Daawo:- Muuqaalada 28 Masiixiyiin oo Al-Shabaab ku leysay Mandhere

Daawo:- Muuqaalada 28 Masiixiyiin oo Al-Shabaab ku leysay Mandhere

daajis.com:- Dhacdadaan ayaa noqotay mid argagax leh oo abuuri karto cadaawad hor leh, waxayna dadka la laayay dhamaantood ahaayeen Masiixiyiin u dhashay dalka Kenya xili ay kasoo baxeen degmada Mandheere ee gobolka Waqooyi Bari Kenya xili uu marayay deegaanka Cumar Jilacow.

Maliishiyada falkan foosha xun geysatay ayaa waxay dadka kala degayeen gaariga Buska ah ee ay saarnaayeen, iyagoo kala soocayay dadka Muslimka ah iyo kuwo Masiixiga ah oo ay dilayeen.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, waxaana uu ku tilmaamtay mid ay ugu aargudayaan Muslimiinta Mombasa lagu dhibaateynayo.

Tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda gudaha Somalia u galeen sanadkii 2011, waxaa gudaha Kenya kusoo badanayay falalka amaan darada ee ay geysanayaan Al-Shabaab oo jawaab ugu dhigayay faragelinta ay ku hayso Somalia.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada