Sirdoonka Masar Iyo kan Imaaraadka:- oo iibsanaayo Xogta Reer Gaza iyo Dhakhaatiir dalalkaasi u dhashay oo sirdoon ah oo la qabtay.

Sirdoonka Masar Iyo kan Imaaraadka:- oo iibsanaayo Xogta Reer Gaza iyo Dhakhaatiir dalalkaasi u dhashay oo sirdoon ah oo la qabtay.

daajis.com:-Sida ay baahiyeen Sirdoonka Falastiin, waxaa jiida Gaza lagu arkay Dhakhaatiir kasoo kala jeeda Masar iyo Dalka Imaaraadka Carabta oo la sheegay inay la shaqeeyaan Sirdoonada Caalamka, gaar ahaan Israel.

Jihaazka Amniga ee Dagaalamayaasha Filastiiniyiinta ayaa sheegay inay kashifeen Shabakad Sirdoon ah oo ay soo agaasimeen Dowladaha Masar iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo maalintii shalay gaaray jiida Gaza, si ay gargaar Caafimaad ugu fidiyaan dadka Reer Gaza ee ku waxyeelooba duqeymaha.

Saraakiisha Sirdoonka ah, ayaa waxa ay isku ekeysiinayaan Dhakhaatiir ka tirsan Hey’adda Bisha Cas ee isu tagga Imaaraatka Carabta, balse baaritaano dheeraad ah oo ay sameeyen Sirdoonka Dagaalamayaasha Gaza, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay Sirdoonkaasi ka dhex shaqeynaayo Gaza iyo Israel.

Kooxda Sirdoonka ah ee gacanta lagu dhigay ayaa waxay isku dayeen inay ogaadaan goobaha ay Sawaariikhda ka tuuraan xoogagga Filastiiniyiinta iyo saldhigyada hubka lagu keydiyo, si ay u beegsato Yuhuudda, waxaana baaritaan kadib la ogaaday in Saraakiisha la qabtay ay ka tirsanyihiin Sirdoonka Dowladda Imaaraatka oo wadashaqeyn la leh Sirdoonka Israel.

Shabakada Sirdoonka Dagaalamayaasha ayan la Ogeyn sida ay ka yeeli doonaan Saraakiisha Dhakhaatiirta ah ee u kala Macluumaad qaadayo Gaza iyo Israel, waxaana laga cabsi qabaa in Dagaalamayaasha ay dilaan Dhakhaatiirtaasi.

Dhanka kale, qabashada Sirdoonadaasi, ayaa waxa ay imaaneysaa xilli gumaad ba’an lagu hayo Shacabka Filastiiniyiinta ee Gaza ku nool.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada