Soomaalida ku nool Addis Ababa oo xaalad cakiran soo wajahday

Soomaalida ku nool Addis Ababa oo xaalad cakiran soo wajahday

daajis.com:- Maalmo ka hor ayaa Digniin kasoo baxday Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa waxaa lagu sheegay in weeraro Argagixiso oo al-shabaab qorsheysay in ay kusoo wajahan yihiin goobaha ay dadka ku badan yihiin iyo meelaha cibaadada Kaniisadaha ee xaafadaha Bole.

Iyaddoo digniintaasi laga duulayo ayaa ciidamo fara badan oo ka tiran laamaha amaanka Itoobiya waxaa lasoo dhigay xaafadaha ay ku badan yihiin Soomaalida ee Bole iyo degmooyinka kale.

Sida uu daajis.com u xaqiijiyay goob jooge ku sugan xaafada Bole, ayaa wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan guryaha kasoo bixin, wixii ay magaalada ugu baahdaana ay u soo dirsadaan qof dumar ah.

Tiro dad ah oo cadadkooda aan la ogeyn ayaa aqriste lasoo xiriiray daajis,  uu sheegay in la xirxiray, kuwaasi oo laga qabtay baararka laga shaaho.

Safaaradda Mareykanka oo warbixin soo saartay Tallaadadii waxay ku fartay muwaadiniinteeda in ay iska soo diiwaan geliyaan waaxda Socotada ama musaafirka ee loo yaqaan Smart Traveler Enrollment Program (STEP) si loo siiyo warbixinada cusub ee dhinaca amaanka iyo sidii loogu fududeyn lahaa qaabka ay ula xiriirayaan Safaaradda.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in aysan si toos ah u ogeyn goobta rasmiga ah ee lala damacsan yahay weeraradaan, hase ahaatee ay tilmaameen in goobaha ay dadka ku badan yihiin ee Hoteelada, goobaha laga adeegto, maqaayadaha, Kaniisadaha iyo meelaha kale ee shacabka ku kulmaan in qorshahoodu yahay argagixisada in la weeraro.

Ciidamada amaanka Itoobiya ayaa marka ay digniin ama cabsi timaada waxay bartilmaameed ka dhigtaan Soomaalida ku nool Addis Ababa.

Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Addis Ababa ayaa iyaduna waxba ka qaban dhibaatada lasoo gudboonaada shacabka Soomaaliyeed ee ay madasho.

Magaalada Addis Ababa oo Kumanaan Soomaaliyeed ku nool ayaa waxaa sanadkii Bishii Novembar ee sanadkii 2013  ka dhacay qarax ay diyaarinayeen labo nin Soomaali ah oo naftooda mid ka mid ah uu ku waayay, halka midka kale la haayo.

Waxaa dhacdadaasi dadkii loo soo qabtay ka mid ah Wariyaha caanka ah ee Boqorka Bartamaha oo lagu xukumay 27 sano xabsi ah, sidoo kale waxaa ka mid ahaa Maxamed Ibraahim oo ka mid ah Soomaalida ganacsiga iyo hantidada ku lahaa Addis Ababa, kaasoo markii danbe xabsiga ku dhex dhintay, lamana oga qaabka uu u dhintay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada