Wefdi Uu Hogaaminayo Gudoomiye Tigeey Iyo Qaramada-Midoobay Oo Booqasho Ku Tagay Garacad Iyo Hadiyado La Gudoonsiiyay(Daawo Sawiro)

Wefdi Uu Hogaaminayo Gudoomiye Tigeey Iyo Qaramada-Midoobay Oo Booqasho Ku Tagay Garacad Iyo Hadiyado La Gudoonsiiyay(Daawo Sawiro)


Wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa booqasho ku soo kala bixiyay deegaanada bariga gobolka Mudug.

Wafdiga ayaa waxaa ay isugu jireen Masuuliyiinta Maamulka gobolka Mudug, Maamulka Degmada Jariiban, Maamulka beesha Ballibusle, Qurbajoogta gobolka Mudug, Saraakiil ka socota Qaramada Midoobay, Ganacsato u dhalatay dalka Shiinaha iyo Odayaasha deegaanka.

Xubnaha wafdiga ayaa waxay soo booqdeen deegaanada Godod, Gacnafale, Ceelbardaale, Tuulo Guuco, Ballibusle, Buubi, Seemade, Booc, Jariiban, Mareer, Garacad, Kulub, Garoonka diyaaradaha Garacad, Marsadda Dhabar xagato iyo meelo kale.

Gudoomiyaha gobolka Mudug iyo wafdiga balaaran ee uu horkacayay ayaa xog wareysi waxay la yeesheen dhammaan masuuliyiintii iyo dadweynihii deganaa goobihii ay booqdeen, waxayna dadka kala sheekeysteen baahiya ay qabaan iyo waxa ay jecel yihiin in laga caawiyo.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ka socotay ayaa iyagu waxay u kuura galayeen dadka deegaanka baahiyaha ay qabaan iyo waxa ay doonayaan in laga gacan siiyo iyagoo sidoo kalena qiimeyn ku sameynayay amniga deegaanka si mustaqbalka ay uga hawlgalaan hay’adaha samafalka, waxayna dadka deegaanka ka heleen xog fiican oo ku aadan amniga iyo baahida loo qabo hay’addaha samafalka.

Dhammaan deegaanadii la booqday waxay ka sinnaayeen codsiga in wax laga qabto wadada dheer ee isku xirta Gaalkacyo iyo Garacad oo ah wado raf ah oo dadku dhibsadaan xilliga ay ku safrayaan inkastoo haatan ay socdaan dadaalo qeyb ka mid ah wadada lagu dhisay, qaaraanna looga aruurinayo dadka deegaanka si loo dhameystiro wadada.

Xubnaha wafdigu waxay si amaan ah ku soo booqdeen dhammaan deegaanada aan kor ku soo sheegnay iyagoo si damaashaad leh u soo maray meelo ay ka mid tahay Xeebta Garacad oo lagu tirin jiray goobaha amni darrada ah ee lagu soo xirto maraakiibta iyo shaqaalaha ajaanibta ah ee la soo qafaasho, waxayna wafdigu ogaadeen in ay tahay xeebta Garacad meelaha ugu nabadgelyada badan gobolka Mudug.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa isagoo ku sugan xeebta magaalada Garacad wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin amaan darrada lagu sheego Garacad, sidoo kalena magaalada Garacad lagula dagaalamay burcadbadeedii kadibna laga saaray, dadka deegaankuna ay soo dhoweeyeen burcadda laga eryay magaalada iyo xeebteeda.

Waxaa wafdiga xubno ka ahaa Saraakiil ka socotay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca amaanka ee UNDSS oo uu ka socday Mr, Romen, iyo Hay’adda isku xirka hay’addaha ee UNOCHA oo uu ka socday C/llaahi Warsame iyo Shirkad kaluumeysi oo wadani ah oo la yiraahdo Ocean Organic iyo laba qof oo ajnabi ah oo u dhashay dalka Shiinaha oo ka tirsan shirkadda Ocean Organic oo ay ka socdeen Mr, Jack iyo Ms, Mia.

Kaluumeysatada ka jilaabata xeebta Garacad ayaa la hadlay qeybaha warbaahinta, waxayna sheegeen in ay ku kaluumeystaan si nabad ah, waxayna balan qaadeen in ay ka qeyb qaadanayaan barnaamijyada horumarinta deegaanka sida in ay ka qeyb qaataan oo ay dhaqaalahooda ku bixiyaan dhismaha wadooyinka.

Sidoo kale waxaa Garacad si nabad ah ugu nool Barakacayaal ka yimid gobolada koonfurta Soomaaliya, waxayna ka mahad celiyeen dadka deegaanku sida ay u soo dhoweeyeen, waxayna sheegeen in ay si xor ah uga shaqeystaan Garacad iyagoo ka shaqeysta kaluumeysiga iyo sidoo kale xoogsiga magaalada.

C/xamiid Islaan Faarax iyo Shiikh Bashiir Shiikh Xasan oo ka mid aha xubnaha wafdiga ayaa waxay baaq u direen dadka u dhashay gobolka Mudug ee jooga gudaha iyo dibada, waxayna ugu baaqeen in ay ka soo qeyb qaataan horumarinta gobolka Mudug sida dhismaha wadooyinka iyo dhismaha xarumaha adeega bulshada.

Magaalada Garacad waa magaalo soo koreysa oo leh xeeb baaxad weyn oo uu ka buuxo kheyraad kala duwan, waxay leedahay Marsad iyo Garoon diyaaradeed, waxaa magaalada iyo hareeraheeda ku sugan ugaarta noocyadeeda kala duwan sida Deerada, Gorayada iyo noocya kale oo aan gobolada kale lagu arag noocooda, waxay sidoo kale Garacad hodan ku tahay oo ka muuqday xoolaha nool sida Geela, Ariga iyo Lo’da oo heysta daaqsin fiican.
















_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada