ad adag amarka
Alle. Wuxuu ahaa mid ku ad adag masuuliyiintiisa goballada oo daba gal
kusameeyo, wuxuuna ka codsan jiray qofkii uu masuul ka dhigaya, inuuna
dhisan guri weyn oo qurux badan iyo inuuna badsan cunooyinka dufanta leh
sida hilibka iyo inuuna sidoo kale badsan macmacaanka adduunka. Wuxuu
kaloo amri jiray in albaabadoodu ay iska furnaadaan. Haddii arrimahaasi
mid kamid ah ay kudhacaan, wuxuu oran jiray:- Waxaa idinku waajibeyso
ciqaabteyda. Khaatimka uu wato waxaa ku naqshadeysnaa (kafaa bil mowt
waacidan yaa Cumar!!).
Wuxuu ku seexan jiray firaash ka sameysan liif, wuxuuna gaadiid ahaan
u isticmaali jiray dameer gaaban, iskama uu weyneyn jirin dadka, inta
badan masjidka ayuu kusugnaan jiray. Qosalkiisu aad buu u yaraa,
aayadaha Quraanka ayuu ku tadaburi jiray, wuuna ooyi jiray markuu maqla
qowlka Alle. Wejigiisu waxaa ku yiillay laba xariiq oo madow ah oo ay
ilmadu sameysay.
Wuxuu aad ugu wanaagsanaa caddaaladda, waxaana caddaaladdiisu ay
gaartay xitaa inaanan la dulmin gaalladii ku hoos nooleyd Islaamka.
Taariikhdiisii ayaynu ka bogan karnaa heerkii ay gaadhay
caddaaladdiisii.
Arrimahaasi oo idil waa kuwa u suuro geliyey inuu noqdo amiir la
jecelyahay oo geygigoo idil laga heybeysto, wanaaggii iyo waxyaabahii uu
Islaamka u qabtayna waa midaanan lasoo koobi kareyn, waa halka ay
saxaabadu ka yiraahdaan:- Islaammiddiisu waxay ahayd guul,
imaaraddiisiina (xukunkiisii) waxay ahayd dhul furasho.
Caddaaladdiisii & Alle ka Cabsigiisii
Caddaaladdii Cumar waa midaanan la soo koobi karin, waxayna noqotay
mid taniyo maanta tusaale loosoo qaato. Wuxuu ahaa masuul umaddiisa u
caddaalad fali jiray, kuna caan baxay caddaaladda, oo ay geyigii oo idil
camirtay cadligiisii. Haddaba waxaanu soo qaadaan doonnaa dhowr qiso oo
ina tusinaya caddaaladdii Cumar Illaahay haka raalli noqdee.
1. Cabdiraxmaan bin Cumar bin Khaddaab iyo Abuu Surcah Cuqbah bin Al
Xaarith ayaa waxay maalin cabbeen khamri jeer ay sakraameen, ayagoo
markaasi kusugnaa dhulka Masar. Markaas buu C/Raxmaan u tegey amiirkii
dhulkaas oo ahaa Camr bin Al Caas, oo ka dalbaday inuu xadka ka oofiyo
bacdamaa uu sakraamay. Saa C/llaahi bin Cumar oo asaguna dhulka Masar
markaasi kusugnaa ayaa walaalkiis madaxa ka xiiray, kadibna Camr bin Al
Caas baa jeedalay oo ka oofiyey xadkii. Arrintaasi waxay gaadhay
amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, markaasuu warqad usoo diray
dhanka Camr bin Al Caas asagoo ku oranaya:- Iisoo dir C/Raxmaan bin
Cumar, adiguna Alle u toobad keen. Markaasi buu Camr bin Al Caas sidii
falay oo u diray dhankii Cumar. Markii C/Raxmaan uu u tegey aabahiis,
ayuu jeedalay oo ciqaabay ciqaad ka weyn middii loogu tala galay xadka
cabbidda khamriga. Dabeetana wuu xabbisay. Markaas buu wilkii
xanuunsaday, kadibna wuu geeriyooday. Al Faaruuq uma kala soocneen
dadka, kan xad ku dhaco ha noqdo mid uu dhalay ama uu jecelyahay, ama ha
noqdo mid kamid ah bulshada, wuxuu marsiin jiray mudnaantiisa. Siiba
ehelladiisa wuu u labanlaabi jiray ciqaabta.
C/llaahi bin Cumar wuxuu yiri:- Haddii uu Cumar bulshada arrin ka
reebo, wuxuu kulmin jiray ehelkiisa, oo ku oran jiray:- Waxaas iyo
waxaas ayaan dadka ka reebay, dadkuna adinka ayay idin fiirsanayaan sida
shimbirtu ay hilibka u fiirsato oo kale. Haddii aad ku dhacdaan, iyana
way ku dhacayaan. Haddiina aad ka dhowrsataan, iyana way ka
dhowrsanayaan. Illaahay baan kudhaartaye, ninkii idinka mid ah ee ku
dhaca wax aan reebay, waan u laban laabi doonaa ciqaabta, halka uu iga
joogo darteeda (maxabbada aan u hayo darteed, si ay dadka u arkaan inaan
qof kasto ku ciqaabi doono arrinkaasi). Haddaba qofkii doono ha ka
gaabsada kii doonana ha falo.
2. Al Muwadda’a Imaam Maalik waxaa ku sugan oo laga soo weriyey
Saciid bin Musayb in Cumar ay u tegeen laba nin oo doodeyso oo wax isku
haysto, oo midi Muslim yahay ka kalena uu Yahuudi yahay. Markaas baa
waxaa Cumar u caddaatay in xaqu uu leeyahay ninka Yahuudiga, suu u guday
xaqiisii. Markaas buu Yahuudigii yiri:- Dhab ahaan Illaahay baan ku
dhaartaye, si xaq ah baad ku xukuntaa. Markaasuu Cumar weydiiyey:-
Maxaad ku ogaatay? Markaasuu Yahuudigii ku yiri:- Waxaan kutubtayada ka
heleynaa inuuna jirin qaaddi wax ku xukminaya si xaq ah, illaa waxaa
labadiisa dhinac ka xiga labo malag midig iyo bidix. Kuwaasoo ku
toosinaya xaqa inuu falo mar waliboo uu xaqa lasocdo. Markii uu ka tego
xaqa, bay labadaasi malagna ka tagayaan.
3. Dhalxa bin Cubaydillaah wuxuu yiri:- Cumar baa habeen mugdiga
kusoo baxay wuxuuna galay guri. Markii aan waabariistay ayaan gurigaasi
aaday, oo waxaaba kudhex sugan haweeney duq ah oo indho la’. Markaasaan
ku dhahay:- Waa maxay ninkaan kuu yimaada xaalkiisa? Markaasay tiri:-
Wuxuu ii imanayay taniyo muddada sidaa iyo sidaas ah, wuu ii yimaadaa oo
howsha ii qabtaa, oo guriga ii haggaajiyaa.
4. Aslam Mowlaa Cumar waxaa uu yiri:- Habeen baan u la baxay Cumar
duleedka magaallada Madiina, markaasaanu aragnay iftiin bidhaamaya oo
aanu aadnay xaggiisii. Markaan u tegnay waaba haweeney fooli hayso oo
ooyeyso. Markaasuu Cumar weydiiyey xaaladdeeda? Say ku tiri:- Waxaan
ahay haweeney Carab reer miyi ah, wax aan haystana ma jirta. Markaas buu
Cumar ooyey, oo soo dhaqaaqay asagoo deg degaya oo galay gurigiisa,
markaasuu xaaskiisii Ummu Kalthuum bint Cali bin Abii Daalib ku yiri:-
Ma dooneysaa ajar uu Alle ku haleeshiiyo? Wuxuuna uga warramay qisadii.
Markaasay tiri:- Haaheey!! oo ay soo raacday. Wuxuu Cumar dhabarka kusoo
qaaday daqiiq iyo shaxmad, Ummu Kalthuumna waxay soo qaadatay qalab
dhalmada fududeynaya. Markaasay u tegeen, saa Ummu Kalthuum ay u gashay
haweeneydii. Cumarna waxaa uu la fadhiistay ninkeedii isagoo ninku)
uuna aqoon (inuu Cumar yahay amiirkii Mu’miniinta) oo way
sheekeysaneyee. Haweeneydii waa ay dhashay oo waxay dhashay wiil.
Markaas bay Ummu Kalthuum inta Cumar u timid ku tiri:- Amiirkii
Mu’miniintoow!! ugu bishaareey ninkeeda in wiil loo dhalay.
Ninkii markuu maqlay hadalka Ummu Kalthuum ee ah amiirkii
Mu’miniintoow!!, waa ay la weynaatay arrintaasi, wuuna ka cududaartay
inuu aqoonsan waayay amiirkii Mu’miniinta. Cumarna wuu u cududaaray,
wuxuuna yiri:- Wax dhiba malahan. Dabeetana wuxuu siiyey daqiiqdii iyo
raashiinkii oo idil, wuuna ka ka tegey.
5. Aslam baa mar kale sheekeeyey oo wuxuu yiri:- Habeen baa aniga iyo
Cumar aanu u baxnay Xarrah waaqim. Markii aanu marayna Suraar baa
waxaan aragnay dab. Markaasuu Cumar igu yiri:- Aslamoow!!halkaasi, waxaa
joogto rukuubleey uu habeenku kusoo gaabtay, ee inoo kaxeey xaggooda.
Markaasaanu u tegnay oo waaba haweeney ay ag joogaan ilmo yaryar iyo
dheri dabka saaran. iyadoo carruurtuna ay markaasi ooynayaan. Markaas
buu Cumar yiri:- Asalaamu caleykum asxaabta iftiimeysaay?
Markaasay haweeneydii tiri:- Wacaleykuma salaam.
Wuxuu yiri:- Miyaan soo dhawaadaa?
Waxay tiri:- Soo dhawaaw.
Wuxuu weydiiyey:- Maxaa idin helay?
Waxay tiri:- Habeenkii baa nasoo gaabiyey iyo qaboow.
Wuxuu weydiiyey:- Maxaa helay ilmaha yar ee ooynaya?
Waxay tiri:- Baahi bay la ooynayaan.
Wuxuu weydiiyey:- Waa maxay waxa dabka saaran?
Waxay tiri:- Waa biyo aan ku sasabaya jeer ay ka seexdaan, Alle ayaana dhexdayada ahaaday annaga iyo Cumar.
Markaasi haweeneydani ma dareensana inuu ninkani yahay Cumar, waxayse ogtahay in amiirka Mu’miniinta la yiraahdo Cumar.
Markaas buu Cumar ooyey, oo laabtay asagoo degdegaya, wuxuuna galay
baqaasiinkii oo kasoo saaray daqiiq iyo saliid, markaasuu Aslam ku
yiri:- Aslamoow!! ii saari dhabarka.
Wuxuu yiri Aslam:- Anigaa kaa qaadaya.
Wuxuu yiri Cumar:- Oo ma adigaa iga qaadeysid dembigeyga maalinta
Qiyaama? Dabadeed daqiiqdii iyo saliiddii ayuu dhabarka kusoo qaaday oo
u geeyey haweeneydii. Markaas buu daqiiqdii dhabarkiisa ka dejiyey oo
inta in xoogaa ah kasoo qaaday ku shubay dherigi, saliiddiina uu ku
daray, oo dabadeed dabkii afuufay muddo, ayadoo qiiquna uu buuxiyey
gadhkiisa. Kadib waa uu kasoo dejiyey. Dabadeed wuxuu dalbaday weel, oo
ugu riday, suu hor dhigay ilmahii yaraa, oo ka hoos leexday, wuxuuna ku
yiri:- Cunaya!!. Markaasay cuneen jeer ay dhargeen. Haweeneydiina way u
duceyneysay ayadoonan ogeyn inuu yahay amiirkii Mu’miniinta. Cumar
kamuuna tegin jeer ay carruurtii seexdeen. Markaas buu raashiinkii u
reebay oo ka tegey. Markaas buu inta xaggeyga usoo jeestay buu igu
yiri:- Aslamoow!! waxa soo jeediyey ee ka oohinayay waa baahida.
6. Cali bin Abii Daalib ayaa Cumar kula kulmay duleedka magaallada
Madiina xilli uu hanfi kululi dhacaya. Markaasuu weydiiyey:- Halkee baad
kusocotaa amiirkii Mu’miniintoow!!?
Wuxuu yiri:- Awr kamid ah geelii saddaqada oo lumay ayaan raadinayaa, oo aan dalabkiisa kujiraa.
Markaasuu Cali yiri:- Dhab ahaan, waa aad daalisay khaliifada kaa dambeyso.
Caddaaladdiisii waxay ahayd mid aanan la soo koobin karin xusiddeeda,
wuxuuna ahaa mid ay mashriq iyo maqrib gaadhay caddaaladiisii Illaahay
haka raalli noqdee. Sidoo kale wuxuu ahaa mid ay Alle ka cabsigu ku
weyntahay.
Alla ka cabsigiisii wuxuu gaaray heer aanan la miithaali karin. Anas
bin Maalik, wuxuu sheegay in Cumar markii uu salaadda Cisha dadka tujiyo
kadib uu aadi jiray gurigiisa oo uu ilaa fajarka salaad u taagnaan
jiray.
Siduu usoomi jiray baa midibkiisii doorsoomay oo uu noqday madow
weyti ah. Markii ay dhacday abaartii Rammaadah, wuxuu iska xarrimay oo
ka fogaaday cunidda wax dufan leh, asagoo markii horeba ku noolaa kibis
iyo milix iyo saliid, taasoo uu weli ka dhergi jirin. Taasuna waxay
gaarsiiyey in midibkiisii uu doorsoomay oo si aad ah u dhuubtay,
awooddiisuna daciiftay. Wuxuu gaaray heer ay Muslimiintii u naxeen
naftiisa. Wuxuuna asagu oran jiray:- Waali (masuul) baas baan ahay
haddii aan dhergo Muslimiintoo baahan.
Sanadkasi ay dhacday abaartii loo yaqaanay Rammaadah, xaaladdu markay
darraatay, oo umaddii baahi daray aafeysay, baa Cubaydillaah bin Cumar
wuxuu qashay neef ri’ ah oo u joogtay, wuxuuna amray xaaskiisii inay u
sameyso si ay u quutaan maadaama aanay muddo dhadhamin quud dufan leh.
Cumar bin Khaddaab baa markii uu arrintaasi ogaaday yimid gurigii
Cubeydilalah oo inta aad u carooday ku canaantay falka uu sameyey xilli
ay Muslimiintu baahanyahiin oo abaar darani ku habsatay. Markaas buu
Cumar amray in markii hilibka iyo kibista la diyaariyo asaga loo keeno.
Wuxuuna amray oo loo yeeray saxaabadii waa weyneed ee Muhaajiriin iyo
Ansaar. Ayagii ayuuna amray inay cunaan hilibkii iyo kibistii.
Wejiga Cumar waxaa ku yiillay labo xariiq oo madmadow ah, kuwaasoo ay
sameysay ilmadii ka quban jirtay siduu Alle u caabbudi jiray darteeda
oo u ooyi jiray markii uu akhrinaya Quraanka. Wuxuuna ahaa mid cabsida
Alle darteed la ooyo. Mararka qaar wuu miyir beeli jiray marka uu
akhriyo Quraanka kariimka, oo marar dambe soo miyirsan jiray. Taasu
waxay sababi jirtay in maalmo gurigiisa lagu soo booqdo isagoo aanay
jirin wax cudur ah oo haya marka laga reebo cabsida Alle oo uu la
sakaraadi jiray.
Asagoo khaliifa ah, oo xukunkiisa uu gaaray bari iyo galbeed, ayaa
wuxuu ku lebisan jiray maro suuf ah oo dhammaad ah, oo aanan ishu
qabaneyn. Lagama dhex garanayn Muslimiinta. Qofkii aanan horey u aqoon
Cumar, haddii uu masjidka soo galo ayadoo Cumar uu asxaabtiisa la
fadhiyo, waxaa qofkaasi dhib ku noqoneysay inuu ogaado qofka Cumar ah.
Ma uusan lahayn waardiyo, masjidka ayuuna iska seexan jiray intuu
go’iisa huwado, ayadoo carruurta yaryari ay ku cayaarayaan, dushiisa
ayuu iska gam’i jiray.
Mar la geeyey Hurmuzaan magaalladii Madiina, oo masjidkii la geeyey
si uu Cumar halkaasi kula kulmo, wuxuu arkay Cumar oo go’ yar huwan oo
masjidka dhex jiifa, iyadoonay jirin cid waardiyeyneyso. Waxay Hurmuzaan
taasi ku noqotay fajaciso, waayo wuxuu qaadan waayay ninka boqortooyada
Furus iyo ta Ruum ay ka fadhin waayeen ee la wareegay, adduunkii
xilligaasi jirayna intiisa badan ay asaga hoos timaaddo inuu meel cidlo
ah oo misna dhulka masjidka iska jiifo waxay kunoqotay wax maskaxdiisa
ka weyn. Sidaa darteed buu Hurmuzaan ku celceliyey:- Meeyey
waardiyaashiisii?
Dharkiisa ayuu meydhan jiray, maradiisuna waxaa laga heli jiray dhowr
karan oo uu asagu gacantiisa ku tolan jiray, kabahiisuna sidoo kale.
Anas bin Maalik wuxuu yiri:- Waxaan la joogay Cumar. Markaasuu galay
beer, waxaana inoo dhaxeeyey deyrka beerta, suu yiri (asagoo isla
hadlaya):- Cumar bin Khaddaab, amiirkii Mu’miniinta. Bakh!! bakh!!.
Illaahay baan ku dhaartaye, waad Alle ka cabsataa ina Khaddaaboow!! ama
lagu cadaabyay. Markaasaa la weydiiyey arrinkaas. Suu yiri:- Nafteyda
baa i cajabisay. Markaasaan damcay inaan liido.
Khaatumkiisa (fargashigiisa) waxaa ku naqshadeysnaa weedhan Kafaa bil
Mowti Wacidan Yaa Cumar!!. Oo la macno ah, geerida ayaa waano kuugu
filan Cumaroow!!.
Dilkii Amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab
Markii uu ka faaruqay sanadkii 23aad Xajka wuxuu degay Al Abdhax,
halkaasoo uu Alle ku baryay, asagoo uga ashkatoonaya in cimrigiisii
weynaaday, raciyadiisuna badatay, dhulalkiina uu kusii fogaaday oo meelo
badan uu furtay, quwaddiisiina ay daciiftay. Wuxuu markaasi Illaahay ka
baryay inuu oofsado oo kumanneysto shahaado, kuna oofsado magaalladii
Nebiga SCW ee Madiinah.
Labadaasi arrimood ee ah shahaadada iyo inuu ku dhinto baladkii
Rasuulka Alle SCW, Illaahay wuu u qadaray, wuuna ka aqbalay addoonkiisii
ducada, waxaana dilay gaal Majuusi ah oo la oran jiray Abuu Lu’lu’ah
Fayruuz bin Rustum Al Majuusi. Kaasoo dilay goor salaad subax ah, asagoo
dadka tujinaya oo istaagay mixraabka, subax Arbaco ah dhammaadkii
bishii Dil Xajjah, wuxuuna la helay qinjir (middi) labo afood leh, oo
uu ku dhuftay saddex dhufasho, waxaa kaloo la sheegaa inuu ku dhuftay
lix darbo oo halis ah. Markaas buu Cumar dhacay oo inta gacanta qabtay
C/Raxmaan bin Cowf amray inuu dadka salaadda ka bixiya. Ninkii Majuusiga
ahaa wuxuu mindidii khinjirka ahayd lasii maray wixii uu arko, wuxuuna
sidaa ku dhaawacay 13 ruux, oo lix kamidi ay dhinteen. Dabeetana
C/llaahi bin Cowf ayaa go’iisii ku qabtay. Markiina uu arkay inuu gacan
galay ayuu is dilay gaalkii Majuusiga ahaa, lacnadi dushiisu ha
ahaatee. Markaas baa Cumar gurigiisii loo qaaday. Marna wuu
miyirbeelayay, marna wuu soo miyirsanayay. Markuu soo miyirsaday wuxuu
dadkii weydiiyey in salaaddii la tukaday? Markaasay usheegeen in la
tukaday, markaasuu yiri:- Nasiib malahan qofkii ay ka taga. Dabeetana
wuxuu dalbaday weysa oo tukaday. Waqtigaasina wuxuu ahaa ka hor
intaanay qorraxdu soo bixin. Dabadeed wuxuu weydiiyey qofka dilay? Waxaa
lagu yiri:- Abuu Lu’lu’ah adeegahii Muqiirah bin Shucbah. Markaasi buu
Cumar farxay oo Alle mahadiyey inuu dilkiisa ku sababay qof aanan
weligiis Alle u sujuudin. Misna wuxuu yiri:- Illaahay ha dulleeyo’ee
waxaanu amarnay wanaag.
Ninkan wuxuu adeega u ahaa Muqiirah bin Shucbah. Wuxuuna ahaa farsama
yaqaan tumaal iyo fuundi ah, markaasuu Muqiirah u qoray malin waliba 2
Dirham. Dabeeta Cumar baa amray inuu u siyaadiyo maadaama uu yahay nin
sanca yaqaan ah. Cumar ma uu ogolaan jirin in magaalladu ay soo gasho
cidaanan laga aqoon, sidoo kalena ma ogoleyn in idin la’aan laga baxa
magaallada Madiina. Sifada uu ninkani kusoo galay magaalladu waxay
ahayd, Muqiirah bin Shucbah baa gobalka warqad uga soo diray Cumar,
asagoo ka codsanaya inuu usoo diro nin Majuusi ah oo farsama yaqaan ah,
si uu reer Madiina uga caawiya dhanka farsamada gurya dhisidda iwm.
Markaas buu Cumar ka yeelay oo kusoo dhaweeyey. Sidaa darteed baa wuxuu
markii dambe Cumar amray Muqiirah inuu u kordhiyo intuu horey ugu tala
galay mishahar ahaan.
Intaas dabadeed Markii Cumar la duray wuxuu dhibsaday inuu khaliif
sameeyo, wuxuuna jecleystay inuu khaliif la’aan ka tego umadda, oo
haddii Alle kheyr waafajiyo uu asaga haleeshiiyo koodii ugu kheyr
badan. Saxaabo badan iyo dadkii Muslimiinta ayaa arrintaasi ay u cuntami
weyday, waxayna ku taliyeen inuu Cumar sameeyo khaliif asaga bacdigiisa
ah. Qaar uu Muqiirah ku jiro ayaa waxay u tilmaameen inuu C/llaahi bin
Cumar u dardaarmo khilaafada, balse arrintaasi Cumar aad buu uga
xanaaqay, kuna canaantay dadkii fikraddaasi usoo jeediyey. Runtii
C/llaahi wuxuu ahaa nin u qalmay booskaasi, oo taqwa iyo suhdi badan,
balse Cumar wuxuu dhibsanayay in arrintu ay dhaxaltooyo u ekaato. Wuxuu
markuu ka fursan waayay arrinkan masuliyadda ahi u dardaarmay lix nin
oo kamid ah kuwii uu Rasuulka SCW ka geeriyooday asagoo ka raalli ah,
kana mid ah tobankii jannada loogu bishaareeyey. Waxayna kala ahaayeen
Cuthmaan bin Cafaan, Cali bin Abii Daalib, C/Raxmaan bin Cowf, Dalxa bin
Cubaydillaah Zubayr bin Al Cawaam iyo Sacad bin Abii Waqaas. Wuxuu ka
reebay Saciid bin Zayd oo kamid ahaa 10-kii Jannada loogu bishaareeyey.
Sababtuna waxay ahayd inay qaraabo soke ahaayeen. Wuxuuna Cumar oran
jiray:- Arrinkii Muslimiinta halaga weydiiyo reer Khaddaab nin qura
(yacni asaga Cumar oo kaliya halaga weydiiyo maalinta Qiyaama). Wuxuu
sidoo kale dhibsaday Cumar inuu sameeyo khaliif, siduu u sameeyey Abuu
Bakar oo kale. Dadkiina waa ay ku adkeeyeen arrinkaas, markaas buuna
amray in lixdaasi nin ay mid iska doortaan. Wuxuuna ku daray C/llaahi
bin Cumar si uu goob joog ula ahaado marka ay shirayaan oo uu u waaniyo.
Wuxuuna amray inuusan C/llaahi arrinka waxba ku lahayn oo aanan la
dooran kareyn. Dhanka kale wuxuu yiri:- Haddii ay Cali doortaan
dhabbada toosan ayuu qaadsiin. Markaas buu wiilkiisa C/llaahi weydiiyey
sababta uuna u magacaabeyn Cali. Wuxuuse markaasi sheegay inuu
dhibsanaya in masuuliyadaasi ay sii saarnaato xitaa markuu dhinta ka
dib. Misna mar kale wuxuu yiri:- Umaleyn mahayo in dadku ay ku doorsan
doonaan Cuthmaan iyo Cali qof kale. Misna asagoo lixdii nin la hadlaya
wuxuu amray hadday saddex iyo saddex noqdaan, in la raaco saddexda uu
kujiro C/Raxmaan bin Cowf. Sidoo kale wuxuu yiri:- Haddii Sacad la
doorto waa haggaag, haddiina la dooran, kiinnii la doorto hala tashado
Sacad, waayo ugama aanan casilin magaallada Kuufo khayaano ama inuu
kasoo bixi waayey. Dabeeta wuxuu u yeeray Abuu Dalxa Al Ansaari iyo Al
Miqdaad bin Camr oo amray inay soo kaxaystaan 50 nin oo markaasi
albaabka u fadhiistaan nimanka ahlu shuuraha ahi, oo dadka ka
waardiyeeyaan. Wuxuuna amray haddii ay saddex casho gudahooda amiir ku
dooran waayaan dhimashada Cumar kadib inuu lixda ninba unuunka u
dheereeyo, yacni qoorta jaro. Wuxuu sidoo kale amray haddii amiir la
doorto oo mid kale ka daba kaca in qoorta la jaro.
Dabeeta wuxuu Cumar diray wiilkiisii C/llaahi oo uu u diray dhanka
Caa’isha si uu uga soo idmo in lagu aaso labadiisii Rafiiq agtooda
Rasuulka SCW iyo Abuu Bakar. Markaas bay Caa’isha ayadoo ooyeysa u
ogolaatay (waxay ka murugeysneed dhimashada amiirka Muäminiinta).
Waxayna marki hore halkaasi ugu talo gashay in ayada naf ahaanteeda lagu
aaso. Waxayna u sheegtay C/llaahi bin Cumar in amiirka uu kamudanyahay
ayada, oo ay u hibeysay booskeedii. Sidaa darteed buu C/llaahi u
laabtay Cumar oo u sheegay. Wuxuu intaasi kadib Cumar amray in markii uu
dhinta loo qaado gurigii Caa’isha oo mar kale laweydiiya oo haddii ay u
ogolaato markaasi lagu aaso haddii aanay ogolaanna loo qaado qabuuraha
Baqiic. Wuxuuna sheegay in laga yaabo inay ka xishootay markii uu
weydiistay.
Wuxuu sii amray salaad tujinta muddada ay ahlu shuuraha shirayaan
inuu tujiya Suheyb bin Sinaan Al Ruumi. Horraantii bishii Muxarram
maalin Axad ah ayaana lagu ag aasay labadiisii rafiiq, goobta gurigii
Caa’isha.
Wiilkiisii Cubeydillaah bin Cumar ayaa wuxuu dilay Hurmuzaan, iyo nin
Ruumaan ah oo la oran jiray Jufaynah Al Ruumi iyo gabar uu dhalay Abuu
Lu’lu’ah, si uu ugu aaro aabahiis. Nimankaasina waxaa la sheegaa inay
ka dambeyeen dilkii Cumar. Markaas buu Cumar amray in la soo qabta
Cubaydillaah oo markii ahlu shuuraha ay amiir iska dhex doortaan uu
hadhowta amiirkaasi xukmiyo haddii xukun qisaas ah lagu fulin doona iyo
haddii kaleba.
Illaahay ha u nuuriyo qabrigiisa amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab. Aamiin Aaamiin Aamiin.
Mohammed Dahir Abdi_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:00 and have
, Published at