Fanaanada Falis Cabdi oo Albun Cusub Ku Duubayso Xeebta Liido

Fanaanada Falis Cabdi oo Albun Cusub Ku Duubayso Xeebta Liido

daajis.com:-Fanaanada Soomaaliyeed ee taageeraha badan leh kana tirsan Kooxda Waayaha cusub Falis Cabdi ayaa lugu wadaa in ay dhawaan ku duubto  album cusub  Xeebto Liido oo ay uga hadlayso nabada ka dhalatay Dalka Soomaaliya .

Falis Cabdi oo ay ku wahliyaan Fanaaniin ajaaniib ah iyo kuwa Kooxda Waayaha Cusub ayaa iminka booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho iyagoo sida lugu soo waramayo Bandhigya kala duwan ku qabanaya Degmooyinka Magaalada Muqdisho .

Filimsheeg oo xariir la saameeyay Fanaaniintaa qaar ka mid ah ayay u xaqiijiyeen in socdaalkood uu la xariiro u kuur galida xaaladaha dhabtaa ee Soomaaliya ka jira waxa ayna sheegeen in socdaalkooda ay ku tagi doonaan Gooba dhoor ah oo Soomaliya ka tirsan .

Fanaanada Falis Cabdi ayaa ah Fanaanad taaheerayaal badan leh waxa ayna ka mid tahay Fanaaniita loogu jacayl yahay Soomaaliya inakstoo la sheego in Falis oo uu qabo Gudoomiyaha Kooxda Waayaha Cusub khilaaf u dhaxeeyo Fanaanada Ikraan Caraale .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada