Daawo Sawirada:- Kunteenaro walxo qarxo ah oo DEKEDDA MUQDISHO lagu qabtay iyo shirkad caan oo lagu dheggan yahay

Daawo Sawirada:- Kunteenaro walxo qarxo ah oo DEKEDDA MUQDISHO lagu qabtay iyo shirkad caan oo lagu dheggan yahay

daajis.com:-  Ciidamada booliska ee dekadda ka howlgalla ayaa gacanta ku dhigay kunteenar ay ku jiraan waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada iyo qalabka ay isticmaalaan ciidamada, iyadoo la qabtay xilli la isku dayay in qalabkaasi dekadda laga bixiyo.

Taliyaha saldhigga booliska dekadda Muqdisho Gaashaanle sare Maxamed Cabdi Eeboow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xubin ka tirsan ciidanka ilaaalada canshuuraha uu qabtay kunteenarkan xilli ay ku guda jirtay kormeer ay ku smaeyneysay qalabka dekadda la soo geliyo iyo kuwa ka baxaya.

Wasiirka Amniga Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg oo gaaray dekadda Muqdisho ayaa sheegay in dadaal ay sameeyeen ciidamada amniga lagu guuleystay in la qabto kunteenarka, isagoo intaa ku daray in guddi baaritaanno dheeri ah sameeya ay u saareen, si loo ogaado cidda dalka soo gelisay.

Sidoo kale saraakiisha hay’adda Nabad sugidda ayaa sheegay inay baaritaanno ku hayaan mas’uuliyadda shirkadda BIL, oo ka mid ah shirkadaha Muqdisho oo ay u rarneyd qalabka la qabtay.

Kunteenarka ayaa waxaa ku jiray dhar, kabo milateri iyo qalab magned ah oo fududeeynaya waxyaabaha qarxa, waxaana wararka qaar ay tilmaamayaan in markabka siday kunteenarkan uu ka yimid dalka Shiinaha, isla markaana dekadda Muqdisho ku soo xirtay 22-kii bishaan gacantana lagu dhigay qofkii uu u rarnaa badeecadaan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada