Man City Oo Ka Talaabsatay Chelsea Islamarkaana Iska Xaadirisay Finalka Koobka FA Cup.

Man City Oo Ka Talaabsatay Chelsea Islamarkaana Iska Xaadirisay Finalka Koobka FA Cup.

daajis.com:-Kooxda Man City ayaa iska xaadirisay finalka FA Cup oo ay wajihi doonaan Wigan ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen Chelsea ciyaar aheyd semi-finalka FA Cup oo xiiso laheyd oo ka dhacday garoonka Wembley.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay iyadoo kubada inteeda badan ay maamuleysay kooxda Manchester City kuwaasoo fursado yar yar helay qeybihii hore ee ciyaarta, laakiin City ayay aheyd kooxdii fursad halis ah iska badbaadisay daqiiqadii 21aad.

Kompany ayaa madax kubad kaga soo bixiyay xariiqda goosha markii Hazard uu kubad uu dhulka ku garaacay ay ka dul kacday goolhaye Pantilimon.

Manchester City ayaase qabatay hogaanka ciyaarta daqiiqadii 35aad ka dib shaqo wacan oo ay qabteen Yaya Toure, Sergio Aguero iyo Samir Nasri.


Yaya Toure ayaa khadka dhexe ka soo qaatay kubada ka hor inta uusan u dhigin Sergio Aguero kaasoo islamarkiina xerada goolka dhexdeeda kubada ugu sii dhigay Samir Nasri, Nasri ayaa damcay inuu kubada u celiyo Aguero laakiin waxaa soo celisay lugaha Azpilicueta taasoo Nasri u sahashay inuu isaga si macaan kubada u dabamariyay goolka Petr Cech.

Waa goolkiisii ugu horeysay ee Nasti uu dhaliyay 21 kulan oo uu goolasha ka soomanaa intii uu u ciyaarayay Man City.

Daqiiqadii 37aad ayaa Man City ku dhawaatay inay hogaanka sii dheereysato markii Cech uu naftiisa xariiqda dul dhigay si uu u celiyo kubada Aguero, laakiin kubadii soo baxday ayaa waxaa helay Milner taasoo uu sidoo kale isku duubay Cech.

Waxaana City ay fursad kale oo dahabi ah heshay dhamaadkii qeybta hore markii ay soo qaadeen weerar counter-attack ah, Milner oo ka soo galay xerada goolka dhanka bidix ayaana haweystay goolka waxaana kubada ka bixiyay Cech inta aysan lugta u gelin Kompany oo u baahnaa kaliya inuu shabaqa ku taabto laakiin waa uu hareer mariyay goolka.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Manchest City.



Qeybtii labaad markii ay labo daqiiqo socotay ciyaarta City ayaa heshay goolkeedii labaad markii Gareth Barry kubad karoos ah uu keenay uu madax ku dhaliyay xiddiga reer Argentina Sergio Aguero, waxaana uu ahaa goolkiisii 15aad ee xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaana u dagaalantay inay ciyaarta ku soo laabato, waxaana gool soo ceshteen daqiiqadii 66aad ee ciyaarta markii David Luiz uu kubad kore u soo qaaday Demba Ba kaasoo isna hubsaday inuu kubada dhex dhigo shabaqam, waxaana ay aheyd gool qurxoon.

Waxaana goolkaas uu ku soo aaday xilli Fernando Torres uu bedel ku soo galay ciyaarta isagoo bedelay Mikel, Chelsea ayaana goolkaas ka dib u muuqatay halis.

Daqiiqadii 68aad ee ciyaarta ayaana Chelesea ay u dhawaatay inay barbareyso ciyaarta markii Hazard uu kubad u dhigay Mata kaasoo ka daahay inuu shabaqa abaaro islamarkaana keentay in goolhaye Costel Pantilimon uu kubada ka badbaadiyo cagta xiddiga reer Spain.

Daqiiqadii ku xigtay ayaa mar kale uu si fantastik ah kubada uga badbaadiyay Chelsea goolhaye Pantilimon ka dib markii Hazard uu kubad ka wareegsaday Clichy islamarkaana uu u dhigay Demba Ba oo sii raaciyay, laakiin goolhayaha ayaa gacanta ku dhigay kubada.

Chelsea ayaa ku andacootay rigoore daqiiqadii 87aad ee ciyaarta markii Kompany iyo Torres ay ku dagalameen kubad, iyadoo kabtanka City uu u muuqaday mid maaliyad ka jiidaya xiddiga Chelsea, laakiin garsooraha ayaa tilmaamay inaysan rigoore aheyn.

Chelsea ayaana ciyaar wacan soo bandhigeysay qeybihii danbee ciyaarta, islamarkaana cadaadis xun saareysay City, laakiin waa ay ku guuldareysteen inay helaan goolka barbaraha, taasoo ka dhigtay in City ay ku badiso 2-1.

Waxaana Man City ay gaartay finalka FA Cup iyadoo 11ka bisha May garoonka Wembley ku wajihi doonta kooxda Wigan Athletic.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada