Warbixinta Q/Midoobay oo si weyn loogu eedeyay Madaxweynaha Puntland

Warbixinta Q/Midoobay oo si weyn loogu eedeyay Madaxweynaha Puntland

daajis.com:- Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka arrimaha Somalia iyo Eritrea ‘Monitoring Group’ ayaa warbixintii ay soo saareen waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas inuu xiriir la leeyahay kooxaha burcad badeeda iyo inuu xabsiyada kasii daayay dad gacan ku dhiiglayaal ah isagoo adeegsanaya awoodiisa cafis Madaxweyne, kuwaasi oo isugu jira xubno Al-Shabaab ku lug leh, dad gacan ku dhiiglayaal ah iyo burcad badeed.

Warbixintaan ayaa lagu xusey sida Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Deeq Suleymaan Yusuf xiriir joogto ah uu ula lahaa kooxda baarayaasha QM ‘ UN Monitoring Group’ balse u joogsadey si-lama filaan ah, kooxdaan ayaa soo bandhigtey sida joogtada ah oo ay isugu dayeen iney xiriir la sameeyaan Madaxweynaha Puntland iyo xafiiskiisa iyagoo raadinaya sidii wax la isaga waydiin lahaa dhaqdhaqaaq-yada ururka Al-Shabaab ee Puntland iyo degaanada ka baxsan.

Khabiirrada ka tirsan kooxdaan ayaa ku qiimeeyey Afar xaladood iney sabab u tahay inuu kordho dhaqdhaqaaqa kooxda Al-Shabaab ee Puntland; “Qabo oo sii daa” siyaasada ah oo uu Madaxweyne Gaas ku dhaqmayo, niyad jabka ciidamada Puntland, kooxda Al-Shabaab oo laga saarey Koonfurta Somalia iyo aqoonsiga ururka Al-qacida u aqoonsadey hogaamiyaha siyaasada kooxda Al-Shabaab ee Puntland ka dagaalanta.

gaas-pl” Sanadkii la soo dhaafey waxaa la hayaa cadeymo sheegaya in kooxda Al-Shabaab si joogta ah u raadineysay sidii ay u dhexgali laheyd ciidamada Puntland.” Akhri warbixinta ” Puntland kooxda Al-Shabaab waxay kordhiyeen ilaalada ay ku hayaan xarumaha Qaramada Midoobey islamarkaana raadinayaan goobo ay kaga dhuuntaan ciidamada amniga.”


Dilka Taliyihii qaybta gobolka Barri

Kooxda QM u qaabilsan la socoshada cunaqabateynta hubka iyo la dagaalanka argagixisada wadamada Somalia iyo Eritreia ayaa warbixintooda ku sheegey in qofkii diley taliyihii qaybta booliska gobolka Barri Cabdiraxman Cali Cabaas ” AHN” August 4, 2014 magaciisa la oran jirey Maxamad Abuukar Zubeyr uu qabiil ahaan kasoo jeedey midka Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Kooxdaan ayaa sheegtey in ninkaasi cafis Madaxweyne xabsiga kaga soo baxey ama midkamid ah sarakiisha Booliska sii daayey Ciidii Ramadan.

“Madaama uusan cadeyn cidda sii-deysay ‘Maxamad Abuukar’ lakiin wararka laga helayo dad warqab ah ayaa sheegaya inuu xabsiga kaga soo baxey cafis Madaxweyne, ama Booliska sii daayeen 2014.”ayaa warbiixntaan lagu xusey

Waxaa muuqata in Zubeyr uu ka faa’ideysatey maxaabiistii cafiska loo fideyay Eid Al Fitr 2014.

Xirrirka burcad badeedka

Kooxda UN ayaa warbixntooda ku sheegey inuu jiro xiriirka u dhexeeya Madaxweynaha Puntland iyo ugu yaraan Labo qof oo burcad badeed ka tirsan kuwaasoo la kala yiraahdo Cabdiqani Dirie Cabdille iyo Axmad Dirie Cabdille.

Labaadan qof ayaa warbixintaanu sheegeysaa in bartooda Facebook soo dhigeen sawiro cadeynaya xiriirkooda.

Dirie oo loo yaqaan luga Dheere ayaa kooxdaan baarayaasha sheegeen inuu daganaan jirey dalka Imaaraadka Carabta islamarkaana haysto Passaport Ethiopian ah.

Cafis u fidin

Warbixintaan ayaa sheegtey in Ciise Yulux oo ah burcad badeed ku dhuumaaleysta xeebaha fog ee gobolka Barri cafis u fidin laheyd dowlada Puntland oo wakiil ka yahay la taliye Cabdulahi Ciid.

” March 2014, Ciise Yulux waxaa uu saxaafada u sheegey inuu ka baxay burcad badeednimadii islamarkaana dowlada Puntland cafis siisey”, heshiiskaan ayaa waxaa ka shaqeeyey Cabdulahi Ciid oo ah la taliyaha Madaxweynaha Puntland xaga arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada