Sheekh Cali Dheere oo Caawa ku faanay Waxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho una bixiyay Magac Weeraradii ee fuliyeen

Sheekh Cali Dheere oo Caawa ku faanay Waxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho una bixiyay Magac Weeraradii ee fuliyeen

daajis.com:-Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo caawa Shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa dusha saartay masuuliyada Weeraradii iyo Qaraxyadii qasaaraha badnaa ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Cali Dheere waxa uu xusay Qaraxyadii iyo Weerarakii maanta lagu qaaday Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir in ee fuliyeen Shan nin uu sheegay in ee ahaayeen geesiyaal kuwaa oo dilay in kabadan 27-Ruux tiro 60- kabadana ee ku dhaawaceen Weerarkooda.


Afhayeenka ayaa xusay in Qaraxyada iyo Weerarka ee maanta ku qaadeen Maxkamada Gobolka Banaadir uu ahaa Weerar barakeesan ee ugu magac dareen Duulaankii lagu bur burinayay dawaagiida uu sheegay in ee ku shirsanaayeen Maxkamada Gobolka Banaadir , waxa uuan xusay in halka ee weerareen in ee ku shir sanaayeen waxa alle waxii maxkmada sheegta ayna maanta meesha soo dhoobeen ilaalo dheeraad ah .

Cali Dheere ayaa sidoo kale sheegay in Maanta Xarunta Maxkmada Gobolka Banaadir ee Shirk u lahaayeen waxii Maxkamad sheegta halkaasna ee ku hayeen wax ilaah shareecadiisa ka baxsan dadkana ee ku xukumayeen wax uu sheegay Qodobo ee sameeteen oo ah X.Q J.

Cali Dheere ayaa intaa ku daray in Ragii katirsanaa Al-Shabaab ee weerarada iyo qaraxyada fuliyay ee Maxkamada Gobolka Banaadir heesteen in kabadan Sadax saacadood ayna laayeen in alaale intii ilaah u qadaray ee dili kareen.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale ka hadlay Weerarkii kale ee ismiidaaminta ee ka dhacay inta u dhaxeysa Isgooska KM-4 iyo Garoonka Aadan Cadde ee ku dileen dad uu ugu yeeray calooshood u shaqeestayaal ah oo dalka gardaro ku joogay marar badana u digeen.

Cali Dheere ayaa Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo Deegaanada kale ee ku dhaw dhaw ugu bishaareeyay Dadkii ee maanta ku laayeen Magaalada Muqdisho sheegayna in waxii maanta faleen Al-Shabaab dad badan ku farxeen , waxa uu sidoo kale u duceeyay dadkii maanta ka dambeeyay Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay isaga oo ilaah uga baryay in janadii Fardowsa ka waraabiyo.

Qaraxyadii iyo Weeraradii maanta ee Al-Shabaab ka fuliyeen Magaalada Muqdisho ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee sanadkan dhaca , waxa uuna Weerarakan ahaa nuuc cusub ee Al-Shabaab mudo soo abaabulayeen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada