Daawo Sawirada Nin Caan ku ahaa dhaleeceynta Xagjirnimada oo si xun loogu dilay Dalka Bangaladesh

Daawo Sawirada Nin Caan ku ahaa dhaleeceynta Xagjirnimada oo si xun loogu dilay Dalka Bangaladesh

daajis.com:- Kooxo Islaamiyiin ah ayaa si xun waxa ay ugu dileen Magaalada Dhaka ee Caasimada Dalka Bangaladgesh, nin ku caan baxay inta badan in qolalka wada sheekeesiga Internetka uu ka dhaleeceeyo xagjirnimada diimeed gaar ahaan islaamiyiinta.

Dr Avijit Roy,oo 42-sano jir ah ayaa lagu weeraray gurigiisa, waxaana ninkan guriga ugu dhacay kooxo midiyo iyo hub kale watay kuwaa oo si xun u dilay ninkan kadibna meydkiisa dhulka ku jiiday.

Ninkan ayaa heesta dhalashada Dalka Mareykanka, waxaana loogu dhacay gurigiisa xili uu xaaskiisa la joogay, waxaana la sheegay in raga dilka geestay ay ninkan jar jareen qeybo kamid ah jirkiisa.

Rafida Ahmed oo ah Xaaska uu qabay ninkan lana joogtay xiliga uu dilku dhacayay ninkeeda ayaa isku dayday in ay badbaadiso, hasa ahaatee waxaa iyana waxyeelo gaarsiiyay ragii hubeesnaa ee weerarkaku qaaday.

Masuuliyada dilka Ninkan ku can baxay canbaareynta Xagjirnimada diineed waxaa sheegatay koox la yiraahdo Ansar Bangla 7, waxa ayna kooxdan sheegeen in ninkan ay u beegsadeen dambiyo uu diinta ka galay,waxa ayna intaa raaciyeen in ninkan sidoo kale ay u dileen in uu heesto dhalashada Dalka mareykanka ay ku eedeeyeen in dhibaatooyin ka geesteen dalka Siiriya.

Booliiska Magaalada Dhaka ayaa xiray labo nin oo la tuhmayo in ay ka dambeeyeen falkan dilka ah, waxaana goob joogayaal sheegeen in ninkan xiligii la dilayay ay goobta ka agdhawaayeen Ciidamada amaanka balse la waayay qof usoo gurmata.

Dibad baxyo looga soo horjeeday dilka Dr Avijit Roy , ayaa ka dhacay Magaalada Dhaka ee Caasimada Dalka Bangaladhesh, waxa ayna ku baaqayeen dibad baxayaasha in sharciga la marsiiyo dadkii ka dambeeyay dilkan oo si weyn loo yaqaanay.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada