Daawo sawirada:- xuska xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda oo lagu qabtay Kigali

Daawo sawirada:- xuska xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda oo lagu qabtay Kigali

daajis.com:-Munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 20aad ee ka soo wareegatay xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda.

Xuskan ayaa waxaa ka qeybgalay madax ka socotay caalamka oo uu ugu horeeyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon. 

Madaxweynaha D.F Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka mid ah madaxda ka qeybgalaysa xuska xasuuqa sanadguurada 20-aad ee xasuuqa Rwanda.

Madaxda kal qeybgashay xuskan ayaa waxaa ka mid ah madaxweynha dalka Uganda Yuweri Museveni, madaxweynha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, madaxweynha dalka Koonfurta Suudaan Salva kiir Mayardit, Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon, Gudoomiyaha guddiga Midowga Africa Marwo Nkosazana Dlamini, mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin fara badan.

Xuskan sanadkan waxaa hal ku dhigiisu ahaa xusuus, midnimo iyo dib u cusbooneyn. Munaasabaddan oo socotay muddo saacado ah ayaa waxaa laga sheekeeyey xasuuuqii foosha xumaa ee ebid ka dhaca aduunka sanadkii 1994 ka dib markii qabiilka Huutuuga ay wacad ku mareen in ay gabi ahaanba qabiilka tuutsiga laga cirib tiro dalka muddo 100 maalmood gudaheed ah laga bilaabo bishii April ee sanadkaasi.

Xasuuqan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 800,00 oo ruux oo ay ku jireen haween iyo caruur oo isku dayey in ay ka baxsadaan dhibaatadasi,welina iyadoo ay ka soo wareegtay muddo 20 sano ah ayaa waxaa sas iyo qaracan ku noqotay kasoo qaybgalayasha xuskaasi ,waxana garoonka gudihiisana laga maqlayey qaylo dheer iyo oohin,inkastoo ay boolisku isku dayayeen in ay qeyladaas iyo sawaxankasi wax ka qabtaan hadana aan marnaba la ilaawi karin musiibadii ka dhacay wadankasi muddo hada laga joogo 20 sano.

Riwaayado kala duwan ayaa lagu soo bandhigay munaasabdan,iyadoo ay qiiro iyo murugo ku riday dadkii dhageysanayey sheekooyinkan oo intooda badan looga dan lahaa in ay xoojiso midnimada dadka ku dhaqan dalka Ruwanda.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada