Cali Dhaanto oo ku Kacay Arin Naxdin ku ah Madaxweyne Cabdi Maxamad Cumar.

Cali Dhaanto oo ku Kacay Arin Naxdin ku ah Madaxweyne Cabdi Maxamad Cumar.

daajis.com:-Fanaanka masraxa dhaantada ee shacbiyada badan Cali Dhaanto ayaa markii ugu horeeysay bandhig faneedyadiisa Qaaradda Yurub ka soo muuqday isagoo huwan Calanka halgamaayaasha gobanimadoonka Soomaaliyeed ee ONLF.

Cali Dhaanto oo Jaaliyadda Ogadeniya ee taabacsan ONLF kula shiray Rotterdam wuxuu yiri “Dalkii ku laabasho malahan -ku noolaanshana malaha oo waxa ka jira waad ka warqabtaan hasse yeeshee ,halkaana iskama dhiibi karo,waxaan ka cabsi qabaa in dadkeeyga loo xasuuqo madaxeeyga”
Qurbajoogta ONLF qaarkood waxay Cali Dhaanto ku tuhmayaan inuu yahay Sarkaal ka tirsan Nabadsugida DDSI hasse yeeshee waxaa dhici karta inuu yahay shaqsi Somalinimada ku weyn tahay.

Cali Dhaanto waxaa lagu tilmaami karaa dhibane Faneed u dhaxeeya Jabhada ONLF iyo Gumeeysi raaca ismaamul goboleedka DDSI ee Cabdi Ileey.

Cali Dhaanto hadii uu diido inuu huwada Calanka Jabhada gobanimadoonka ONLF wuxuu luminayaa kalsoonidii shacabka ,oo waxaa dhici karta in masraxa laga tuuro ama lagu yiraa XABASHIDA U HEES ,sidoo kale hadii uu fulin waayo rabitaanka DDSI Ethiopia waxaa macquula in Xabsi dheer loo diro.

Sikastaba ha ahaatee waxaa lagu tilmaami karaa AWR NIN GURANI RAACAY DHANA UMA FIYOOBA,WAXAASE DHABA INUU FANKIISA HORUMAR BALAARAN KU SAMEEYAY.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada