Didier Drogba Oo Magaciisa Ka Waayay Liiska Ciyaartooyda Ivroy Coast Ee Wajahaya Gambia.

Didier Drogba Oo Magaciisa Ka Waayay Liiska Ciyaartooyda Ivroy Coast Ee Wajahaya Gambia.


Liiska ciyaartooya 28-ka ah ee ee loogu yeeray in ay matalaan qaranka Ivory Coast ee is reeb reebka loogu soo baxayo koobka aduunka ee qaarada africa ayaa laga waayay magaca Didier Drogba oo hataan ka ciyaara horyaalka Turkiga.

Qaranka Ivory Coast ayaa maalinta sabtida ah marti gilineya qaranka Gambia kulan qeyb ka ah wareegga 3-aad ee is reeb reebka koobka aduunka .
Sababta tababraha Ivroy Coast ee haysta dhalshada Faransiiska balse asal ahaanta ka soo jeeda Aljeria Lamouchi uu uga reebay Drogba liiskaas ayaan cadeyn balse waxaa la tilmaamayaa in ay tahay mid al xariirta heer ciyaareedka Drogba oo hoos u dhacay.
Drogba ayaa koxodiisa Galatasaray kala qeyb qaatay gushii ay ka soo hoyiyeen Schalke iyaga oo haatan u soo gudbay wareegga 8-aad ee Champion-ka .
Sidoo kale xiddigaha laga soo tagay ayaa waxaa ka mid ah Emmanuel Eboue iyo Romaric oo u ciyaara Real Zaragoza ee horyaalka  dalka Spain .

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada