Daawo Sawirada:- Eedeysanayaal uu ku jiro fududeeyihi weerarki Madaxtooyada oo dil toogasho lagu xakumay

Daawo Sawirada:- Eedeysanayaal uu ku jiro fududeeyihi weerarki Madaxtooyada oo dil toogasho lagu xakumay

daajis.com:-Saddex eedeeysane oo ka tirsan Al Shabaab ayaa maanta lagu kala riday xukuno dil iyo xabsi daa’in, kadib marki maanta la horkeenay maxkamad.

Dacwadda Saddexdaan eedeeysane oo ay maanta dhageysatay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa ku kala riday xukuno dil iyo xabsi daa’in ah.

Xasan Maxamed Xasan oo ahaa horjoogihii shabaab u fududeeyay weerarki madaxtooyada ayaa maxkamaddu ku riday xukun dil ah, kadib markii uu qirtay dambigii uu geystay.

Aadan Maxamed Xasan oo lagu soo oogay dilka marxuum Maxamed Deeq oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa isna lagu xakumay dil toogasho ah, kadib markii uu qirtay inuu dilay in kabadan 30 qof oo uu ku jiro Maxamed Deeq.

Eedeysane Aadan ayaa maxkamadda ka hor qirtay dacwadda lagu soo oogay oo ahaa inuu dad badan dilay isalmarkaana uu fududeeyay dilal kale duwan oo muqdisho ka dhacay.

Eedeysanaha saddexaad oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Xasan oo isna ka qayb qaatay dilka marxuum Maxamed Deeq ayay maxkamaddu ku xukuntay xabsi daa’in.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada