Barcelona Oo Ku Sii Dhawaaneysa Hanashada Horyaalka La Liga Xilli Ay Qaarjiyeen Real Zaragoza.

Barcelona Oo Ku Sii Dhawaaneysa Hanashada Horyaalka La Liga Xilli Ay Qaarjiyeen Real Zaragoza.

daajis.com:-Kooxda Barcelona ayaa talaabo kale u sii qaaday hanashada horyaalka La Liga ka dib markii ay 3-0 ku dardareen kooxda Real Zaragoza oo marti loo ahaa.

Barcelona oo ay ka maqnaayeen qaar badan oo xiddigahooda ah sida Lionel Messi, Andres Iniesta, Jordi Alba iyo Sergio Busquets ayaa guul ay u qalmeen ka gaaray Zaragoza.

Barcelona ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 20aad, Thiago ayaa kubad counter-attack aheyd ku hogaamiyay Barcelona isagoo kubada u dhiibtay Alexis Sanchez kaasoo isna kubada u celiyay ciyaaryahanka khadka dhexe oo isna kubada dhex dhigay shabaqa.

Blaugrana ayaa hogaanka dheereysatay daqiiqadii 38aad ee ciyaarta, Cristaino Tello ayaana kubad dabamariyay goolhaye Roberto.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay iyadoo Barcelona ay 2-0 ku hogaamineyso ciyaarta.


Bilowgii qeybta labaad daqiiqadii 53aad ayaa Tello uu helay goolkiisii labaad ee ciyaarta iyo goolkii seddexaad ee Barcelona, waxaana uu sidoo kale ahaa goolkaas uu si wacan u dhameystiray goolkiisii 7aad ee xilli ciyaareedka.

Barcelona ayaana aakhirkii ku badisay 3-0, iyadoo guushaan ka saacideysa inay hogaanka La Liga ku qabtaan 81 dhibcood iyadoo 7 kulan ay ka harsan tahay horyaalka, waxaana ay haatan 16 dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad ee Real Madrid kuwaasoo caawa la ciyaari doona Athletic Bilbao.

Dhanka kale kooxda kaalinta 3aad ee Atletico Madrid ayaa ku dhibco noqotay Real Madrid oo ay wadaagaan 65 dhibcood ka dib markii ay shan gool iyo waxba ku direen Garanada.

Radamel Falcao ayaa labo gool oo ka mid ah dhaliyay halka Diego Coasta, Garcia iyo Filipe ay goolasha kala qeybsadeen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada