Daawo Sawirada:- Mataano Mucjiso ah oo ku dhashay Muqdisho iyo Wasiir katirsan Dowlada oo Maanta booqday

Daawo Sawirada:- Mataano Mucjiso ah oo ku dhashay Muqdisho iyo Wasiir katirsan Dowlada oo Maanta booqday

daajis.com:-Waxaa Maalmo kahor Isbitaalka Ibnu Siinaa ee kuyaala Xaafada Duq Bacaad ee Degmada Yaqshiid ku dhashay ilmo mataano ah oo isku dhagan kuwaa ay dhaqaatiirtu ku tilmaameen Mucjiso Rabaani ah.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta oo ciid ah waxa uu Isbitaalka Ibnu Siinaa ku booqday Mataanaha Mucjisada ah ee ku dhashay Isitaalkaasi , waxa uuna warbixin ku aadan xaalada Caruurtaasi ka dhageestay Maamulka Isbitaalka.

Mustaf Dhuxulow ayaa sidoo kale Warbixin ku aadan xaalada Nalolshooda iyo mida caruurta Mataanaha ah waxa uu ka wareestay Waalidiinta dhalay ilmahaasi kuwaa oo Warbixin ka siiyay Wasiirka sida uu xaalku yahay.

Wasiirka Warfaafinta oo la hadlay Warbaahinta ayaa ballan qaaday in uu dadaal badan ku bixindoono wax u qabashada caruurtaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in haddi ay caruurtani u baahanyihiin caafimaad dibadda ah ay dowladdu u qaadidoonto.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada