Booliiska Malta oo baaraya meydka gabar Soomaali ah oo ku geeriyootey dalkaasi(Daawo Sawirka Gabadhaasi)

Booliiska Malta oo baaraya meydka gabar Soomaali ah oo ku geeriyootey dalkaasi(Daawo Sawirka Gabadhaasi)

daajis.com:- Guddoon Cabdulaahi Xasan waxay ahayd gabar yar oo muhaajir ah, dadeeduna 18-jir oo ah muwaadin Soomaali ah, waxay ku geeriyootey Jaziiradda Malta 6-dii bishan December ee 2014, kaddib markii ay kasoo dhacday dhismaha afaraad ee guri dabaq ah oo ay daganayd kuna yaaley xaafada Marsaskala.

Guddoon waxay timid Malta 28-ka bishii August ee sanadkii 2013 waxayna la socotay doon ay saarnaayeen in kabadan 125 qof oo muhaajiriin ah, kaddib safar badda ah oo qaatay afar maalin, markii ay timid Malta waxaa la geeyey iyada iyo muhaajiriintii kale ee ay la socotay xabsiga xiran ee Detention –ka waxayna ku jirtay halkaasi mudo afar bilood ah waxayna la kulantay wareer iyo murugo intii ay ku jirtay Detenshinka.

Guddoon xiligaasi waxay jirtay 17-sano mana aysan qaan gaarin marka loo fiiriyo sharciga dalka Malta, markii ay heshey xuriyadeeda waxaa la geeyey xero ay kunoolyihiin gabdho aan qaan gaarin oo ku dhexyaal xirada qaxootiga ee Hal-far.



Saddex bilood kaddib markii ay gaartay da’da qaan gaarka ee 18-jirka ee marka loo eego kan Dalka Malta waxay codsatay qaabilaad magan gelyonimo in ay hesho waxaana waraysi la yeehsey guddiga qaxootiga Malta kadib waxaa la siiyey sharci ay ku joogta dalka oo aan dhamaystirneen, waxaana loo ogolaaday in ay ka guuri karto kaamkii ay daganayd oo ay ku biiri karto saaxiibadeeda si ay ula wadaagto guri ay wada kiraysanayeen oo ku yaala xaafada Marsaskala ee jaziiraddani Malta.

Guddoon waxay kasoo jeedaa qoys faqiir ah, aabaheedna wuxuu dhintay 2013-kii geerida aabaheed kaddib waxay isaga soo tagtay Soomaaliya, bishii September ee sanadkan 2014-kana waxaa geeriyootay walaasheed iyada ka yar, waxaana la dhashay Gudoon 7-caruur ah oo iyadu ka yar yar, qoyskeedu waxay kasugayaa caawimaad, lacagta ay kusoo gashay safarka tahriibtana waxaa soo amaahday hooyadeed oo isla hayd waxaad iska bixin doontaan lacagta deenta marka ay gabadhiina idin soo shaqayso.

Nasiib wanaag ma aysan rumoowin riyadii Gudoon hooyadeed maxaa yeeley way geeriyootey gabadheeda, hadda Guddoon hooyadeed waxay kujirtaa cisbitaal waxaana lasoo darsay xanuun markii ay maqashay in gabadheedu ay ku geeriyootay.

Asxaabtii ay la nooleyd Gudoon waxay noo sheegeen in ay u sababeynayaan geerideeda xaalado adag oo dhanka nolasha ah iyo niyad jab lasoo darsay iyada sidoo kalena waxay xuseen dhalinyaradu in ay xanuunsan jirtay, taasoo sabab u noqon karta in ay kasoo dhacdo dabaqa afaraad ee ay daganayd.

Meydka Guddoon wali lama aasin oo wuxuu kujiraa talaagada cisbitaalka Mater Dei ee caasimada Valletta, shacabka Soomaaliyeed ee kunool Malta waxay iska aruuriyeen lacago qaaraan ah si loo aaso meydka gabadhani laakiin waxaa wali baaritaano ku aadan waxa sababay geerida gabadhani wada booliiska, iyadoo aan wali la ogayn sababta dhabta ah ee ay kaga soo dhaacday Gudoon dabaq afaraad ee gurigii ay daganayd.

By: Ahmed Somali

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada