War Deg Deg ah:- Kooxo hubeysnaa oo Caawa si aan horay loo arag Sargaal ka tirsanaa Dowlada ugu dhex toogtay Magaalada muqdisho

War Deg Deg ah:- Kooxo hubeysnaa oo Caawa si aan horay loo arag Sargaal ka tirsanaa Dowlada ugu dhex toogtay Magaalada muqdisho

daajis.com:-War goor dhow naga soo gaaray Xaafada Soona key Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ay goor dhow halkaasi ku toogteen Sargaal ka tirsanaa Ciidamada Dowlada.

Wararku waxa ay sheegayaan in dilka ay geysteen Afar ruux oo la sheegay inay ku hubeysnaayen Bastoolado kuwaasi oo la tilmaamay inay Sargaalka kasoo raaceen meel uu ka iibsanaayay qaad.

Kooxda dilka fulisay ayaa waxa ay Sargaalka rasaasta uga dhufteen Qoorta, wadnaha iyo Madaxa, waxaana la tilmaamayaa inay ku dhacday Lix xabad.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia oo iyagu gacanta ku dhigay Laba ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsanaayeen kuwa Dilka geystay, waxa ayna ula dhaqaaqeen dhanka Saldhiga Degmada.

Dhanka kale, Dilka Sargaalkaani ayaa waxa uu noqonayaa dilkii Lixaad oo muddo Laba asbuuc ah ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxa uuna daba socdaa dilal maalmahaani ka kala dhaca Degmooyinka Gobolka Banaadir.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada