Daawo Video:- Fashil iyo Amakaak Taagero dhaqaale oo Emaratku Siiyay Israel si loo baabiiyo GAZA

Daawo Video:- Fashil iyo Amakaak Taagero dhaqaale oo Emaratku Siiyay Israel si loo baabiiyo GAZA

daajis.com:-Warbaahinta caanka ah ee aad ka loo daawado ee Aljazeera Live oo kasoo waramaysa Gumaadka Yuhuudu ka wadaan Gaza ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Emaratka Carabtu taageero dhaqaale lagarabtaagan tahay dawlada Israel gumaadka ay ku hayso Muslimiinta Falastiin.

Warbaahinta Aljazeera ayaa shaacisay in wasiirka Arimaha Dibada Ee Israel Liverman uu kulan qarsoo ah la yeshay wasiirka arimaha dibada ee Emaratka Cabdula Bin Sayid Al Nahyan.
Kulankaasi oo la sheegay in lagu gorfooyey sidii meesha looga saari lahaa dhaqdhaqaaqa Xamaas ee ka talisa Gaza isla markaana Israel ula wareega laheyd Gaza.

Warbxinta ayaa sheegtay in Emaratku ka taageerayaan Israel xaga basaasnimada iyadoo isticmaalaysa shaqaalaheeda Bisha Cas ee ka hawlgala Gaza.
Dawlada Emaratka ayaa ku gacan saydhay arinkaasi ,Israel wasiirkeega arimaha dibaduna waxa uu sheegay in la xidho muuqaalada Aljazeera ka wado Gaza oo kacisay cadho badan isla markaana halis galinaysa Yuhuuda Caalamka cadho kaga timaada Muslimiinta xagjirka ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dhinaca waxaa magaalada GAZA ka socda duqaynta oo gashay maalintii 16-aad waxaana sidoo kale Warbixin ka diyaariyey Wararkii ugu danbeeyay Tv-ga Horn cable.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada