BUURNIDA CALOOSHA GASHA SIDEE LOO YAREYN KARAA ?

BUURNIDA CALOOSHA GASHA SIDEE LOO YAREYN KARAA ?

daajis.com:-Baruurta caloosha gasha ayaa noqotay xaqiiqo nolosha dad badan oo malaayiin dunida ku nool .Waxyaabo badan ayaa ka mas’uul ah baruurta caloosha gasha waxaana ka mid ah hab-nololeedka iyo habka isku aadka cuntada.
 Ma yara baadhitaanka laga sameeyay waxyaabaha ku saabsan buurnida xadkeeda dhaaftay dawada ugu muhiimsan ee ruuxa nuucaas la siiya ayaa ah jimcsi samee.
Cuntada oo la yareeye xadiga aad ka qaadaneyso iyo jimicsi ayaa muhiim u ah in lagula dagaalamo baruurta caloosha.
 Marka leys barbar dhigo wadamada horay u maray daka ku nool iyo dadka dalkeena farqi weyn ayaa u dhaxeeya tusaale dhinaca cuntada , waxaa aad u kala duwan cimilada dadkaasi, cuntada ay cunaan iyo hawada ay qaataan.
Dalka mareykanka waa dalka dadka aduunka ugu buurbuurani ay ku noolyihiin sidaa ay tahayna wey shaqeeyaan oo ma xanibto buurnidooda halka wadamada soo koroya ay dhibaato ku qabaan .hadaba waxaan kuu soo gudbinayaa ilaa Todobo cuntooyin kaa caawin kara in aad kula dagaalanto buurnida :
1- Outmeal : Waa daqiiq ama budo laga sameeyo keeg ama doolshada quraacda waxey dhistaa murqaha waxeyna yareysaa xeydha, marka arorti la soo tooso oo aad cunto quraac ahaan Outmeal wuxuu kaa caawiyaa in aad mudo aadan gaajoon, laakiin hubso in aad macaan ama sonkor leedahay waayo uma fiicna.
2- Watermelon: Qare/ ama xabxab : cilmi baadhayaal ayaa soo saaray in qaraha/xabxabka uu yareeyo subaga jidhka kadib markii xayawaan lagu tijaabiyay mudo kooban xabxab/qare la shiiday , wuxuu kaloo saameyn ku yeeshaa dhiiga halbowlaha isagoo yareeya qatarta buurnida caloosha.

3- TOMATO: Yaanyada/Tamaandhada waxaa ka buuxa fitimiino iyo kolorisar, kuwaa oo si toos ah buurnida caloosha ula dagaalama yaanyada waaweyn hadii 9 xabo yaanyada loo yaqaan oo -ox-octadecadienoic aad maalin walba shiidato wax weyn ayaad isaga dareemeysaa.

4-Lamb :WAN Waa il qani ku ah fitimiin B, protein , iyo Tryptophan . Wanka waa badal caafimaad leh hadii hilibkiisa laga saaro subaga mararka qaarkeed waxuu horseedi kartaa cayilka, sida il tamar laga helo sidaa daraadeed waxa guuro unugyada taasoo keentay cayilka

5- Seafood: Raashinka badda.Waxyaabaha badda waa laga jecel yahay caalamka oo dhan sababtoo ah dhamaan waxyaabaasi waa kuwa aad loo hubo caafimaadkooda waana kuwa xakameeya baruurta dagaal joogto ahna ku haya buurnida caloosha . Maqaayadaha sameeya waxyaabaha aan keenin buurnida intooda badan waxey isticmaalaan cuntada badda laga soo saaro. Dadka hilibka cad ee kaluunka iyo digaaga cuna wey ka caafimaad badan yihiin dadka hilibka guduudan cuna.

6- Green vegetables :Qudrada cagaaran waxaa caalamka looga yaqaanaa nafaqeeyaha waxaa laga helaa faaidooyin badan, qudrada cagaarani waxey leedahay awood ay kula dagaalanto buurnida caloosha, waxaa ku yara wax dhilin kara buurnida caloosha. Qofkii cuna qudrada cagaaran ( salad ) quraacda ka hor waxey siisaa caafimaad calooshan ma buurato.

7-Tea : Shaaha : Shaaha bigeyska ah waa mid la cabo oo kaa caawin kara gubida baruurta caloosha , cabitaanka shaaha waa mid wax ku ool ah saliida gubaneysa ee jidhka , sida laga soo xigtay tirakoob dadka joogtada u caba shaaha 226 oo koloris ayaa gubta maalin walba marka la cabo shaaha bigeyska ah , cab maalintii afar ilaa shan koob oo shaaha laakiin sonkor yuusan lahaan ama aad ha ugu yaraato. Ha is ticmaalin shaaha joogto sababtoo ah maadooyinka SLIMMING ayaa ku badan .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 13:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada