Daawo Sawirada:- Saraakiil katirsan Al-Shabaab ah oo Shacab badan goob fagaare ah kula dukaday Salaad Ciida

Daawo Sawirada:- Saraakiil katirsan Al-Shabaab ah oo Shacab badan goob fagaare ah kula dukaday Salaad Ciida

daajis.com:-Saraakiil sar sare oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta Fagaare kuyaala Magaalaa Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay salaada Ciida kula dukadeen Boqolaal dadweyne oo ku dhaqan Maaaladaasi.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamed Raage iyo Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdala iyo saraakiil kale oo katirsan Al-Shabaab ayaa maana Boqolaal dadweyne ah kula dukaday Barxad kutaala Baraawe.

Salaada Ciida kadib Saraakiisha Al-Shabaab ayaa la hadlay dadweynihii kasoo qeyb galay Dukashada Salaada Ciida waxa ayna ku booriyeen in ay ka qeyb qaataan dagaalada ay AL-Shabaab ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale Magaalada Baraawe ay gacanta ku hayaan AL-Shabaab ayaa si weyn looga ciiday , waxaana wadooyinka magaalaaasi lagu arkayay dadweyne fara badsan oo farxad ku ciideesanaya kuwaa oo hambalyo hawada isku marinayay.















FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada