Wararkii u dambeeyay ee Bale: Lix Sano oo heshiis ah iyo 99 milyan oo Yuro (Warbixin)

Wararkii u dambeeyay ee Bale: Lix Sano oo heshiis ah iyo 99 milyan oo Yuro (Warbixin)

daajis.com:-Kadib laba bilood oo wada-hadallo la isku jilba-murxay ayay u muuqataa in uu soo dhammaaday heshiis lagu sheegay kii ugu qaalisanaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, ayay ku billowday jariiradda Marca ee Spain kasoo baxda warbixin ay ka qortay xaaladda Gareth Bale.


Real Madrid iyo Tottenham ayaa heshiis ka gaaray arinta Bale, iyadoo kooxda Madrid bixin doonto 85 milyan oo Gini oo u dhiganta 99 milyan oo Yuuro. Lacagaha ayaa qaarkood si tartiib tartiib ah loo bixin doonaa.
Heshiiska ayaa lagu kala saxiixday kulan Arbacadii ka dhacay Madrid oo u dhaxeeyay Florentino Perez iyo Jose Angel Sanchez oo Real ka socday, Daniel Levy oo Tottenham ka socday iyo Jonathan Barnett oo ah wakiilka Bale.
Bale wuxuu noqon doonaa ciyaaryahan ka tirsan Los Blancos Lix-da sano ee soo socota, isagoo mushaar ahaan u qaadan doona sanadkii 10 milyan oo Yuuro Canshuurta kadib, wuxuuna xeran doonaa nambarka 11-aad ee fanaanadda caddaanka ah.
Heshiiska ayaa lagu dhawaaqi doonaa marka kooxda Tottenham soo gaba-gabeyso heshiiska ay Erik Lamela kaga soo qaadaneyso kooxda Roma.
Sabtida maanta ah ama Isniinta ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa heshiiska Bale, iyadoo lagu wado in ciyaaryahanka uu maro tijaabada caafimaad. Xafladda soo bandhigidda ayaa ugu dambeyn la qaban doonaa Talaadada.
Jariiradda Marca ayaa warbixinteeda kusoo gaba-gabeysay Labada koox heshiis buuxa ayay gaareen inkastoo Daniel Levy uu ku adkeysanayo in aysan jirin wax xaqiiq ah ilaa warqadda qalinka la dul-dhigo“.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada