Baarlamaanka Soomaaliya oo isku raacay joojinta bixinta warqadaha aqoonsiga

Baarlamaanka Soomaaliya oo isku raacay joojinta bixinta warqadaha aqoonsiga

daajis.com:-Kullan baarlamanka Soomaliya ku yeeshen Muqdisho ayay kaga dooden fududeynta helidda Baasaboorka iyo Warqadaha Aqoonsiga. 

Waxana kullankaani shir gudoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdala Cawad.

Mudanayasha golah ayaa waxaa ay ambaqaadeen dooda ku saabsan fududeynta helidda Baasaboorka iyo Warqadda Aqoonsiga, iyaga oo mudanayaashii goobta ka hadlay ay si isku mid ah u sheegeen in Warqadda Aqoonsiga ee hadda ay bixiso Dowladda Hoose ee Xamar aytahay mid sharci daro oo ay dhib weyn ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Intaas kadib gudoonka golaha shacabka ee maanta ayaa Akhriyay go’aanka mudanayaasha Golaha shacabka ay ka soo saareen arrinta qaadasha Warqadaha Aqoonsiga, iyada oo ugu dambeyntii cod loo qaaday kaddib  markii ay xidlhibannadu ay isku raaceen in la joojiyo bixinta Warqadda Aqoonsiga ilaa sharciga uu Barlamaanka ka soo saaraayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada