Daawo Sawirada:- Machadka (ISOS) oo Muqdisho ku qabtay dood cilmiyeed ku saabsan ka hortaga xaalufinta dhirta

Daawo Sawirada:- Machadka (ISOS) oo Muqdisho ku qabtay dood cilmiyeed ku saabsan ka hortaga xaalufinta dhirta

daajis.com:-Shir cilmiyeedkan (Academic conference) waxaa qoraal cilmiyeedyo (Papers) ka soo jeediyay tiro aqoonyahanno ah, oo dhibaatada xaalufinta dhirta ku soo sameeyay cilmi baaris kala duwan, Aqoonyahannada iyo waxgaradka kale ee shir cilmiyeedka ka soo qayb galay waxay isla falan qeeyeen baaxadda ay leedahay xaalufinta dhirtu, saamaynta iyo dhibaatada ka dhalanaysa xaalufintaas, iyo sida wax looga qaban karo intaba.

Dr.Liibaan Xuseen oo ku hadlayay magaca Machadka DaraasaadkaSoomaalida (ISOS) iyo Jaamacadda Muqdisho, oo shircilmiyeedka furay wuxuu tilmaamay in machadka ISOS yahay madal ay aqoonyahanadu isku dhaafsadaan aqoonta, waayo-aragnimada iyo xogta.

Qoraal cilmiyeedka 1aad wuxuu cinwaankiisu ahaa“ Dhirta Soomaaliya iyo xaalufka ku socda: sababaha iyo natiijada” waxaana soo diyaariyay Prof. Cabdicasiis Shiikh cabdi oo ah Juqraafiyahan Soomaaliyeed; qoraal cilmiyeedka 2aad wuxuu cinwaankiisu ahaa“ Saamaynta dhaqaale ee xaalufinta dhirtu ku leedahay Soomaaliya” waxaana soo jeediyay Prof. Mahdi Cabdikariin oo ah dhaqaaleyahan Soomaaliyeed.

Qoraal cilmiyeedka 3aad oo cinwaankiisu ahaa “Maxaa dhuxusha la shito lagu bedelan karaa?” waxaa soo jeediyay Dr. Shariif Cismaan, qoraal cilmiyeedka 4aad wuxuu ahaa “kaalinta bulshada kaga aadan wax ka qabadka xaalufintadhirta“ oo ay soo diyaarisay Marwo Faadumo Aadan oo aqoonyahan Soomaaliyeed ah.

Aqoonyahannadii iyo waxgaradkii ka soo qayb galay shir cilmiyeedku waxay ku soo gunaanadeen in “XAALUFINTA DHIRTU TAHAY DHIBAATO BAAXAD LEH OO SOOMAALIYA HAYSATA, OO U BAAHAN IN WAX LAGA WADA QABTO MAAMULO IYO DADWEYNABA”.

Guddoomiyaha machadka ISOS Mustafa Cabdilaahi Fayruus oo goobta ka hadlay wuxuu sheegay in machadku Qabanqaabada shir cilmiyeedkan soo waday dhowr bilood, laguna aadiyay maalinta dhirta oo ah 17-ka abriil ee sanad kasta; wuxuuna sheegay in qoraal cilmiyeedyada la soo bandhigay machadku faafin doono marka la tifaftiro qoraallada.


Machadka Institute for Somali Studies (ISOS) waa xarun cilmiyeed ka tirsan Jaamacadda Muqdisho oo qabata cilmi barista ku saabsan Soomaaliya iyo guud ahaanba Geeska Afrika.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada