Daawo Sawarada: Weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

Daawo Sawarada: Weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

daajis.com:-Ku dhowaad toban ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo galabta lagu qaaday Hotelka caanka ah ee Maka Al-Mukarama.

Hotelkan oo ku yaala wadada mashquulka badan ayaa waxaa dega siyaasiyiinta, dadka qurbaha ka yimaada iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Weerarkan oo ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ahaa gaari kuwa dagaalka ee ay Soomaalida u taqaan cabdi bile, kaasoo qoriga uu ka furnaa.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaarigan oo uu waday ruux naftii hure ah lagu dhiftay birta ku hor-gudban albaabka dambe ee hotelka, iyadoo kadib dabley hubeysan ay gudaha u galeen, kuwaasoo toogasho ka geysatay.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in howl galka ay soo gaba gabeeyeen goor sii horeysay oo fiidnimadii ah, kadib markii uu qaatay in ka badan saddex saacadood.

Dad badan oo mas’uuliyiin ay ku jireen ayaa laga soo bad baadiyay Hotelka, qaarkood dabaqa labaad ayay ka soo boodeen.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa howl galka ka qeyb qaatay, kuwaasoo gudaha u galay.

Hotelka Maka Al-Mukarama ayaa saddex goor oo hore waxaa lagu qaaday weeraro aan guuleysan, balse weerarkii maanta ayaa ah mid ka duwanaa weeraradii horay u fashilmay oo ugu dambeeyay kii horaantii bishan ka dhacay banaanka hotelka.











FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada