Layaab:- Gabar bikro nimadeeda u balan qaaday koox Islaamiyiin ah si ay u fuliyaan codsi gaar u ah iyada

Layaab:- Gabar bikro nimadeeda u balan qaaday koox Islaamiyiin ah si ay u fuliyaan codsi gaar u ah iyada

daajis.com:- Fanaanad Nigerian ah oo lagu magacaabo Adokiye ayaa sameysay yabooh yaab badan oo ay u dirtay kooxda Bokko Haram ee afduubka u heysta gabdho da’yar oo Nigerian ah.

Gabdhan fanaanada ah ayaa sida uu qorayo wargeyska Daily Mail waxa ay balan qaadey in ay kooxda Bokko Haram ugu deeqeyso bikro nimadeeda hadii ay taasi bedelkeeda soo deynayaan gabdhaha yar yar ee ay afduubka u heystaan.


” Xiligan waa 11 habeennimo, ma ogtahay waxa aan ka fikirayo? waa gabdhahaas yaryar, halka ay ku sugan yihiin iyo waxa haatan laga yaabo in ay ku dhacayaan” ayey fanaanadani tiri ayadoo u warameysay Vanguard.

Waxa ay intaas kusii dartey ” Waa cadaalad daro, waa gabdho aad u yaryar, waxaan rajeyn lahaa in aan nafteyda siiyo kooxdaas si ay usoo daayaan” Ayadoo hadalkeeda sii wadata ayey markale tiri ”’ Waa gabdho u dhaxeeya 12 jir ilaa 15, waan ka weynahay, waana ka qibrad badanahay iyaga, balse hadii xitaa 10 nin ilaa 12 nin ay habeen walba i qaabilaan (ii galmoodaan) waxba uma arkeen, si uun loo soo daayo gabdhahaas”


Bokko Haram waa maleeshiyo dalka Nigeria ka wada dagaal islaami ah oo ay ku doonayaan dowlad islaami ah oo halkaas ka arimisa, waxa ayna 14kii April dugsi dhexe ka qafaasheen gabdho kor u dhaafaya 275 oo xiligaas imtixaan u fadhiyay, qaarkood waxaa usuura gashay inay xuriyadooda helaan, balse ilaa iyo iminka waxaa gacanta Bokko Haram ku jira gabdho 200 gaaraya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada