Al-Shabaab oo fagaare ku yaal Diinsoor ku toogatay Sixiroole

Al-Shabaab oo fagaare ku yaal Diinsoor ku toogatay Sixiroole

daajis.com:- Maliishiyo ka trsan ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaal degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ku toogtay nin ay ku eedeeyeen inuu ahaa Sixiroole.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Macallin C/qaadir Sheekh ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay maliishiyo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana qaadigii xukunka ku riday uu ka sheegay fagaarihii lagu tooganayay inuu qirtay eedeymaha loo soo jeediyay.


Dadweyne fara badan ayaa ka soo qeyb galay fagaaraha fulinta xukunka dilka uu ka dhacayay, iyadoo ka hor inta dilka toogashada ah dhicin ka hor dadweynaha ku nool Diinsoor lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan fulinta xukunka.

Xukunkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Al-Shabaab ku fuliso qof lagu soo eedeeyay Sixiroole.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada