Maxaad Ka Taqaana Qabiilka Lagu Tilmaamo Qabiilka Ugu Layaabka Badan Dunida, (Daawo Sawiro layaab leh)

Maxaad Ka Taqaana Qabiilka Lagu Tilmaamo Qabiilka Ugu Layaabka Badan Dunida, (Daawo Sawiro layaab leh)


Waxa dhawaan la soo bandhigay buug cusub oo loogu magac daray, Quruxdii Dabiiciga ahayd, ee Qabiil Isku Qurxiyo Oo Afrika ka yimdi, (Natural Fashion: Tribal Decoration From Afrika), buugan ayaa si layaab leh uga sheekaynaya qabiilka Omo Lagu magacaabo oo ku nool dalka Ethiopia.

Sida wargeyska ka soo baxa dalka Britain ee Daily Mail ku waramay waxa sawiradan layaabka leh ee aanay inta badan dadka dunida ku dhaqani rumaysan karin xiligan, ka soo qaaday sawir qaade lagu magacaabo, Hans Silvester, kaas oo muddo la noolaa qabiilkan lagu magacaabo Omo oo tiradooda lagu qiyaaso ilaa laba boqol oo kun oo qof.

Sida ninkan sawirada layaabka leh ka soo qaaday ku andacooday waxa dadkaasi ay dhar ka dhigtaan dabeecada, sida dhirta iyo midhaha uga soo baxa beeraha, waxa carruurtoodu jidhkooda ku qariyaan ama ku xardhaan dhoobada taas oo sida huga oo kale u ah.

Haweenka ayaa madaxa ku daboola midhaha beeraha sida xasiida iyo garowga, halka jidhka intiisa kalana ay kaga qariyaan caleenta dhirta, waxaanu ninkaasi ku tilmaamay qabiilkan mid ka hadhay nolosha dunida ee is bad badalaysa.

Dadkani waxa ay ku nool yihiin hareeraha harada loo yaqaano Omo Valley taas oo ku taala dalka Ethiopia, laguna tiriyo inay ka mid tahay harooyinka Rifft Valley, waxay ka kooban yihiin qibiilo tiro badan oo ay ku kala baxaan kuwaas oo ay ka mid yihiin, Arbore, Ari, Bena, Bodi, Bumi, Daasanech, Dorze, Hamer, Kara, Konso, Kwegu, Mursi, Tsemay, iyo Turkana.

Ugu yaraan sadex jeer ayay maalintii jidhkooda mariyaan dhoobo ay ku doonayaan inay dhar ka dhigtaan si kulaylka cad ceeda ay uga yarayso dhoobadaas qoyani, waa dad aan waxba ka ogayn dunida, waxba kala socon siyaasada iyo horumarka dunida ka taagan, waxaana lagu tilmaami karaa dad saacada wakhtiga iyo is badalka ee dunidu ka istaagtay.

Waxa ay leeyihiin dhaqamo iyo caadooyin tiro badan oo aanay waxba iska badalin, run ahaantii iyagu noloshooda may badalin, laakiin waxa uu qoraaga sawiradan ka soo qaaday walaac ka muujinaya nolosha casriga ah oo iyadu ku sii durkaysa dadkaas.






















_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada