Hogaamiye muhiim u ah Al-Shabaab oo gacanta lagu soo dhigay (Magaciisa)

Hogaamiye muhiim u ah Al-Shabaab oo gacanta lagu soo dhigay (Magaciisa)

daajis.com:-Boliska Degmadda Mwingi ee dalka Kenya ayaa shalay sheegay inay gacanta ku dhigeen mid  ka mid ah Eedeysanayaasha ugu baadi-goobka badan dalkaasi.

Wargeyska The Daily Nation ayaa sheegay inay Boliska sheegeen inay gacanta ku dhigeen Eedeysanahaasi oo magaciisa lagu sheegay Mohamed Abdiwahab, kaasi oo ay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka iyo Boliska La-dagaalanka Argagixisadda ku raad-joogeen, lana socdeen dhaqdhaqaaqiisa.

Eedeysanahaasi oo la socday gaari noociisu ahaa Toyota Land Cruiser ayaa la sheegay in lagu qabtay jidgooyo ama Kontorool ay Boliska dhigteen Degmadda Mwingi, xilli uu ku sii jeeday magaalladda Nairobi.

Madaxa Boliska Degmadda Mwingi, Gerald Barasa ayaa sheegay inayqabashadda ninkaasi la kaashadeen Boliska magaalladda Garisa oo iyagu soo gudbiyey warbixinta horseeday qabashadaiisa.

Wargeyska waxa uu tilmaamay in Eedeysanaha lagu wareejiyey Boliska La-dagaalanka Argagixisadda ee Garisa, si ay baaritaanno kale ugu sameeyaan.

Dhinaca kale, Milliteriga Kenya waxay toddobaadkii hore toogteen 5 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab, xilli ay dalka Kenya la soo geli lahaayeen Garai Pick Up ah oo laga soo buuxiyey 100-Kiilo oo waxyaabaha qarxo ahaa.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu ku eedeeyey Dowladdo uusan magacaabin inay dhiirigeliyaan Dhallinyarradda Kenya si ay Xag-jirayaal u noqdaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada