Xog: Jeneral Gaafow oo lacag adag ku iibsaday Xaaskii uu ka geeriyooday Abu Mansuur Al-Amriiki.

Xog: Jeneral Gaafow oo lacag adag ku iibsaday Xaaskii uu ka geeriyooday Abu Mansuur Al-Amriiki.

daajis.com:-Ilo xog-Ogaal ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia ayaa Shabakada Daajis u xaqiijiyay in Marwadii uu ka geeriyooday Cumar Shafiiq Xamaami oo ku magac dheera Abuu Mansuur Al-Amriiki uu iibsaday Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo jinsiyadaha Dowlada Federaalka Jeneral Cabdulaahi Gaafow Maxamuud.

Illo wareedka ayaa sheegaya in Xaaska uu ka geeriyooday Al-Amriiki uu xiray Gaafow xilli ay waday Laba Carruur ah oo ay Amriiki u dhashay, islamarkaana ku howlaneyd sameynta Baasaboorkeeda. Waxaa lagu warramay inuu u gudbiyay Xarunta dambi barista DFS.

Illo wareedka ayaa xaqiijinaayo in Haweeneydaasi oo baxsad ka aheyd Axmed Godane Seddex Asbuuc markii ay Gaafow u xirneyd kadib lagu sii daayay lacag 40,000$ dollar, iyadoona lacagtaasi ay ku dhacday sanduuqa Gaafow,  xalaalna u noqotay Taliyaha Hogaanka Socdaalka.

Siideynta Haweeneydaasi kadib, ayaa waxaa la Tilmaamayaa in Gaafow uu ku daray wiil isaga la shaqeeyo si uu ugu dhameeyo Howlaheeda waxaana si degdeg ah loogu hagaajiyay sharciyeenta Baasaboorkeeda halkaasina laga dhoofiyay.

Cumar Shafiiq Xamaami oo ku magac dheera Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa waxa uu Haweeneydaani ka dhalatay guursaday Sanadkii 2003, waxa ayna wadataa Baasaboor Canadian ah.

Haweeneydaani oo halis ku ah Caalamka ayaa waxaa laga sii daayay Xabsiga Dambi-baarista, iyadoo aan la eegin halista ay ku tahay Ammaanka Dowladaha xiriirka la leh Somalia.

Haweeneydani ayaa waxa ay xilligaani usii baxsatay Dalalka Yurubta si ay iyada iyo Carruurteeda oo Labo ah uga bad-baadan Hanjabaado uu u jeediyay Hoggaamiyaha Maleeshiyada Alshabaab Axmed Godane oo isagu aaminsan in Mustaqbalka dambe dhibaateyn karaan Carruurta Al-amriiki ay Haweeneydaasi u dhashay, maadama uu dilay aabihii dhalay.

Dhanka kale, deysmada Haweeneydaani ayaa waxa ay ka turjumeysaa kaalinta DFS ay ku leedahay bar-baarinta Awoodaha Maleeshiyada Alshabaab, iyadoona dayacday kaalinta kaga aadaneyd ciribtirka Alshabaab, inkastoo xubno ka tirsan dowladda lagu tilmaamo inay xiriir wanaagsan la lee yihiin Maleeshiyada Alshabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada