Garoonka Martigelin Doona Finalka Champions League 2015ka Oo La Sii Shaaciyay.

Garoonka Martigelin Doona Finalka Champions League 2015ka Oo La Sii Shaaciyay.

daajis.com:-Berlin ayaa martigelin doonta finalka Champions League markii ugu horeysay 2015ka, halka Warsaw ay martigelin doonto isla sannadkaas finalka Europa League.

“Waa labo garoon oo qurxoon oo finalada 2015 lagu qabanayo” ayuu yiri xoghayaha guud ee UEFA Gianni Infantino.
Xilli lagu soo aadiyay ku dhawaaqistaan ayaa waxa ay waqti fiican u tahay Germany kuwaasoo finalka Champions League ee isagu soo haray iyaga marka Bayern iyo Dortmund ay sabtida ku kulmaan Wembley.
Kulanka finalka ee 2015 lagu qaban doono garoonka Berlin Olympic Stadium ayaa noqon doona finalkii ugu horeysay ee koob Yurub ah ee lagu qabto caasimada Jarmalka, taasoo martigelisay koobkii Olimbikada ee 1936 iyo finalkii koobka adduunka ee 2006.
Uefa ayaa sannadkii hore shaacisay in finalka Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda 2014 lagu qaban doono caasimada Portugal Lisbon halka Europa League lagu martigelin doono Turin Talyaaniga.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada