Boqorkii Sucuudi Carabiya "Boqor Cabdallah" oo xalay saq dhexe geeriyooday

Boqorkii Sucuudi Carabiya "Boqor Cabdallah" oo xalay saq dhexe geeriyooday

daajis.com:- Saraakiil ka tirsan boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaaciyay in boqor Cabdallah Bin Cabdulcasiis uu ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Riyaadh, halkaa oo tan iyo bishii December looga daweynayay xanuunka oof wareenka ama kolba aaryo.


Da`diisa ayaa lagu sheegay sagaashan sano jir, waxaa dhaxlay walaalkii ay isku aabaha yihiin oo lagu magacaabo Salmaan.

Boqor Cabdalla ayaa xukunka la wareegay sanadkii 2005-tii, kaddib markii uu geeriyooday walaalkii ay isku aabaha ahaayeen boqor Fahad.

Boqor Cabdalla ayaa isbedello dhowr ah ku sameeyay Sacuudi Carabiya, waxaana ka mid ahaa in uu haweenka dalkaasi u ogolaaday in ay codkooda dhiiban karaan xilliyada doorashada, iyo isbedello ku aaddan booliska dalkaasi.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada