Badda Soomaaliya oo balaayo cusub laga sheegayo, si loo baneysto boobka

Badda Soomaaliya oo balaayo cusub laga sheegayo, si loo baneysto boobka

daajis.com:-Burcad badeedii laga sheegi jirey xeebaha Soomaaliya waa ay dhamaadeen, sidaasi darteed maraakiibta shisheeye ee tirada badan ee xeebaha Soomaaliya ku sugan ayaanan garan la’ wax ay qabtaan, waxayna haatan samaysanayaan shaqo cusub oo ay meesha kusii joogaan.

daroogo
Waxaa dhawaanahan soo baxaya warar sheegaya in daroogo aad u badan ay xeebaha Soomaaliya ku qabteen maraakiibta shisheeye, waana arrin si joogto isu soo taraya, kaasi oo aanan horey looga baran xeebaha Soomaaliya.

Saacidihii ugu dambeeyey ciidamada Australia ee ku sugan badda Soomaaliya waxa ay sheegeen in ay qabteen daroogo dhan lix tan , taasi oo lagu qiimeeyey $260 malyuun oo doolar.

Horey waxaa u jirey daroogo tan oo kale ah oo ay qabteen ciidamada Kenya iyo kuwa kale oo shisheeye ah.

Maraakiibtani shisheeye ayaa waxaa ka dhamaanaya waqtiga ay sii joogi karaan xeebaha Soomaaliya, sidaasi darteed waa in la helaa sabab kale oo xeebaha Soomaaliya lagu sii joogaa sida ay qabaan dad kala duwan oo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa ciidamada shisheeye ee xeebaha Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada