Fariimo Jaceyl Caloosha Ka Soo Ridaya : Si Qarsoodi Ah Ayaad U Xaday Qeybkasta Oo Qalbigeyga Ah

Fariimo Jaceyl Caloosha Ka Soo Ridaya : Si Qarsoodi Ah Ayaad U Xaday Qeybkasta Oo Qalbigeyga Ah

daajis.com:-Si qarsoodi ah ayaad u xaday qeybkasta oo qalbigeyga ka mid ah adigoo aan igala tashan,haseyeeshee nasiibdaro waxaa iiga sii xanuun badan adigoon soo dhameystiran isku keenida qeybtii ka dhineyd qalbiga inaad ilowday.

* Kelmada waan ku jeclahay markaad ii timid ee aad igu tiri,ma aqaano wixii igu dhacay,jaceylkaaga la’aantiis waan lunsanaa, waxaan dareemay erey walboo aad i dhahday, Jaceylkaaga waa waxa ugu macaan ee nolosheyda soo maraya intii aan noolaa.

* Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaado, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya.

* Waxaad Qalbigeyga ka sameysatay mudul salkiisu adag yahay,hadana ay ka buuxaan xiiso,farxad iyo ififaalada hami nolol cusub.

Ma ogtahay qalbigeygoow in naftu aaney ogoleyn iney qanacdo hadii ay kaa weyso hawada ay ku neefsaneyso,i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaa ku suganahay.

Waxaan kuu caashaqay xad ka balaaran inta aadan oogaan karin xaqiiqduna aan qiyaastaas u gaarayna waxey tahay burhaantaada ayaa maalinkasta siisa iftiin gaara ah oo qalbigeyga ka dhex shidan.

Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay.

Ma ogtahay nafteydoow in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara inaad adigu tahay. Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga.

Maalin kale ayaa i dhaaftay anigoo aanan dheehaneyn dhoolaceyntaadii quruxda badneynd ee waaberi kasto aan ku indha doogsan jiray. Waa dareen xanuun badan inaad ku fekerto qofkii aad aadka u jecleyd ee hadana kaa fog,qalbiguna guux iyo guhaad kaama daayo.
Xabiibi wadnaheyga adiga ayaan ku siiyey,maadaama adiga uu kuu garaacmana ma awoodo inaan xakameyn , daqiiqad codkaaga maqlo farxada iyo yididiilo ayaa hareysa qalbigan kuu ooman ee adigu aad hogaanka u heyso.

Jaceylka dhan dunida yaal waxey soo wada degeen qalbigeyga,waxaana dareensahay cabsi iyo hadana farxad uu xishoon humaag gelinaayo. 

Ma ogtahay nafteydoow maalinta aan kulanay iney ii tahay bishaaro aan ebedkey iloobi doonin, waa maalintii indhaheyga iyo wadnaheyga ku qanceen dhoolacadeyntaada iyo kaftan macaanidaada. Waa maalintii ay gacanteyda ka baxday xakameynta nafteyda.

Aniga la’aantaa waxaan ahay keli, daajis.com ayaad ka soo xaday fariimahaan. farxadeenana waxey ku jirtaa inaan wada joogno,iigu noqo saafi sida shaatiga cad uu nadiif u yahay.

Marwalbo oo aan indhaha isku xero waan xusuusnaan doonaa daqiiqadahaa, fadlan u ogolaaw riyadaan iney noqoto mid rumowdo oo aan baa’bi in.

Xitaa hawada aan ku neefsaneyso waan ka jeclahay dunida inteeda kale,mana qiyaasi kartid siduu ii damqineyso fikrada kala maqaanshaheen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada