Kenyatta oo Weli ku Horeeya Doorashada Kenya

Kenyatta oo Weli ku Horeeya Doorashada Kenya

Natiijooyinka KMG ah ee ka soo baxaya doorashada qaran ee dalka Kenya, ayaa muujinaya in Uhuru Kenyatta uu hogaaminayo tirinta codadka doorashada madaxtinimo.

Iyada oo boqolkiiba 40 la tiriyey codadkii Talaadan maanta, ayaa waxaa la soo werinayaa in weli uu Mr. Uhuru Kenyatta 53% ku hogaaminayo ninka ay tartanka kuwada jiraan ee Raila Odinga oo isagu haysta 41%

Haddii labadooda uu midkoodna cod weyn heli waayo, waxa bisha April dalkaas laga qaban doonaa doorasho ku celis ah.

Mr. Kenyatta oo hadda haya xilka RW-e ku-xigeenka, ayaa taageero weyn ka haysta deegaanada dhinaca woqooyi ka xiga magaalada Nairobi, halka Mr. Odinga uu guulo ka soo hoynayo deegaanada galbeedka iyo qeybo ka mid ah koonfurta dalka.

Ilaa 14 milyan oo reer Kenya ah ayaa u diiwaan gashan codeynta doorashooyinka guud. Mr. Odinga iyo Mr. Kenyatta ayaa labaduba ballan qaaday inay qadarin doonaan natiijada doorashada.

Mr. Kenyatta ayaa waxa horyaalla dacwado kaga socoda Maxkmadda Dambiyada ee Caalamiga ah, isaga oo lagu eedeeyey inuu kaalin ka geystay gacan-ka-hadal abaabulan oo isir ku saleysan, kaasoo dhacay ka dib doorashadii dalkaas ka dhacday sanadkii 2007dii. Tiro ka badan 1,100 qof ayaa gacan-ka-hadalkaas ku dhintay.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada