Daawo:- Film cusub oo Soomaali ay jishay oo ka yaabiyay caalamka

Daawo:- Film cusub oo Soomaali ay jishay oo ka yaabiyay caalamka

daajis.com:-Muuqaal kooban oo soconaya daqiiqado yar ayaa noqday mid indhaha caalamka soo jiita, kaasi oo laga jilay arimaha burcad badeeda Soomaalida iyo qaabka ay ku afduubtaan maraakiibta.

Waxaa la sheegay in muuqaalkani horudhac u yahay filim xiiso leh oo dhawaan isagoo dhameystiran soo bixi doona, waxaana loogu magac darey ”Fishing without Nets” oo macnaheedu yahay (Kalluumeysiga shabaq la’aanta ah).

Waxaa filimkan soo saaraya isla markaana hirgelinaya xarunta aflaamta iyo fanka ku caan baxdey ee HOLLYWOOD, lamase oga goorta uu soo bixi doono Filimka Fishing Without Nets oo dhameystiran.



Muuqaalkan kooban oo ah mid ay jilayaal Soomaali ahi hormuud ka yihin ayaa laga dareemayaa in xirfad aad u weyn iyo farsamo caalami ah la geliyay, waxeyna noqonayaa filimkii labaad ee caalami ah ee laga sameeyo burcad badeeda Soomaalida kadib Captain Philips.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada