Sheekh Cali Dheere:- oo ka hadlay Weerar Dad badan lagu laayay oo maanta ka dhacay Gudaha Dalka Kenya

Sheekh Cali Dheere:- oo ka hadlay Weerar Dad badan lagu laayay oo maanta ka dhacay Gudaha Dalka Kenya

daajis.com:- Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage(Cali Dheere) ayaa war kasoo saaray Weerar dad badan lagu laayay oo saakay aroor hore ka dhacay Duleedka Magaalada Mandheere Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xarakada Al Shabaab oo uuna ku saxiixnaa Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere ayaa lagu sheegay in Shabaab ay masuul ka ahaayeen weerarkii saakay ka dhacay Dalkaasi .

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in aysan Kenya uga hari doonin gummaad uu uu sheegay in ay ku hayaan muslimiinta dhulka xeebaha Kenya kunool iyo Dhibaatooyinka ay gudaha Soomaaliya ka geesanayaan Ciidamada Kenya kasocda.

Warkan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Weerarkii saakay dhacay uu yahay mid fariin loogu dirayo Shacabka iyo Dowlada Kenya, waxa ayna Shabaab ku hanjabeen in ay u aargudi doonaan Dadka Muslimiinta ah ee dhibaateenayaan Ciidamada Kenya.


Hadalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa imaanaya xili saakay aroor hore Duleedka Magaalada Mandeera lagu dilay 28-qof oo Kenyan ah, kuwaa oo lagala dagay bas ay saarnaayee xili ay kusii jeedeen Magaakada Naiarobi ee Caasmada Dalka Kenya, waxaana dilkaasi fuliyay dagaalyahano katirsan Shabaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada