Wafdigii ugu ballaarnaa Midowga Yurub oo booqday S/landi: Sawirro

Wafdigii ugu ballaarnaa Midowga Yurub oo booqday S/landi: Sawirro

daajis.com:- Wafdi ballaaran oo ka koobnaa 21 xubnood oo ka socday dalalka Midowga Yurub ayaa booqasho ku tegay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, kuwaasi oo kulamo la qaatay Madaxweynaha Somaliland iyo golahiisa xukuumadda.

Wafdigan ayaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay inay la xiriirto indha indheyn iyo qiimeyn ay ku sameynayaan xasiloonida iyo maamulka ka jira Somaliland, iyadoo shir albaabada u xeran ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo golahiisa xukuumadda.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Axmed Biixi Yoonis ayaa markii uu kullankaasi soo dhamaaday saxaafadda ugu warbixiyay waxyaabihii ay isla soo qaadeen iyo ujeedada socdaalka wafdigan ballaaran, isagoo sheegay in ujeedada socdaalka wafdigan inay tahay sidii ay u fiirin lahaayeen xaalada amaan, horumarka ka jira Somaliland iyo sidii ay waxtar ugu geysan lahaayeen, sidoo kale waxay ka wada hadleen kaalinta Somaliland ay kaga jirto la dagaalanka burcad badeeda iyo xaluufinta lagu haayo qeyraadka xeebaha Somaliland ku jira.

Wafdigan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee Somaliland yimaada inta la og yahay oo ka socda dalalka Midowga Yurub la isku yiraahdo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada