Dowladda Soomaaliya oo wadahadal la galaysa qaa ka tirsan masuuliyiinta Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya oo wadahadal la galaysa qaa ka tirsan masuuliyiinta Al-Shabaab


daajis.com:-Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay shaacisay in ay wada hadal la furanayso xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab o ay ku sheegtay qunyar socod doonaya in ay nabad qaataan kana soo baxaan kooxda Al-Shabaab.


Ra'iisul wasaaraha Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe cusub oo xubno ka tirsan Al-shabaab ay uga soo baxayaan kooxda oo dagaal ka wada gudaha Soomaaliya.

 
Wargeyska The EastAfrican kasoo baxa Kenya ayaa warkan  shaaciyay isagoo  waraystay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko.
 
“Waxaanu wadahadallo aan rasmi ahayn la furnay qun-yar-socodka Al-shabaab ka mid ah oo doonaya inay qayb ka qaataan xalka Soomaaliya oo ay joojiyaan dhibaatada. Dhanka kale, ma doonayno inaan la hadalno kuwa uu qorshahoodu yahay inay dadka uun dilaan,” ayuu yidhi  danjire Ameeriko.
 
Dawladda Somaaliya,ayaan faah faahin badan ka bixin Xubnaha ay wada hadlayaan kuwa ay yihiin iyo derajada ay ku dhex leeyihiin kooxda Al-Shabaab,goorat uu wada hadalku u furmayo iyo goobta lagu wada hadlayo iyo in ay jiraan gacan sadexaad oo wada hadalkooda ka shaqaysy ama isu keenaysa.
 
Waa markii ugu horraysay ee masuul sare oo  ka tirsan dawladda Soomaaliya uu si cad u sheego in ay wadahal la leeyuihiin  xubno ka tirsan koxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dawladda Soomaaliya iyo ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.
 
Waxaa hore gacanta dawladda isugu soo dhiibay Xasan Daahir Aways oo ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaab oo amrkii uu dawladda isku dhiibay la xidhay illaa imikana  la aaminsan yahay in uu ku xidhan yahay mid ka mid ah xarumaha sirdoonka Soomaaliya ee Muqdisho,halka la sheegay in uu fashilmay isku day uu doonayay in uu dawladda wada hadal kula bilaabo Mukhtaar Roobow oo ka goostay kooxda Al-Shabaab   ka dib markii ay isku dhaceen Hoggaamiyihii Al-Shabaab ee la dilay.
 
Waxaanu warka sheegaya in xubno ka mid ah Al-Shabaab iyo Dawladda Muqdisho in wada hadal u socdaa ay soo baxday bil ka dib  dilkii hoggaamiyihii kooxda Al-Shabaab ,hadday tallaabadani ay rumado oo ay u suura gasho dawladda Soomaaliya in ay soo jiidato xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab isla markaana ay ka soo baxaan waxay noqonaysa tallaabo kale oo ay dawladda Xamar ku wiiqday kooxda Al-Shabaab oo ay horena uga qabsatay magaalooyin badan oo ay awood ku lahaayeen oo ay ugu weynen magaalo xeebeedda Baraawe oo xuddun u ahayd kooxda Al-Shaabaab


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada