Daawo Sawirada:- Kooxda Daacish oo Gowracday Wariye u dhashayu Dalka Mareykanka oo gacanta ugu jiray

Daawo Sawirada:- Kooxda Daacish oo Gowracday Wariye u dhashayu Dalka Mareykanka oo gacanta ugu jiray

daajis.com:-Xoogaga Islaamiyiinta ee ka dagaalama Dalalka Ciraaq iyo Siiriya ee Daacish ayaa qoorta ka jaray Wariye u dhashay Dalka Mareykanka ay ku qafaasheen Dalka Siiriya bishii November ee sanadii 2012-kii xili uu wartabin halkaasi u joogay.

Kooxda Daacish ayaa baraha ay Internetka ka adeegsato waxa ay kusoo bandhigtay Muuqaal muujinaya iyaga oo Gowracaya Wariye James Wright Foley oo u dhashay Dalka Mareykanka kaa oo in mudo ah gacanta ugu jiray Kooxdaasi.

Muuqaalka ay soo bandhigtay Kooxda Daacish ayaa muujinaya Wariye James Wright Foley oo aqrinaya bayaan kahor inta aan la Gowricin , waxa uuna bayaankaasi ku sheegay in Dilkiisa ay sabab u tahay Dowlada Mareykanka.

Xoogaga Daacish ayaa sheegay in tilaabadan ay ku dileen Wariyaha Mareykanka in ay jawaab cad u tahay faragalinta ay Dowlada Mareykanka ku sameesay Dagaalada kasocda Dalka Ciraaq , waxa ay Mareykanka uga digeen joojinta faragalinta uu wado.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada