Geeraar Jaceyl : Yuu Dhibay Jacayl , Ku Dhaliyay Walaac, Dhallan Rogay Naftiiso Oo Uu Qalbigiisa Wax U Dhimay

Geeraar Jaceyl : Yuu Dhibay Jacayl , Ku Dhaliyay Walaac, Dhallan Rogay Naftiiso Oo Uu Qalbigiisa Wax U Dhimay

daajis.com:-Ku Soo dhawaada qeyb gale oo geeraar jaceyla qeybna ka fariimo qoraaleedka gaagaaban ee jaceylka oo aad mar waliba ka aqrisataan daajis.com

1- Khadray dhaayahaaga buluugga ah, dhabanadaada guduudan

timahaaga dhuxusha ah ,ilkahaaga dhalaalaya

dhabarkaaga toosan iyo ,dhexdaadan la qoraan

khadraay la dheygagay dumarkaad wax dheertahay

dhismaha jirkaagaa dhaayihii mar arkaa

dhinac u jeeso oggoleyn hadal iyo dhamaantii

yey ila dhaqaaqin amaantoo adna aanan wax kuu dhimine

murtideyda ila dhuux , dhimbil baa igu dheggenoo

maalmahan idhibeysey , Jaceyl bey dhaawacoo

dhinacaaga iga helay , caashaqa dhibkiisana

qofka laguma dhaafo , dhaawaciisa culusaa

dhaqtarkiisu yaraa , dhimashadiisu fududaa ,

dhadhan waan ka go’ayoo, hurdo dhinac ma seexdo

adaan kuu dhararayaa ee dheyl warkayga hamoodin, gacaliso

2- Yuu dhibay jacayloo, Kudhaliyay walacoo

Dhalan rogay naftiiso, Qalbigiisa wax u dhimay

Dhaawiciiso gaaroo Yuu Dheelmay leyl kii

Dhu-dhumada kajabiyay, xilli uu dayaxu dhacay

Dhaq-dhaqaaqi waayoo, Yuu dhaafshay wakhtiqii

La dhutiyay wax badan , hadba dhinac o rugay

Yuu dhamac ku shidayoo , dhabayaal cid laa hoo

Ku dhalaashay Milicdoo, dhawaaqii kayeeraba

Dhugor tiisa gubayoo , dhagta yaa la raacay

Kadheereyay raaxada, Yuu U diiyay Dhunigoo



Yuu Dhaxan ta joojiyay, Liqi waayay dheftii

sida dhidibka tiirkoo , lixaad kiisa dhumiyoo

Dhadada iyo roob-kuba , dheehiisi Baas dhigay

dusha ogu dhaceenoo, Yuu Ka reebay dhallintii

yuu dhamana hays iyo , Dheeshiyo ciyaartii

dhakafaar u gaystoo , Gooni joog ka dhigayoo

fikir uu la dhuubtiyo , kadhaxsaaray dadkoo idil

Ku dharbaaxay mowjado
3-khadraay dadka taan ka doortaay,dareenkii wadnahaygaay

diirkii jirkeygaay, dooqeygu tuu raacaay

waxaan kuu soo dirayaa, salaan daacad ahoo debecsan

diiranoo duunyoo idil iyo, doolarka ka qaalisan

Oo dubka sareetiyo, halbowlaha dacaladiisiyo

ku dahaaran qalbiga, Oo diiwaanka wadnihiyo

ku daboolan caloosha ,Ee adigana ha daayicinoo

haygu sii deynin duurkee, I daryeel macaaneey

daa’inkii ina uumayna, waxaan kaaga dalbayaa

deeq inuu ku siiyiyo, caafimaad derejo leh

Intaa dabadeed, aan iska dabro salaantoo

aan usoo daadago, dulucdiyo ujeedada

Inanyahay dartaa baan, duhur iyo habeen

hurdadii u diiday, anfacadiinna u daayay

jaceyl bey duufsadoo ,duufaannada waxqaadiyo

Igu daray dabeylaha, Ee intaanan dulloobinoon

duurka gelin , Idugaaliyoo idaawee

Ila duubo gacalooy!!
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada