Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo Markii Ugu Horaysay khudbad ku jeediyey afka Ingiriiska(Daawo Muuqaal+Warbixn)

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo Markii Ugu Horaysay khudbad ku jeediyey afka Ingiriiska(Daawo Muuqaal+Warbixn)


daajis.com:-Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa la sheegay inuu markii ugu horeysay uu khudbad uu ku jeediyey luqada afka Ingiriiska xilli uu ku sugan yahay dalkaas Mareykanka. 

Daawo Muqaal ahaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo English ku khudbeenaya


Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hada ka mid ah dadka wax ka barta jaamacad ku taala magaalada Boston ee dalkaas Mareykanka ayaa waayadii ugu dambeeyey waxaa uu socdaal ku bixinaayey qaar ka mid ah gobolada dalkaas Mareykanka asagoona booqday gobolo ay ka mid yihiin North Carolina, West Virginia iyo Atlanta, Georgia asagoona uu madaxweynahu uu booqanaayey jaamacadaha goboladaas islamarkaana uu ka jeedinaayey khudbado ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya, Madaxweyne Sheekh Shariif oo khudbadiisii ugu horeysay ka jeediyey jaamacada lagu magacaabo Morehouse college ee ku taala magaalada Atlanta ee Georgia ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa uu kaga hadlay Mustqbalka dalka Soomaaliya, Sidoo kale ayuu madaxweyneihii hore ee Soomaaliya waxaa uu khudbad uu kaga hadlaayo waxbarashada dalka Soomaaliya iyo guud ahaan wadamada Afrika uu ka jeediyey jaamacadda Elizabeth City State University(ECSU) ee North Carolina ee dalkaas Mareykanka madaxweyne Sheekh Shariif ayaa dhamaan khudbooyinkiisa waxaa uu ku jeedinaayey luqada Afka Ingiriiska. 

Ugu dambeyntiina iyadoo Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed intii uu ku jjirey socdaalkaasi uu sidoo kale uu la kulmaayey jaaliyada Soomaalida ee ku nool gobalada uu booqanaayey ayaa waxaa sidoo kale uu kulamo uu la qaadanaayey madax iyo dibulumaasiyiin u dhalatey dalkaas Mareykanka oo dalkaas ka soo qabtey xilal sare waqtiyo hore, Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay dad badan oo Soomaaliyeed ay ku xasuustaan howkarnimo iyo dadaal dheeri ah oo uu muujiyey xiligii ahaa madaxweynaha dalka Soomaaliya. 


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada