Haddii La Igu Dhaho Hal Magac Soo Qor Aniga Oo Aan Aqoon Sida Waxa Loo Qoro Waxaan Huba..

Haddii La Igu Dhaho Hal Magac Soo Qor Aniga Oo Aan Aqoon Sida Waxa Loo Qoro Waxaan Huba..

daajis.com:-Ifka markaan imid waxaan hawoodey iftiin markaan iftiin heleyna waxaa sii hawoodey iftiin kale mana helin ilaa waxaan iftiin dhab ah aan heley kolkii aad ila qaadey caashaqa.

Harka dadku hardasaan aniga uma arko har qaboow waxaana dareemaa xilli kasta in aan u baahanahey har qaboow mana jirto meel aan ka helo ilaa waxaan ka helaa laabtaada markaad I geliso (igu haay laabtaada)

Haddii laygu dhaho hal magac soo qor anigoon aqoon sida waxa loo qoro waxaan hubaa inaan qori karo magacaada maxaa yeeley laabteyda ayaa ku xafidey.

somali girlsWaxaa malabka loo jecelyahey muudsigiisa waa daawanimadiisa anna waxaan kuu jeclahey waa caashaqaad I deeqsiisey.

Sida dhulka uga dhergeyn biyaha, sida maalinta uga dhergeynin kulka (iftiinka) ka yimaada cadceeda ayaana anna marna ka dhergeyn jaceylkaada (wehelkaaga)

Indhuhu bilic baa ku weyn, hooyadu ilmaheedaa ku weyn geedi sahan wacan baa ku weyn, anna ADIGAA igu weyn.

Caashaqa howli’i ma hagaago, higsigeena waxaa gaari karnaa kolkaan hawraarsan iyo haye-da isla heyno.

Nolosha baraaraheeda waxaa bilow u ah caashaq, waxaase albaab u ah kalsoonisa qufulna waxaa u ah guur.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada