Faah-faahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa weerarkii lagu qaaday hotelka SYL: SAWIRRO

Faah-faahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa weerarkii lagu qaaday hotelka SYL: SAWIRRO

daajis.com:- Faah faahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday Hotelka STL ee ku yaal agagaarka xarunta Madaxtooyada, halkaasi oo ay ku sugnaayeen wafdi ka socday dowladda Turkiga oo hordhac u ahaa Madaxweynaha Turkiga oo beri kusoo wajahan Muqdisho.



Inta la ogyahay saddex qof oo laba booliis ah ayaa ku dhintay iyo qofkii weerarka fuliyay, waxaana ku dhaawacmay laba qof kale.

Qaraxan oo loo adeegaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa wuxuu ku dhacay albaabka hore ee hoteelka, weerarkaasi oo ahaa mid fashilmay, ayaan jirin khasaare soo gaaray wafdiga Turkiga oo xiligaasi ka shirayay soo dhoweynta beri loo sameynayo Madaxweynaha Turkiga.


balse ay badbaadeen wafdigii ka socday Turkiga oo hoteelkaas ku lahaa shir xilliga uu qaraxu dhacayay.

Hadaba waxaan halkan idinkugu soo gudbin doonaa Sawiro hordhac ah oo aan ka helnay Qaraxa ka dhacay afaafka hore ee Hotel SYL.

Hotelka la weeraray ayaa waxaa 10-kii bishan ka dhacay shirkii wasiirada arrimaha dibada IGAD, iyadoo labadii maalmood ee u dambeeyay la dejinayay Saraakiil Turkish ah oo u gogol xaarayay imaanshaha Madaxweynaha Turkiga.


Qaraxan ismiidaaminta ayaa ku soo beegmay, xilli ammaanka magaalada Muqdisho si aad ah loo adkeeyay, iyadoo magaalada uu ka jiro diyaar garow ku aadan soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha Turkiga ee berri imaanaya, waxaana wadooyinka la suray Calamada Turkiga iyo Soomaaliya.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada