Sheekh Max’ed Idiris oo ka sheekeynaya qiso Amakaag leh oo gabar Somali ah ku dhacdey

Sheekh Max’ed Idiris oo ka sheekeynaya qiso Amakaag leh oo gabar Somali ah ku dhacdey

daajis.com:- Sheekh Salaan Ka dib, waxaan jeclaystay qisa yar oo igu dhacday inaan kula wadaago, su’aalna ku weydiiyo si aad tala iiga siisid..

Waxaan ahaa gabar da’ yar, Afrika ayaan joogay reerkeenna ayaan la noolaa, hammiga gabar walba oo gashaanti noqota ku jira iney guri iyo reer iyo caruur yeelato waa igu jirey, si fiicanna waa la ii barbaariyey.. Laakiin wax sheeka ah oo aan qof la yeeshay oo xagga guurka ah ma jirin..

Wax arrinku sidaas ahaado, aniguna aan riyooyinka gabdhuhu dhistaan sida uu mustaqbalka quruxda badan noqon doono ku jira, waxaa reerkayaga iga soo doonay nin oday ah oo aad iiga da’ weyn.. wax dariiqayga soo tusay mooyaane, calaf iyo qadar ilaahay baa meesha ka socotey.. Reerkii ayaa igu daray.. nin aan horay u aqaaney ama dabeecadihiisa dhuuxay ma ahayn.. Laakiin maadaama reerku igu dareen waan qaatay.

Ninku Yurub ayuu ka yimi.. shilimaadkiisana waa wataa.

Aroos ayaa la iigu dalaq siiyey.. Ayaamaha hore orod bay nagu mareen.. durba uur ayaan yeeshay.. Gabar ayaan dhalay Ilaahay fadligiisa nagu siiyey..Odaygii Dabcigiisa waa is bedeley. wuuna dhoofaa, waana yimaadaa..Wuxuu igu yiri: Gabar Kale Hadaad Dhasho Waan Ku Furayaa!! Subxaanallaahiyi Ma Anigaa gabar iyo wiil gacanta ku haya!! Kan Khayrka lehse Ilaahay uun baa oge, miyuu isagu ogyahay!! yaabay oo ashqaraaray!! Walaalow dad ayaan mid naba haysane Maad Ilaahay ku mahadisid.. iyo Naagyahay warkaaga ma rabee, waan kuu sheegay.

hadaladaas iyo kuwa la mid ah ayuu mar walba igu soo cel celiyaa.


Maqaadiirta Ilaahay Waxaan dhalay gabadhii Labaad. Markuu maqlay ayuu biilkii naga goostay! reerkayga ayaa maqlay, waa nala kala dhex galay, laakiin calafkii meeshaas ayuu ku dhamaaday..Hooyaday ayaan la degey khayr Allaha siiyee, waxaanan bilaabay inaan shaqeeyo si aan caruurtayda u korsado, Alxamdulilaah xoogaa ayey soo koreen.. Laakiin sheekhow buufis dhoof ayaa i galay..Caruurtii maadaama ay xoogaa roonaadeen hooyo ayaan ku dhaafay waanan soo dhoofay oo weli meel shishe ma gaarin.

Markuu maqlay in aan baxayo ilmihiina ey yar koreen ayuu isoo raadiyey waxuuna igu yiri: isii ilmaheyga! ana waan didey, waxaa kaloo aan u diday in u arko aragtidoda ee sheeqow maku saxsanahay misee waa qalad? Taas weeye Su’aashayda iyo wixii Tala ah inaad i siisid?

Gabadhaas Walaasheena Waxaan iri:
Adeer Ilaahay Tawfiiqda hana waafajiyo Adiga iyo inta gabdhaha dhib soo marana ilaahay dhibka ha ka qaado, gabari wax la xumeeyo maaha, wax mus lagu tuurana maaha, wax mugdi iyo meelaan la garanayn lagu sii daayana ma mudna.. Waa ukun yaroo sida Jawharada luulka loo baahan yahay in meel dhawrsan oo dugaal ah lagu hayo.

Guurka deg degga badanaaba ku dhaca ee ragga iyo dumarka Yurub ama galbeedka ka yimaada, xoogaana guntiga ku sita, dhalinta Afrika joogta ee fursad raadiskaana uga faa’iidaysta marar badan ma daaho, sababtuna waa marka hore oo aanu luga badan ku taagnayn.. Kuwa ilaahay u barakeeyo oo niyadoodu marka horaba wanaagsantahay, rag iyo dumarba, oo calaf doon ah, wixii ilaahay siiyana iimaansada oo guurku masuuliyadda iyo culayska uu leeyahay qaadana wey jiraan.

Yeel kaderde Odaygu wanaag ma samayn haduu biilkii yaraa goostay, inu gabar dhalideeda kugu ceebeeyana waa arrimihihii Jaahilayada ka haray, isaga ayey ahayd inuu isku ceebeeyo illeen isagey ka timi oo amaanadii laguu dhiibtey ayaad adigu weelaysay..Gabdhuhuu shalay ka tegey oo dayacay iyagoo yar yar ah, maanta inuu yiraahdo isii, xaq uma laha, ilmahana hadey gaaraan wax kala sooc waa la kala

dooransiiyaa, inta ay yar yihiinna hooyadaa iska leh hayntooda haddaaney guursan, heshiis iyo is af garadna meeshii wanaag yaallo waa mid u bannaan labada waalid waana sida wanaagsan..laakiin midna aragtida in loo diido maaha, adigu waad ka doodi kartaa inaan ilmaha lagaa qaadan, laakiin inuu arko ilmaha ha u diidin, adigana haduu isagu haysto laguuma diidi karo, waxaana wanaagsan sidii maslaxada ilmuhu tahay inaad ku dadaashaan labadiinuba oo aydaan isku canaadin ilmuhuna dhexdiina ku dhiman.. Odagana in La xusuusiyo weeye, dayacaaddii uu sameeyey sanadaha lasoo dhaafay, haduu gudi karo qayb ka mid ahna isagey u fiican tahay.

Taasina waxaa laga yaabaa iney adigana safarta iyo buufiska dhoofka kaa furato, ilmahaagana aad u noqoto oo halkaaga risiqa ilaahay ka raadsato, ilmahaagana berri aaney oran ama dareemin aabena markii horuu na nacay, hooyana markii dambey naga danaysatay, walaal safartaas, weli waxaan filayaa inaadan meel fog gaarin sidaad sheegtaye, waxaan kugu la talin lahaa inaad isakaga noqoto, buufisna Ilaahay nama buufiyee, waa cudur marar badan ku dhamaada qofku inuu meel silic ku dhinto, haduu badbaadana rafaad badan iyo silic iyo dembigii oo u dheer, iyo xanuun maskaxeed oo aanu la shaqaysan karin kama boxo..Khayr ayaan kuu rajaynayaa wabillaahi tawfiiq.

Waxaa Qoray:Shiikh Maxamed Idir

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada