UEFA Oo Uga Digtay Taageerayaasha Man United Inay Isticmaalaan Iftiinka Shucaaca (Lasers) Kulanka Caaawa.

UEFA Oo Uga Digtay Taageerayaasha Man United Inay Isticmaalaan Iftiinka Shucaaca (Lasers) Kulanka Caaawa.


Taageerayaasha Manchester United ayaa looga digay in kooxdooda ay wajihi doonto ganaax culus hadii iftiinka shucaaca (laser) ay ku bartilmaameedsadaan ciyaartoyda Real Madrid kulanka caawa ee Old Trafford.
Shucaaca (laser) oo halis keeni kara ayaa Cristiano Ronaldo lagu bartilmaameedsaday markii Madrid ay la ciyaareysa Barcelona kulankii isbuucii hore ka dhacay Nou Cap, Uefa ayaana balanqaaday inay talaabo qaadi doonto hadii taageerayaasha garoonka Old Trafford ay dhacdo sidaas oo kale ku celiyaan.
Afhayeen u hadlay UEFA ayaa yiri: “Waa wax aad u cad, inaan la ogoleyn iftiinka shucaaca (laser) mana dooneyno inaan aragno. Waa wax caadi inoo ah inaan kiis dishibiliin ka furno isticmaalka iftiinka shucaaca (laser).
“Waxa ay ku xiran tahay waxyaabaha kale ee garoonka ka dhaca inta ay socoto ciyaarta, waan isku uruurin doonaa, laakiin waxaan qaadi doonaa talaabooyin balaaran.
“Waxa ay ku xiran tahay kooxda iyo boliiska inay koontaroolaan waxyaabaha ay taageerayaasha la soo galayaan garoonka, laakiin kooxda ayaa ka mas’uul ah hab dhaqanka taageerayaasha inta ciyaarta socoto.”

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada